1DA LUULYO MA DABBAALDEG BAA MISE WAA
BAROORDIIQ?
Waa maalintii xornimada laga helay gumeystihii saancadaha ahaa oo buluugleey ay dabeyluhu ka luleen daaraha dushooda. Waa maalintii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed labo midowday oo hal dawlad ah yeesheen iyagoo hore u ahaa “British Somaliland” iyo “Italian Somaliland”.
Waa maalintii hanka Soomaaliyeed kor u kacay oo lagu hammiyay loona hawlgalay in la haleelo qaran Soomaaliyeed oo dhammays ah. Waa maalintii aan ku heesnay ”qoloba calankeedu waa caynoo innaga keennu waa cirkoo kaloo aan caadna laheyn.....”
Ha yeeshee, 1991-dii iyadoon guluf shisheeye oo toos ah uuna soo duulin ayaa la dumiyay dawlad-qarameedkii loo han weynaa. Dawladdii silica iyo saxariirka loo maray, nool iyo moodna loo waayay ayaa si fudud oo xilkasnimo-la’aan ah loo riday.
Waxaa la boobay hantidii qaranka oo dhawrtada iyo dhigaalka aheyd. Waxaa la xaabsaday xoolihii xalaal-quutaha waddaniga ah oo la xalaalsaday. Daarihii loo qotomiyey adeegga qaranka farshaxannaduna qurxiyeen baa la dumiyay ama sidii diirta loo diirtay amase laga yeeshay mooro-xoolaad. Sidii aboorkii baa la mahoobbiyay astaamihii iyo taallooyinkii dalka. Waxaa la fagtay dhulkii, bir iyo maarna waa laga dhawray. Waxaa kor loo laacay xargihii danabka oo sidii qarandida loo dhishay. Salka suuliga iyo kulay qasabad ku tahay shayna la ma samatabixin. Waxaa seyladaha dunida la waray sad guud iyo sad gaaraba wixii ummaddu lahayd.
Waxaa gunta laga jaray geed-miroodkii gu’yaasha laga dhursugayey. Waxaa gubato loo rogay dooxooyinkii dalagyadu ku beernaayeen, carrosankiina waxaa laga dhigay gawaan iyo gabiib maran.
Guutooyin baa la dumay oo gees walba u qaaday duullaan ummula-dooxa. Waxaa gawrac loogu jiiday hanad iyo waxgarad la garwaaqsanaa. Waxaa loogu guduudiyay nin gaboobay iyo gurboodba. Waxaa gees walba ka yeeray galaayuuska dumarka asayda gambeysan iyo hoogaysiga hooyadii la jaray ubadkeedii. Waxaa guri walba hogatay gablan wiil la’aaneed iyo guuldarro iyo hoog. Waxaa dhacay geesaas iyo gabanno-xoor. Waxaa dhacay kala-haad iyo haataa-wilif. Waxaa dul heehaabay geyiga Soomaaliyeed oo idil daruur dabaylo nuxus leh wadata oo musiibo iyo meyd leh.
Gabadhii Soomaaliyeed ee bilicsanayd ee lagu kunniyay boqoraddii Afrika oo lagu maseeyay xoriyadda waxaa la bilqay duleedyada bannaan iyo deyrarka guryaha, waxaana sidii kadin kallanaa loo hortay galmadeeda iyadoo garcas iyo oday guunaba goob joog ahaayeen. Gabadhii aan niri waa hoobaan ee heegaha dheerayd, Hodan, waxaa helay hunuf dhadhable ah oo dhalanteed aamminsan. Gabadhaan niri waa “sida geed harweyn oo ubax guudka qariyay oy laamuhu ay midiba geesteed gacan mira ah leedahay oo godan barwaaqo ah, durdur aan go’ayn iyo gacan wabi ku yaal ...geddiisii baad tahay” gabadhii waxaa helay gun iyo gaayo alifley.
Xornimadaan niri; waa hal oo waa Maandeeq, hoorkii madida aheyd oo baarqaabkii Turbaale iyo dirkiisa ku tarmi jirtay oo ku tanaadi jirtay, waxaa helay qaalmo taynax-walashle ah oo tis-qaadka roorsada oo garbo beel iyo goondhabaaleyn mooyee aan ged kale ku kordhin. Maandeeq, Turbaalay ku tiqiin ka-guul-guulka awrta gaaf-wareegga ah iyo qaalmaha gaadda-keenka ah ee guulowga badan, goosan dhurwaa iyo gaade libaaxna agteeda ka ma goosan jirin. Markay guxushaagii weyday baa kolay dhuug iyo dhurde ku tahay dhiiggeedii laga giigay.
Hashaan gaade iyo gulufba ka dhawrnay, hashaan geyraha iyo gudcurkaba la joognay, hashaan gaawaha u culannay waxay darartay mur iyo deebaaq, iyo dacar dhiimaal ah. Godlan waxaan ka sidannaa gorofyo maran.
Hashaan gaade iyo gulufba ka dhawrnay, hashaan geyraha iyo gudcurkaba la joognay, hashaan gaawaha u culannay waxay darartay mur iyo deebaaq, iyo dacar dhiimaal ah. Godlan waxaan ka sidannaa gorofyo maran.
Maandeeq sidig bay ahayd seddex ku irmaan tahay oo sabadka ay joogto suudda la daaqa oo maqaarka loo sido lagu wada salaaxo. Markii Maandeeq gabraartaha iyo sinji-dhaadyadu ganeen, bay seddexdiina noqdeen seera-wareeg subaaca la qooqa. Uubateyn iyo olol-reen bay ku riiqmeen oo ku rifmeen.
Wax daran wax baa kaaga sii daran, balo’ wali way irmaan tahay oo way ibo qoyan tahay. Balo’ buunkeeda Xamar baa laga yeershaa oo dabkeeda laga biriyaa. Xamartii xoogga iyo xiniinyaha Soomaali weyn lagu dhisay, tacabkeediina la tuunshay waxaa taabsaday tuug iyo tuug-kalkaal. Xamartii taajka qaranka aheyd, waxay noqotay barta taliska bi’inta Soomaaliyeed. Talo keen ahow ama talo raac ahow, hadday tusmo wanaagsan aheyd tuna lagu kari waa. Balo’ wali waa irmaan tahay, kuwii toobkaheeda culay oo bineeyay wali waa fayow yihiin oo waa faltamayaan. Kuwii balo’ unkay oo ku tacaddiyey danta S/liyeed wali waa soo dhankoolaan. Baas-abuurayaashii bannaystay gawraca iyo gambiga qaranka S/liyeed wali waa bulxamayaan.
Kuwii hagardaamo qooli jiray wali waa hammiyayaan, kuwii hantaqa ku ridi jiray wali waa harjadayaan, haddana heegaan u jeednaaye wali waqal ku ma hoorin!
No comments:
Post a Comment