Wednesday, November 14, 2012

Waa Naas Adduunyadu (hees)

Nabar halista gaariyo
Naftii cudur ku raagtaa
Ku ma naaxdo soore
Ninkii tabar darraadaa
Nacas lagu tilmaamaa
Naannaab habaabee
Ku ma nicine adigaa
Naafeeyay taladoo
Waqtigii nugleeyee

Niyaddaan ku xiray meel 
Soo noqonba weydee
Anigiyo nasiibkay

Waa naas adduunyadu
Ruuxba maalin nuugoo
Ninna loo ma daayee
Adoo saaka nabad qaba
Naxdin galabta kuu timid
Nolosheeda weeyee
Ma nastoo ayaan qura
Intaan hawl ka neefsado
Nafta meel ma hariyee

Niyaddaan ku xiray meel 
Soo noqonba weydee
Anigiyo nasiibkay

Tuesday, November 13, 2012

Gocosho iyo Ciil


GOCOSHO IYO CIIL

Sidaan ka barannay maansoyahanka S/liyeed loomo tiriyo tixda muraad la’aan. Haddii ay dhacdana maansadaasi ma yeelato muggii ku habboonaan lahaa ama milgada inta badan loo muujin jiray suugaanta hodonka ah ee S/liyeed. Waxaa si wanaagsan u cabbiray gabyaagii yiri;

Haddaan gabayga uurkoo bukiyo, arami' kaa keenin
Ama olol jaceyl iyo xanuun, kugu ijbaareynin
Afka un baad ka leedee erayadu, arar ma yeeshaan

Haddaba maansada hoos ku qoran baan maanta u sharraxan in la qiimeeyo, waxaana u deynaynnaa akhristaha. Maansadaan waxaa curiyay kan qoray erayadaan;

Haddii gacalkaa la weeraro
Guluf aan naxeyn iyo
Hadduu gabagabeeyoo 
Uu galo col gaamuray 
Guuyadoo la qaadiyo
Garcastoo la laayiyo
odoyadoo la gawraco
Gabannada carruurta ah
Gambooley la dayneyn
Gambiga iyo dhibaatada
Galaayuuska dumarkiyo
Gurdanka iyo qaylada
Gamaskoo la boobiyo
Waa tii la guran jiray
Gaalleefta iyo warankee
Gurmadka iyo raacdadu
Waa tay gucle iyo orod
Imaan jireen goor hore

Maxaa gooni kaa dhigay
Ka reebay garashada
Misna gaabis kaa dhigay
Gabbacyeyntu waa maxay?

Haddii guri walaalkaa iyo
Gaaridii uu qabay
Geenyaduu lahaan jiray
Heensaheeda gaarka ah
Gayaan kale dookhu bado
Ardaageeda soo galo
Intay xumo guddoonshaan
Gabbashoo xarootiyo
Lala gudo hameynkii
Gardarrada iyo maggaas
Gunnimada iyo ceebtaas
Waa in laga gadoodaa
Gama’ iyo hurdana daa
Guntigaa la giijaa
Gumuc iyo rasaas baa
Iyo gaan tolkaayaa
Sida geeshkii oo kale
Garammooda la dhoobaa
Guubaabo iyo dhaar
Dagaal lagu galaayoo
Gobaad lagu dhacshaa

Maxaa gooni kaa dhigay
Kaa reebay garashada
Misna gaabis kaa dhigay
Gabbacyeyntu waa maxay?

Anigoo gudboonaa
Garaadoo nin rag ah
Aqoonteyda guud iyo
Tayadaydu gaar tahay
Gubniyadii ka soo baxay
Waa taan gu’yaal badan
Samaheenna gooboo
Gabbal dhaciyo waabari
Sida gaar ilaala ah
U go’naaday hawshee
Markii uu gabraatuhu
Igu ganay fallaartii
La ila goobay maartii
Aan gabayoox cidla
Sidii aarkii Ceel-Gaab
Kaligey aan gayllamay
Hiillo iyo gargaar baan
Kaa dhawray geellow
Gadiid maalin oo idil
Geestaada eegee
Haddaan go’ walaalow
Ama gaasir ahaadaba
Garabkaa bannaanaa
Waa adigaan gabbanayee
Maxaad guula ood heli?

Maxaa gooni kaa dhigay
Kaa reebay garashada
Misna gaabis kaa dhigay
Gabbacyeyntu waa maxay?


La gundhigay adduunkaan
Carro-edeg galoolneyd
Marka geesi uu kaco
U gargaaro kii daran
Deeqdiisu gaadhaba
Goohiisa wacan iyo
Guuxiisa maqalnaba
Giiryaale fulay baa
Geestiisa joogoo
Doqon geeso weyn baa
Waligeed ku gaarnayd
Maantana geddii baa
Guryaheenna taaloo
Gaadmadii shisheeyaha
Golxadkii sokeeyaha
Gaallaysyo badan baa
La ii gaaciyaayoo
Waa la igu goobtee
Adiguna goobbilow
Sidii goraygii Baal-Taag
Garraar sare ka fuushoo
Gaallisada ciyaartee
Haddaan guuro oo tago
Geeddi dheer aan galo
Foore iyo geyraa
Buulashada galiyoo
Gocasho iyo ciil baad
Guhaad iyo xanuun baad
La gandoodsan doontaa
Gabbaad kale miyaad heli?
Mise garashadaadaa
Dib u gaallineysoo
Guniddii daboolneyd
Kaa deyran gaannow


Maxaa gooni ka dhigay
Ka reebay garashada
Misna gaabis kaa dhigay
Gabbacyeyntu waa maxay?

Monday, November 12, 2012

Waxaan Galabsadaa La Iga Goynayaa (hees)



Goor iyo ayaan
Socod dheer galoo
Intaan daal gab iri
Tillaabada gabee
Meelna gaari waa 
Geeddigaan wadoo

Waxaa iga gadmaday
Oon gees ka maray
Gubad roob heloon 
Galabta haybiyaa

Godob sidaan qabaan
Gama' diidayoo
Dhulkii lay goglaa
I guhaadiyee
Cirkan gaafsanina
Way gabagaboo

Waxaa iga gadmaday 
Oon gees ka maray
Gubad roob heloon
Galabta habiyaa

Geyi waaqle oo
Laga guuray baan
Raad goobayaa
Anna goor dambee
Garashiyo wanaag
Anaa gees maroo
Nabsi guurayaa
Gondaha i jaroo
Waxaan galabsadaa 
Layga goynayaa 

Saturday, November 10, 2012

Wuxuu Sabanno badan Geelu.... (hees)


Wiilka:
Wuxuu sabanno badan geelu
 Saynta u ruxaa
Mar uun baad Sasabaniyo
Siyow ka cabbi doontaa
Anna waxaan saqaafaha
Iyo sahanka caashaqa
Saymaha u marayaa
Waa si aannu u kulannee

Jaceylkii sacabbo furan hooyaa!
Ayaankeen barisamaad helayey
Aroos-keennii sal dhigayey
Sidaas ku garoo la soco eey

Gabadha:
Waxay sabi ilmaha hooyadu
Gosha ugu siddaa
Sakaar loogu koriyaa
Abaal laga sugaayee
Annaa waxaan sidoo kale
Caashaqa sasabiyo
Samir ugu dhaqaayaa
Wuu i san dulleeyee

Jacelkii ma sidig irmaan hooyaa
Saadaashu ma guul allaa heellayoy
Arooskii ma saaddambaa yey
Sidaa u gartaye ka soco eey

Wiilka:
Waxaa subagga iyo heenka
Senge loogu shubayaa
Hubka loo sifeystaa
Sikatiga colaadeed
Anna waxaan la salalaa
Saqda dhexe u toosaa
Sawdkii jaceylkaa
Samada iiga yimide

Jaceylkii sacabbo furan hooyaa
Ayaankeen berisaamd helayey
Aroos-keennii sal dhigayeey
Sidaas ku garoo la soco eey

Gabadha:
Waxaa sarsarka adag reerka
Sarmaan loogu oodaa
Saan tuug gurguurtiyo
U soo marin dugaagguye
Seddex boqol maalmood
Iyo tiro sagaashana
Sidka geelu weeyee
Ma soo gaaray caashaqu?

Jaceylku ma sidig irmaan hooyaa
Saadaashu ma guul allaa hellayoy
Arooskii ma saaddambaa yey
Sidaas u gartaye ka soco eey

Erayada:
1- Sasabane; Siyow: waa laba ceel oo ku yaal dhulka Soomaali Galbeed.
2- Saqaafe: marin; meesha la maray.
3- Saymo: meel dagaal xun ka socdo.
4- Heen: dufanka fuudka kor ka saaran; dufanka lafaha geela.
5- Senge: neef lab oo la dhufaanay.
6- Sikati: baqdin; cabsi.
7- Salal: hurday oo argagax la soo booday.
8- Sarsar: xeyndaab; deyr 
9- Sarmaan: geed qodax leh
10-Sid: inta hooyadu ilmaha uurka ku waddo.

Friday, November 9, 2012

Ma Inaad Kalgacalka Laashaa? (hees)

Lahashada jaceylkiyo
Lahashada naftaydaa
Qalbigay lurayoo
Laamaddoodi waayee
Waxay laabtuu doontaa
Innagoo lammaaniyo
Laba nolol wadaagtoo
Kala leexan noqonnee

Ma inaad laba seef ahaataa
Ma inaad kalgacalka laashaa
Ma inaad lumiso aqoontaa
Ma inaad libidhoon ku waayaa?

Lallabaha hayaankiyo 
Lugtu socod ma daysee
Waxaa layga baaqaa
Looliga Galduure
Waxaan wali ku laalnahay
Halkii laydha caashaqa
Leexadu i geysee
Soo laabmi waayee

Ma inaad labo seef ahaataa
Ma inaad kalgacalka laashaa
Ma inaad lumiso aqoontaa
Ma inaad libidhoon ku waayaa?

Lullumihii biyaha galay
Abaar kuma lihiime
Aniguna liskiisii
Caashaqa ladaabtee
Waxaan labo legdoodoo
Kaligay lignaadaba
Sidaan ahay lammaan Xiid
Leyl dhexe dhawaaqee

Ma inaad labo seef ahaataa
Ma inaad kalgacalka laashaa
Ma inaad lumiso aqoontaa
Ma inaad libidhoon ku waayaa?

Erayada:
1- Laamaddood: hurdo yar ama gami'id kooban.
2- Laashaa: fogeysaa; meel fog geysaa.
3- Libdhay/Libray: qarsoomay; daahsoomay. 
4- Lallabo: loo kaco; loo jeesto. 
5- Looli: dalcad; dhul foocsan; korreeya.
6- Galduur: dhul-daaqsimeed ku yaal Soomaali Galbeed.
7- Lullume: nafley yaryar ah oo biyaha ku dhex nool.
8- Lihiin: liil; meecaad; adkaysi leh; waxtar dambe leh.
9- Lis: wax kasta oo la soo liso sida caanaha iyo dhiinka miraha. Halkaan dhiggiisii.
10- Ladaab: ku-noqnoqoshada cunnada, biyaha iwm.
11- Labo legdood: ku-galgalasho; gami'waa.
12- Lignaan: likaysan; liqdaaran; waxaan laabmeyn oo tigtigan.
13- Xiid: shinbir habeynkii mirta oo inta badan labalabo u socda. 

Wednesday, November 7, 2012

Waayaha Adduunka (hees)


Waayaha Adduunka

Waayaha adduunka 
Ku wax qaadan mayside
Ruux walaal ku moodaa 
Haddii uu ku wehashado
Ood wacad ka diiddaa 
Warankaad ku tuurtaa
Kugu weecan doonee 
Jacayl kuma waraystee 
Waygu waa bariistee
Halbowluhu ma wado dhiig 
Wadnahana ma siiyee
Wadkaygii ha noqonnine 
Haddaad maanta wacan tahay
Ma ku waari doontaa? 

Sidoon waalanahay baa 
Laygu wiirsadaaye
Wegar tiri lataliyahaa 
Waanadiisa diiddoo
Adigaa i wiiqee 
Haddaad adigu wacan tahay
Anay wadhi i raacdee
Gacma wada jirkooday 
Wax ku goyn karaane
Midna geed ma waabteen 
Waaxid kali ahaane
Weedhaa u fiirsoo 
Arrin aan wadaagnee 
Waa yahay aan kaa helo 

Tuesday, November 6, 2012

Beledweyn iyo Beerlula (hees)


Beledweyn iyo Beerlula 

Bi'i waa jacaylow
Boodhari inuu dilay
Been baan u haystee
Bi'i waa jacaylow
Boogaan la dhayinoo
Cidi baanan karinoo
Beerka iyo wadnaha iyo
Bogga kaaga taaliyo
Inuu yahay bir caashaqu
Been baan u haystee

Webigoo butaacoo
Beeraha waraabshoo
Dhulku baadku jiifoo
Dhirta ubaxu buuxoo
Badarkiyo galleyddii
Laga tuuray baalkoo
Canabkii bislaadoo
Bulladiyo ciyaaraha
Lagu waa bariistoo
Beeluhu gu' joogaan
Sow bari-samaadkii
Beledweyne maan tegin


Dhanka bari magaalada
Sow boqorod joogtoo
Biyo dahab la moodoo
Bilicdii haweenkiyo
Bilic loo dhammeeyoo.
Timo boqonta joogoo
Baal goray la moodoo
Baarkana casaankii
Bidix midig is gaadhoo
Burcad lagu xiddeeyoo
Badh ku seexanaysoo
Barkanaysa qaaroo
Huuwanaysa bar oo
Igu beertay lahashoo
U buseelay maan baran.

Sow goor barqa ahoo
Bishu ay siddeed tahay
Aniga iyo Beerlula
Isku maanan soo bixin.
Sow bariidadaydii iyo 

 Barashadeedii
Buundada ciyaartee
Beledweyn ku taallee
Biyo lulata guudkood
Badhtankeeda maahayn


Sow bixiso weeyee
Ballan maanu dhiganoo
Berri joog imay odhan

Sow bayd go'aygii
Layguma bushaarayn.
Maantaa la baxayaa
Bulshadii i may odhan.
Sow waa bestayoo
Socod beegsan maayee
Ina baaja caawoo
I baxnaansha maan odhan
Sow taliye baasoo
Ba' anoo war moogi
Taydii ma beeneyn
Sow badiba kooxdii
Goortay badheedheen
Baabuurka fuuleen
Anna baal kamaan korin


Boholyow daraaddii

Sow baraq nuglaantii
Balo lagu ducaystiyo
Baryo kuma maqnaynoo
Biri may xumaatoo
Badroolka daadshoo
Ka wadaa bukoodoo
Bogsan waayo maan odhan
Sow beriga waagiyo
Barqa kulul dhexdoodii
Geed baaxad weynoo
Dherer iyo ballaar loo
Baladweyn ku caanoo 
La yiraahdo Baaroo
Bilig dheer hirkiisii
Ma bidhaansanaynoo
Bulxankiisa yeedhiyo
Ma maqlaynin baaqii


Sow baaxad-soorihii

Iyo laba boglayntii

Ma noqon besteeyoo
Bacadkii ma dheelman.

Sow galab-boqoolkii
Annakoo barwaaqiyo
Meel baadle joognoo
Tumanaynna Beerrey
Soo maan baraarugin
Riyo beena weeyee
Sow baalla daymihii
Baabuur lalaayoo
Haad baalle mooddoo 
Bananaaya buur dheer
Is ma odhan ka boodo 
Nafta sow ma biimayn
Nin Banaadir joogoo
Baledweynna haystoo
Waxaan ahay la baabee
Sow baadi-doonkii
Wali baafis maan ihi 

Beledweyn Allahayow 
Ka dhig guri barwaaqee 
Beerlula Allahayow 
Balaayada hareer mari
Beledweyn Allahayow 
Ka dhig xero badhaadee
Beerlula Allahayow
Ka barii waxyeellada 
Beledweyn Allahayow 
Ka dhig beerta raaxada 
Beerlula Allahayow
Guryo-samo ku noolee