Thursday, March 27, 2014

Ma Waagoo Dhalaalay Baa? (hees)

Ilkaheeda dhuuxa
Indhaheeda dhayda
Dhabankeeda curubka
Sunniyaha bil dhalatiyo
Sidii qaanso lagu dhigay
Timaheedaan dhuxusha
Barkood dhaafay dhabarka
Barna soo dhaceenee
Laydhu ay ku dheeshiyo
Midabkeeda dhiinka

 Ma waagoo dhalaalay baa
Ma dhibic Seermaweydaa
Ma dhallaan la jacel yahaa
Ma xalay ubax dhashoo
Dhegaha fidiyoo
Ka dharqday xareedoo
Dharabkii ku yaal baa?
(La dhacayaa qosol baa)

Sida dhoolka guga oo
Dhudhulihiyo keymaha
Dhawr beri ku hooroo
Dhirtu wada dhalaashoo
Saacii wada dhalaalay
Rahu fiid dhawaaqoo
Roob-la-dhacu dhex maaxoo
Baalaleydu hadba dhinac
Isu kala dhigaysaad
Qalbiga uga dhigantee

Ma waagoo dhalaalay baa
Ma dhibic Seermaweydaa
Ma dhallaan la jacel yahaa
Ma xalay ubax dhashoo
Dhegaha fidiyoo
Ka dharqday xareedoo
Dharabkii ku yaal baa?
(La dhacayaa qosol baa)


Waa dhammays haweenoo
Dhexdeeda madagta
Luqunteeda dhebiga
Dhaayihii jalleecaa
Dhibaatada halmaamee
May dhiman Suleekhoo
Dhulkeennay ku nooshee
Midda dhaxashay quruxdee
Nabi Yuusuf dhalayee
Hannaan loo dhammeeyay

Ma waagoo dhalaalay baa
Ma dhibic Seermaweydaa
Ma dhallaan la jacel yahaa
Ma xalay ubax dhashoo
Dhegaha fidiyoo
Ka dharqday xareedoo
Dharabkii ku yaal baa?
(La dhacayaa qosol baa)

No comments:

Post a Comment