Faarax-Afcad Xasan-Dhiillo Cali oo lagu wado inuu noolaa qarnigii 19aad ilaa horraantii qarnigii 20aad, wuxuu ahaa gabyaa culus iyo geesi dagaalyahana. Gabaygaan wuxuu ku male awaalayaa duullaan uu isagu abaabulay oo aan dhab-ahaan dhicin. Maansada noocaan ah waxaa loo bixiyay "Nafti-Hafar" isagaana loo tiriyaa inuu ugu horreeyay qof curiya.
Duullaan
la wacay reer tolkay, guluf u doomaarshay
Dhallinyarada
kii doora iyo, daalinka abbaaray
Colkoo
dhawr habeyn soo dibjiray, guure dalandoolka
Goortii
wiil hurdada duc yiri, odayna daafoobay
Dareemaha
markuu cunaayay ee, jaraha loo daadshay
Sidii
deer dhawaaqiya fardaha, darar ma soo weecshay
Goortii
la wada diirsaday, diric ninba ahaaday
Darmaan
ladan docdaa ula baxoo, nadi ku duugduugay
Darandoorigii
hor iyo dib, labadaba u diiday
Bidhaanteeda
daw dheer ka bixi, dab iyo buur moodnay
Kula
durugnay Deerooy intaan, labo tuke is daawaan
Dildil
dheer garbaha kala dhacnoo, duguli buubaashay
Maraquu
dambeedyada ku xiray, Deleb ku laafyootay
Deerooy
raggii maali jiray, danabki soo yeeryay
Sidii
gaalo-dhoorrey wax dili, soo dabayl kiciye
Darbi
yaa lahaa muusannow, diir is kaga yeele
Is
dareeme labadaan dirniyo, labo na doonaysay
Aan
u dagno iyo yaannaan u dagin, labadaba u doodnay
Niman
diriri jiraan nahee, meel isaga duubnay
Dildiluhu
is dhaafoo ciyoon, samadu deel qaadday
Gaashaan
daruur u eg furtoo, dilay islaankooda
Xamar
diillin weyn aan dhacsaday, daba raqlee kayga
Dalagdalag
u socay caynabkii, dananka waallaaye
Duunyada
hor qooq maydalkaan, da’ u weynaane
Darmaantii
dir iyo orod lahayd, danab kacdoo boodday
Caarrihii
shan iyo toban u dugay, daba dhurwaalleeyay
Senge
qoob diraandiro lahaa, docodocee geela
Wuquufkii
dalqada loogu simay, cayga kaga daadshay
Dabroceliska
subag doora qabay, Qaawo dilikeysay
Nin
guna oo darmaan looshaday iyo, daa’ifka uleeyay
Erayada:
1-Doomaarshay: Doomaar waa naq; wuxuuna ka wadaa u doojay ama barwaaqeeyay.
2-Dalandoolka: socod aan la nasan.
3-Daafoobay: Daaf waa xanuun indhaha gala; wuxuu ka wadaa daalay.
4-Dareemaha: waa caws tayo wanaagsan leh.
5- Nadi: jeedalka fardaha loo adeegsado
6- Daw: dhinac, kob, meel.
7- Dildil: ul, samay, laan.
8- Danab: wiriq, biriq; wuxuu ula jeeda xooggoodii soo muuqay.
9- Raqle: orod yar, saqle.
10-Danan: ciga fardaha.
11- Maydal: jaad fardaha kamida.
12- Dugay: dhammaystay, ebyooday.
13- Docdocee: hadba dhinac ka meer, geesaha isaga soo duw.
14- Wuquufla: xarigga afka laga suro faraska si loo wado.
15- Looshaday: afaystay; wuxuu u jeedaa korsaday.
Tixraac
Axmad Faarax Cali (Idaajaa)
Erayada:
1-Doomaarshay: Doomaar waa naq; wuxuuna ka wadaa u doojay ama barwaaqeeyay.
2-Dalandoolka: socod aan la nasan.
3-Daafoobay: Daaf waa xanuun indhaha gala; wuxuu ka wadaa daalay.
4-Dareemaha: waa caws tayo wanaagsan leh.
5- Nadi: jeedalka fardaha loo adeegsado
6- Daw: dhinac, kob, meel.
7- Dildil: ul, samay, laan.
8- Danab: wiriq, biriq; wuxuu ula jeeda xooggoodii soo muuqay.
9- Raqle: orod yar, saqle.
10-Danan: ciga fardaha.
11- Maydal: jaad fardaha kamida.
12- Dugay: dhammaystay, ebyooday.
13- Docdocee: hadba dhinac ka meer, geesaha isaga soo duw.
14- Wuquufla: xarigga afka laga suro faraska si loo wado.
15- Looshaday: afaystay; wuxuu u jeedaa korsaday.
Tixraac
Axmad Faarax Cali (Idaajaa)