Friday, January 3, 2014

Dhambaal Odayga Gaarsii (hees)

Gabadha
Sida Dhamastu geedaha
Dhirta uga sarreysaa
Adiguna dhammaantood
Qeyrkaa u dhaaftee
Dhankaad iga jirtaa
Baan sii dhuganayayoo
Waad igu dherer-sanaatee
Dhudhummadaan ku joogiyo
Dherarkiyo lexaadkana
Adigaa dhantaalee

Sidaad iigu dheer tahay
Dhaaxa la ma illaawee
Haddaad dhimashaday rabin
Aan wada dhammaynnee
U dhug yeelo waanada

Wiilka
Dhirtu ka la udgoon badan
Ubax ka la dhalaal badan
Dhulka meesha godan baa
Biyuhu u dhaqaaqaaneey
Dhabtiyo cayaartuna
Labo la isku dherershoo
Isu dhiganta maahee
Ulo Dhebi la moodyey
Dhexda madag sideedaay
Qurux loo dhammeeyey
Dhugmada iyo aqoontana 
Rabbaa kuu dhammeeyee

Anoon dhimashadaa rabin
Aan ku la dhammeeyee
Dhambaal odayga gaarsii

Gabadha
Dhool Karinoo hillaaciyo
Dhedo la ma maseeyee
Dhulka waxa rag joogana
Ma wiil kuu dhigmaa jira eey
Geesi lagugu dherershana
Dhab lagu ma qabanoo
Wali hooyo may dhalin
Jaceylkeennu waa dhab
Waxaa iiga dhinnaan kara
Nasiib iigu kaa dhaca

Sidaad iigu dheer tahay
Dhaaxa la ma illaawee
Haddaad dhimasahaday rabin
Aan wada dhammaynnee
U dhug yeelo waanada

Wiilka
Dhool ka la hillaac badan
Dhawaaqyaduna ka la wacan
Nimaan dheef-wadaag nahay-na
Dhac ma doonee
Anoon kaa dhaqaaqeyn
Kula dhuuman maayoo
Nabsi lama dhitaystee
Dhamac iyo dab ololiyo
Dhuxulo hay daboolinoo
Hayga dhigin dhurwaagii
Ninkii dhayda siin jiray
Ka dhuunyayey dhuuxiisa

Anoon dhimashadaa rabin
Aan ku la dhammeeyee
Dhambaal odayga gaarsii




No comments:

Post a Comment