Thursday, May 9, 2013

Geela Iyo Galayax (AUN)



in kastoo daaqsatada Soomaaliyeed wada jeceshahay geela kaasoo noloshooda wax weyn ka tara, haddana wuxuu Cabdigalayax ku tilmaannaa nin si weyn u jecel geela, waxaaba jirtay dhacdooyin la xiriiray guurkiisa oo ay isaga iyo xididkiisii isku eedeen tulud geela awgeed taas oo uu ku muujiyay meerisyadaan; 

Haddaan geela yawgii walbaba, ugu yaboohaayo
Ama qaalmo yuuyuubanoo, yarada dhiibaayo
Gabadhaad* dhashii Yurubtiyo, Yamanta moodaysay
Yareey uma fureen maalintii, yaabka loo go'aye

1970-aad kii baa magaalada Muqdishow lagu qabtay tartan looga gol lahaa gabyaaga Soomaaliyeed ee waayahaas noolaa kan ugu gabay-yahansan, waxaana dhammaadkii tartanka lagu caleemo saaray Cabdigalayax oo loo aqoonsaday gabyaaga kowaad, waana tan tixdii uu ku mutaystay kaalinta kowaad:

Anoo qayd malaykaana qaba, maraba waa cayne
Iyo haatan madaxayga oo, meela ka caddaaday
Intaasaan mareerta u sidoo, daba malluugnaaye

Wax dhan baan Mataanaha ka shubay, tii macaan badane
Wax dhan baan wadaan uga malmalay, ceelal maax kulule
Wax dhan baan ku miray toomihii, mulufka weynaaye
Wax dhan baan habeynkoo mugdiya, mayracoo rogaye
Wax dhan baan magaalo u huroo, mayracoo dhaqaye
Wax dhan baan haween uga maqnaa, mehersigoodiiye
Wax dhan baan maqaarrada u siday, igarro muuq dheere
Wax dhan baan masaar qaatayoon, moorada u dhigaye
Wax dhan baan u maray baarqabtii, tii maydebta ahayde
Wax dhan baan islaan soo martiyay, gaawahaw muraye

Madow iyo caddiin iyo guduud, midabyadii geela
Macnahiisa oo idil sidaan, anigu moodaayo
Kolay Maxammad iyo Raage tahay, odayadii mayday
Waa muran nin kaloo yiri, kaaga muunsaniye

Mas qallacay mariid bahal lahoo, micida gaarsiiyay
Ragaad muday makaab qoriyahoo, milil  ku feexoobay
Mudniin dhugato macluul dhukaan, moobahdiyo shiirka

Mud qaniinihii farafarkiyo, macal idaadowga
Maraq-daar miskaha baaba’shiyo, mayraqiyo dheegga
Shinbir madax maddane eedihii, rogayay maankeeda

Maggaw-celiye muruq naas ka gala, ibo maraabowga
Maraq gooya mayraxu qabtoo, muruxu boogoobo
Lis maroorsan maalliin xunoo, maalin iyo layla

Marreey qumayo habar mawrif loo, madida cawryaysa
Marti samirtay ma-ciyaan tol iyo, maato laga seexday
Col maleegshay ood maratiyo, xero madoobaatay

Mulbis tuug masaafo-u-eryaha, waligii maydhaama
Mammooy xadaya tii lagu maqlana, muran la soo taagan
Libaax muda mawtiyaha dhurwaa, mirasho goobtaaga

Intaasoo mahtalakooyinaa, Mooga leedahaye
Masiibada allow nooga hay, mayalka geeleenna

Mar kale oo uu qeexaayay dheefta laga helo caanaha geela, wuxuu yiri;

Caanaha Qiyaas laga lisiyo, Qoran karuurkeeda
Ayuun baa quraac iyo cashaba, lagu qaboobaaye
Qandho iyo kulayl lagu ma oga, qabata meel baase
Qabsinkiyo calooshoo dhan bay, qaras u diidaane

In kastoo qasnado looga furo, qadanna loo yeelo
Magaalada ma qaayibo ninkay, Qaawo korisaaye
Qaxwe kulul qudaar iyo bariis, qamaddi lay siiyo
Qaddac subag weel lagu daroo, qiiqu ololaayo

Qalbiga waxawga sii roon inaan, dhay qurquriyaaye
Qashin weeye soortii kalood, quud ka dhigataaye
Kol haddaan malkuhu ii qotomin, qulubtay laabtiiye
Qiso nimaan lahayn baan ogayn, qiimahay tahaye

Ninkiise quursanahayow geelu waa, qaniyaddeenniiye
Rag is qalay qabiilo is dishay, qaan la bixin waayay
Iyadaa wax lagu qeybsan jiray, Qadar la mooddiiye
Maalintii qisaas lagu gashay, Qawl ku furataaye
Qasaare iyo feydaba raggay, qalas ku raacdaaye

Mar kalan waa kii lahaa:

Bur la shiilay baastada macaan, bari la googooyay
Bariis subag le baad iyo anfaco, beledka soortiisa
Bushaadir bakeeriga qaxwaha, lagu bigeenaayo
Barwaaqada magaalada haddii, badi lay siiyo
Kolkaan biraha Laameey dhamaan, badan qaboobaaye
Oo badankayga iyo wadnaha, baraf la moodaaye
Ninkii Baxar ogoow geelu waa, bawdo kaa jabiye
Waana boqorka xoolaha haddaad, baran lahaydeene

Mar kalana waa kii lahaa:

Haddeeroon salaasiin jiriyo, saayid iyo dheeri
Sebi ahaantii markaan, sabadka meeraayay
Intaasoo sanooyina haddaan, Saafi daba joogay
Sifaalooyin badan baan bartiyo, Sikhir wanaaggeede
Seddex iyo toban hal oo wada sifa, Suubey adigaa leh

Maantuu sabaan xun dhacoo, uunku wada seemo
Sabuullada haruurka iyo hadduu, saracu naafoobo
Ama sabo maagaaliyo arlada, siinad laga waayo
Sac ninkii lahaa waa inuu, sulufka raacaaye
Caanaha sibraarrada ku jira, Suubey adigaa leh

Seddexday adduunyadu tahaad, ugu sarreysaaye
Suuradaha quraankiyo rabbaa, saxay warkaagiiye
Samada buurta iyo arlada, lagugu saaweeye
Waxaan wali sinaadkood la arag, Suubey adigaa leh

Mar kalana waa kii lahaa:

Wuxuu rag dumar ugu maahayaa, midabka weeyaane
Majaaf xun lama guursadiyo, taan milgo lahayne
Adoo marn da'oo guur in badan, xilo u meeraayay
Gabar miiggan oo culus haddaad, milicsatoo eegto
Asaad maxabbadeedii qalbiga, yaraha maan raacdo
Haddaad mudanihii aabbaheed, madal ku weyddiiso
Moodka iyo gabbaatiga tolkaa, lagu marweeyaaye
Hadduu kugu mucaarado inaad, yarad muhiibsiiso
Wax mashaakil iyo ceeb ah waa, Malaw la'aanteede
Muraadkiisu waw sahah ninkii, Mooga soofsadaye

Mar kalana waa kii lahaa;

Wax la moog yahaa nagu imaan, maalin iyo leyle
Dad hadday manaabiyo xumaan, meel ku kala gaadho
Nin haddii la mawtiyo wadkii, naga maqnaan waaye
Iyadaa mag loo bixin jiroo, waa maslaxa weyne
Nin walaalki mayd yahay ama, madaygi geeryooday
Qaalmaha maraasha kolkii, Barkhadle loo sooco
Madoobaadka iyo waa ku bi'i, murugadii ciile
Iyadaa martabaddaas leh iyo, muuno iyo kheyre
Adaa nagu mannaystaye allow, May ha naga qaadin

Jiilaal mirgaagsaday abaar, milaygu dheeraaday
Marguufkeeda weyn iyo ratigu, ma hure weeyaane
Isagaa mandado qaada iyo, mawga haamaha e
Manqada iyo waxaa loo dhaamiyaa, maxasta reeraha e
Iyadaa martabaddaas leh iyo, muuno iyo kheyre
Adaa nagu mannaystaye allow, May ha naga qaadin

Mar kalana waa kii lahaa:

Naagahaan baftada jiidayee, boqorka laallaadin
Oo gacanta baacinayoo, bidixda sayraaya
Abid caalinkay uma bulloon, baarashuudyada e
Oo anigu Baandhays ma oran, yaa ku baayaca e
Barbaarnimo ma fiicnee waxaan, buul u geli waayay
Oo aan dumarka baar uga maroo, baarid iga yeelay
Basar kale ma fiirine hashaan, baaji leeyahaye 

Erayada;
1- mareerta: wuxuu u jeeda ul laga soo gooyay geedka mareerka
2- Malluugnaaye: malluuggu waa muuqaal fog oo aan la qeexin karin, halkaan wuxuu u jeedaa daba socday mar walba.
3- Malmalay: si xooggan uga soo saaray ama uga soo bixiyay.
4- Meydab: xulka ama abasaxa ahaa.
5- Muraye: buuxshaye, afka keenaye.
6- Muunsaniye: garan ogiye, uga magac dheeriye.
7- Moobah: hah; dhadhan kulayl leh.
8- Mayraq: feeraha hoostooda hilibka ku yaal.
9- Mud: tahar; waa cad aan jiir iyo baruur toona lahayn.
10- Maggaw: la maggawsan karo; wuxuu u jeedaa caanaha.
11- Maraabowga: kan ku dhex dhaqdhaqaaqa ama dhex xula.
12- Murux: meel hoolantay oo dhogortii ka bidday.
13- Marreey: dumarka, inta marata.
14- Maleegshay: shirqool ama dhagar abaabulay.
15- Mulbis: tuug kaliyaale ah oo tulud iwm xada.
16- Mammooy: mid daran ama deddooy ah
17- Malkaha: kobaha, meelaha.
18- Mayalka: gaashaanka meesha la qabto, halkaan hantida.
19- Maydhaama: ku doorsada wax qiimo leh wax muquuna
20- Qiyaas, Qoran, Qadow: magacyo hasha loo baxsho.
21- Qaddac: koombo yar oo dureeraha lagu miiso.



* Gabadha uu meerisyada ku xusay waxay ahayd gabar ka dhalatay reer magac leh oo la yiraahdo Muraayad Dhoorre Muuse, waxayna ahayd gabar qurux iyo qaayaba lagu kuunyay. Gabadhaas Cabdi markii dambe wuu furay waxaana sabab u ahaa sida asaguba xusay hal uu Cabdi lahaa oo la oran jiray Yareey oo ay isku maan dhaafeen isaga iyo qoyskii Muraayad ka soo jeedday.

No comments:

Post a Comment