Sannadku
markuu ahaa 1976-dii ayaa wafdi Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayay Wasiirkii
Macdanta iyo Biyaha J/lle Xuseen Cabdulqaadir Qaasim (AUN) oo markaas ahaa Ku-simaha
Wasiirka Arrimaha Dibedda, yimid Dalka Maraykanka. Waxay kulan la yeesheen
madaxdii Qeybtii Arrimaha Dibedda ee USA ee waagaas oo uu hoggaaminaayay Dr
Henry Kissinger. Waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa qormo kooban oo ku saabsan
doodihii labadaas dhinac dhex maray, waxaanna ka soo turjunnay qoraal qarsoodi ahaa:
Qormadii
Wadahadalka
Kaqeyb-galayaasha:
Soomaaliya
Xuseen
Cabdulqaadir Xuseen Qaasim, Wasiirka Macdanata iyo Biyaha
Safiir
Cabdullaahi Caddow (DC)
Cabdiraxmaan
Jaamac Barre, Agaasimaha Guud, WAD
Maxammad
Maxamuud, Qunsul
US
Xoghayaha
Ku-xigeenka
Xoghayaha Xabiib
Ku-simaha
Kaaliyaha Xoghayaha Seelye
Frank
Wisner (Xusuus-qore)
Taariikh: 8-dii Oktoobar, 1976-dii
Waqti: 3:45 p.m
Meel:
Aqalka Qeybta Xoghaynta ee Waldorf-Astoria, New York
Kissinger: “Ku-simaha Arrimaha Dibedda” muxuu yahay
micnahiisu?
Qaasim: Waxaan ahay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha,
laakiin waxaan uga qeyb galay
xukuumaddayda shirar caalami ah qaarkood.
Caddow: Dhab ahaan isagaa ah Wasiirka Arrimaha
Dibedda
Kissinger: Intee ku sugnayd New York?
Qaasim: In ka badan labo toddobaad. Dhawr maalmood
gudahood waxaan ku noqon doonaa dalkaygii, laakiin waxaa laga yaabaa inaanan
toos u noqon. Waxaa suurtogal ah inaan jidka ku sii hakado.
Dhibco
Qarsoodi ah
Qaasim: Waxaan isku dayaa inaan daryeelo danaha
dalkayga anigoon durbaan yeerin.
Kissinger: Idinkoo ah dal muggiisu dhexaad yahay, waxaad samaysaan warar aad u tiro badan.
Qaasim: Dhammaan waxay ku xiran tahay dhanka dabayshu
u socoto. Ma annagaa warka samaynna mise kuwo kalaa abuuroo nagu qasba inaan
tillaabo qaadno?
Kissinger: Waa inaad i aragtaa marka aan isku dayaayo
inaan war sameeyo.
Caddow: Iyadoo warbaahintu aad kuu la socoto, mar
walba war baad samaysaa.
Kissinger: Waa sidee xiriirka labadeenna dal?
Qaasim: Waxaan jeclaan lahaa inaan arrinkaas ka
faalloodo. Waxaan rumays nahay in hagaajinta meel u bannaan tahay.
Kissinger: Waan kugu raacsa nahay.
Qaasim: Haa, meel baa u bannaan hagaajinta. Qodob
fiican baad muujisay waqtigii qadada. Afrika waad baranaysaa.
Kissinger: Wax badan baan ka bartay eegitaanka
siyaasadaha Afrikaanka. Idinku Soomaaliyey waxaad tihiin kuwo qallafsan. U ma
jeedo xagga wax-sheegista, waxaadse dheeshaan siyaasado dhanka arrimaha gudaha
ah oo qallafsan.
Qaasim: Kal iyo laab baan ka hadalnaa.
Kissinger: Ma rumaysni in dalalka Afrikaanku kooxo ahaan
ay col yihiin, laakiin haddaad u fiirsato tillaabooyinka Taliska Soomaalida,
waa kugu adkaanaysaa inaad ku sheegto dhex-dhexaad. Inta badan arrimaha dunida
waad naga soo hor jeeddaan. Mar walba ma noqon karno kuwo khaldan. Xeerka
celcelisyadu sidaas u ma shaqeeyo.
Dhibco
Qarsoodi ah
Qaasim: Dhankayaga, Soomaaliya iyo Dalalka Midoobay
ee Maraykanku waa inay leeyihiin xiriiro ay ka maran yihiin dareenno colaadeed.
Su’aalaha ama siyaasadaha gaar ahaaneed, arrin garsooreed baa soo gelaaya mana
aha in dhammaan hadallaydayadu yihiin kuwo colaadeed. Haddii aannaan colaadin
dareemin, falcelin ma samaynneen. Waxaan rumaysa nahay inaan dhex-dhexaad
nahay.
Kissinger: Annagu kadhan ma nihin dhex-dhexaadka. Dal
kastoo Afrikaan ah waa dhex-dhexaad lagase yaabee inaysan Angoola ahayn. Mar
haddii shan iyo toban kun oo ciidammo shisheeya ahi dalkeeda joogaan, waxaa si
xooggan loogu doodi karaa inay dhinac tahay. Waxaad tiri dhanka Soomaalida
colaad ma jirto, haddana si joogta ah baad nooga hor timaaddaan, marmarna si
naga hor jeeddaan ku shaqaysaan.
Qaasim: Kaasi maaha sawir aan maangal ahayn laakiin
waa midaan dhammaystirnayn. Waxaan u raacnaa tillaabooyinka Dalalka Midoobay ee
Maraykanka hadba siday noo saameeyaan annaga iyo …… gobolkayga. Xaggayaga
jiritaanka qaranka Soomaaliyeed baa halis ku jira. tillaabooyinkiinnu mar walba
ma muujinayn dhex-dhexaadnimo.
Kissinger: Ma i siin kartaa tusaale?
Qaasim: Soomaaliya waxay soo martay taariikh gumeysi
oo ayaan-darro ah. Xitaa kahor intaysan Soomaaliya madax bannaanaan, waxaad
heshiis la lahaydeen Itoobiya. Waxaan aragnay hub ku qulqulaaya Itoobiya kaasoo
waxyeello u leh xiriirada Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaan rumays nahay in
xiriiradayadu.
Dhibco
Qarsoodi ah
Hagaagi
lahaayeen, laakiin hubka aad dirtaan iyo dicaayadaha aad samaysaan waxtar u ma
laha arrinka. Waxaan aragnay hadalkii wasiirkiinna gaashaandhigga.
Kissinger:
Maxaan ugu qabnaa inaad haysataa qalab ciidan oo ka badan kan Itoobiya?
Qaasim: Taasi waa khalad. Itoobiya waa naga itaal
roon tahay. Waxaad nagu qasbaysaan in aan is dhisno. Ma aragno inaad door
ciyaaraysaan jid lagu heli karo.
Kissinger: Waxaad rabtaan qeyb Itoobiya ka mid ah.
Qaasim: Maya, waxaan u doonaynnaa xornimo qeybta
Itoobiya ee dadkayagu leeyahay.
Kissinger: Qeybtaas Itoobiya ma Soomaali baa degta
goormayse Itoobiya ku biirtay?
Qaasim:
Itoobiyaanku waxay la wareegeen qeybta
dhulkooda ee koonfureed oo si buuxda Soomaalidu u degto sannadkii 1884tii. Ilaa
1960-kii Itoobiyaanku waxay ku joogeen kooxo yaryar oo ciidan iyo maamul ah.
Hadda waxay xoojiyeen maamulkoodii isbeddel baana jira.
Kissinger: Haddaba col baad ahaan doontaan ilaa aad heshaan
dhulkiinna intiisa kale.
Qaasim: Waa dhanka kale. Ma inkiraynno xuquuqaha
dadkayaga iyo qarankayaga. Waxaan la liidannaa xaalad gumeysi abuuray.
Kissinger: Waxaa jirta in Soomaali ku nooshahay
waqooyiga Kenya. Sidoo kale ma sheeganaysaan dhul Kenya leedahay?
Dhibco
Qarsoodi ah
Qaasim: Kaasi waa arrin taariikhi ah. Xukuumadda
Ingiriisku waxay afti ka qabanqaabisay gobolka sannadkii 1963-dii kaas oo ay
ugu yeeri jirtay Gobolka Seeraha Waqooyi. Wuxuu ahaa mid mar walba loo maamulo
si Kenya ka gooni ah. Wuxuu dadweynihii boqolkiiba siddeetan iyo lix cod ku
bixiyay inuu ku biiro Soomaaliya, laakiin Igiriiskaa sida kale go’aansaday,
waana suurtogal inuu saxnaa. Kenya ku ma eedaynno waayo habka waxaa soo rogay
xoog gumeyste ah, Itoobiyaanse si dheeri ah u eedaynnaa maadaama falka Itoobiya ahaa
mid ulakac gumeysi ah. Waxaan haynnaa waraaqo caddaynaaya qodobka. Markii ay
qaramada Yurub bilaabeen qaybsashadii dhulalka Afrika, Menelik II wuxuu u qoray
xoogaggii gumeystaha ahaa wuxuuna yiri “Annaguna waxaan rabnaa qeybtayada.”
Waxaan ku sigannay in Itoobiya na dul marto sannadihii 1963-dii iyo 1964-tii.
Haddii aysan xoogag shisheeya ahi soo faro gelinna labada dhinacba waxyeello
weyn baa gaari lahayd.
Kissinger: Waa yar tahay intaan ka qaban karno
taariikhda laakiin sidaad og tahay, xiriirada annaga iyo Itoobiya si tahan
dhaafa u ma xumaan. Ma qiyaasi kartaa waxa Itoobiya gudaheeda ka dhici doona?
Qaasim: Waan isu dhaw nahay waxaanna leenahay
is-afgarad roon. Waxaa jira cadaadisyo halkaas ka shaqeynaaya. Kulankaan arrin
walba ku ma soo koobi karno. Waxaan jeclaan lahayn inaan ka hadalno imminka.
Waxaan rabnaa inaad na dhegaysato annaguna ku dhegaysanno. Sababta keentay
xiriirada aan loo bogin ee labadeenna dal ee US iyo Soomaaliya waxaa saldhig u
ah dhibab qarameedkayaga dhabta. Waxaan u doonaynnaa dhibabkaas hab nabadeed in
wax looga qabto. Xitaa kahor kacaankayagii 1969-kii waxaan ka goobnay dhanka
Itoobiya is-afgarad. Madaxweynahayagu wuxuu la kulmay
Dhibco
Qarsoodi ah
Hoggaamiyaal
Itoobiyaan ah si loo gaaro is-afgarad labada dhinac ah iyo in mar uun la helo
si caddaalada ku salaysan oo arrinka wax looga qabto. Marna ma dhicin in la
helo jawaab qumman. Arrimahaasi aad bay muhim ugu yihiin Soomaaliya waayo ma
inkiri karno xuquuqahayaga laakiin u ma dhaqmi doonno sidii dad dagaal maaggan.
Ka ma faa’iidaysan doonno tabar-darrada Itoobiya. Annagu dagaal ma rabno, gaar
ahaan dadaan is-xigno dhalasho ahaan sida Itoobiyaanka. Waxaan Kenya u
gudbinnay dhambaallo niyad-sami ah oo ay ku dheehan tahay is-faham
Afrikaannimo. Maalin baa la gaari doonaa wax-ka-qabashada dhibabkaas. Dhanka
xiriirada labadeenna dhinac doorka xukuumaddiinna waa kan ugu muhimsan. Waa
inaad goobtaan nabad, xasilooni, iyo kobcinta is-afgaradka. Waan og nahay inaad
kaalmo siiseen dalal kale oo Afrikaan ah.
Waxaan qabnaa in kaalmadu aaddo dhanka horumarinta ee aysan aadin dhanka
hubabka.
Kissinger: Waxaan qabnaa dareen ah inaad ka hubeysi
fiican tihiin Itoobiya… Waa suurtagal in sirdoonkayagu khaldan yahay, laakiin
waxaannu aragnaa inaad ka helaysaan hub tiro badan Soofiyeedka.
Qaasim: Waxaa nala ku soo duulay 1963-dii iyo
1964-tii. Waxaa sooyaal ah in Itoobiya ku raaxaysato ku-sarraynta qalab iyo mugba.
Si khaldan baad u fahamteen xaalkayaga.
Kissinger: Waxaan eegi doonaa dhuhlayntayada.
Qaasim: Waxaan rumaysan nahay inuu jiro door aad
idinku ciyaari kartaan. Waan ku baraarugsan nahay taariikhdiinna iyo mabaadi’diinna.
Waan fahmi la’ nahay colaaddiinna ku beegan dal yar. Bal fiiri waxaad samayseen
xilligii abaartayada.
Kissinger: Talcott, maxaan samaynnay?
Seelye: Kaalmaan bixinnay.
Qaasim: haa, laakiin waxaad tiraahdeen saldhig
Soofiyeed baa jira waxaana marti qaadnay wax-eegayaal yimaada oo iyagu iskood u
arka.
Kissinger: Taasi waa sax. Waxayna dhammaantood ku
gabagabeeyeen si isku mid ah—xitaa kuwii markii hore diiddanaa. Waxay ku
qanceen inaad Soofiyeedka saldhig siiseen.
Qaasim: Adigu ma rumaysan tahay?
Kissinger: Waxaan rumays nahay inaan ka badbaadi karno
saldhigga Soofiyeedka ee dhulka Soomaalida, laakiin waxay ila tahay hadba waa
sidaad u qeexdaan saldhig. Haddii aad u qeexdaan saldhig meel ciidan ku sugan
yahay oo qalab ciidan adeegsado yaal, kaasi waa saldhig. Filibbiin, kadib
markaan saxiixnay heshiiskayaga cusub, calanka Filibbiin wuxuu ka dul baban
doonaa saldhigyadayada, haddana ma inkirno inaan saldhigyo leenahay.
Qaasim: Waxaad u baahan tihiin inaad wax ka sii
ogaataan dabciga dadkayaga. Ma oggolaan doonno saldhig shisheeye. Ma lihin saldhigyo
ama kaabayaal. Waxaan aragnay sawirradii satalaydkiinna waana og nahay inaad
leedihiin gantaallo baad haysataan. Waxaan eegnay sheegashadiinna waxaanna
ogaannay waxaad ku sheegteen gantaalka inuu yahay minaarad masjid.
Kissinger: Malaha waxaad tihiin xeelad-layaal
waxaadna gantaalka ku qarisaan minaaradda masjidka.
Dhibco
Qarsoodi ah
Qaasim: Waxaan masaajidkii u furnay eegayaashiinnii
si ay u booqdaan. Annagu ma haysanno lacag aan ku gadanno gantaallo.
Kissinger: Ma rumaynin inay yihiin gantaallo idinku aad
leedihiin. Laakiin bal tan aan ka baxno. Ma qabno dareen colaadeed oo ku aaddan
Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, waxaan aragnaa inaad kulan kasta oo caalami
ah naga hor jeeddaan. Waxaad kadhan noqoteen fikirkayagii Koonfur Afrika.
Soomaaliya waxay caarad u tahay kuwa na qashqasha annaguna waxaan u
shaqaynaynnaa dhanka nabadda waxaana dhankaas iskaashi kala leenahay Madaxweynayaasha
Jiidda Hore. Waxaan diyaar u nahay hagaajinta xiriiradeenna waxna kama qabno
sheegashooyin dhuleedkiinna mar haddaydnaan ku raadinayn xoog.
Qaasim: Sabab baa jirta ay tahay inaan xiriiradeenna
hagaajinno, waxaana suurtogal ah inay taagan tahay fursaddii wax lagu qaban
lahaa. Waxaan u baahan nahay in labadeenna dhinac isu caddaynno meelaha aan
kala joogno. Waxaa naga maqan watatashiyo. Dhex-dhexaadnimada US, arrinka ku ma
filna. Waxaan rabnaa inaad door firfircoon ka ciyaartaan wax-ka-qabadka
dhibabkayaga.
Kissinger: Waxaan fiirin doonaa su’aasha ku aaddan
dheellitirka ciidan. Ma hayno sabab aan dhinacyo ku raacno markay tahay
xiriirada aad la leedihiin Itoobiyaanka.
Qaasim: Haddii aad diyaar u tihiin qaab
dhex-dhexaadnimo maxaad uga qeyb geli waydeen u-kaalmaynta dhanka nabadda.
Kissinger: Haddii aan dhibab kaloo dheeri ah oo Afrikaan
ka qeybgalo waan waalan doonaa. Waan ka fakarayaa.
Qaasim: Waxaan isbeddel ka sugaynnaa dabcigiinna.
Kissinger: Maxaan samayn karnaa?
Dhibco
Qarsoodi ah
Qaasim: Si qayaxan, waxaad kartaan inaad qoriga
xabadda ka saartaan. Waxaan qabnaa inaad dib u eegtaan istaraatiijaya-diinna
ku aaddan Bariga Afrika.
Kissinger: Ma joojinaysaan qalabka ciidan oo ka imaanaya
Soofiyeedka haddii aan joojinno shixnadaha Itoobiya?
Qaasim: Uga ma helno Soofiyeedka qalab ciidan siday
idin la tahay. Waxaan isku dayaynnaa inaan ciidan u dhisno ilaalinta
seerayaashayada aad u dhaadheer. 1964-tii waa nala soo weeraray wax difaacana ma
annaan haysan. Haddii hal dhinac hub helo, annaguna aan ka qatan nahay markaas arrinku
waa halis.
Kissinger: Haddii aannaan hub u dirin Itoobiya oo idinku
si joogta ah hub uga heshaan Soofiyeedka waxaa suurtogal ah in dagaal dhaco.
Qaasim: Laakiin waxaad Itoobiya siiseen qalab ciidan oo
qiimahiisu dhan yahay $200 oo malyan.
Kissinger: Taasi ma aha suurtogal. Waxaan Afrika oo dhan
siinnay $60 malyan.
Qaasim: Itoobiya waxay leedahay toban qeybood oo
ciidana. Annagu waxaan haysannaa labo qeybood oo ciidana kaliya. Markaad
leedahay joojiya, maxaad u jeeddaa? Ma waxaad u jeeddaa shixnadaha hadda ah
mise kuwa mustaqbalka?
Kissinger: Talcott, imisaan siinnay Itoobiya?
Seelye:
$10 malyan ilaa $20 malyan sannadkaan.
Qaasim: Waxaan ku dhegga nahay taydii. Waan og nahay
inaad siinaysaan $200 oo malyan.
Kissinger: Tani waa waalli.
Habiib: Waxaa suurtogal ah haddii aad ku darto
shixnadihii sannadihii hore in tiradu gaarayso inta uu wasiirku ku sheegay.
Kissinger: Ma jirto sabab aan been kuugu sheegno; waxa aan
kuu sheegaynnaa waa run.
Qaasim: Waan qaddarin lahayn xogta.
Kissinger: Dhammaanteed waxay ku jirtaa galalka
dadweynaha. Xogta sidaan oo kale ah waa sahal in la helaa.
Qaasim: Deeqahaas ballaaran waxay shidayaan xiisado.
Kissinger: Waxay ila tahay inaad khaldan tahay.
Qaasim: Aan rajaynno inaan khalda nahay.
Kissinger: Fikrad ma iga siin kartaa, waxa ay tahay
inaan si xooggan u samaynno?
Qaasim: Haa, waxaan ka sugaynnaa dhanka Maraykanka
niyad-sami ku aaddan dhanka Soomaaliya annaguna markaas waa ka soo jawaabi
doonnaa. Markii kalashakigu baxo, waxaan u nuuxsan doonnaa sidii loo hormarin
lahaa iskaashiyada aagagga kale.
Kissinger: Sidee kalashakiga loo saari karaa?
Qaasim: Joojinta qalabka ciidan.
Kissinger: Ma waxaad u hawl gashaa sidii Wasiirka
Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya?
Qaasim: Waxaan caawiyaa madaxweynaha iyo wasaaradda
arrimaha dibedda.
Kissinger: Waxaan safiirkayaga u sheegi doonaa inuu
wadahadal guud qabto si loo hagaajiyo xiriiradeenna. Bal aan aragno meesha tani
na geyso. Yay tahay inaan la hadalno?
Caddow: Waa inaad la hadashaan Dr. Cabdiraxmaan.
Isagaa ka soo jeeda dhanka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
Dhibco Qarsoodi
ah
Seelye: Safiirkayagu dhib buu ka la kulmay
ballamo-samaynta.
Caddow: Taasi sax maahan. Safiirkiinnu si buuxda buu
ballamo u heli karaa. Sidiinna oo kale baa dadkayagu mashquul u yihiin. Marmar waa
inuu sugaa seddex ama afar maalmood, sidaas oo kale bay dhammaan safiirradu
sameeyaan.
Kissinger: Waxaan safiirkayaga u sheegi doonaa inuu
adiga ku la kulmo oo aad ra’yi guud is dhaafsataan. Waxaan rabaa inaan idiin
mahad naqo. Annagu ma qabno dareen colaadeed idinkuna ma haysaan wax aan rabno
laakiin waxaan qabnaa dareen, inaad si habaysan nooga soo horjeeddaan.
Dhibco
Qarsoodi ah
Laga soo turjumay:
http://wardheernews.com/Articles_2010/May/Memorandum/Hussein_A_Kassim_and_Kissinger_Meeting_Oct_1977].pdf