Ujeeddo (Udjat)
Af-Soomaaliga:
Ishu waxay
ka mid tahay dareemayaasha shanta ah ee qofka. Ishu wax bay aragtaa, fiirisaa,
eegtaa, u muuqda, u bidhaama, dhawrtaa, daawataa ama u jeeddaa. Sidaas darteed, waxaa
loogu yeeri karaa; aragto, fiiriso, eegto, daawrto ama ujeeddo. Dhanka kale,
sida dhaqanka Soomaalida lagu rumaysan yahay waxay ishu noqon kartaa mid u
gudbisa dhib qof kale, iyadoo ka soo xanbaaraysa wax-dhimaalka qofkii isha
lahaa, waxaana dhaqan ah in laga gaashaanto waxyeellada ishu keeni karto sida, Qardhaasta oo laga xirto waleecada. Ishu waxay kaloo keeni kartaa kalgacal ay
ku gantaasho dareensidayaasha qofka ama waxay keeni kartaa aweyti ama habaar ay
ku halgaaddo qofka ay milicsato. Marka la soo koobo, ishu waa sida raadaarka oo kala sheega duullimaadyada sokeeyaha ah iyo kuwa shisheeyaha ah, oo markaas
kadibna lagu toogto diyaaradaha seeragoyska ama lagu soo dhaweeyo kuwa loo xil
qabo.
Dhulkii Kimiid (Kemet):
Sidaan marar
hore soo sheegnay fartii astaamaha (Hieroglyphics) ee dadkii Reer Kimiid wax ku
qoreen ma lahayn shaqallo ee kaliya waxay ahayd qoraal ahaan mid shibbanayaal ka
kooban. Waxyaqaannadii Reer Yurub ee turjumay fartaas waxay dhex geliyeen
shaqallo, kuwaasoo sidii ay la noqotay uun ugu meeleeyay. Waxay u qoreen
eraygii ahaa U-Jeeddo; Udjat. Haddaba iyadoo la isku raacsan yahay in Afkii
Dhulkii Fircoonnadu ka mid ahaa afafkii Reer Xaam oo waliba la filaayo inuu ka
sii ahaa Reer Kuush Xaam, waxaa muuqata in eraygu yahay U-Jeeddo oo ah isha wax eegaysa, fiirinaysa ama ku dhaygagaysa.
Ishaas astaan ahaanta loo sawiray, macnaha
weynna ku fadhiday waxay ahayd baa la yiri Isha Xuurta (Eye of Horus). Waxaa
ishaas loo soo bandhigay sidii isha qofka oo kale, waxaana sunniyaha ishaas aad
moodaa in foolka qofka ishu dheygasan yahay. Ishaas waxaa lagu qurxiyay
astaamaha bilicdsa san ee galleyrka. Ishaas aadka loo muujiyay waa isha
midigta, waxaana laga yaabaa in ishaas la sawiray lala xiriirinaayo sheekadii
ahayd in qorraxda iyo dayaxu yihiin labadii indhood ee weynaha cirka, halkaas oo
qorraxdu u taagan tahay isha midigta, tahayna mid awood badan. Marka ay dadkii
Kimiid ka dhiganaayaan ishaas xirsi ama qardhaas waxay ka samayn jireen isha
dhalo cagaaran ama leh midabka beymadowga ama dhagxaanta qaali-xigeenka. Waxaa
kaloo astaanta ishaas loo adeegsaday inay tahay Ishii Weynihii Xuur, kaas oo
ahaa wiilkii Weynahii Wasiir (Osiris) iyo Weyntii I-Siis (Ises). Waxaa la qabay
in Weyne Xuur uu ahaa il-laawe, ishiisii kalana ay uga dhacday dagaalkii uu la
galay Weyne Sid (Seth) ee uu ugu aaraayay aabbihii, Wasiir oo uu dilay Sid.
Waxaa kaloo
la rumaysnaa in ishii bidix ee Xuur uu jarjaray Sid, kadibna uu ishaas soo
helay Weyne Dood (Thoth), weynahaas oo ahaa Eebbihii garaadka iyo falka. Wuxuu
awooday Dood inuu kabkabo cadadkii ishii la jarjaray oo markaas kadibna ay noqotay dayaxa. Weyne Dood ishii wuxuu siiyay Xuur, markaas kadib Xuur wuxuu siiyay
ishaas aabbihiisii la dilay ee ahaa Wasiir, kaas oo dib u soo noolaaday.
Ishii Xuur
marka laga dhigo qardhaas, waxaa dhaqan ahayd in wiilku aabbihiisii dhintay uu
qurbaan ahaan u geeyo qabrigii odayga, halkaas oo la rumaysnaa in
qurbaankaasi dib u soo noolaynaayo odaygii aabbaha ahaa, isla sidii ay Ishii
Xuur u soo noolaysay Wenihii Wasiir. Waxaa kaloo ishaas la gelin jiray qofkii
dhinta ubucdiisa, isla meeshii laga saaray uurkujirtii qofkaas dhintay. Waxaa
loola jeeday inay ishaas qardhaasta ahi ka xirsi xirto dhibabka mawtida ku
imaan kara. Waxaa mudan in la xuso in dadyowgii Kimiid ay rumaysnaayeen
mayddhawrka (mummy), waayo waxay qabeen inaan qofku jiri karin nolosha dambe,
haddaan la dhawrin qalfoofkiisa, sidaas
baana maydka loogu xirsi xiri jiray.
No comments:
Post a Comment