Friday, August 16, 2013

Soo Noqotay Aamina (hees---Yamyam 'AUN')

Qeybtii dambe ee qarnigii 20aad waxaa Soomaaliya ka jirtay dawlad kacaana oo marar xoog badnayd. Wax-ka-sheegga taliskii waayahaas jiray ma banaaneyn, qofkii ku dhiirradana xabsi iwm buu la kulmi jiray. Haddaba halabuurro badan baa ku maldahay maansada laxawga ama jaceylka dhaliiliddii taliskii markaas jiray. Waxaa markaas adkaatay in la kala sooco maansada kalgacalka dhabta, khiyaaliga ama male-awaalka iyo tii loo sarbeebay siyaasadda. Si kastaba ha ahaatee, waxay dhammaantood muuqaalka guud uga ekaayeen kuwo ku salaysan kalgacal ama jamasho labo dhex martay. C/qaadir Xirsi Siyaad (Yamyam) allaha u naxariistee, wuxuu ka mid ahaa halabuurradii waayahaas si aada u calan walleynaayay, isla markaana si walba u tiriyay maanso qurux iyo qiro leh. Gabadhii Aamina, dhab ha ahaato ama dhalanteede, waxaa ku soo arooray heeso dhawra sida;

Shalay saaddii faraxiyo
Kalgacaylkii aan siday
Sida qalab dareenkii
Aan soofeeyay laxawgii
Aan ku sasabaayay noloshaan
Raaxada la sugaayoo
Aayaha sal uga dhigay
Show sabab la'aan amar
Sinta kama geddiyiinoo
Hadal aan ka naxay subax
Sow layaabku ima siin
Sow aroorba waa sade
Ma saluugin waayihii
Dhaawacayga sidayoo
Xirribaha salkeediyo
Isha saabka qariya
Dhibco saaran maan arag
Salalaye xaggeen qaban
Sara kacaye yaa i wadi
Ma sun baa, ma subag baa
Sixinkaan kabbadayow
Sahay iyo sad kee tahay?

Soojeede hameyn iyo
Seexan-waagu culusaa
Anfacada ka soomaye
Maxaan cunaha siiyaa
Seedaha laf-dhabarkiyo
Sulnixii xididdadiyo
Saanta maxaan ku dheefshaa?
Suulka labada dhaban iyo
Baabacada saaroo
Xiddigaha salkoodiyo
La iiga baaq samadoo
Silic iyo darxumiyo
Samhariira weheshaday
Sida aar la sugayoo
Dadku labo sagaalaad
U safnaa dariiqoo
Aan wali la sugin baan
Diyadeyda kii siday
Anna soo dhaweyntii
Sahan ugu maqnaayoo
Isagoo socduu yimid

Sirmaqabe ma liicee
Sigtay waana nabad galay
Galka seefta kala baxay
Erayada sirta ahoo
Saameeya ruuxii
Kalgacalku saray iyo
Saf murtiya ku weeraray
Soo dhiciyay guushii
Maantana sagalku waa ubax
Aan cadceeddu siginoo
Fadad kala sokeeyiyo
Sarsarkiisa caad gelisay
Saab ku reeboo
Muuqaalka subaxoo
Sagoontiyay hameynkiyo
Mugdi sii kallahayaa
Sinta labo qof jooggood
Dhinaca isa saaroo
Jeegaantu waa sahan
Seermaweydo roobiyo
Neecaw la socotiyo
Saxansaxada udugga le
Baallaha ku sidatoo
Dhulku kaymo siman iyo
Guryosamo la yaal iyo
Waa saac ugbaadoo
Beelaha sintooday
Dhallinyaro la soo maray
Siddi'-qabaxda labo labo
Intaas saarka caashaqa
Soo dageey la leeyahay
Anna labo sildoo siman
Beer lagu sargooyaan
Maansada sunteediyo
Sabuulkeeda ku arartaa
Sannadkii kalgacalkow
Toddoba iyo siddeedow
Inaad beri-samaad tahay
Soo noqotay Aamina!

Thursday, August 15, 2013

Aaminaay Xusuusnow (hees..... 'Yamyam')

Qeybtii dambe ee qarnigii 20aad waxaa Soomaaliya ka jirtay dawlad kacaana oo marar xoog badnayd. Wax-ka-sheegga taliskii waayahaas jiray ma banaaneyn, qofkii ku dhiirradana xabsi iwm buu la kulmi jiray. Haddaba halabuurro badan baa u adeegsaday maansada laxawga ama jaceylka dhaliilidda taliskii markaas jiray. Waxaa markaas adkaatay in la kala sooco maansada kalgacalka dhabta, khiyaaliga ama male-awaalka. Si kastaba ha ahaatee, waxay dhammaantood muuqaalka guud uga ekaayeen kuwo ku salaysan kalgacal ama jamasho labo dhex martay. C/qaadir Xirsi Siyaad (Yamyam) allaha u naxariistee, wuxuu ka mid ahaa halabuurradii waayahaas calan walleynaayay, isla markaana si walba uu tiriyay maanso qurux iyo qiro leh. Gabadhii Aamina, dhab ha ahaato ama dhalanteede, waxaa ku soo arooray heeso dhawra sida;

Aaminaay xusuusnoow
In kastoo ayaamahaan
Arrintaadu adag tahay
Aadmigu siduu qabo
Ama aniga ila tahay
Ifka intaan ku noolahay
Kaa oolli maayoo
In nin kale arooski
Kuu abaabulaayoo
Ooridiisa noqotaa
Waa midaan ahaaneyn

Arrin waxaan ku goynaba
Soo uruuri taladoo
Isu imaashadeennii
Arbacada hameynkii
Afar saac markay tahay
Ha inoo ahaatee
Aaminaay xusuusnoow

Aaminaay xusuusnoow
Hadal wuxuu ammaan yahay
Inta aadan oranine
Afka hadduu ka soo baxo
Adigu uma arrimiside
Ummadduu u dhexeeyaa
Arkaa-qaadna weeyoo
Ooddiisu kaa rogan
Doqontii is mooddee 
Arooskeed ka heestiyo
Indhawgarad ha noqonine
Iska hubi ujeeddada

Arrin waxaan ku goynaba
Soo uruuri taladoo
Isu imaashadeennii
Arbacada hameynkii
Afar saac markay tahay
Ha inoo ahaatee
Aaminaay xusuusnoow

Aaminaay xusuusnow
Inta kalaba waa sahal
Iyo arar sokeeyoo
Afka baarki weeyee
Sida laba olo'lood 
Iska helay afmeerrada
Waxay eedi joogtaa
Ama aafo ay dhici
Anoo adiga kuu maqan
Eynigana kuu jecel
Markaad awrta meel kale
Ambaqaad u guurtee

Arrin waxaan ku goynaba
Soo uruuri taladoo
Isu imaashadeennii
Arbacada hameynkii
Afar saac markay tahay
Ha inoo ahaatee
Aaminaay xusuusnoow

Erayada:
1- Oolli: meel ku ahaansho, meel ku sugnaan.
2- Oori: naag la qabo, afo, xaas, marwo.
3- Arar: horudhaca hadalka, qoraalka ama maansada.
4- Olo'lood: ciidan la soo abaabulay, col.
5- Afmeerro: wareegyada wax ama meel, seerayaal.
6- Aafo: dhibaato culus, balo, dhib.
7- Eyni: wax jira wixii la mid ah, la-nooc, la-siman.
8- Ambaqaad: is-qaan, tabaabusho socdaal iwm.
9- Arkaa-qaad: qof xanbaara ama tebiya wuxuu arko.

Wednesday, August 14, 2013

Ujeeddadu Maxaa Tahay? (hees)

Ayaamaha ilaahay
Eed ma leh middoodnee
Arbaco iyo isniin iyo
Axad ma iska dhaafnaa
Afti la isu diro iyo
Ergo ma iska deynnaa
Innaagaa isu oommane
Nacab ma iska oodnaa

Eeridhabanka geeluba
Ilmaha meesha lagu xiro
Ambade kama hallaabee
Innagoon is aragoo
Aan bixinnin ogeysiis
Sida uur-ku-baallaha
Ma isa soo abbaarnaa

Mise eerigo'an iyo
Anaa ay jafaayee
Alif-Camma nin jiriyo
Eber weeye hawshii

Aaway sheekadeenniyo
Jaceylkii irmaanaa 
Ibihii maxaa xiray
Ayaa eedda loo tirin
Irridihii bannaanaa
Ma dad ooday baa jira

Ma uurkaa la ii dabay
Ma af reer magaaloo
La igu aammusin baa
Ma anaa irdhooboo
Samir iga idlaadoo
Wax ka eegay meel kale
Ujeeddadu maxay tahay? 

Erayada:
1- Afti: weyddiinta ra'yiga qofka, codayn.
2- Ergo: qof ama ka badan oo dhambaal loo dhiibo.
3- Eeridhaban: geel ubadkii laga reebay, karreeb.
4- Ambade: ka habaaba halkii uu aadi lahaa, habaw.
5- Uur-ku-baalle: qof garta waxaan inta kale garan.
6- Eerigo'an: meel fog oo aan dad iyo duunyo ka dhaweyn, go'doon.
7- Ay: meel jiqa oo wax-araggu yar yahay, kayn, hawd.
8- Ibihii: duleelada yaryar ee naasaha naasleyda ama dhuunta yar ee surta.
9- Irdhooboo: cabsi lala cararoo lala feejignaado, baydad.

Monday, August 12, 2013

Labxadayda Beerka (hees)

Sida laamo-looshaha
Dabayluhu ay lulaayaan
Anna laydha caashaqa
U laba lagdoodee
Sida laygu weyn yahay
Lurku iigu raran yahay
I soo leged jacaylkii
Laakiinna maahee

Labxadayda beerkiyo
Haddaanan laabta kugu qaban
Noloshay laciiftee

Sida layli geeddiya 
Oo loo raray hayaan dheer
Hadba layiigga socodkiyo
Leendada ma daayee
Kal laxiiba yeeshoo
Kaa leexan waayoo
Waa kaas lurkiisii
Laqanyadu i haysee


Labxadayda beerkiyo
Haddaanan laabta kugu qaban
Noloshay laciiftee

Erayada:
1- Layiig: jiitamaa; wixii jiitama
2- Leendo: barbarrayn; aan toos u soconayn.
3- Labxo: waa lafta yar oo shaf-sagaarada hoosteedka ku taal. 


Saturday, August 10, 2013

Bad-caddaadka Soomaaliya

Image: Milky sea


Bal malee, saqda dhexe ee habeynkii, iyadoo mugdiya iyo adigoo badmaaxa oo ku gooshaya markab maraaya Badweynta Hindiga ee ku dheraran Soomaaliya. Bal malee baddii aad ku dhex maaxaysay oo wada caddaatay oo yeelatay midabka caanaha ama baraf goglan ilaa il-wareertay oo dhinac walba. Muuqaalkaas bad-caddaadka ah ee aad aragtay maahan wax cusub ee waa dhacdo amakaag leh oo ilaa 400 oo sano badmaaxdu, markii waayo la joogaba la kulmaan oo ka sheekeeyaan. 

Waxaa la moodi jiray sheekooyinkii badmaaxda kuwo sheeko-xariiro ah oo aan dhab aheyn. Nin la oran jiray Jules Verne ayaa sannadkii 1869kii ku sheegay buug-sheekeedkiisii  “20,000 Leagues Under the Seabad habeynkii u iftiinta sida nalka oo kale oo habeynkii mugdiga ahaa ka dhigta sidii harkii maalinnimo oo kale. 

Bishii Kowaad ee 1995tii ayaa markab ganacsi oo Ingiriis ah oo la yiraahdo M/V S.S Lima oo maaxayay Badweynta Hindiga ee ku beegan Bariga Soomaaliya, meel u jirta xeebta fogaan dhan 150 mayl badeed, hoggaankii markabka waxaa u muuqday dhalaal cad oo xooggan oo markabka hortiisa ka birqaaya, 15 daqiiqo kadibna wuxuu markabkii dhex maaxay goob aad mooddo baraf ama daruuro cadcad, dhacdadiina waxaa lagu diiwaan geliyay looggii markabka.  

Wax sheekooyinkaas dhalanteed loo maleeyaba, waxaa ku eegay satellite-ka oo sawiro ka qaaday arrinka yaabka leh Shaybaarka Cilmibaarista Badda “Naval Research Labortary” ee Dalka Maraykanka sanadkii 2005tii, waxaana rumoobay wararkii badmaaxda. Wuxuu shaybaarkaasi sheegay in qeyb Badweynta Hindiga ka mid ah oo le’eg Gobolka Connceticut ay u iftiinto marmar sida nalka oo kale, wuxuuna sheegay Steven Miller oo ka tirsan shaybaarka cilmibaaristu, in sababta ay baddu la caddanayso ay wali tahay xujo aan la furin.


Si kastaba ha ahaatee, waxay culimadu sayniska qaarkood ku macneeyeen; dhalaal-nololleed “bioluminescent”. Waxay leeyihiin waxaa keenaya nololle bakteeriyada ah oo gaaraya bilyanno oo aruuray oo falcelinaaya. Waxay nololleydaasi leedahay awood iftiimin sida gaaraabidhoodka oo kale. Ilaa hadda inta la og yahay bad-caddaadkaas ku beegan xeebaha Soomaaliya waa kan ugu weyn dhacdooyinka sidaas oo kale ah.   

Friday, August 9, 2013

Baar Baan Wareystoo (maanso)


Maansadaani waxay soo baxday 10/04/2009. waxay la xiriirtaa maanso hore oo aheyd “Badbaado Alle Gabar yahay”. Tan waxaa lagu male awaalay gabadhii Baar oo dalkii hooyo joogta oo aan anigu ku booqday meel ka mid ah dalkii, ka dibna kulankayagii baa sidaan u dhacay:

Bilawgii bishii hore
Safar baan u baxayoo
Waxaan booqday Baaroo
Subuxii bariisada
Soo bannaan baxaysoo
Qorraxdii bidhaantay
Midab bood ku daahdoo
Boor dahab la moodaa
Giddigeed ku baartoo
Indho soo belbelaayiyo
Fool aan basaasneyn
Ilko wada birqaayiyo
Boqorkay xirnayd iyo
Cunnaabigii birdhaayiyo
Biifeysan maradiyo
Baxaalkaan la yaaboo
Quruxdaan u bogayoo
Beerkay dillaacoo

Biciriirsigii iyo
Bidaalkay i mooddoo
Kuwii biraha wadan jiray
Baacugyadana qali jiray
Boocyadana goyn jiray
Markay yaraha booddoo
Gurigii ku baydhaan
Bawdkooda tagayoo
Waxaan iri bariidooy
Daahay bashiicdoo
Way yare basaastoo
Bardadkii dhammaayoo
Soo baraarugtoo tiri;
Boowow ma nabad baa?
Beernugeyl daraaddiis
Boholyowga awgiis iri;
Baayoy ma nabad baa?
Raar marriiman biliqdoo
Balashina sameysoo
Dadku wada bashaashyoo
Balki baan ahaadoo
Way baajinyeenoo
Baryaqaadka hilib iyo
Buqbuqo iyo ciir iyo
Garoor buuxa dhaafiyo
Burcadkii iyo subaggii
Dhaydii badneyd baa
Barbarkay la dhooboo
Waa lay baxnaanshoo
Biyo wada xareedaa
Burqanaayey goortaas

Baldhoolaan saldheystoo
Booyaankii sheekada
Baar baan wareystoo
Waxay tiri baarriyow
Baaqii horeetiyo
Waan helay boostadii
Cabdow waa barteedii
Dhulku waa bacaadoo
Buuro iyo hawdoo
Bakool weeyo maranoo
Burshaan waa halkiisii
Buuhoodda hoosiyo
Ciid wada bataaxaa
Wali lagu bardooddaa
Baadxumi ma taallee
Baydad baannu nahayoo
Wadaadkaan ka baqannaa
Baallayare ma diidine
Dhaqankooda baas baa
Bartamaha hameynkii
Beelaha agteenna 
Baroordiiqda joogtiyo
Boohintaan la deyneyn
Baa laga dagaagaa

Bahwadaagga aan nahay
Raggu waa biddoodoo
Beesaa u talisoo
Karbaashkaa u beegane
Wiilashaan ku baannaa
Hadba nala ka baartaa
Anna baaluq baan ahay
Hormoonkaa i buubsaday
Dareenkaa i baacsaday
Xishoodkaan ku baaqsaday
Baashaalka noloshana
Kii aan la baran laa
Waa baafiyaayoo
Wali baadigoobaa
Waa laba bogleeyaa
Badankaygu samir diid
Boogtaydu sii dheer
Boqollaal hablood baa
Ku ba’naaday meeshaan
Ma baddaannu jeexnaa?
Birri kale u doollaa?

Haddii aad boqooshoo
Biibeyso raacdoo
Bilaadkii shisheeyaha
Bulshadeenna gaadhaba
Biimadaannu nahay iyo
Baylahda aannu jaalnay
Ballantayda qaadoo
Bayuurtayda sheegoo
Badi oo warkaas badi
Badi oo warkaas bidi’


ERAYADA

Bood: waa midab ilwaad fiican oo goraygu yeesho. Caddaan cawl yar ku dheehan yahay.

Belbel: marka dabka la shido neefta casaanka ah, olol.

Birqaaya: aad u dhalaalaya, nuuraaya.  

Basaas: aan nadiif aheyn, dayacan.

Boqor: dhuub maro ah oo dumarka S/liyeed dhaqan ahaan dhexda ku xiran jireen.

Cunnaabi: qool kuul ah oo dumarka S/liyeed dhaqan ahaan qoorta gashan jireen.

Birdhi:  iniin kasta oo inta badan dhalaasha.

Biifeyn:  caddeyn, qurxin

Biciriirsi: indhaha oo la isku dhajiyo waxna lagu eego

Bidaal: wax la maleeyo oo aan la hubin, tuhun.

Baacug: caloosha dhasha ilmaha aan caano mooyee wax kale gelin. Halkaan calool oo dhan.

Booc: hunguri, cune.

Bashiicin: si yar daboolka, albaabka ama daaha u furid.

Bardad: cabsi kadis ah la wareerid, argagax.

Marriin: dhuub maro ah ama mayrax la midabeeyay oo rarada lagu qurxiyo.

Bilqid: firirin, daadin, kale dhigid.

Balashi: sooryeyn weyn, diyaafadin.

Balki: tusaale, halqabsi.

Buqbuqo: caano dhay ah oo ciir lagu daray dhadhan fiicanna leh.

Baryaqaad: wax kastoo la cuno oo ilkaha iyo gawsaha lagu dhaqdhaqaajiyo, calalis.

Burcad: subag iyo caano iksu dhafan oo aan wali la kale miirin.

Baldhoole: nooc ka mid ah cawska oo caleemo balballaaran leh.

Booyaan: hadal badan oo la isku taxo. Daroori.

Bakool: dhul carradiisu caddahay. Didib ama dhooddi.

Burshaan: buur yar oo ciid ah, burco, taag, kood.

Buuhood: dhulka meelihiisa jilicsan ee ruubta ah.

Bataax: ciid furfur ah ama quruurux ah.

Bardooddi: cayaarid, boodbood iyo dhaqdhaqaaq kale oo la cayaarayo.

Baydad: cabsi lalala cararo oo aan la aqoon meel loo jeedo.

Baallayare: kitaabka qur’aanka, jaamac.

Baroordiiq: qofka laga dhinto waano ama waxqabad loola tago, baroor la wadaag, tacsiyeyn

Bidde: qof aan xor aheyn, addoon.

Baaluq: qofku markuu gaaro guursi, qaangaarid.

Hormoon: dhacaan dadka jirkiisa ku jira oo maamula dareemmada qaar “Hormon”.

Buubsi: didid, carar, orod, dheereyn.

Baacsi:  ka dabo ordid, ceyrin.

Badan: oogada qofka, sarduub.

Dool: meel ka tagid oo meel kale aadid.

Biibeyso: mid duuleysa, diyaarad.

Biimo: galay meel khatar ah, halis.

Baylah: jooga meel cidla’ ah, aan lala joogin, dayacan.

Bayuur: ceebaal weyn, jiciir, jac.

Bidi’: hawada lagu sii daayey si uu u duulo. Waxaa bida walxaha cufka yar sida suufka.





                             


Wednesday, August 7, 2013

Ababkii Nabi Maxammad Iyo Kacaankii Weynaa Ee Islaamka-7aad

Ababkii Nabi Maxammad Iyo Kacaankii Weynaa Ee Islaamka-7aad

U-Qaxitaankii Yasrib (Yathrib):
Yasrib waa magacii hore ee Madiina e, waxay u jirtay Maka in ka badan 200 oo mayl. Waxay ku tiil dooxo ladan oo beero fiican leh, ilaa maantana timirta Madiina waa mid tayo sarraysa. Waxaase dagalkaas muddo dheer rafaadinaayay colaado joogsan waayay. Tolalkii Carbeed ee aagga ayaa si ba’an u dagaallami jiray. Sidoo kale waxaa iyana ku dagaallami jiray qabiilladii Yuhuudda ahaa oo dhulka wax ka degganaa. Marmar waxay u dagaallami jireen hab gaashaanbuursi ah sida qola Yuhuuddii ah oo la safata qolo Carabtii ka mid ahayd iwm. 

Waxaa ka mid ahaa qolooyinkii Yuhuudda ahaa oo Madiina wax ka degganaa wadaaddo ku xeel dheeraa diintoodii, waxayna ugu gooddin jireen Carabtii cawaanka ahayd in nabi dhawaan soo bixi doono iyagoo xusaaya astaamihiisii, waxayna la ahayd in uu ka soo dhex bixi doono Yuhuudda oo aqoon-yahanno ka buuxeen. Waxay Carabtii jaahiliinta ahayd ugu baani jireen in marka nabigu soo baxo Carabta loo rogi doono sidii loo rogay absaxankood oo kala ahaa Caad iyo Samuud (Salmud).

Si kastaba ha ahaatee, Madiina oo markaas Yathrib la oran jiran waxay aad ugu baahnayd hoggaamiye awood leh oo ka saara dadkii ku noolaa dhibabkii tirada badnaa oo ay iyagu isu keeni jireen.

Waayahaan Maxammad (NNK) wuxuu si qarsoodi ah uga soo bixi jiray Maka oo inta u tago dadyowgii ka ag dhawaa magaalada, ugu yeeri jiray islaanimada. Maalin buu maqlay niman safar ahaa oo ku sugnaa meel la yiraahdo Caqaba oo ku dhawayd Maka. Intuu nimankii u tagay buu weyddiistay inuu la fariisto, markay oggolaadeen buu wax uga sheegay dhambaalladii Ilaahay u soo dhiibay. Nimankaas oo qolo ahaan Reer Khasraj ahaa, ahaana lix nin isla markiiba waxay garwaaqsadeen astaamihii Yuhuuddu u sheegi jirtay wayna rumeeyeen Nabiga. Waxay kaloo hilaadiyeen in ninkaan xanbaarsan diinta cusub midayn karo qolodooda Khasraj iyo Aws oo ay isir wadaageen, laakiin ku kala dhintay colaado iyo is-nacaybsi waayo badan soo jiitamaayay. Nimankaas markay ku noqdeen Yasrib waxay faafiyeen wararkii wanaagsanaa ee Maxammad (NNK), waxaana Nabiga iyo dhambaalladiisa laga wada maqlay Yasrib oo idil. 

Xilligii xajka ee xigay oo abbaaraha ku beegnaa 621-kii baa ergo ka kooban ilaa 12 nin, Yasrib ka soo amba baxday si ay Nabiga u la kulmaan. Ergada waxaa ku jiray shan nin oo ka mid ahaa raggii hore Nabiga u la kulmay iyo labo nin oo Reer Aws ahaa, waxayna nabiga mar labaad ku la kulmeen Caqaba. Waxay ku dhaarteen magacyadooda iyo kuwa xaasaskooda, inaysan Ilaahay/Allaah ku labeynayn Alle kale, inaysan wax xadeyn, inaysan sinaysanayn, inaysan ubadkooda dilayn si kastoo ay sabool u noqdaan iyo inay wax walba uga dambayn doonaan Nabiga. Wacadkaas ay galeen Nabiga iyo ergadii Yasrib waxaa loo yaqaan; "Ballanqaadkii Caqaba ee 1aad". Nabigu markaas kadib wuxuu ku daray raggii ergada ahaa Muscab Ina Cumayr si uu u baro basarka islaanimada iyo si uu u gaarsiiyo moogayaasha diinta cusub. Muscab wuxuu fuliyay hawshii loo xilsaaray, wuxuuna in yar kahor xilligii xajkii xigay oo ku beegnaa 622-kii M.D, ku soo noqday Maka wuxuuna u sheegay Nabiga in si wanaagan islaanimadu u gaartay dadyowgii Yasrib ku dhaqnaa, qaar badanna rumeeyaan dhambaalladii islaanimada. Wuxuu kaloo u sheegay Nabiga awoodda Reer Yasrib iyo wax-tarka ay u yeelan karaan muslimiinta.

Haddaba xilligii xajka ee sanadkii 622-kii M.D, waxaa xujaydii Yasrib ka yimid ka mid ahaa toddobaatan iyo shan muslimiin ah oo labo dumara weheliyeen. Goor ay tahay habeynkii gelinkiisii dambe ayaa intii muslinka ahayd ee Reer Yasrib u dhuunteen meel duleedka Caqaba ah si ay Nabiga u la kulmaan, arrinkaas oo si qarsoodi ah loo abaabulay. Waxay u ballan-qaadeen Nabiga inay ku soo dhaweynayaan magaaladooda. Waxaa kulanka joogay Nabiga adeerkiis oo aan markaas islaamin, hase yeeshee, si aada u difaaca Nabiga, wuxuuna uga digay kooxdii Yasrib ka timid cuslayska ay ballanqaadkoodu leeyahay iyo inay ka dhabeeyaan wacadkooda. Dhankooda waxay ergadii Yasrib ku dhaaratay inay u difaaci doonaan Nabiga sidii ay naftooda iyo reerahooda u difaaci lahaayeen. Middaanna waxaa loo yaqaan; "Ballanqaadkii Labaad ee Caqaba ee 2-aad". Waxaa isla kulankaas lagu go’aansaday u-qaxitaankii Yasrib ee muslimiinta.
Ballanqaadkaan dambe, waxaa la oran karaa waxaa ku jiray u-diyaar-garaw dagaal waayo difaaca Nabiga iyo wedayadiis waxaa ku lammaanaa gacan-ka-hadal, waase haddii loo baahdo.

Markaas kadib, wuxuu Nabigu faray muslimiintii ku kadeednaa Maka inay si koox koox ah oo qarsoodi ah ugu qaxaan Yasrib. Isla markaas waxay Qureesh gaartay go’aan ay ku dhiirratay dhimashadii Abuu Daalib oo horjooge ilaaliya u ahaa Nabiga, kadib. Go’aankaas oo ahaa in jifooyinkii Qureesh mid walba laga soo saaro hal nin oo dhallinyaro ah si kulmis ahna u dilaan Nabiga, waxaana la sheegay in taladaas uu lahaa Abuu Jahal. Ilaa labo iyo toban raga baa hareereeyay gurigii lagu ogaa Nabiga, wuxuuna tashigu ahaa in la dilo marka uu aroortii u soo baxo salaadda. Nabiga oo ka war helay qorshaha tolkiis u maleegay, xag Eebbana amar ka helay inuu qaxo, wuxuu sii seexiyay sariirtiisii ina adeerkiis Cali Ina Abuu Daalib oo markaas kuray ahaa, wuxuuna ogaa inaysan Cali dilayn kuwii dhagarta watay. Goor uu gulufkii hiteeyay gurigii Nabiga lulmooday oo ay wada seexdeen buu Nabigu qun yar uga soo siibtay aqalkiisii oo sii maray wadeygiisii weynaa waa Abuu Bakar al-Saddiiqe. Qureesh oo aad u caraysan baa raad qaaday Nabiga iyo wehelkiisii ilaa ay soo dul istaageen bohol ay ku dhuumanaayeen. Xag Eebbe ayaa laga soo diray caaro afkii bohosha waabtay iyo qoolley baabi'isay raadkii raggii dhuumanaayay. Abuu Bakar baa aad uga yaabay in la arko wuxuuna yiri, “Nabi Allow, haddii midkood eego cagahiisa wuu na arki karaa". Wuxuu Nabigu ugu jawaabay: “Maxaad u filaysaa labo uu Eebbe seddex ku yahay? Ha murugoon, runtii Eebbaa nala jiree.Saalix al-Bukhaari.


Markii goobitaannadii kooxihii Qureesh hungoobeen raad iyo ruuxna waayeen, bay Nabiga iyo Abuu Bakar oo si qarsoodi ah loogu keenay cunno, neefaf ay fuulaan iyo ku/kuwo jidka ku haga, bilaabeen socdaalkoodii dheeraa.

 Kadib markay socdeen maalmo (ilaa 8 maalmood) oo ay intaas raad-gadasho ku jiraan bay soo gaareen duleedka Yasrib, meel la yiraahdo Qubaa. Tan iyo markii Nabigu iyo wehelkiisu ka soo baxeen Maka, dadkii Reer Yasrib waa toog hayeen, waxayna maalin walba u diri jireen ilaalo agaagga filaayeen inay ku imaan doonaan. Waxaa la sheegaa in nin Yuhuuda uu arkay socdaalleydii, wuxuuna u sheegay muslimiintii, kuwaas inta ka hortagay aad u soo dhaweeyay. Qof walba wuxuu damcay inuu gurigiisa geeyo Nabiga iyo wehelkiisii, wuxuuse yiri, isagoo tilmaamay hashuu saarnaa oo la oran jiray al-Qaswaa: “Daaya, amar Eebbay qabtaaye”. Markaas kadib hashii waxay arrumatay goob ay lahaayeen Reer Banuu Najaar oo xagga hooyo ay Nabiga xigto ka ahaayeen. Isla goobtaas baa Nabigu ka dhisay masjidkii ugu horreeyay iyo qeybo ku lifaaqnaa masjidka oo degaan u ahaa. Halkaas baana saldhig u noqotay Kaahii Weynaa ee Islaamka oo maanta ay rumaysan yihiin 1.6 bilayn qof oo isir walba isuga jira.