Friday, May 3, 2013

Gorayooy Gabbal Kuu Dhac (hees)

Caashaqu muxuu gabay
Labo guusha wada jecel
God muxuu ku riday
Labo guur is ku ogaa
Geerida mid yiri hoo
Geeddi dheer muxuu calaf
Gacal oomman kala raray
Misna geed ku kala xiray

Maxaan samirka gaaxdaa
Nasiib gaabiyaa dilaye
Misna gaari waayee
Godob qaaday waayuhu
Anna gooni may dhigay
Gabaahiir ma igu furay
Geeriyaad ma ku anbaday
Soo ma ahi geddeedii 
Gorayooy gabbal kuu dhac

Caashaqaani muxuu gabay
Labo garasho dheeraa
Gol muxuu ku kala xiray
Labo Buurihii Golis
Midba gees ka joogee
Guuyadu maxay labo
Gacantoodu maran tahay
Gabadano ku haysaa

Maxaan samirka gaaxdaa
Nasiib gaabiyaa dilaye
Misna gaari waayee
Godob qaaday waayuhu
Anna gooni may dhigay
Gabaahiir ma igu furay
Geeriyaad ma ku ambaday
Soo ma ahi geddeedii 
Gorayooy gabbal kuu dhac

No comments:

Post a Comment