DANTA
GUUD
Dhaqankii
raacatada S/liyeed ee aan wali giddigeen wada xanbaarsa nahay wuxuu lahaa habab guud oo ay raacatadu nolosheeda ku maarayn jirtay. Haddii degmo degto meel,
waxaa loo sameyn jiray sarsar adag si aan dugaaggu ugu soo dhicin oo uusan
waxyeello ugu geysan dadka iyo duunyada degmada.
Haddii loo heenseeyo guluf, muran kama imaan jirin abbaanduulaha, waayo horaa
loo kala ogaa geesiga xeelado-aqoonka ah iyo fulayga gebgeblaha ee aan la isku hallayn karin.
Haddii shir la aguugo oo la rabo in talo waxtar ah la gorfeeyo, waxaa
gunaanadka arrinta loo sooci jiray guddi xeerbeegti ah oo waxgarada, loomana oggalaan jirin maangaabka garashada ka liita inuu ka dhex gala’la’leeyo Golaha
shirka. Sidaasay u ahaayeen hababkii raactadu kuwo dhawrsan oo laga ilaaliyo lablabka gibbaanka aan meelna ku toosi karin.
Waxaa yaab leh manta oo dhaqankii daaqsatadu wali ka sii dhex jiro bulshada S/liyeed, maanta oo ay bulshadu yeelatay aqoon dheeri ah oo maaddi iyo macnawi ah, inaysan laheyn kartidii ay hababkeeda waxtarka leh ku difaaci laheyd. Waxaan aragnay bulsho dhex taal ummadaha ugu horumarsan dunida oo inta shir wanaagsan goodday aan shirkeedu laheyn inyar oo difaaca. Waxaan aragnay iyadoo kuweeda waalani ay ka dhex qaylinaayaan, kuweeda baas-abuurka ahi ka dhex gooddinayaan, balse ay ka dhex khudbeynayaan oo dhegaha loo wada raaricinaayo. Waxaan aragnay iyadoo qaswadaheedu uu kala tuuraayo guddoonkii shirka oo haddana inta loo nuglaaday loo afgambiyay majarihii shirkoo dhan. Waxaan aragnay iyadoo macallinkii jaamacadda iyo midaan waxba xarriiqin meel la soo wada taagay oo la leeyahay arrimaha ka wada taliya. Waxaan aragnay iyadoo dhaqanyahankii, waayo-araggii iyo aqoonyahankii oo gabran la leeyahay gabar yar, wiil yar iyo oday gaabis ah soo dhiraandhiriya arrin murugtay, siday la ahaatayna laga dhigay meelmar. Waxaan aragnay iyadoo la xulay koox loogu talagalay soo-helidda barnaamij horumarineed iyo qaabeynta xeyndaab maamuleed ee ummad dhan, oo haddana aan loo meel deyin garshadooda arrimahaas.
Waxay aheyd bulsho kastoo taal meel in ay arrimaheeda ku qotomiso sida ugu habboon tixgelisana waaga la joogo, mar kastana xubnaha ay u xusho agaasinkeeda ay ku foodiso kartidooda, aqoontooda iyo hal-adeyggooda. Waxay aheyd inay difaac ka yeelato lablabaha iyo kali-doonka, kala soocdana danta guud iyo danta gaar ahaaneed, kuna dhiirrato hor-istaagga kan aan u adeegeyn danta guud.
Waxaan ugu heesi lahaa dhib-wadayaasha dantooda gaarka ah ku dhex walaaqaya danaha bulshoweynta:
Raamaale
huluqsane
Ma adigaa hoggaansha Gobannimada hanan kara Hawadeeda gali kara Heeladdeeda mari kara Higsigeenna garan kara Hawlahaagii deyn kara Hadba meela aadkii Iyo hunguriyo doonkii Habac-habac u socodkii Hebello raadintood iyo Hadal beena sheeggiis Raamaale huluqsane Ma adigaa hanuunsha Talo noo habeyn kara Danaheenna hagi kara Dawadeenna heli kara Nolol noo horkaci kara Adigaaba huriyoo Holcin jiray colaaddee Goormaad hagaagtoo Ka hayaantay xumihii Raamaale huluqsane Heed-heetihiiyow Halakeeyihiiyow Hoos hoos u sheegow Ha ahaado samahuye Ha ahaato nabadduye Horumood aan raacnee Ha hitiqiyo gaankuye Ha hagaajo doorkuye Hillinkeeda muuqdiyo Ha hillaaco laacuye Ka haroo ha dabagelin Ka haroo ha dabagelin |
No comments:
Post a Comment