Wednesday, January 8, 2014

Puntland Waa Dhulkii Udugga Waana Horseedka Habsami-maamulka

Qeexid
- Waxaa la gundhigay: 1998dii
- Bedka dhulka: 250,000 KM2 …40% dhulkii S/liya ee ahaa 637661KM2.
- Tirada dadka: 2,700,000 qof ……qiyaastii 2003dii waana 27% qiyaastii aheyd 10,000,00o ee S/lida jumhuuriyadda lagu sheegay.
- Cufka dadka: 11.3 per KM2 ….tii S/liya = 13/km2.
- Dhererka xeebta: 1600 KM oo 1000 km tahay Gacanka Barbar, waana 48%, tii S/liya oo dhan oo aheyd 3,330 KM.
- Bedka qolof-badeedka: 18960 KM2 ..48%, tii S/liya oo aheyd 39,000 km2

Magaca Buuntu
Jiritaanka magacaas waxaa bilowgii laga helay qoraallo ay ka tagtay boqortooyadii 5aad ee Dhulkii Fircoonnada, gaar ahaan xilligii Boqor Saxuure oo laga joogo in ka badan 4400 sano. Macnaha eraygu waa udug, wuxuuna ku muteystay Dhulka S/liyeed xabkaha carafta badan ee dunida naadirka ku ah, sida tan laga dhiimiyo geedka Moxorka ee loo yaqaan beenyo ama foox iyo tan aad qaaliga u ahaan jirtay ee loo yaqaan Maydi ee laga dhiinsho geedka yaabka leh ee aan xididda laheyn ee ka dulbaxa dhagaxa salliga ah, marar badanna ka baxa qararka sare.

Dhulka S/liyeed ee xabkahaasi ku badan yihiin waa gobolladii hore loo oran jiray Bari iyo Sanaag oo haatan ka tirsan Dawladda S/liyeed ee Buuntu. Dhulkaani waa dhul taariikhi ah oo haddii si wanaagsan  loo baaro laga heli karo dhammaan raadadkii aadanaha iyo ilbaxnimooyinkii uu sameeyay. Wuxuu hormood ka yahay xirfadda magaca soo jiiday ee faleenka iyo dhaqan-badeedka oo tan iyo waagii qofku bilaabay loollonka nolosha, dhulkaani ahaa, yahayna bar door ah. Qeybtaan S/liyeed waa tan kaliya ee xad la leh Badweynta Hindiga iyo Gacanka Barbar (gulf of Aden).

Beeraha xijiga
Waxay ku yaallaan silsiladda buuraha goolis, gaar ahaan Cal-Madow iyo Cal-Miskaad. Waxay ku badan yihiin Cal-Miskaad, waliba inta u dhexeysa Majare ilaa xeebta Caluula.

Qeybaha Xijiga
1- Beeyo oo loo kale saaro
   - Casaan: gudguduud
   - Caddaan: cadcad
   - Qolof: oo jilifta geedka
   - Shooto: haska iyo jajabka
  
2- Maydi oo la kale saaro
  - Mashaad: xabagta dhaadheer
  - Majarwal: iniino cadcad
  - Jabaanjab: xabag madow
   - Shooto: haska
   - Qolof: jilifta geedka


Qalabka
- Mingaf: qori madaxyada biro ku leh oo geedka lagu sarco, dhadhaabahana lagu fujiyo.
- Dhuraad: weel caw ka sameysan oo miraha/xabagta lagu guro.
- Kolay
- Awr;  u tababaran buuro fuulka.

Xijigu wuxuu leeyahay xeerar soo jireen ah oo aan la aqoon markay bilaabmeen. Xeerka hadda lagu dhaqo beeraha xijiga ee gobolka bari  waxaa sameeyay Boqor Max’uud Yuusuf Xawadane (1809-1818 MD),

Waxaa ka mid ah xeerarka xijiga;
- Xeerka Gawaaji
- Xeerka Gaafeysi
- Xeerka dheefsashada geedka xijiga
- Xeerka aas-xiji
- Xeerka fadhi
- Xeerka dhaxal xiji
- Xeerka hadhiino

Dhaqan Badeedka Dawlad-Goboleedka Udugga
Gobolkaani wuxuu leeyahay dhaqan badeed aad u fog. Waxaa jirta aragti oraneysa in magaaladii Opone oo hadda loo yaqaan Xaafuun ay deggenaayeen dad la oran jiray puntites ahaayeenna kuwii dunida u bilaabay bad-maridda, culuunta badmaaxidda sida, cilmiga falaggana (astronomy) ay ayagu bilaabeen.

Magaalooyinka iyo tuulooyinka wali ku firfircoon xirfidaha badmaalidda ee Dhulka Udugga waxaa ka mid: Laas-Qori, Ceelaayo, Boosaaso, Qandala, Dhurbo, Murcaanyo, Garsa, Geesaaley, Xaabo, Afkalahaye, Boolimoog, Caluula, Laas-Daa’uud, Biyo-Caddo, Wareegsime, Bareeda, Ollog, Daamo, Tooxin, Saymo, Caanood, Baargaal, Cadayo, Hurdiya, Dabdheer, Xaafuun, Ceel-Cadde, Foocaar, Beyla, Gabbac, Badeey, Baar-bacadle, Ilig, Garacad iyo qaar kale.

Dhaqan-badeedkaas soo jireenka ahaa wuxuu leeyahay xeerar reer guri ah, waxaana ka mid ah;
- xeerka sinjaar oo lagu dhaqo wada gooshka doonyaha
- Xeerka shimaayad ama saxariir oo lagu dhaqo u-gargaarka doonta dhibban.
- Xeerka bad-ka-Soo-bax oo lagu dhaqo wixii baddu soo tufto ama soo caarya.

Wuxuu dhaqan-badeedku leeyahay eraybixin wanaagsan, waxaana ka mid ah; Hawaari, Huuri, beden, saayib, seebab, rawaajic, dakhal, foormaan, qoto, yahoon, kawarid, baaryoon, jilib, lacaaf, damrad, macaad, jiswad, shakaad, shuquur iyo shaayad.

Wuxuu kaloo leeyahay dhaqankaasi maaanso xoog leh sida kuwaan;

Badda
 Madoobeey waxaa madow
Baddoo murugtaa madow
Mayeyga cirkaa madow
Maskana dummar baa madow

Kalluunka
Rag baan geel laheyn, rag baan guuyo u maqneyn

Doonta
Qoolaabaney
Qorigaa ma jabo
Badda taajiyoo
Birriga u tallow
Nala roor annana
Aan raawisnee

Naakhuudaha/Badmaaxa
Sidii Ximir muddadii soo baxday, oo mir iyo roob keenay
Shiraaceeda muulka ah hadduu, moofirka u geeyo
Inuu kaasi meel daran ku wado, magane yaw u sheega

Ximir= xiddig guduudan oo dirirka iyo haltoddobaadyada u dhexeeya



No comments:

Post a Comment