Monday, May 20, 2013

Muqdishow Maka Maaha


MUQDISHOW MAKA MAAHA

Marka hore, sannad walba samo ku jooga

Qiyaasta 195ka dal ee maanta ka tirsan Qarammada Midoobay (United Nations), waxay mid walba leedahay magaalo-madax ama xarun looga taliyo dalkaas. Ka sakow, ahaanta xarunta siyaasadeed ee dalka, waxay kaloo tahay muraayadda laga daawado dalkaas. Waxay kaloo xaruntu u taagan tahay astaanta midnimada dadweynaha dalkaas. Sidaas darteed, waxaa aad looga fiirsadaa doorashada halka ku habboon caasumadda iyo nakhsadeynteeda. Waxaa ka mid ah siyaalaha lagu doorto goobta laga Dhigaayo caasumadda:

- Inay dhacdo goobtu meel ku beegan bartamaha dhulka dalkaas.
- In laga fogeeyo magaalada inay u noqoto saldhig garab ka mid ah xoogagga siyaasadeed ee dalka loo egmanaayo caaasumadda.
- In loo abuuro agaasin ka duwan sida loo agaasimo qeybaha kalee dalka, sidaasna lagu dhawro dhexdhexaadnimada xarunta.
- In si taxaddar leh loo hindiso nakhshadda Magalada iyo degaannadeeda si loo ilaaliyo bilicdeeda.
- Inay ka durugsan tahay magaaladu meelaha ay khatari uga imaan karto.
- In goobta magaaaladu ku taal ama agagaarkeeda laga heli karo kaabayaasha ku filan ku noolaanteeda sida, biyaha oo kale.
- Iyo qaar kale.

Caasimaddu maaha meel muqaddas ah oo ka dhigan xarun diimeed ee mar kastoo ay gabto ku-habboonaantii la rabay waa la beddelaa, waxaanna u soo joognay dalal raray xaruntii siyaasadeed oo yagleelay mid cusub, tusaalana waxaa nooga filan Dalka Naygeeriya oo ka raray xaruntii Laagoos una raray Abuuja iyo Dalka Bakistaan oo ka raray xaruntii Karaaji una raray Islaamabaad. Taariikhda waxaa ka millaalan isbeddellada ku dhaca xarumaha dalalka.

Muqdishow waxaa la filayaa in la unkay qarnigii 9aad ilaa kii 12aad, waxaana loo unkay inay noqoto bar ganacsi. Waxaa Muqdishow marar ka dad badnaa Marka, Baraawe iyo Afgooye. Waxay Muqdishow kobocday markii dawladihii Reer Yurub ku habsadeen Soomaaliya, waxayse si weyn u bullaashay markii 1960kii loo gartay xaruntii siyaasadeed ee Jumhuuriyaddii Soomaaliya.

Intii Soomaaliya aheyd dal madaxbannaan, waxay dawladihii reer guriga ahaa ku dhaqmeen siyaasadda awood-siinta hal magaalo, ilaa dalkii yeeshay naaneysta; dalkii halka magaalo (state of one city). Waxaa dhaqaalihii dalkoo dhan dawlad iyo shacabba laga dhigay mid lagu maalgeliyo Muqdishow iyo meelo aan iyada ka fogeyn. Dalka intiisii kale wuxuu noqday mid dhan walba marti ugu ah Muqdishow.

Xilligii burburintii weynayd ee 1991dii, waxay xoogaggii gadooday cagta marsheen nool iyo moodba waxay Dawlad-Qarameedkii Soomaaliyeed laheyd. Xoogaggaas oo u abaabulnaa hab qoleed waxay weerraro baahsan ku qaadeen qolooyinkii kale ee Soomaaliyeed. Mararkaas waxay caasumaddii dalka u adeegsadeen sidii saldhig toleed oo kale. Dhammaan dadaalladii la waday ee ku wajahnaa talis-sameynta iyo dhaqaaleynta dalka, waxaa lala abbaaray Muqdishow iyadayna ku dhammaadeen. Dalka intiisii kale wuxuu noqday mid joogto u qatan.

Intii lagu dhex jiray marxaladda burburka iyo baaba’a waxay Muqdishow aheyd magaalo beelo gaar ahaaneed xarun siyaasadeed iyo xarun ganacsiba u ah. Isla markaasna lagu sheego caasumaddi Soomaaliya ee muqaddiska aheyd. Dwaladihii lagu sheegay ku-meelgaarka ee dhawr jeer la soo dhisayna waxay ka tillaabsan waayeen xannibyadii Muqdishow oo qura oo aan magaalo kale soo raacin. Xubnihii siyaasadeed ee u illaday xukuumadihii la soo dhisay waxay magan u wada noqdeen qolooyinkii sheegtay Muqdishow.

Bal daya, waxaa la leeyahay reeraa leh, haddana waa bartii kulmin laheyd  Soomaali oo idil.

Mar hadday Muqdishow sidaas ku sifowday sow ma habboona in xarunnimadeedii laga guuro oo meel kale loo xaarxaaro Caasumaddii Soomaaliya?

Caasumadda cusub ee la aasaasaa waa inay noqotaa:
- Waa inay ku taallaa dhul, tusaale ahaan 30 KM oo dhinac walba ah ay leedahay Dawladda Dhexe ee Soomaaliyeed.
- Waa inay noqotaa magaalo leh maamul gaar ahaaneed oo ay wadaagaan dhinacyada siyaasadeed ee dalku.
- Waa in laga ilaaliyaa koox hab toleed ku dhisan inay awood gaara ku yeelato ama tahli karto inay muquuniso.
- Waa inaysan noqon magaalo ganacsi ee kaliya noqotaa magaalo siyaasadeed.
- Waa in qiimaha dhulka ay caasumaddu leedahay noqdaa mid ka qaalisan dhulalka kale ee dalka, si dhismayaasheedu aysan u noqon buulal halleeya muuqaalkeeda, loogana dhiso dhismayaal u qalma xarunnimada.
- Waa inaysan noqon magaalooyinka hadda jira oo sida abi’ la’aanta ah loo dhisay. Kuwaas oo ay adkaaneyso in dib-u-habeyn lagu sameeyo ama kharashku badnaanaayo.
- Waa inaysan yeelan warshado badan oo loo soo shaqo tago. Waxaa sidaan ku yaraanaya dadka hawl la’aanta ah oo dhibabku ka imaan karaan, waxaana fududaanaya maamulka xarunta iyo nabad-sugiddeeda. Waxaa kaloo sidaas ku dhismaaya qeybaha kale ee dalka.
- Shacabka dagaya Magalada ee rayidka ah waa inuu noqdaa mid il gaar ahaaneed lagu dhawro si aysan marna u dhacin Sababihii looga guuray Muqdishow.
- Iyo qodobbada kale ee lagu sii bili karo xarunta.

Waxaa hubaal ah haddii aan arrinta caasumadda wax laga qaban ee lagu sii sugnaado sida haatan habsanka loogu yahay Muqdishow inay dheeraaneyso uruurinta iyo hanashada siyaasadaha Soomaaliya. Dhinicyadii ka sii illashay xarunnimada Muqdishow oo u ambaqaaday horumarinta geesaha kale ee dalka, waxay mudan yihiin ammaan, tixgelin iyo ku dayasho. Waxaa kaloo hubaal ah inaysan Muqdishow aheyn Maka Al-Mukarramah.




No comments:

Post a Comment