Monday, June 9, 2014

Waa Iska Xaal Adduun (hees)


Haddaad adigu xaalaad
Damacdaa xasil-la’aan yahayey
Aad xaajo-diid tahayey
Tayduna xin dheeroo
Xakab laga koraa jirin
Ku xareysan tahay waliyey

Xaskul laga sameeyo
Xarig gaara loo hayneey

Halkaad Xays ka daaqdana
Haddaan xagal-ka-daac ahayey
Xaq maygu leedahayey
Adigoo xigtii qubay
Kadimmada xawaadda ah
Xoox inaan ka waayaa
Waa iska xaal addduun!



Xiddigaha haddii aad
Meel kula xerooto
Xooggaagu kugu simo eey
Ay xogli’i dantayduna
Xagaf laga hayaamiyo
Iga taallo xeebiga eey
Xirgi lagaga qaadiyo
Aan xaaladdii gabayey

Halkaad Xays ka daaqdana
Haddaan xagal-ka-daac ahayey
Xaq maygu leedahayey
Adigoo xigtii qubay
Kadimmada xawaadda ah
Xoox inaan ka waayaa
Waa iska xaal addduun!
Xunbo maaha aadmigu
Iyo xoor guraayoo
Taariikh xil-weyn iyo
Haddii uu xabaal galo
Xasuus waa ka-reebee
Labo xiiso kala helineey
Mid xannaan ku weyn yahayey
Kan kalana xiriirkii
Xalleef kula ordaayiyo
Xirrib iyo qas doon yahayey
Xero kuma heshiisee
Uu xutubinta diidaa
Waxba xeerin waayaa
U xir uun-ka mooyee
Cid ma kala xanteystaan

Halkaad Xays ka daaqdana
Haddaan xagal-ka-daac ahayey
Xaq maygu leedahayey
Adigoo xigtii qubay
Kadimmada xawaadda ah
Xoox inaan ka waayaa
Waa iska xaal addduun!


Xusul duub haddaan ahay
Nabsi xayn qof kale saran
Xuubka lagama qaadee
Xiisaha hayga nicin
Waa iska xaal adduun






Erayada:
1- Xin: ceel, laas. Ximan waa wadarta Xin.
2- Xaskul: Geed abaareed laga sameeyo xargaha ama xarigga laftiisa.
3- Xays: roob da'a jiilaalka.
4- Xig: in yar oo hoore ah sida xig caano ah.
5- Xawaad: xoolo badan
6- Xoox: caanaha ugu horreeya ee laga nuugo ama maalo naaso irmaan.
7- Xeebi: dhinaca ama dhanka xeebta xiga.
8- Xirgi: garaad, caqli.
9- Xalleef: wax dhuuban oo aan qiro lahayn, jirjirrada af wax sare ku leh.
10- Xirrib: tab, xeelad, dhagar iwm.
11- Xutubinta: fiiro gaara siin, qaddarin.
12- Xantaystaan: kala helaan, kala qaataan.



No comments:

Post a Comment