I ma ogide
waxaan ahay
Axdi ku ma
ciyaaroo
I ma ogide
waxaan ahay
Ilaahi-u-samiroo
Waxaan uur
habreed galay
Awliyo Tilmaan iyo
Afagaalle
iyo Dirir
Hameyn amarku wacan
yahay
Ifkana
waxaan u soo baxay
Aroor samadu
furan too
Iimaankiyo
kalgacalkuna
Is ku keen
ammaaneen
Sida eyra
geel baan
Kuu
ololayaayoo
Sida ubad
aan dhalay baan
Kugu uur
fayooboo
Sida oog la
shiday baan
Il dheer kaa
arkaayoo
Sida ubax la
beeray
Indhu kugu
farxaanoo
Sida aayad
diinaan
Afka kugu
hayayoo
Adiguna
aqoonsoo
Ili dhehoo..
Dhankaaga
ogoow
I ma ogide
waxaan ahay
In xun
lama-tusaanoo
I ma ogide
waxaan ahay
Samo ruux la
uumoo
Waxaan uur
habreed galay
Afar iyo
tobnaad iyo
Urur dayax
la xero galay
Afku-rooble
iyo nabad
Adduunyada
waxaan imid
Maalintii
islaamkoo
Lagu iiday
xaramkoo
Ibliisku uu
xirxiran yahay
Sida shiikh asluub
laan
Kuu
ammaanayayoo
Sida udugga
dooggaan
Kuu
imaansadaayoo
Sida
oogadeydaan
Kuu
ilaaliyayoo
Sidii Nebi
Ayuub baan
Adi kuu
samraayoo
Sidii Abuu
Hureyraan
Kuu
aamminaayoo
Adigiyo
naftaydaan
Ifka ugu
jeclaaye
Adiguna
aqoonsoo
Ili dhehoo..
Dhankaaga
ogoow
No comments:
Post a Comment