Tuesday, November 12, 2013

Muqdishow Malkadii Muranka iyo Marindhaafka

Muqdishow Malkadii Muranka iyo Marindhaafka


Wax daahsoon maaha in markii 1991-dii la burburiyay dawladnimadii Soomaaliyeed, badi dadweynahii dalkana xasuuq iyo qaxin la isugu daray ay xaruntii qaranka waa Muqdishow e, booliyeen ama si dhammaystiran u yeesheen qolooyinkii ku bahoobay Ururkii Ba'a iyo Hoogga waa USC e. Muqdishow ma ahayn magaalo la mid ah magaalooyinka kale ee dalka, waayo xarunnimada ka sakow waxaa si tahan dhaafa loogu maal geliyay wixii dad iyo dawlad uu lahaa qaranka Soomaaliyeed. Waxay kaloo noqotay barta uu inta badan u soo guuro shacabkii Soomaaliyeed, waxaana sidaas lagu soo banneeyay badi qeybihii kale ee dalka, kuwaas oo aan loo samayn kaabayaal dagaamaysigooda fududayn karay.

Kadib, markii ay qayoodeen dagaalladii sokeeye ee qaraaraa, waxaa Muqdishow dib ugu noqday kooxo ka mid ahaa dadweynihii ka badbaaday baabi'intii weynayd. Kooxahaas waxaa waday labo arrimood; si ay wax uun uga helaan hantidoodii laga mooraduugay oo ay cayrnimada la baday uga kabtaan. Kooxda labaad, waxaa waday hunguri siyaasadeed, waxayna si aan habaysneen oo dalanbaabi ah u tageen Muqdishow oo markaan ah meel dad gooniya leeyihiin. In badan oo kooxaha hore ka mid ahaa nafahoodii bay ku waayeen, kooxaha dambe oo iyaga qudhooda qaar badan la jaray waxay intii soo hartay si toos u hoos tageen awooddii yeelatay Xaruntii Dalka. Kuwaan dambe waxay noqdeen magan aan loo xil qabin oo cabsi iyo walwal ku nool. 

Qolooyinkii yeeshay Muqdishow, markay arkeen sida arrimuhu yihiin way is mahadiyeen, waxaana ku dhacay filanwaa, waayo iyadoon cidina is weyddiin ama ka garallayn bay arkeen dhibbanayaashii oo u soo hoyday, iyagoo masaakiin ilmirigleynaysa u ah. Arrinku wuxuu la mid noqday sidii dambiile mudnaa ganaaxyo culus oo intii la maxkamadayn lahaa isagii la abaal-mariyay, ammaanna loogu daray. Sidaas darteed, gabood-falayaashii waxaa u kordhay qallooc iyo kibir aada. Hodannimadii qaran-bi'iyadii ay ka heleen boobkii iyo bililaqaysigii hantidii ummadda waxay abuurtay kooxo diimeedyo burcada, kooxo siyaasadeed burcada, NGO-yo burcada iyo ururro kaloo burcada.

Sano iyo dheeraad kahor baa la yagleelay maamul dawladeedka Xasan Shiikh madaxweynaha ka yahay, waxaana ka dambeeyay caleemosaarkiisa qaar ka mid ah kooxaha burcadka ah ee aan kor ku xusnay oo muruq iyo maalgelinba ku taageeray. Markaas kadib, waxaa la soo xulay qofkii noqon lahaa Wasiirka Kowaad. Isla markii la magacaabay waxaa muuqatay inaan WK loogu tala galin inuu u shaqeeyo sida uu qabo distoorka dalku ee kaliya laga rabo inuu noqdo magac-u-yaal. Qof kasta oo wax uun kala socda arrimaha Soomaaliya meeluu joogaba wuu dareemaayay sida wax yihiin. Nasiib-darro waxaa ahaa inaan WK-aad markii hore ka dhiidhiyin gefafkii lagu samaynaayay naftiisa iyo xeerarka dalka. Wuxuu u ekaaday nin iska qaayibay duruufaha meesha yaal. Burcaddii dalka rogtayna waxay u sii haliishay muudsiga iyo maraxsiga dhiigga qaranka. 

Maxaa Habboonaa?
- Waagii la yiri dalka oo dhan dib-u-heshiisiin baa laga samaynayaa, waxay ahayd in laga bilaabo kahadalka dhibaatooyinkii waaweynaa ee dhacay. Waxay ahayd in laga hadlo hantidii badnayd ee la kala boolyay.

- Mar haddii Muqdishow noqotay magaalo qolo leedahay, ma ahayn in loo tixgeliyo siday ahaan jirtay ee waxay ahayd in xarunnimadeeda qodobbada hore ee wada hadalka lagu daro, ugu yaraanna xarun ku-meel-gaara oo meel kale ah la isla garto. Marna ma ahayn in la garab maro runta bannaan-yaalka.

- Marna ma ahayn in la oggolaado in xarun ama bar-kulan looga dhigo dalka meel aan awood-qoleedka Soomaaliyeed ku dheelli tirnayn.

- Qeybihii shacabka Soomaaliyeed ka midka ahaa ee sida maamulan loo qaxiyay aadkana loo wax yeelleeyay ma ahayn inay dalanbaabi iyo si doqonnimo ku jirto ugu qulquleen meeshii lagu hagardaameeyay oo wali tabteedii ku sugan.

- Ma ahayn in hanka iyo hunguriga hal qof ama labo awgood la oggolaado in looga tanaasulo danta ummad dhan iyo tan guudba, mana ahayn in la horseedo waddo waxdhimaal iyo wisiisi badan. 

Gunaanad
Dhibka maanta oogan waxaa saldhig u ah gefafkii aan laga fiirsan ee sida fudud loogu dhacay, waana iyada tan keentay in WK-aad loola dhaqmo sidii adeege ama qawsaar reerood, markii la doono laga maarmo. Arrimaha siyaasadeed iyo maamul ee dalku waxay ka hallaysan yihiin gunta hoose, waana sidii guri saldhiggiisu qalloocan yahay oo haddaan hoos laga soo hagaajin aan kor ka hagaagi karin. Haddaba runtu waxay tahay, in aan lagu sii socon gefafkii hore illeyn la arag inaan wax ku dhismi karine. Sidaas darteed, waa in la joojiyaa u hanqal-taagga jagodoonka ee horseedaaya dullinnimada, lana garwaaqsadaa in Muqdishow-da maanta ay tahay malkadii musuqmaasuqa, muranka iyo maandhaafka.

No comments:

Post a Comment