Wednesday, June 5, 2013

Baarey Walaaley (maanso)


Maansadaan oo soo baxday 10/28/2009 waxay malo awaaleysaa gabar la yiraahdo Baar/Bilaad oo ku dhaqan geyiga S/liyeed. Waa gabar qurux iyo qiimo kalaba loo dhammeeyay. Waxay gaadhay da’dii guurka, hase yeeshee waxay weyday barbaar u qalma. Sababtu waa iyadoo dhulkii colaado xun ka dhaceen; weerar iyo dooxataba leh, ka dibna asaayihii dhacay abuureen hab qorsheysan oo raggii waxtarka ahaa lagu tinsiibayo.

Magacyada meelaha ama degaannada loo adeegsaday maansadu waa halqabsi ee maaha Ku-Talogal gaar ahaaneed. 

Bimisllaahi waa illin
Waa bilowga hadalkee
Baareey walaaleey
Beri hore waxaa jiray
Iyadoo barwaaqo ah
Beesheennu ladan tahay
Bilcille iyo Jeediyo
Burgeesooleheennii
Kow iyo Tobankii Buurood
Baarmagoog dushiisiyo
Buraqalliyo Burgeedlaba
Baaxadsoorihii guga’
Baarax ay ku joogtoo
Balliyadu u buuxaan
Baallaha agtooda
Iyo baarka geedaha
Shimburuhu ka buuqaan
Baraaraha u heesaan
Dhulka baaxiddiisaba
Boqol iyo kun geedoo
Bey-cagaara yeeshoo
Ubuxuna ka buuxoo
Indhihii basaasiyo
Ruuxii bukaanihi
 Ku baxnaansadaanoo

Barqamaalka xoolaha
Biriyaasha iyo dhiishaba
Bukurta iyo haantaba
Weelashii u buuxaan
Idihii banaaxiyey
Baraarkii ciyaayiyo
Beydaanka koortii
Bulaankooda yaabka leh
Carradii ku baahoo
Barbaartuna hameynkii
Bullada iyo dhaantada
Bidix midig u tumayaan
Bulxanka iyo sheekadu
Ilaa waa bariistii
Hadba dhinac ka baxayaan
Bayddigeeda noloshana
Bilantii walbeetaba
Yarad loo bogaayiyo
Aroos lagu bullaaliyo
Batarka iyo ciyaaraha
Baadhi loo sameeyoo
Baaqi lagu ahaadoo
Wadaadkuna bilkeedayn
Bara’ iyo yaasiiniyo
Burdaha akhriyaayoo

Maantana Bilaadeey
Waxaa timid balaayoo
Ibtilaa na baanjiday
Dalkii waa la bi’iyoo
Dadkii waa la booboo
birmageydadeennii
Iyo baashigeennii
Waa la soo bireeyoo
Budulka iyo xeebaha
Beledka iyo duurkaba
Baalloxaf la mariyee
Birmad iyo guhaadiyo
Baabulkicin ha joogtee
Wa na baadi sooceen
Baad baannu keennaa
Ballantaadii guurkuna
Hadal beena weeyaan
Geyaan kula baxaan jirin
Nin ku baalinaayiyo
Nin ku baanan karayaba
Beesheennu ma lahoo
Baaba’eeda weeyoo
Sida qaanka buubay
Hadba dhinac barriiqdaan
Bayr bayba yeesheen
Hadalkay ka baadaan
Sida bohonkii oo kale
Wax ma boori karayaan
Waxaan kaaga baqayaa
Boqoraddii habloodeey
Adigoo bidhaan san
Habas boorka jiiftiyo
Guumeysta baadhiyo
Bilis aan la dooneyn
Baabkooda noqotee
Samir beegso waligaa
Ilaa bilaha kheyraad
Badbaado Alle gabar yahay

Erayada:
Bilcille, Jeed, Burgeesoole, Baarmagoog, Buraqalle, Burgeedle, Baarmagoog: waa degaanno ka mid ah kiilka shanaad ee Itoobiya oo S/lidu degto.  

Kow iyo tobankii buurood: waa buuro muuqaal san oo isu muuqda, una dhexeeya Wardheer iyo C/waaq. Buuro Mareexaan 

Baaxadsoore:  bartamaha wax baaxad leh sida bartamaha guga’.

Baarax: meel bannaan oo nabad lagu deggan yahay.

Baraare; barwaaqo, sannad hagaagay.

Beycagaar: midab cagaara oo madow xigeena (dark green).  

Bukur: haanta yar, aagaan.

Banaaxi: ciga idaha siiba kuwa dhalay markay ubadkooda oo soo ciyayaan

Beydaan: koor cod weyn leh

Bayddi: hanti iyo barwaaqo badan

Bullaal: barwaaqo, ladnaan.

Baadhi: xaflad,  Af Ingriis “party” 

Birmageydo: xilliga dagaallada dadka dhaqan ahaan aan la dilin sida, waayeel, abwaanka, culimada, dhallaanka, waxgaradka IWM.

Bilkeedeyn: nasiibka wanaagsan ee dambe.

Baalloxaf: bir lab af oo wax gooya leh sida; billaawaha.  

Budul: tub wax badan la maray, dhabbe.

Baabulkicin: kicinta dhogarta ama timaha si uu u dagaallamo.

Baanji;  si xun oo wax loo baaro. Qaalaaba geddi.

Qaan: qaalmaha ama qaalimmada aan weynaan.

Baadid: ka tagid, ka raagid, ka waantoobid

Habas: shinbir yar oo inta badan dhulka dhabbacda.

Guummeys: gabar seegtay guur.

Bilis: haweeneey, dumar, dheddigood.

Batar, Bullo, Dhaanto: ciyaar-dhaqmeed S/liyeed.



No comments:

Post a Comment