Wednesday, June 26, 2013

Nin Balaaya Hurshaa Mar Uun Buu Ku Baxaaye, Cartan Boos Ma Kanaa?

Taariikhda aadanaha waxaa ka buuxa hoggomiyaal marar kale duwan soo if baxay oo magac yeeshay, haddana dhammaadkii ku dambeeyay meel xun iyo silic ay taladoodii badday dadyowgay horjoogeen. Inta badan qofkii dheehda sooyaalka madaxdii inta meel sare gaartay haddana ku hoobatay haadaan iyo haybad-la’aan waxaa sabab u ahaa madax-adeyg iyo kali-maalootinnimo macangagnimo weheliso. 
Markii la uumayba aadanaha looguma talogelin inuu kali ahaado oo qorshayaasha nolosha kali ahaan u maareeyo. Waa sidaase waxaa loo qorsheeyay inuu wehel lahaado oo uu danahiisana hab-wadareed u fushado. Ma jirin mana jiri doonto qof kaligiis gaaray isku-filnaasho dhammeystiran. Hadduu yahay qofku mid hoggaamiye ah wuxuu u baahan yahay la-taliyaal garaad sarreeya leh. Wuxuu u baahan yahay inuu si fiican u ogaado xaaladaha kale duwan ee hareerihiisa ah. Wuxuu u baahan yahay inuu joogto u oddoroso isbeddellada kale duwan ah ee soo aaddan ee saameyn kara naftiisa iyo tan dadka uu hoggaansho. Hoggaamiyaha qummani wuxuu leeyahay dhimir wax beegi karta, qaadanna karta talada suubban. Haddiise ay la ahaato inuu kaligiis ay-yaqaan yahay oo uu dhinacyada kale taladooda iyo garashadooda gees maro, waxaa hubaal ah inuu meekhaankiisu la mid noqonaayo hal bacaad lagu lisay. Macangagga aan lagu holin tiisa mooyee mid kale oo haddana awood haystaa, wuxuu si joogta ah uga habaabaa marinnada toosan. wuxuu ku dambeeyaa isagoo indha leh inuu noqdo cammoole aan dabka ka leexan. Waxaa loogu dawgalaa kibirkiisa, qalloociisa iyo maangaabnimadiisa.


Waxaan Geyiga Soomaaliyeed ku aragnay ama maqallayba rag badan oo hoggaanshay oo haddana yeeshay tilmaamaha kuwaan kor ku falanqaynnay. Waxaa u dambeeyay Sh. Xasan Daahir Aweys oo 20kii sano ee ay balaanbaleysay ummadda S/liyeed la dhex rooraayey qori dab leh. Sh. Xasan wuxuu hoggaanshay ururradii ku halqabsaday magaca diinta islaanka ee haddana ku caanbaxay guluf iyo gawrac joogta ah. Wuxuu horraantii 90-aadkii horkacay kooxo mintida oo dagaallo joogta ah kula jiray dadweynaha Soomaaliyeed. Wuxuu abbaanduule ka ahaa colalkii gabagabeeyay gobolladii koonfureed ee Soomaaliya, laga bilaabo xeebaha Gacanka Barbar ilaa daafaha Gedo. Markii la burburiyey ururkiisii Al-Itixaad, wuxuu ka hawlgalay ururkii Maxkamadaha Midoobay, markii la burburiyeyna wuxuu sameystay ururkiisii Xisbul Islaam. Markaas kadib waxaa lagu dirqiyay inuu ka mid noqdo ururka macangaga ee Al-Shabaab. Wuxuu hadba meel ka duso oo hadba tuulo ka dhawaaqaba, maanta (06/26/2013) ayaa la yiri; isagoo janaqa laalaadinaaya buu isu dhiibay Maamul Qoleedka Ximan.


Sidii macangagiintii taariikhda oo kale buu ayaankiis noqday in geesaha laga soo istaago oo si xaqiran loo hareereeyo, loogana dhigo maxbuus masiirkiisu ku jiro gacmaha asaaggiis. Shiikii gooddiga badnaa oo gulfinta badnaa ee mar yiri;”shacabku xabbadda ha u adkeysto” isaga laf ahaantiisii bay madaxa ka saaran tahay. Waa adduunyoo waa gaadaaley, gelinba meel bay joogtaa e.


Colaaddii uu looyaaminaayay Sh. Xasan iyo gunaanadkeedu waa cashar dhammaystiran oo qofkii dhug lihi ku waano qaadan karo. Waa cashar cibro leh oo taariikhda ku qormaya kuna xusnaan doona baalasheeda. Haddii isaga aayahiisu noqdeen gelbis foolxun, sow kuwo kale ee la dhaqanka ah lama gudboona inay, intuusan dawanka gooreysadu yeerin abbaarta haleelaan oo joojiyaan dhaqammada xun iyo dhibabka badan ee ay ummaddooda ku hayaan?. Haddii la waayo in wax lagu qaato dhacdooyinka waayaha, sow wixii la sugaa maaha ilmirigleyn iyo aayo-xumo.
Qarnigii 19aad gabyaagii S/liyeed ee dul istaagay raqdii Cartan Booskii magaciisa kibirka lagu lammaanshay ee markaas marshay tuducaan mahadhada reebay ma il duufin;
Nin Balaaya Hurshaa Mar Uun Buu Ku Baxaaye, Cartan Boos Ma Kanaa?       


     

No comments:

Post a Comment