Tuesday, January 14, 2014

Sida Waaga Iftiima (hees)

Wiilka
Sida waaga iftiima
Ama waadi xareeda
Waayeeleey quruxdaada
Indhaygii wareeree

Adigay wada qaatoo
Wali waad i siddaaye
Aan wadaagno cayaare
I weydaarso gacmaha

Gabadha
Amba dee wajigaaga
Walacdii u horreysay
Indhahaan warwareejoo
Waxba waan arki waayee

Wadnahayga tummaati
Adigaa ku wareemee
Ku weydaarshay gacmaha e
Aan wadaagno cayaarta

Wiilka
Intii aan waddankeenna
Waleecaad ay dhammaan
Maxaa dee ha is waalin
Way kanee soo dhawow

Adigay wada qaatoo
Wali waad i siddaaye
Aan wadaagno cayaare
I weydaarso gacmaha

Gabadha
Amba waayaan ku raadshee
Waan isku soo bixi weynee
Haddaan caawa wada joogno
Warkaani soo ma dhammaanin

Wadnahayga tummaati
Adigaa ku wareemee
Ku weydaarshay gacmahee
Aan wadaagno cayaarta












No comments:

Post a Comment