Monday, May 6, 2013

Saxansaxo Nin Haabtiyo (maanso...Waranle)

Saxansaxo nin haabtiyo
Nin dabayl salaaxoo 
Soo hooyay lama arag
Sagalka iyo moodduba 
Samaday ku yaallin
Sahal looma gaaroo
Nin u sahanshay kuma rarin


Saxalkiyo mariiqiyo
Xiddigaha siraatiyo
Falag suudi meeriyo
Daruuraha sabbeeyiyo
Sokay weeye cimiladu
Sanco weeye Eebboo
Rabbi baa sameeyoo
Nin sifeeyey lama maqal


Ruuxii salaafliyo
Doqon lama sakaansado
Inkastoo sareediyo
Sanka looga shubo malab
Waa subax-la-nooloo
Sumbo dumar abaal ma leh
Ragna sagagar waa buux
Siiyoo ka-qaade ah
Sawirkiyo calleelidu
Iyagaa sibaabane
Sawdkaaga way garan
Waxaad siiso way cuni


Sool iyo Nugaal Godan
Dooxada saraareed
Sarac iyo abuur ma leh
Hadduu saymo roob helo
Saac wayska leedahay
Sallax iyo dhadhaab adag
Subag ciid ku daataa
Sunbaax aan go'ayn iyo
Suud wayska leeyahay 


Webiyada sunsumayee
Sulul iyo ka yimid Harar
Sabab weeye nololeed 
Kumanyaal surquumaa
Surriyiyo Afgooyiyo
Saakow ka doogsada
Sinsin iyo galley iyo
Soor iyo ka hela calaf
Badda way siyaadshaan
Duul baa ku samo qaba


Hadday sayrma-weydiyo
Sagaalluhu is dhaafaan
Dirirrada la saabilo
Waa sano xumaa iyo
Siiga-casihiiyoo
Lama sugo gu' kuu da'a

No comments:

Post a Comment