Thursday, May 2, 2013

Guur Aan Ka La'aado (Gabay; Cabdulqaadir Xirsi Siyaad (Yamyam "AUN")

  • Godkii aakhiree lagugu riday jeer, uun baan galiye
  • Naxariis gu' weyn baan Rabbigay, kuu galliinsaday
  • Aw Yuusuf gabaygii ahaa guur, aan ka la'aado
  • Gabdhihii markaa joogay eed, diidday gogoshooda
  • Gefefkiyo tilmaamihii caddaa, eed ku gali wayday
  • Haddaad maanta goob joogi layd, ka ma gidaaddeene
  •  
  • Geeraarka adigoon maqlayn, kaagi garab yaalla
  • Cimrigiyo gabdhaha aan waqtigan, isku soo gaarnay
  • Aniguna intaan uga gabbaday geed, aan ka iraahdo
  •  
  • Gablan iyo inaan ubad dhalaa, way gudboon tahaye
  • Madaxayga guudkaad cirrada, galayax mooddaaye
  • Gabowgii waxaa iiga haray, dhawr guyoo kale e
  • Guumays waxa iga dhigoo, doobka igu gaaxshay
  • Een dumar qaar uga gabbaday, geed aan ka iraahdo
  •  
  • Guduud iyo adoon qurux hurayn, gaari aad xulatay
  • Beri hore gayaan iyo kuf baa, wada gudboonaaye
  • Geelana middii qaayibtaa, loo gunnayn jiraye
  • Intii aan bacow gaadan laa, golo-ku-joog fiican
  • Mar hadday gar-dhalad wada noqdeen, guur aan ka la’aado
  •  
  • Caadadii la gooyaaba waa, geeri iyo ceebe
  • Guudkii badnaa iyo tintii, gedefka aad moodday
  • Ee guur ninkii doonayaa, muuqa garanaayay
  • Garoob iyo middii reer liyo, taan la guri gaysan
  • Gambooleey hadday wada noqdeen, guur aan ka la’aado
  •  
  • Gaabsiga xishoodkiyo middaan, edebtu soo gaarin
  • Ee maro guntiimaysatee, gibilka qaar muuqdo
  • Ee naasku inuu giigsan yahay, wiilka gelinsiisa
  • Markay wada gabraartaan intaan, goyn lahaa madaxa
  • Anna geeshku ii bixi lahaa, guur aan ka la’aado
  •  
  • Goobatada habaynkii guddeen, goor walbaba joogsan
  • Gasiiriyo middii aan Jimcaha, geedka laga waayin
  • Ee ina-rag kii mini waddaa, raaco gacanteeda
  • Marna tii aan gaagixin haddii, gorofka loo qaado
  • Intay gaari iga raaci layd, guur aan ka la’aado
  •  
  • Geerashkiyo middii xeer taqaan, qaadka gurigiisa
  • Gogoshiyo falaasyadii middii, kala dhex gowdiidda
  • Ee jaa’ifada loo guree, lagu habayn guuro
  • Ee labo gondoodoo nin kale, galan galcaynaysa
  • Intay galab rag kale ii keeni layd, guur aan ka la’aado
  •  
  • Garab rarato meel ku ma gabata,, guura bahaleeya
  • Sida igar gandaalkeed la sido, niman ku gaaf meera
  • Gurashada sigaarkiyo shaxaad, gees walba u bayra
  • Markaa googo' kii siinayaba, gacalsatee raacdo
  • Waabaayaday gurubsataa taasuye, guur aan ka la’aado
  •  
  • Tan ciddiyaha aan gurin tintana, gaabisee marisa
  • Goodaaddo beer dheer aan cunin, dheefta gurigooda
  • Gidaarrada habaynkoo bar tegay, wiil garbaha haysa
  • Gorayada surwaalka leh middaan, ruux u garan waayay
  • Xidin-xiitadaa aan gam’ayn, guur aan ka la la’aado
  •  
  • Gunuus-badan had iyo jeer gurxama, deriska guul guula
  • Garba qaawan wiinbaar gashada, gogol ma loo doona
  • Gaagabsiga yar mooyee marnaba, guurka ma-xusuusta
  • Dhaylada middaa loo gadee, awlal kaga goysa
  • Xuurtaa aan hamuun goynahayn, guur aan ka la’aado
  •  
  • Tan aqoonta loo gedo baree, garasho loo yeelo
  • Cilmigaa asaageedu gayo, tii la garansiiyo
  • Gargaariyo markii reer tashigi, gacal ka eegaayay
  • Haddii ay quraarado gashoo, gaalo la ciyaarto
  • Gablan bay adoogeed ka tahay, lagu ma goohaane
  • Caro waalid bay galabsatee, guur aan ka la’aado
  •  
  • Garoob maal leh oo dhawr sacaad, waabka soo gelisay
  • Oo guri cariishiyo dukaan, ganacsatee haysa
  • Caanaha garoorka ninkay, gelin dhexaad siiso
  • Noloshiisa anigow garlay, guul ka dhigataaye
  • Intii lay guhaadayn lahaa, guur aan ka la’aado
  •  
  • Midda guursatee guriga lee, gabannadii tuurta
  • Ee baladka gaash-gaashisee, gaatin soconaysa
  • Ee goor qaboona ah baxdee, godadka fiid meerta
  • Guulguulka waa lagu yaqaan, raro-gubyoodka ahe
  • Intay ubadka gaasiri lahayd, guur aan ka la’aado
  •  
  • Tan gugeedu weyn yahay asii, gaanisada dheesha
  • Een da’deeda la gooshinee, gurbaysnimo ku faanaysa
  • Googoradda bowdada ka maqan, xaluska giirgiiran
  • Waa cudur nasoo galay asii, aan la garanayne
  • Cimrigeedii taa gabawartana, guur aan ka la’aado
  •  
  • Tan jacaylka gaaddada u suran, meel walbaba gaysa
  • Ee dhawr nin guubaabisee, laxawga gaarsiisa
  • Adaan gooni kuu ahay waxay, kugu garaacdaaba
  • Markaad labada daarood gaftay, kaa xamaan guran e
  • Dumaashiday intaan gocon lahaa, guur aan ka la’aado
  •  
  • Midda ganaca weyn lee ibtilo, caasha loo galiyay
  • Ee nabar la gaadhsiiyay iyo garac, la soo dhooftay
  • Ee gabanka aabihiina tiri, waygu gacan sayray
  • Indha guray dhafoorrada gotaad, taa ku garataaye
  • Ceebteedu i ma soo gashee, guur aan ka la’aado
  •  
  • Guunyada middii aabbaheed, lagu galiimaystay
  • Waxay gogato taan waayinoo, gaajo wali taaban
  • Ee gacanta maal ugu jiroo, gaari dheer wadata
  • Nin quraad u gaar tahay, yaan ruuxna galinayne
  • Intaan gaws libaax gali lahaa, guur aan ka la’aado
  •  
  • Guddoonkaygii goortaan intaa, gacan-togaaleeyay
  • Oon waliba soo gaabiyoo, qaar u gali waayay
  • Gogol iyo sariir aan lahayn, gaari raalliyo ah
  • Inaanan galangalcayn baa tashigu, iiga gow yiriye
  • Maxaa kula gudboonaan lahaa, taniba waa goor e?

Erayada:
1- Galliinsaday: durraansaday, baryay.
2- Gidaad: diiditaan, dudid, diidmo.
3- Galayax: aad u cad
4- Guumays: guur-la'aan ku weynaatay.
5- Doob: da'diisu weynaatay isagoon guursan
6- Kuf: xagga guurka u dhigma ama u qalma.
7- Gar-dhalad: bisha 30ka beri ku dhalata. Halkaan isku si noqday.
8- Gedef: qaab wareegsan leh
9- Gibil: jir, oogo. 
10- Gabraartaan: ugaarsadaan, goobtaan.
11- Geesh: ciidan. xoog ciidan sida XDS.
12- Gasiiro: Gasiiro wuxuu ahaa baar ku yaallay Muqdishow oo lagu caweyn jiray.
13- Gorof: bire; toobke; gaawe.
14- Gawdiid: fadhi; yuurar
15- Jaa'ifo: khidmadda guriga lagu baashaalayo.
16- Gondo: jeenyo; addimmo.
17- Gandaal: maqaarka hasha igarka lagu maalo.
18- Goodaddo: nooc ka mid ah nafleyda loo yaqaan qallajista.
19- Gunuus: guryan; hadallo cabasho ku salaysan oo hoos loo yiraahdo.
20- Winbaar: Maro aan wax qumman asturin.
21- Gaanisada: wuxuu u jeedaa taangada.
22- Gurbaysnimo: carruurnimo; dhallaannimo; yaraannimo.
23- Gabawar: halligaad, afgambi.
24- Xamaan: agab; alaabo.
25- Garac: wacal, aan aabbihiis la aqoon.
26- Gacan-togaaleyn: laactan; isku-dayga in gacanta lala gaaro la isku dayo.

No comments:

Post a Comment