Monday, January 6, 2014

Cidna Eersan Maayee (hees)

Cabashiyo caloolyow
Ciil kaa ma bi'iyaan
Talo cayn wareegtana
La isku ma canaantee
Caqli iyo hubsiinaa
Cirib looga aayaa
Cidna eersan maayee

Jacayl waa cadaawoo
Cidi kaa ma qaaddee
Daawo lay cabsiiyiyo
Cashar waan ka quustee
Waxa cunaha dhaafiyo
Cunto waan illaawoo
Cidna eersan maayee

Sida ciyowga caydhaan
Casarkii dhawaaqaa
Ama cawsha duurkaan
Cidlada u wareegaa
Ciirsi la'aan is dhigay
Iyo curuf aan geystoo
Cidna Eersan maayee


Cawo iyo ayaankuba
Calaf Eebe weeye
Isagiyo wadkana
La ma celin karaayee
Ciirsi la'aan is dhigay
Iyo curuf aan geystoo
Cidna eersan maayee

No comments:

Post a Comment