Friday, May 30, 2014

Sheekooyinkii Kun Iyo Kow Hameyn (alfi laylah wa laylah)


Sheekooyinkii Kun Iyo Kow Hameyn (alfi laylah wa laylah)

Qarnigii 8aad ilaa sannadkii 1258 Masiixiga Dabadi (MD) waxaa lagu sheegaa xilliyadii dahabiga ahaa ee islaamka. Wuxuu baaba’ay xilligii wacnaanta badnaa ee islaamku markii Mangooliyiintu ku soo duuleen dhulalkii islaamka oo ay burburiyeen ilbaxnimadii lixaadka lahayd, isla markaasna qabsadeen Baqdaad oo ay si ba’an u gubeen qoraalladii iyo buugtii cilmiga, dad iyo duunyo badanna halkaas ku rogeen.

Intii lagu jiray xilligii wacnaanta badnaa ee islaamka waxay aqoontu jaad kasta oo ay tahay gaartay meel aad u sarraysa. Waxaa la turjumay qoraalladii ay ka tageen ilbaxnimooyinkii ka horreeyay islaamka sida tii Finooqiyiinta, Giriigga, Masartii Hore, Faaris, Roomaankii iwm. Waxaa waayahaas la gundhigay qeybo badan oo kamid ah laamaha cilmiga ee maanta aadanuhu ku meelmaray. Waxaa sidoo kale horumar laga sameeyay mala-awaalka iyo maan-kobcinta aadanaha sida qorista sheeko xariirooyinka maan-koriska ah. Waxaa kamid ah sheekooyinkii waayahaas la qoray sheekooyinkii Kun Iyo Kow Hameyn ee markii dambe dunidoo dhan wada saabatay, afaf badanna lagu turjumay.

Qoritaanka sheekooyinkaasi waxay ku beegan yihiin waayihii dahabiga ahaa ee islaamka gaar ahaan xilligii Cabbaasiyiinta ee Baqdaad ahayd caasimadda muslimiinta waxaana lagu aruurshay oo laga dhigay hal buug, waxayna sheekooyinku asal ahaan ka soo jeedeen Faaris (Iraan) gaar ahaan waayihii Imbaraadooriyaddii Sasanayd (Sassanid Empire ‘224-651 AD’).

Sida lagu xusay buuggii asalka ahaa iyo kuwiii dambee laga tixraacayba waxaa la yiri: Waxaa jiri jiray boqor la oran jiray Shariyaar. Boqorkii Shahriyaar baa afadiisii uu aadka u jeclaa gogol-dhaaf samaysay, kadibna boqorkii si daran buu u carooday, wuxuuna go’aan ku gaaray in uu dumarka ka aarsado. Wuxuu amar ku bixiyay in hameyn walba loo aroosiyo gabar da' yar oo bikra ah, waagu markuu baryana la dilo. Waxaa arrinkaas u xilsaarnaa Wasiirkiisii Kowaad. Wax hadba gabar yar loo aroosiyoo waabarigiina la dilaaba, maalintii dambe ayuu wasiirkii waayay gabar uu u aroosiyo Shahriyaar. Asagoo murugaysan baa waxaa aragtay gabar inan ah oo uu asagu dhalay, waxayna weyddiisay sababta uu la murugaysan yahay, markuu u sheegay arrinkii bay ku tiri; aabbe anaa guursanaaya boqorkee ha tiiraanyoon. Wasiirkii aad buu uga naxay soojeedintii gabadhiisa, wuxuuna isku dayay inuu ka hor istaago, wayse ku adkaysatay go’aankeedii.  Gabadhaas oo la oran jiray Shahrisaad waxaa loo aroosiyay boqorkii Shahriyaar. Hameynkii markii loo hooyay boqorkii, waxay bilawday inay u sheegto sheekooyin xiiso badan. Markii sheeka walba marayso gabogabo oo ay ugu xiisa badan tahay bay joojisaa. Boqorkii oo aad ula dhacay sheekooyinkii Shahrisaad wuxuu amraa inaan la dilin Shahrisaad ilaa laga gaaraayo maalinta xigta. Gabadhii hameyn walba waxay bilawdaa sheeko cusub oo kuwii ka horreeyay ka sii xiiso badan, waxayna gunaanadka sheekada la sugtaa hameynka xiga, waxayna sidaas ku wadday kun iyo kow hameyn (1001 hameyn). Markii dambe, waxay noqotay, in boqorkii Shariyaar uu go’aansado inaan la dilin, sidaasna waxaa ku joogsaday arooskii gabdhihii la dilaayay hameynkii la arooso waabarigiisa.

Sheekooyinkii ay Shahrisaad ku maaweelin jirtay boqorkii Shahriyaar ee socday kunka iyo kowda hameyn waxaa ka mid ahaa:

  1. Sheekadii dibiga iyo dameerka
  2. Sheekadii jinniga iyo ganacsadaha
  3. Sheekadii Jinniga iyo kalluumaystaha
  4. Sheekadii xammaalka iyo seddexdii dumarka ahaa ee reer Baqdaad
Waxaa kaloo jiray sheekooyin waayihii dambe lala xiriiriyay alfi layla wa laylaha oo iyaguna caan noqday waxaana kamid ahaa:

1- Sheekadii Calaa’u-Diin iyo nalkii yaabka badnaa
2- Sheekadii Cali-Baaba iyo afartankii tuug
3- Sheekadii Sindibaad iyo toddobadiisii safar-badeed

No comments:

Post a Comment