Waayihii hore ee dadka S/liyeed sida weyn u dhawri jiray dhaqanka
iyo hiddihiisa, siyaalihii la isla okobanaa ee guurku ku salaysnaa baa waxay
ahaayeen:
1-
Toos: waa marka labo is jamato ama is jeclaato
oo wiilkii oo ay weheliyaan koox qoykiisa ama qolodiisa ah u geed fariistaan
gabadhii oo doonaan ama wiilku gabadhii uu calmaday la baxo oo sidaas ku aqal geysto. Labada u anbaqaadaysa sidii ay reer cusub u yagleeli lahaayeen waxaa soo mari jireen sheekooyin muddo dheer socda iyo tijaabooyin uu midba kan kale ku eegaayo, waxayna oran jireen: kunna way koodisaa, kowna way kala baxdaa.
2-
Dabajoog: waxaa qoysas badan dhaqan u ahaan
jirtay in labo walaalo ahi ubadkooda isu guuriyaan, habkaasna la qaayibo muddo
dheer, waxaana wali la helayaa labo is qabta oo ilaa dhawr fac sida iyaga oo
kale waalidkoodna ilmo abti u ahaa.
3-
Sahan Dumar:
A) Heeran: waxaa dhici jirtay in gabdho ka
tirsan hal degmo ama degmooyin isu ogog lihi inta is aruursadaan u kacaan degmooyin
lagu maqlay rag geyaankooda oo ay ka filanayaan inay guursadaan. Gabdhahaas
markay soo gaaraan degmooyinkaas waa la soo dhaweyn jiray. Waxay gabadhuhu ku
dhaqaaqi jireen hawlo ay mid walba ku muujinayso naagnimadeeda, tusaale ahaan
sida ay xoolaha u dhiqi taqaan, sida ay farshaxanka u tahay oo ay rarada iwm u
samayn taqaan. Mararka qaarkoodna raggii ay degaankooda yimaadeen baa uu kuur
gali jiray, sida tusaalahaan: waa baa gabdho heeran ahaa degmaday u yimaadeen u
qashay neef, kadibna hilbihii oo kulul baa loo keenay, saa mid baa tiri; naa ha
kafafee kor saar, midna waxay tiri; naa koran maynee kala goo, midna waxay
tiri; naa ha qaboobee qabawar ku rid, midna waxay tiri; kululaa kaba naallee.
Gabadhahaas oo labo ama seddex qad ahaa waa la dhageysanaayay iyadoo loo jeeday
in la toociyo dhaqammadooda, sida la sheegana waxaa laga guursaday tii tiri: ha
kafafee kor saar iyo tii tir; kululaa kaba naallee.
B) Ilmadow: waayo waxaa jiray ay gabari
jeclaan jirtay nin ay wanaaggiisa u dhabbagashay, waxayna markaas kadib
gabadhaasi geli jirtay aqalka ninkay calmatay. Sidii u dhaqanku ahaa waa in
ninkaasi gabadhaas guursado xitaa hadduu kuwo kale qabo ama u guursho
wiilkiisa, walaalki, ina adeerkii ama mid kaloo xigtadiisa. Hadduu sidaas kore
yeeli waayo waxaa la isla oggolaa inuu magteeda bixiyo. Waxaa kaloo la
rumaysnaa in gabadhaas soo aqal gashay ay tahay ilmadow oo ninkii gaba iyo
reerkiisaba ganaax xag Eebbe ka yimid ku dul habsan doono.
4-
Godob-reeb: marka laba dhinac isku dhacaan oo
geeri meesha soo gasho, haddii mag la kala qaato waxaa la raacin jiray gabar
loo guursho ninkii dhintay aabbihi, walaalki ama ina adeerki. Sidaas waxaa loo
yeelaayay in la baajiyo dhiig kale oo qubta iyo in lagu kala bogsoodo, waxayna
oran jireen; meeshii xinjir ku daadatay, xab ha ku daato.
5-
Dhabar-garaac/Boob: marmar baa waxaa dhici
jirtay in nin gabar jeclaado, hase yeeshee iyadii diiddo, markaasaa kii
jeclaystay gabadhu inta soo abaabusho koox jifadiisa ama tolkiisa ka tirsan baa
gabadhii inta la uleeyo xoog lagu kaxaysan jiray, kadibna inta la masaafaysto
xoog lagu guursan jiray, waayo kadibna arrinkii xasili jiray oo sidaas afo iyo
sey ku noqon jireen.
6-
Kufsi: marmar baa waxaa dhici jirtay in nin
gabar kufsado oo loollankii labadaas dhex maray gabadhii waxyeello ku soo
gaadho sida; il ka dhacda, ilko dhaca ama nabar kaloo culus. Guurtidii
arrinkaas u gogol fariisataa waxay gaari jirtay go’aanno u danaynaya gabadhaas
la kufsaday, waxayna aalaa xukumi jireen in uu ninkii qabsaday guursado,
waxayna oran jireen; quruxdeeda wax u-dhime, qadaadkay u saaran tahay.
7-
B) Xiskiisan: nin baa afadiisii ka dhimatay iyadoo carruur u leh amaba u lahayn, waxaa markaan oo kale dhaqan xooggan ahayd in
marwadii xijaabatay walaasheed ninkii la siiyo iyadoo loo danaynayo ilmihii
rajada ahaa, waxayna oran jireen: xiiskiisan xulasho ma leh. Ninka ka heli waaya waxtarkii marwadiisii dhimatay midda cusub inta badan cabashadiisa waa la
maqli jiray sida kii yiri: anna calool xumaa i dili, adna caanaa ku dili,
cunuggana cabaad baa dili iyo kii yiri; adna oohinta iga dhammee anna ilmahaan
kaa dhammayn.
T) Dumaal: marka nin ka dhinto qof dumara
oo aan wali dhalmodays noqon, waxaa dhaqan adag ahayd in qoftaas reerkay u dhaxdey nin
ka tirsan guursado, iyadoo aalaa loo danaynaayo carruurtii agoonta ahayd,
waxayna oran jireen; dumaali waa damal carruureed. Aad iyo aad bay dumarku u necbaan jireen
walina u neceb yihiin dhaqanka dumaasha.
No comments:
Post a Comment