Friday, July 13, 2012

DOCAALEY


DOCAALEY
Awoodda loogu deeqay aadanaha waxaa ka mid ah tan dareenka. Qofka waxaa loo hibeeyay awood baaxad leh oo uu jirkiisu wax ku dareemo ama ruuxiisu ku dareemo. Waxaa kaloo qofka la sii awoodsiiyay inuu marka uu wax dareemo sida kaarka oo kale astaamo muujiyo. Astaamahaan waa codsi ama dhawaaq gargaar doon ah. Dhawaaqu wuxuu qofka ka yareeyaa cadaadiska nafsaaniga ah oo dhibabka la soo gudboonaaday sameyska jirkiisa ay ku abuureen.  Dadka maanso-yahanka ah iyaga waxaa dheeri loo siiyay awoodda halabuurka oo ay wax ku tusaaleeyaan,  toydaan ama yu’daanba. 
Waxaa hubaal ah in 20kii sanoo la soo dhaafay qofka S/liyeed ee dareenkii abuurriinka ahaa oo fayow leh inuu la kaarayay kadeedka iyo rafaadka la baday naftiisa,  dadkiiisa iyo dalkiisa. Goortii aan erayadaan qoraayey waxaa igu soo dhacaayey warar sheegaya in meelo badan oo dalka ah ay ka socdaan dagaallo lagu hoobtay oo gumaad iyo burburin wata. Waxaa dadkii S/liyeed loo asteeyay inuu noqdo kooxo magacyo kale duwan wata oo si arxandarro ah isu laynaya oo koox walba ku faraxsan tahay shisheeyaha dhabarkeeda taagan. Waxaad mooddaa inay maanka ka maqan tahay in geerida dhinac kasta ay tahay geeri S/liyeed. Waa arrintaan midda nagu riixaysa curinta maansada, waxaana ahaa oraah soojireena; baahidu waa hooyada halabuurka.    
Maantana waa Docaaley; waa mar nabad iyo barwaaqo la joogo oo dad iyo duunyaba la ladan yahay, marna waa abaar hoolaysa dhirta oo daaq iyo wax kaloo xooluhu ku noolaadaan aysan jirin, markaasna dadkii dacdarro la soo gudboonaato. Mar kalana waa colaad ku fidda degelladoo idil oo dadkoo dhan iyo kaabayaasha nolosha dhammaantood baabi’isa. Haddii col iyo cadaawe kuu kulmaanna waa sidaan ka jirta geyiga S/liyeede waa dhib baaxad weyn oo ka mid ah dhibabkii laga ducaysan jiray kuwa uga waaweyn. Allow sahal. Maansadaani waxay soo baxday bishii Maaris 30/dii, 2011 waana:

Adduunyadaan delleganee,  xumuhu daadaayo
Adduunyadaan docdaad aaddo, silica doog mooddo
Adduunyadaan daalimka iyo tuuggu, wada dullaalaayo

Oo dorraad kii horee dhacay, madaxa loo dooran
Oo loo diyaafadinayoo, loo damaashaadi
Oo deeq horloo badan la siin, darajo dheeraada

Aadduunyadaan ninkii daacada, dabinka loo qooli
Oo doqonka shawrkiis la rabo, diricna laga maagi
Oo habaynkii loo soo dusoo, dhiigga laga daadin

Adduunyadaan miskiinkii la dili, loo darraanaayo
Oo danyartiyo carruurtiyo, dumarka loo tookhi
Oo madfacaa dananiyo la marin, daabbad iyo jiibka

Oo diyaaradihii gani laa, laga dul heehaabin
Doc kastoo la joogoo la jiro, degelku qiiqaayo
Oo laga dul maansoonayoo, laga dul geeraari

Oo deeqahoodii la dhigan, daasas-lacageedka
Oo dibirrootiyeyntoodana, loo durbaan tumani
Mar haddii dalkii oo idil, gubato lagu daaray

Mar haddii ay duggaal beeshayo, laga dagaagaayo
Mar haddii dulbaaxdii la nacay, dalawga laga xooray
Oo dalawadii aan jeclaa, dayro laga yeelay

Mar haddii diintiyo aqoontii, lagu dabin qoolaayo
Mar haddii wadaadkii digrigu, dooxataynaayo
Oo uu dhiig daadisiyo rabo, ciduu daqareeyo

Oo uu  macallinkii dugsigu, mallaalnimo doortay
Oo danaysi mooyee wax kale, laga dareeraayo
Dugeyay  dadkii maxaa nolosha, loo dacareeyay

Darxumo iyo ciil maxaa la baday, duunka Soomaali
Diihaalka gaajada maxaan, dibadaha meernay
Dullinnimo iyo ceeb maxaa, nala durduursiiyay

Dabajoog maxaa noo tashiyo, duufle maangaaba
Madax soo dandaanlow muxuu, doobbo kicinaayay
Dugayey maxaa nala ku salliday, belo madaxa duuban

Duullaammadii cadaw maxaa, nala ku soo daayay
Dallacaada dooniyo maxaa, dabato soo miiggan
Sawaabkii darrawgiyo maxaa,  doxore noo taagan

Dibitaati beeniyo maxaa, dalamle noo dhooban
Ha yeeshee waa docaaley waa, labo darleydaase
Waa abaar diiranaysiyo, dil iyo laayaane

Marna waa ladnaan dararaysiyo, duunyadoo dhanqane
Daa’imow adaan magan kuu nahoo, ka dalbanaynnaaye
Eebbow adaan kuu dan sheegnee, diifta naga meeri


Erayada
-        Dellegan: wax u dhimman yihiin, meel la’.
-        Silic: rafaad, saxariir, dhibaato.
-        Diyaafadin: martigelin, soo dhaweyn, xaflad u sameyn.
-        Dabin: farsamooyin kale jaad ah oo ugaarto lagu qabto; halkaan dhagaraha kale duwan ee lagu sameynaayo dadka Soomaaliyeed.
-        Dusid: meel kor ka xiran ama meel duleesha oo foorar lagu maro; halkaan soo dhuummasho, soo gaatamid.
-        Tookh: ammaan, faan, dhood.
-        Danan: ciga fardaha; halkaan ciga xabbadaha.
-        Daabbad: neef xoolo ah oo la rarto; halkaan taangiga dagaalka.
-        Qool: xarig il leh oo xoolaha qoorta loo suro, qoolis waa falka naflaha lagu xakameeyo ama lagu dabo.
-        Shawr: hadal si gooniya qof loogu sheego ama si qarsoon loola yeesho, faq.
-        Dulheehaab: korka heehaaba ama duula amaba sabbeeya.
-        Degel: halkii la dego ama dalkii lag deggan yahay raadka ku hara; halkaan dalkii Soomaaliya waxyaalihii noolasha kaabayay ee laga sameeyay.
-        Dulmaansood: maanso laga dultirinaayo meeyadadka iyo burburka; halkaan erayada sida joogtada ah looga tiraabo wartebinta ee dil dad S/liyeed looga faano.
-        Dulgeeraar: geeraarro laga dultiriyo falalka bi’inta iyo gawraca dadka S/liyeed.
-        Daasas-Lacageed:  Dukaan-lacageed waxaa loo jeedaa bangiyada lacagaha lagu dhaco magaca dadweynaha S/liyeed lagu soo shubto.
-        Dibirrooti: waa tab ka mid ah legdinta, tabcayn; waxaa halkaan loo jeedaa ku soo celcelinta dhibaataynta shacabka S/liyeed.
-        Duggaal: meesha dabaysha ama dhaxanta la iska xijiyo; halkaan dalkii hooyo oo lagu badbaadi lahaa.
-        Dagaag: aan waxba haysan oo iska socda, daadduun; halkaan qaxa joogtada ah ee dadka S/liyeed sannooyinka badan ku jiraan.
-        Gubato: waa dab ka kaca kaymaha ama meelaha dhirta leh oo baaha; halkaan colaadaha ku baahay geyiga S/liyeed.
-        Dulbaax: asalka eraygu waa baruurta ku dheggan haragga neefka xoolaha ah; halkaan fiicnaantii dawladnimada ama qarannimada.
-        Dalaw: meel durugsan oo aan la gaari karin ama hoos u qodan oo aan la gacantogaaleyn karin; halkaan meesha la geeyay qarannimada S/liya.
-        Dalawo: la jecel yahay, aan laga maarmi karin, qaali ah.
-        Dabinqool: falka wax lagu dabo si qool loo geliyo ama dhib loo geysto.
-        Daqareyn: waa falka qofka nabar loogu geysto ama lagu daqro; halkaan laynta ama khaarajinta xubnaha dadweynaha ee waxtarka.
-        Mallaal: kaaliye dullaal.
-        Dugayey: eray qofkii dhibaato ku dhacdo yiraahdo, haadayey, hoogayey, ba’ayey.
-        Dacareyn: dacar waa geed yar oo leh caleemo dheecaan kharaar; dacareeyay waxaa loola jeedaa xaraar ama kharaar sida dheecaanka dacarta.
-        Darxumo: nolol xun oo aan wanaagsaneyn, daranyo, dacdarro.
-        Duun: ahaanta qofka iwm., laftiga ama nafta.
-        Diihaal: baahi iyo rafaad isla socda.
-        Durdursiin: cabsiin ku noqnoqosho ah, ladaabsiin; halkaan dharjin ama ka badin.
-        Dandaan: dhagax weyn, dhadhaab; halkaan garaad yari la madax weyn.
-        Doobbo: kolay yar oo uu soo rido awrka qooqani; halkaan damaca xoogga badan ee qawlaystaha siyaasadeed hadba la soo kacayo.
-        Sallid: aan kaa tageyn ee kugu soo taagan, kugu naban.
-        Sawaab: sawir, doqon, caale, lagaroone, dabbaal.
-        Darraw: wax markii horaba dhib lahaa oo la sii kordhiyo, darnaansho.
-        Doxore: hadal iyo faan beena badan, leh war daroori ah.
-        Dalamle: wuxuu arkaba liqa; halkaan kuwa danta guud waxay cunaan ku raadsha.
-        Docaaley: leh labo dhinac ama ka badan, hadba xaalad ku sugan.
-        Darley: dar waa kaalinka xoolaha laga waraabiyo; halkaan labo xaaladood; samaan iyo xumaan.
-        Darar: xooluhu markay carshin fiican helaan baa kii irmaanaa caano badan yeeshaa; waxtar kordhaaya ama badanaaya.
-        Diif: raadka cudurku ama gaajadu ku reebaan noolaha sida dadka.
-         

No comments:

Post a Comment