Thursday, May 15, 2014

Maxaan Dhimay Iyo Rooda-Afjanno...(Gabay Culus)

Gabaygaan qiirada, qirada iyo quluudda  wacan leh waxaa tirisay gabar la yiraahdo Rooda Ibraahim Cabdi-Gureey (Afjanno). Waa gabay si weyn dhabta uga hadlaaya oo ku boorinaaya ummadda Soomaaliyeed danteeda.

Dhabtii noloshu waa inaad khiyaar, dhaaddan leedahaye
Dhismaha dawladnimo weeyoo, kuu dhammays-tirane
Waa calan awood lagu dhidboo, aad ku dheregtaaye
Ha yeeshee dad laga dhawrayoo, aan dheefsan baa jira e
Dhaayaha anaan saarin wali, dheef xorriyadeede


Jeerkuu dhug-li' reer galbeed, dhacanta ii saaray
Godkii laygu dhababaan sidii, uga dhex ooyaye
Dhabannada sidii bay ilmadu, ii dharbinaysaaye
Dhayil gobannimaan lagu helayn, aan dhib loo marine
Dhammaantoodna aadmigu hortay, way dhidideene
Dhimashiyo waxay qaayibeen, dhaawac iyo hooge
Dhama' iyo dadkii gaajo qabay, dhalayga haaneedye
Dhag waxay yiraahdeen hurdo, gama' la dheeraystay
Dhiishii faqriga maalin bay, dhinac u tuureene


Anigana dhiggay inaan higsado, dhimirku ii sheegye
Xaqaygana inaan soo dhacsado, waa go'aan dhabahe
Gumaysiga tusmada iga dhigtee, dhaaxa igu raagay
Maxaan dhimay dharaartaan ku iri, iiga dego dhoorka
Maxaan dhimay dhulkaygii haddii, aan u shubay dhuuxa
Maxaan dhimay dhaqaaliyo haddii, aan u huray dhiigga
Maxaan dhimay dhufayskiyo intaan, dhuurta ku abaaday?


Dhoocida cadceeddiyo haddaan, dheelna u adkaystay
Addoonsiga i dhalan dooriyee, dhaxanta ii saaray
Isna inuu dhulkaygii hurdiyo, dooni dhacdiidka
Maxaan dhimay dhakool iyo haddaan, hooska uga dhaartay
Maxaan dhimay haddaan dhoonbir dihin, ugu dharaar-daayay?


Dhuuggiyo gafanaha in badan, cunaayay dheeggayga
Iyo shilin-casta igu dhammadanee, qurqurin dhiigga
Dhuudhiga siqaayiyo takfida, igu dhex beermaysa
Intii aan dharkayn lagu go'iyo, xabag dhunkaal siiyay
Maxaan dhimay haddii aan dhib iyo, mariyay Dhiidhiitii?


Arlada ilaahay dhex waray, dheemmantiyo gaaska
Sidii neef dhukaan qaba anoo, gaajo ugu dhuubtay
Dhuuryada haliilaysee, dooni dhaxalkayga
Anigoon aan dhadhamin inay, dhurtaan layna dhaafsiiyo
Dhejiskiyo intaan dhuur-casada, dhuunta ka halgaaday
Maxaan dhimay dhab weeyee haddaan, dhaalna uga diiday?


Kuwa gumuca laysaga dhigee, camalka dhaaraana
Dhurwaayada halaqa ee ku mamay, shacabka dhiiggiisa
Dadkoodana dhammeeyee ka daran, cadawga soo dhoofay
Dhibkay geysanayaan waddani, dhawran kari waaye
Maxaan dhimay dharbaaxada haddaan, dhawda kaga saaray?


Kuwa dheelalawgiyo riyada, dhab u malaynaaya
Ee dhool gu' iyo roob onkaday, dhedada moodaaya
Ee dhaanka dabangaallihiyo, raacay dhalanteedka
Iblays baa dhufsadayoo xaqay, dhinac maraayaane
Dhankay iga jiraan baa bulshada, looga soo dhiciye
Maxaan dhimay dhaliil culus haddii, aan dhabta u saaray?


Kuwa dhegagsanaayee aan ogeyn, dhinaca loo guuray
Dhex-rooraha shisheeyaha ku laranee, ee dhabbaha seegay
Dhoohanaha dayoobee fahmayn, gelinba dheeshiisa
Dhusdhustiyo kolleey socodka xumi, dhalamad weeyaane
Anigoo dhama'sane jid dhaba, ugu dhawaaqaaya
Maxaan dhimay dhagoolaha haddaan, dhiillo maqashiiyay?


*Isticmaarka dhagartiisa fogi, maaha dhalanteede
Inuu diinta iga dhalan rogoo, dhumiyo iimaanka
Oon dhinac ka haystuu jeclaa, ama dhantaalmaaye
Maxaan dhimay haddii aan ku dhagay, dhammaha tawxiidka?


Ummad waliba dhaqan gooniyey, dhawrataa jira e
Dhayilna ma ahoo kaygu waa mid, aan ku dhaataaye
Maxaan dhimay dhurkaygii haddaan, dheelliga u diiday?


Dharsaggaan Itoobiya ku nacay, dhusuqna loo daaye
Duulkaa farshada dhuuqayee, dhamaya xaaraanta
Dhex-galkooda sida aan kolkaa, uga maray dhaarta
Ee aan ka dheeraaday bay, caro dhalaaleene
Maxaan dhimay dhegmaanyada intii aan, dhool isaga buusay
Dhiqlaha Abasiiniya haddaan, aad isaga dhawray?


In kastoon dhutinaayoo xilligu yahay, mid dhaandhaana
Dhakafaarka waayuhu wax badan, ii ma dhimayaane
Dhab ahaantii Soomaalinimo, waygu dheer tahaye
Dhalashadiyo muuqaalku waa, dhaabad aan dumine
Dhammaantood dadkaan ehel nahay, waan ku dhololaaye
Wax kastoo dhacana waa, dubkaan layga dheegayne
Dhulkana waannu wada leenihiyo, dhawrta xoolaha e

Dhigihii Jubbuutiyo Cartiyo, Awdal dhaladeeda
Dhegta Raas-casayr iyo Lughaya, dhabannadii Saylac
Dhoomaha Hargeesiyo Burciyo, dhebiga Laas-caano
Dhuumaalka hawdkiyo Galdogob, dhamalka Buuhoodle

Xirkii Dhooddi-meer daaqi jiriyo, ma-dhaafaanka
Dhismihii Taleexiyo rugtii, dhidibtay taariikhda
Xeebta dhereran dhudda Laas-qoray, Dhahar bannaankeeda
Dhanka Ceerigaabiyo Berbera, dhinaca Boosaaso
Dhanballada Garoowiyo Hobyiyo, dhoosha Gaalkacyo
Dheenta Caabudwaaq Dhuusamareeb, dhagaxa Ceelbuura
Dhirtii haraca loo saantiyo, dhuuxa Baladweyne

Dhijaantii Buulada-bardiyo, dhuyuc-lihii Jawhar
Balcad dheelmitaan-keediyo, dhuunta Xamar-weyne
Dheelida Af-gooyiyo Markiyo, tan iyo Aw-dheegle
Dhulbaraha Jamaamiyo Kismaanyo, wabiyada is dhaafa
Dhaameelka Baydhabiyo Luuq, dheeha Balad-xaawo
Dhitadiyo masnada Ceel-bardiyo, dhalaca Baardheere
Dhoobleey iyo Bu'aaliyo Afmadow, dholosha Qooqaani

Dhardaarrada Badhaadhiyo Kolbiyow, dhanaha Kaambooni
Dhadhaab iyo Wajeer iyo ilaa, Gaaris dhumuceeda
Dhammaan beledyadaan sheegiyo, kuwo kaloon dhaafay
Dhuumaalaysi ku ma joogayoo, maahi dhiibaale

Dhulkii hooyaday weeyiyo, dhaxal awowaade
Mana ahi dhex-joog soo galiyo, dhoof shisheeye ahe
Waa halkaan dhab ugu ladi kariyo, xero dhiggaygiiye
Maxaan dhimay dhashadiyo haddaan, dhaawacaba gaysto

Maxaan dhimay haddii aan ku dhamo, dhayda iyo xoorka?
Dhacliyo anoo boqor sitiyo, dhudaha ii gaara
Maxaan dhimay haddii aan dhex dego, ama ka dhaanteeyo
Maxaan dhimay haddii aan afarta dhinac, dheresi laafyoodo?


Is-ma-dhaanto Soomaaliyey, dhoyla' wada qaawan
Dhammaanteed is wada dhayladay, mana is dhooraafa
Dhudhun lays ku jabiyay awood, dhumucdu naafowday
Qarannimo la dhaaldhaaliciyo, dharabka ciiddeeda
Dhafoor-xumo qaxootiya ka-jecel, dhoof u wada yaaca

Dhako hoos u wada foorartay, wadana dhayluuqsan
Maskaxdaa kolleey dhalan geddiyanoo, dhaymaan jirine
Cadawgaad u kala dhuumatee, dhabab ku saaraaya
Waa kan dhabarka kaa jabiyayee, cuni dhashaadiiye
Itoobiya dhibkiinniyo xumaha, way ku dheregtaaye
Idinkuna walaalkiinnii dhaba, yaad ka dhigateene
Dhimir yeesha duul-yahow hurdo, dhogortu doorsoontay


Waxba hadalku yuu i dhadhabin, ilana dheeraane
Dhambaalkaan diraayiyo murtida, aan u dhaadhaco e
Halgankaan dhufayska ugu jirnee, nooga dhumay maalku
Halgankay dhul hoosti u galeen, wiilal lagu dhaato
Ee ay halyeyo u dhinteen, dhaax la tabi doono
Halgankaan dhallaan iyo haween , milicda loo dhoobay
Dhallinyariyo waayeel xabsiga, loogu wada dheelmay
Marwo dhaban lahayd iyo gabdhana, dheehu uga duulay
Dhabbihiisa ka ma weecin karo, dhuuni-qaatuhuye
Goortii wax loo dhimi lahaa, lays la soo dhaafye
Dhengad shacabka goostoow xaqaad, dhamac u jiirayso
Way soo dhawdahay maalintaad, dhami lahaydeene
Midnimada haddaan dhawranana, dhalinnay gookiiye
Dhiirradoo ha soo jeensanina, dhawr kal baa haraye



No comments:

Post a Comment