Nin kalaba naftiisa ha hafree, Sayid Maxammad Cabdille Xasan (AUN) wuxuu ahaa gabyaa aad ugu horreeya hal-abuurka iyo halgamaa ku adag oo walib run-sheeg ah. Gabaygaan hoose oo ah mid siyaasadeed oo uu ku xodxodanaayo tol Soomaaliyeed oo uu maaggana inuu ku soo daro halgankii dheeraa ee kadhanka ahaa shisheeyihii dhinac walba dalka uga yimid, wuxuu ka mid yahay gabayada mucda cuslus oo haddana xanbaarsan suugaan qiro leh. Waxaan isku daynay qeexidda erayada qaar, toosinta qeexiddaasi u baahatana waa inoo wada furan tahay:
Xasanow hub qaaddaye haddaad, naga hagaageyso
Hiyigaad ka sare joogsatey, hibatay laabtiiye
Haddaad hiirta waaberi sengaha, halabsatoo fuusho
Habaas idinku duula iyo boor, hiriba mooyaane
Hillinkaad ku dhici waa midaan, laga habaabayne
Waa tuu haloosiga ahaa, tan iyo Hiiraane
Ha yeeshee waxaa Hawd lagu yaqaan, hawkar iyo oone
Hadda aynnu joognaana waa, hoga kaliileede
Allihiii harada noo buuxin jiray, kuma harraadsiiyo
Hinni awdan xagar
huuraloo, hirif ka soo duulo
Hanfigiyo kulaylkoo sidii, halac ku leefaaya
Hagoog layr ah hadhac kaa astura, lagugu hoosaasye
Hurgun gocondho
hiil qodax lehiyo, hiije iyo qaare
Hurmadow gubada dogob huuro loo, hadowgu naafeeyey
Hirrigaad mareysiyaba jirduhu, ku ma halaakeeyo
Wiyil hadafa aar soo handadi, hiijoqabe reemi
Hardi madax hakoobsiga ciddida, mici haliilaysa
Hurduf geri
haraatida lugeed, qalanje heeraaya
Hunnufaa dhurwaa iyo dugaag, so’ u halaaqaaya
Shabeel horor ah haariban dawaco, haramcad guuxaaya
Dhidir halable halowyaalo weer, haalufada yey ah
Bahal hoose halaq baas
intii, had iyo waabaay leh
Haaweyda meertiyo colkiyo, haayirkiyo tuugga
Galow hiririfleeyiyo jugleey, wadne hawhaw leh
Weliyada hanuunaan
beryiyo, hodanka Yaasiine
Habheebaha jiidaashiyo daal, hanaqyadii dawga
Habeen iyo dharaar Eebbahay, hadimo kaa baaji
Hor iyo gees hareer iyo
gadaal, halal nabaadiino
Hoygaagu heeraar Watiin, hoyosho Li’iilaaf dheh
Hayaakiil ducaan kuu akhriyee, hibada aamiinso
Afartaasi waa heego roob, hababacdeediiye
Sidii hogol daruur hifa baan, hibitiqaayaaye
Harawaatigii iga ma imaan, hoorista ahaaye
Waxaan sana hamuumaba adaan, kuu hawalayaaye
Haddaan kugu hanqaro mowjadaad, ku hafan doontaaye
Hillaacaa indhaha kaala tegi, halalacdiisiiye
Hungurigiyo hoygaa qalbigu, kaa hadfahayaane
Hawadaa
waxay kula ahaan, hirar madow weyne
Hinfirka iga soo bixi naftaad, kala haaribeysaane
Heli
meysid gabaygaan hayiyo, hooyo-waalaha e
Xuseen
baan haguug ugu dhintiyo, haq iyo looyaane
Isaguba higgaadaan u qoray, heli aqoon waaye
Hal yar
iiga gee reer tolkaa, hagidii aad gaadho
Hebelkii walbeetaba u sheeg, hagari waa ceebe
Haweenka iyo carruurtiyo nin weyn, harawada u naadi
Abraahiinku haybtaannu nahay, wuusan hadihayne
Waa wada qaraabiyo hilbiyo, habar-wadaaggeeye
Jinnaa igu hudbeeyee malaha, i ma halleeyeene
Hannaankiyo wanaagaan u
galay, haa ku odhan waaye
Hafriin been ah ceeb igu hab daran, igu ma hoorsheene
Goortay habluhu boodayaan, igu ma heeseene
Hiddaayada ma diideen
intay, Nebiga hiifaane
U ma hiilliyeen gaaladaan, heerga ahayne
Haawiyadda naareed jannada, kaga ma hoobteene
Ii ma soo
humeen guutadii, haayirka ahayde
Goortaan hambooriyey kufriga, iga ma hiileene
Harti igu ma toogteen
intuu, hiisha ii galo e
Habaryoonis iyo Ciidagale, la ma hableeyeene
Hiraab
naago ka ma guursadeen, Habar-magaadleye
Intay hii yiraahdaan af baas, ku ma hadaaqeene
Herar kuma
fureen reer intay, Haro ka
guuraane
Ninkii hala
beesaa tabcaday, ma hunguriyeene
Ma hadaadumeen wiilashii, heel ka buuxsamaye
Halqigii arlaa’iga fadhiyey, ma hargawaaxeene
Hayaag
iyo Hulqiyo Khaalidyadu, ma hunguriyeene
Sidii halal ugaaroo fakaday, la ma horeeyeene
Haaruun ma laayeen raggii, ugu han weynaaye
Waatuu
waraabuhu harqaday, hanaddadoodiiye
Horintii
lahayd Faaqid bay, haniyo gooyeene
Hindise aan jirin waa
wixii, hoday Makaahiile
Hog wuxuu ku dhacay kolkuu, huray Daraawiishe
Haddii aanay haad Feranji gelin, la ma halaajeene
Hoor wuxuu i soo dhaafay markaan,
helay warkoodiiye
Hilaaboodayey ma aan jeclayn, hadalka qaarkiise
Waxaan la hammiyayaa raggay, hadur ka yeeleene
Hanti
baanu diinka u lahayn, tan iyo Haabiile
Hoodada
karaamada Allaan, igu hungeyneyne
Goortaan habaaraa Illaah, heeray boqontiiye
Culimada habowga ah sidii, haatuf uga jeesta
Sharcigay hasaayaane yey, idin habowsiine
Shayddaanka
soo wada humbucan, nadi ku haylhayla
Haadaan waxaa idinku guray, had iyo Tuurtuure
Hagag iyo qalleyf miidhan waa, lagu habaabaaye
Hawd iyo
inkaar waa waxaad, hore u eeddeene
Ka
hakada habkiinnii shalaad, ka hawo raacdeene
Hubsadaay tashiga kheyrka waad, ka hanfariirtaane
Halmaan
iyo ninkii hadar yaqaan, honono’iis diida
Cadaawuhu halabowga wuu, kugu hodaayaaye
Hidyuu uga danleeyahay markuu, kuu halaanhaliye
Hoygiinna
yuu iman iblays, idin huduudaaya
Hanad yahow
Ogaadeenku wuu, ku hawiraayaaye
Isagoo
hog kuu qodahayuu, kuu hawaaltamiye
Inay
haybad kula doonayaan, ku ma habsaantaane
Anigaa
idiin huba waxaad, ku himbilyootaane
Kuman
heegma kuman haawiyoo, Hadi ku dooyeeya
Kumanyaal hanqaaraha kabtiga, samada heehaaba
Kun
haloosi kuman hayrafoo, dabada hoogaansha
Kun halqooqa wada taagayoo, haadda la ciyaara
Heensaan idiin saarayaa, xamaro heeg dheere
Horweynnaan
ku soo shubi xeryaha, haawadee marane
Caanaha
haleelada dhashaad, habacsan doontaane
Haamaha
karuurkaad sidii, heeshigaw dhiciye
Nin ragaa
hammiyee caalle, waa hogashadiisiiye
Hiirtaayo meeshii leh waa, laga huleelaaye
Waa lagu
hirtaa meel haddii, halabe kuu yaale
Hub iyo
maal hanti iyo xoolo, hoo aan dami haynin
Waxaad
iga haweysaanba waad, iga helaysaane
Soo haldhowdaay deeq Allaad, ka hirqan doontaane
Erayada:
1-
Hiyi: kal, laab, cindi, qalbi.
2-
Hibatay: bixisay, dhiibtay, siisay.
3-
Hirib: in yar, aan badnayn.
4-
Halabsi: fulitaanka faraska iyadoo rakaabka cagta la saarin.
5-
Hillin: waddo weyn oo haloosi ah.
6-
Haloosi: waddo aan lahayn dhir ama godad.
7-
Hiiraan: dhul oommane ah oo kulul; degaan magaciis.
8-
Hawkar: dhul dhib badan; oomosoor, xadaafiir.
9-
Hogo Kaliileed: xilliga kulul oo roobka ka horreeya.
10-Hinni: meel jiq ah ama dhir shareeran.
11-Hirif: neef kulul, hanfi.
12-Hanfi: dabayl kulul.
13-Hurgun: fasas, caallir.
14-Hiije & Qaare: hiije waa eelka wax ku muday keeno, qaare waa qori yar oo wax muda.
15-Hadow: dabka ama holaca.
16-Hadaf: ilduuf, habow, gef.
17-Hiijoqabe: gashi-qabe, utun-qabe, godob-qabe, aano-qabe.
18-Hakoobsi: booddo isu diyaarin ama dagaal isu diyaarin.
19-Hurduf: baxsasho degdeg ah; is-dhifasho.
20-Hunnufaa: wuxuu u jeedaa qaabka uu dhurwaagu u socdo.
21-So’: hilibka jiirka.
22-Haariban: iska ordaysa sidii wax la cayrsanaayo.
23-Halable: leh timo dhaadheer.
24-Halowyaalo: midab aad mooddo in la halwiyay ama la gubay.
25-Haalufada: diirata ama boobta.
26-Haayir: col ama guluf weyn.
27-Hirirfleyn: sharqanta kuwa duula sida shinbiraha
28-Habheebaha Jiidaasha: habheeb waa meel aad looga cabsado, jiidaashu waa fogaanta ama masaafada. Hadimo; waa dhibaatada.
29-Hanaq: dhuunta halkeeda godan, galaw.
30-Hayaakiil: qaabab badan, kuwo badan.
31-Heego: daruur saymaha da'aaya ka korreysa oo aan wali di'in.
32-Hogol: daruur hoortay ama hooraysa.
33-Hifa: buuxda ama afka haysa.
34-Hibitiq: walax dureere ah sida biyaha oo dhibco u shubma; darroorid; habyid.
35-Harawaati: biyo badan oo shubmaaya ama hooraaya
36-Hamuun: aan afka wax gelin; qatanaansho.
37-Hawalayaa: bilaabayaa; ku af bilaabayaa.
38-Hanqar: onkod; guguc.
39-Hafasho: biyo lagu dhex dhaco oo lagu dhinto ama rafaado.
40-Hadfahayaaye: ka habaabayaaye, waayaya jidkii toosnaa.
41-Hinfirka: waxa ka soo ura meel huursan; ur; suun.
42-Haaribeysaane: kala tegaysaane; kala ambabaxaysaane.
43-Haguug: dhihiwaaga hadalka; shig-shig.
44-Looyaan: aan naxariisan; dilaa.
45-Hagi: kob; meel; aag.
46-Harawada: fagaare; meel la isu soo baxay.
47-Hudbeeyee: diraye; iska keen hor keenaye.
48-Hafriin: wax-siin aan jirin oo la isku masabbito.
49-Hiifaane: eed-saarid; canaan.
50-Heerga: aan heshiis ahayn; col.
51-Humeen: abaabuleen; dumeen.
52-Hamboorin: horay u tuurid; harbin.
53-Hiisha: geed yar oo caanaha xoolaha ka dhiga xaraar ama digada ku aruursan meel xoolo ku xaroodeen/xaroodaan.
54-Harti: qori waayihii hore la adeegsan jiray oo xabbad kaliyaale ah. Waran weyn.
55-Hadaadumeen: ka quustay oo ka tagay; ka calool go'ay.
56-Halqi: abuuranaha; khalqi.
57-Hargawaaxeen: dhibaateeyeene; wax yeeleene.
58-Harqaday: ka dhargay; ka haqa beelay.
59-Haniyo: labada carrab oo yaryar ee dhiigga qolalka wadnaha soo gala maamula.
60-Hoor: di'itaanka roobka, halkaan waa ilmada da'da.
61-Hilaaboodayey: murugoodayey; calool xumaadayey; uur ku taalloodayey.
62-Hadur: aan waxba laga soo qaadin; inkirid.
63-Heeran: waxyeellaysan; dhibaataysan.
64-Habayaane: siinayaane; quudinayaane.
65-Humbucan: qaab-darro la soo fadhiya.
66-Nadi: shaabuugga faraska lagu dhufto si uu u dheereeyo.
67-Hagag: hadalka laga hor keeno hadal la yiri; asaraar; akeekan; muran.
68-Hasaayaane: aasayaan; dabool saarayaan si ay u qariyaane.
69-Hadar: hadal aan macno lahayn oo la iska yiraahdo, sida kan qofka waalan.
70-Hanfariir: baqdin weyn oo si kedis ah u timaadda; didmo.
71-Halabow: wax-siinta; xoolaynta.
72-Hidyo: lumin; habaabin; fogeyn.
73-Halaanhal: hadal been ah oo cid lagu beer dulucsanaayo. Hees aan jaan lahayn oo Wiglada la bah ah.
74-Huduudaaya (hud-hudaaya): ka hor keenaya; isku-dir samaynaaya.
75-Hawiraad: wax liita ka dhigid; laayicid; luggooyn.
76-Hawaaltamiye: rajo gelin; hiyi kicin.
77-Habsaan: ka gaabiyey hawshiisii ama ballantiisii.
78-Himbilyootan: rajo ku-abuuritaan; rajo-gelin; wax himilo leh.
79-Hadi: geed-quwaax, xabag udgoon leh.
80-Hanqaaraha
Kabtiga: xawliga oradka ama sharqanta oradka.
81-Halqooq: wax walba waxa ugu wanaagsan. Qanaanta ama saynta faraska.
82-Heego: daruurta da'aysa tan ka korreysa. Halkaan dul ama duud.
83-Heeshi: caano ama biyo tiro badan; barwaaqo.
84-Hiirtaayo: dhib; waxyeello.
85-Halabo: xoolaha la soo dhaco neefafka hilbo ahaanta loo qasho; sahay.
86-Haldhowadaay: hal raacaay; baaqa soo raacaay; soo dhawaadaay.
87-Hirqan: dheregsan; baahi beelay.
88- Hoogaansha: foorarsha; laalaadiya.