Friday, March 21, 2014

Ruux Ku Caashaqaa Garan (hees)

Waqtigu inuu cajiib yahay
Maxbuus ciillan baa garan
Qiimo coodku leeyahay
Sabool cayra baa garan
Laxaad caafimaad qaba 
Curyaan heetiyaa garan
Dhallaan caruurnimo
Duq cirroobay baa garan

Adna camal habboonoow
Inaad tahay nin caaqila
Iyo hanad cod-karahoo
Cisannimo ku caan baxay
Cindigayga laabtee
Rag kaa calmaday iyo
Ruux ku caashaqaa garan

Gugu inuu cuddoon yahay
Cid jiilaal helaa garan
In colaaddu halis tahay
Nimuu cadaw qabtaa garan
Aayadaha cibrada sida
Caalimkii dhigtaa garan
Waalid iyo canaanti
Agoon ciirsi-la'aa garan

Adna camal habboonoow
Inaad tahay nin caaqila
Iyo hanad cod-karahoo
Cisannimo ku caan baxay
Cindigayga laabtee
Rag kaa calmaday iyo
Ruux ku caashaqaa garan

No comments:

Post a Comment