Cali-Mataan Xaashi Cali-Cagweyn wuxuu ku dhashay
Gobolkii Mudug la oran jiray ee Soomaaliya abbaaraha 1927kii. Cali Mataan
Xaashi, wuxuu ahaa duuliyihii ugu horreeyay ee Jumhuuriyadii Soomaaliya.
Sannadkii 1944tii
buu ku biiray Ciidammadii Gumeystaha Ingiriiska, wuxuuna kamid noqday Cutubyadii
Baaqa-Qaarsoon ee xoogaggaas. Waayahaas waxaa jiray dhaqdhaqaaq xooggan oo gumeysi-diid
ahaa, waxaana horseed ka ahaa ururkii SYL. Cali-Mataan wuxuu ku biiray sannadkii
1944tii dhaqdhaqaaqaas wuxuuna noqday xoghayaha ururka ee Sagag oo markaas ahayd
tuulo ka tirsan degmadii Dhagaxbuur. Kadib markii la baabi'yay Cutubyadii
Baaqa-Qaarsoon ee Soomaaliya sannadkii 1947dii wuxuu Cali ku biiray Qeybtii Boostada
iyo Isgaarsiinta ee Muqdishow ka jirtay. Intii uu ku sugnaa Muqdishow wuxuu ka
qeyb galay dhawr bannaanbax oo gumeysi-diid ahaa sida, kii la oran jiray
Ha-noolaato ee dhacay sannadkii 1948dii.
Sannadkii 1950kii ayaa Cali waxaa ku xiray
magaalada Cadaado Maamulkii Kusimaha ahaa ee Talyaaniga (AFIS), sababtu waxay ahayd,
Cali-Mataan baa wuxuu gacanta ku sawiray nin reer guuraa Soomaaliyeeda oo ay
dhabarka u saaran tahay 10 jawaan oo buux-buuxa, taas oo uu ula jeeday 10kii
sano ee Soomaaliya hoos joogaysay gumeystihii Talyaaniga.
Horraantii
1950-aadkii wuxuu Cali ku biiray Qeybtii Cirka ee Soomaaliya wuxuuna ka noqday
agaasime-xigeen. Markuu dhammaystay dugsigii dhexe, wuxuu galay Dugsigii
Maamulka iyo Siyaasadda. Sannadkii 1956dii wuxuu waxabarasho u aaday Talyaaniga
si uu u soo barto duullinimo iyo maamulitaanka socdaalka hawada. Hal sano kadib xilligaas baa loo qaatay Xoogagga Cirka
Soomaaliyeed waxaana isla markiiba loo dalliciyay xiddigle. Sannadkii 1958dii
ayaa loo magacaabay Maamulaha Garoonnada Diyaaradaha Soomaaliyeed. Waayahaas oo
uusan jirin duuliye Soomaaliyeed buu qalqaaliyay in 35 arday
dalka dibaddiisa loo diro si loogu soo tababaro duullinimo iyo farsama-yaqaannimo.
Sannadkii 1959kii buu u dallacay labo xiddigle waxaana isla markiiba loo diray
Talyaaniga si uu ugu tababarto ahaanshaha duuliye heerka kowaad ah, waxaana loo
soo tababaray diyaaradihii waayahaas dalku lahaa. Markuu Talyaaniga ka soo
noqday sannadkii 1960kii wuxuu u dallacay Dhamme waxaana asaga iyo kooxdiisiiba si rasmi ah
loogu wareejiyay Ciidankii Cirka Soomaalidii xorowday.
Ragaalkii 1960kii wuxuu
korjooge ka noqday duullimaadyadii toddobaadlaha ahaa ee ka bilawday Muqdishow
ilaa Hargeesa (aadis iyo soonoqod), duullimaadyadaas baa dadweynuhuu u bixiyeen “Duullimaadyadii
Cali-Mataan”.
Sannadkii 1963dii buu u dallacay Gaashaanle, isla sannadkaas
dhammaadkiisana wuxuu galay Akadeemiyadii Xoogagga Soofiyeedka ee Mooskow
waxaana loo tababaray diyaaradihii Miigga, sidaas buuna ku noqday duuliye-sare.
Markuu ka soo noqday Midawgii Soofiyeedka oo ku beegan sannadkii 1965tii waxaa
loo magacaabay Taliyihii Ciidankii Cirka Soomaaliyeed, wuxuuna sannadkii
1967dii u dallacay Gaashaanle Dhexe.
Cali-Mataan Xaashi wuxuu ka mid ahaa kooxdii hormoodka ka ahayd Kacaankii Oktoobar ee 1969kii, wuxuuna xubin firfircoon ka noqday Golihii Saree
Kacaanka (SRC). Sannadkii 1970kii buu u dallacay Gaashaanle Sare. Sannadkii
1973tii wuxuu noqday Lataliyaha Madaxweynaha ee xagga sharciga. Sannadkii
1974tii wuxuu noqday Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Sharciga ee SRC, wuxuuna korjoogeeyay hawlihii dib loogu habaynaayay xeerarka dalka. Sannadkii 1976dii
wuxuu u dallacay Sarreeye Guuto. Allahaw naxariistee Cali-Mataan Xaashi wuxuu
ku geeriyooday Dalka Talyaaniga sannadkii 1978dii waxaana lagu aasay Muqdishow.
Fiiro gaar:
Cali-Mataan Xaashi, wuxuu caan ku ahaa caddaaladda, wuxuuna ahaa nin aad u neceb dulmiga. Waxaa jiray dhacdooyin la xiriiray dulmi-necaybkaas uu caanka ku ahaa waxaana tusaale ahaan u soo qaadanaynnaa sheekadaan:
Waagii gumeystihii Talyaanigu ka talinaayay dalka oo ku beegaan xilliyadii maamulka daakhiliga ahi dalka ka jiray, oo Cali-Mataan markaas xiddigle yahay ayuu hameyn soo aaday xarun lagu dhigi jiray filimada oo ku tiil aaggii Ceelgaab ee Muqdishow. Wuxuu la kulmay dhacdo yaab leh; nin talyaaniya oo derajadiisu ahayd colonel markaasna xukumay cutubyadii ciidammadii cirka oo watay baabuur SUV ah baa wuxuu xaruntii filimada horteeda ku maray naag uur leh, wuxuuna baabuurkii damiyay asagoo dul saaran xaamilidii Soomaaliyeed, wuuna ka soo dagay baabuurkii asagoo caytamaaya. Cali-Mataan wuxuu ka codsaday dadweynihii meesha joogay inay ku caawiyaan ka-qaadista baabuurka xaamiladii wayna yeeleen. Kadib wuxuu si aada u garaacay ninkii caddaanka ahaa ee dulmilawga ahaa, wuxuuna ku tuuray baabuurkii dhexdiisii, wuxuuna geeyay xeradii Ciidankii Cirka. Dhacdadaas awgeed, Talyaanigu wuxuu ka qaaday Cali-Mataan darajadii sarkaalnimada, wuxuuna ku celiyay askari dable ah. Arrinkaas waxaa dareemay dadkii Soomaaliyeed ee waayahaas dareenkiisu soofaysnaa, waxayna madaxdii Soomaaliyeed qaarkood si aada isugu hawleen sidii Cali-Mataan loogu soo celin lahaa derajadiisii, waana ku guuleysteen.
No comments:
Post a Comment