Tuesday, December 24, 2013

Ma Waayaa (Waranle)

Bay iyo Bakool iyo
Baydhaba jannaay iyo
Baraawiyo Kismaayiyo
Baardheere iyo Luuq
Beladweyne Hiiraan
Nin Banaadir joogoo
Ka bariistay Yaaqshiid
Boob lays dhacaayiyo
Bumbo laysku tuuriyo
Boolida adduunkiyo
Bililiqo ma waayaa?

Berberiyo Hargeysiyo
Burco iyo Sanaag iyo 
Buuhoodle weyniyo
Buundada Wajaaliyo
Banka Diida-Waaleed
Boorame nin joogoo
Ka bariistay Xaadoow
Barje loo fadhiistiyo
Badhar iyo sigaar iyo
Biyo laysku dhaafshiyo
Baraafuun udgoon iyo
Baashaal ma waayaa?

Bunduq iyo rasaas iyo
Boqol wiil nin haystaan
Ka baqayn Ilaahay
Buuriyo Wardheer iyo 
Batalka iyo Dawldawl
Bilqan iyo Shilaabiyo
Balambal iyo Jeed iyo
Ka bariistay Ceelgaab
Baabuur la fuuliyo
Baarweyn halaad iyo 
Boor uu xareeyiyo
Boga geel ma waayaa?

Ninkii Mudug ku beermoo
Bayra iyo Roox iyo
Baxdo iyo Gidhays iyo
Bulacliyo Gadoon iyo
Baraxleey nin joogoo
Ka bariistay Ceeldheer
Annagaa dadka u badan
Berri baan cunaynnaa
Bohol iyo god kugu ridi
Buluugley anayska leh
Beelaha degaankiyo
Bulshadoo dhan maamuli
Badawnimo ma waayaa?

Baran iyo Nugaal iyo
Bayliyo Daroor iyo
Badda xeebaheediyo
Ninkii bari guntiisiyo
Boosaaso joogoo
Ka bariistay Xafuun
Boowow anaa iri
Boodhaadhi aan jirin
Ballan aan fulayn iyo
Boqorkii dadkaan ahay
Burcadnimo ma waayaa?


Bangeelle iyo Sayliyo
Moqor baallaheediyo
Ballikibir nin joogoo
Qoollaalli beegsaday
Barta Siiga-dheeriyo
Ka bariistay Dawdii*
Barqomaal lo'aad iyo
Gabar Bilan ma waayaa?

No comments:

Post a Comment