Sunday, May 5, 2013

Geerida Galayax Sow Gebi Dumay Maaha?


Geerida Galayax Sow Gebi Dumay Maaha?

Maanta oo ah 05/05/2013 baa la soo tebiyay geeridii Cabdi-Galayax Maxammad Aw-Magan (AUN). Waxaa halkaas ku dhammaatay noloshii ifka ee halyey magaciisu ka yeeray goonyaha dunida oo idil. Waxaa maanta tirantay maskax hodan ahayd oo ay adag tahay in la helo dhiggeeda. Waxaa ciiray gebi weyn oo uu ku dhaadan jiray gabaygu, waxaana gabbal u dumay maansada Soomaaliyeed guud ahaanteed.

Geeridu waaa xaq oo waa laga ma gudbaan, hase yeeshee aadanaha waa u-dhaqan inuu ka gidaado qof caleentiisii soo go’day oo godkii aakhiro loo galbiyay. Marka sidaas la eego sow noo gar maaha inaan u baroordiiqno maqalkii weynaa ee murtida?.

Bilawgii ababkayga anoon gaarin gugii 10aad baan ogaa magaca uu Cabdi ku dheh lahaa bulshadiisa, waxaana aad u xusuustaa sidii milgada lahayd ee yar iyo weynba la isugu marin jiray tixihiisii caanka ahaa sida kuwii ay ku jireen:

Mardaadiga waxaa iigu wacan, midig ka-laaftoodka
Waa sida tolkay ugu mintiday, sidigta Maydhuube
                              Iyo
Malyan baa ku lumay weeradii, laysu maamulaye
Allaylehe macaash lagama helin, amase maamuuse
Mashaqada dhexdeenna ah nin deyay, muusannow dhimaye

Waxaase muuqaalkiisa iigu horreysay horraantii 1970-kii. Xilligaas oo aan gaaray qoyskaan ka dhashay ee reer miyiga ahaa. Wuxuu ahaa gu’ barwaaqa  oo dad iyo duunyaba la ladan yahay. Waxaan goor barqo ah u soo faalalay tuulo u ogog lahayd halkii reerkaygu yiil. Dadka aagga degganaa, in kastoo uu dhammaanti ahaa qolada aan ku abtirsado, haddana qofaf baan ka iqiin, waayo magaalaan ku koray. Waxaan soo galay waab makhaayad shaah ahaa oo rag tobaneeyo ahi fadhiyeen. Waxaan ka gartay nimaan jifo hoose ahayn oo la oran jiray Bashiir Isaxaaq (AUN), waxaana dhinaciisa fadhiyay nin aan ku qiyaashay sano 50aad oo guduudan oo heybad ka muuqato. Ninku wuxuu gacanta ku hayay buug gal adag leh. Bashiir markuu isha igu dhuftay buu ii yeeray; isagoo leh war wiilkaan baa noo akhriyaaya ee ma garanaysaan? Waxay yiraahdeen maya. Wuxuu sheegay ina ayahaygii, markaasay i wada garteen ina gacan qaadeen, mid walbana waa isu kay sheegay. Guud ahaan magacyadooda aabbe ama awowe waan maqlay, waxaase si weyn u maqlay ninka buugga gacanta ku haya oo ahaa Cabdigalayax. Buuggu waa Diiwaankii Gabayada ee Sayid Max’d Cabdille Xasan oo waayahaas soo baxay. Waxaa la i dhinac fariisiyay Cabdigalayax, waxaanna bilaabay inaan akhriyo gabayadiii Sayidka. In kasta oo raaggii meesha fadhiyay wada dhageysanaayeen akhriskayga, haddana waxaa si qoto dheer u dhageysanaayay Cabdi-galayax, marmarna isagaa i saxaayay. Ilaa casar gaaban baan akhrinaayay buuggaas.
Kulankaas kowaad oo aan la yeeshay ruugcaddaagii gabayga waxaa ii xigay 1990-aadkii oo aan dhawr jeer kula kulmay Magaalada C/waaq. Mararkaan dambe, waa la sheekaystay wuxuuna ii sheegay inuu gabayga iska daayay waayo hore, isla markaasna wuxuu ii sheegay sababaha uu u joojiyay oo dhammaantood ku xusan gabaygii 16ka Hal. Wuxuu aad u xusay cabsida Eebbe ee ku weynayd oo saldhig u ahayd sababihii uu gabayga u daayay:

Gabayada haddaan shubi lahaa, amase geeraarka 
Wuxuu iga galaafanahayaa, garasho diineede 
Gelin dhexe habaynkii wardaan, gurayaa Laylkiiye 
Nin ilaah u go’ay baan ahoo, wawga gaabsadaye
 

Naxariiste Eebbaan u baryaynnaaye wuxuu ahaa nin deggan, baarri ah, heybad leh oo haddana lagu mannaystay cod diryaan iyo murtiyi ku dheehan tahay. Wuxuu ahaa nin si fiican u fahmaaya nolosha adduunka iyo tan dambaba, waayihii dambana wuxuu u batay tacabka midda aakhiro.

Inkastoon gu’yaal badan cimriga, gelimmo sii joogo 
Maraan go’aba mawdkii rabbaa, ii gadaal imane 
Godna waa i sugayaa qabuur, guda ciriiryoone 
Gabnahaa agoontoobiyo, gaariyahaan qabo e 
Intaan ciidda hoosteeda galin, wawga gaabsadaye


Allow u naxariiso

No comments:

Post a Comment