Thursday, May 14, 2015

Qabiilku Ma Qeyb Eebbaa Mise Waa Qallooc Soomaaliyeed-Q.1aad




Sidaan marar hore u soo xusnay waxay beelaha Soomaaliyeed ka soo jeedaan Bahweynta *Kuush. Waxay beelahaasi muddo dheer lahaayeen habab dhaqan-bulshadeed, dhaqaaleed iyo siyaasadeedba.

Waxay dadka Soomaaliyeed dhaxleen xeerar taxanayaal ahaa, oo ahaa kuwii awoowayaasha. Waxay xeerarkaani noqdeen hannaanka lagu maamulo dhan kasta oo taabta nolosha qolo kasta oo Soomaaliyeed. Qolo walba oo Soomaaliyeed waxay ka bilaabataa qoys…waxaa xiga beel…waxaa xiga jifo…waxaa xiga qolo. Qaybahaan waxaa loo habeeyay si loo fududeeyo maamuulka reeraha, kamana ujeeddo duwaneyn gobolkii degmooyinka loo qeybshay, balse dhab ahaan waxay qoladu aheyd dawlad goboleed dhammeystiran oo madaxdeeda iyo distoorkeedaba leh. Sidaan waxay dadka Soomaaliyeed ku heleen xasillooni muddo dheer soo jirtay. Hadday tahay colaad iyo hadday tahay nabadba waxaa jiray xeerar lama dhaafaan ah oo la wada dhawro. Xeerarka la dhawraa waxay ahaayeen waayo-aragnimo la aruurshay oo ka soo fushay waxgarad waayo kala duwan noolaa. Waxaa xeerarkii soo jireenka ahaa dheehay xeerarka diinta Islaamka oo wixii ka dambeeyay qarnigii 7-aad si buuxda ugu baahday dagallada Soomaaliyeed oo idil. Diintu waxay ka murdisay xeerarkii sooyaalka intii gef ku aheyd isla diinta. Xeerarka qolada si joogta ah baa loo kabi jiray oo waxaa dhici jirtay in dhacdo timaaddo oo qodob lagu gorfeeyo loo waayo. Marar-kaas oo kale, guurtida ayaa xeeri jirtay mid ugub ah, waxayna ahaan jirtay ka-fac ka-fac mid la tixraaco oo qeyb kasta oo tolka ka midihi meel ay joogtaba xurmayso. Xeerarkaan waxaa ugu caansan xeerka bixinta magta oo bulshada Soomaaliyeed oo dhan ka yeela qeybo isku tiirsan oo la yaqaan Mag-wadaag. Xeerkaani wuxuu saameeyaa dhinacyada dhaqaalaha, Siyaasadda, nabadgelyada IWM.

Qarnigii 19aad markii dawladahii reer Yurub sidii Ayaxa ku dageen geyiga Afrika waxay goob walba ka nuugeen nacfigii yiil, waxay gumeeyeen dadkii, waxyeellose, waxaa ugu darnaa dhaqan- guurkay ku rideen bulshooyinkii ku noolaa Afrika …oo qaar la dhalan rogay..oo qaar la afduway..oo qaar la xeertiray. Bulshada Soomaaliyeed inta badan way ka badbaaday, waase la xeertiray.

Gummeysigii yimid wuxuu la yimid aragtiyo cusub oo ka soo jeeda fikradihii SOCRATES (469-399 BC), ARISTOTLE (384-322 BC) iyo PLATO (428-347BC). Nimankaani waxay ahaayeen niman Giriik ah oo u fakaray qoloday ku dhex-noolaayeen iyo bahweyntooda. Waxay ka fakareen waxay ahaayeen waxay arkahayeen ama ka dhex-maqlayeen dadkooda, fikradahoodii bayna ku qotomaan hababka siyaasadeed ee dadyowga reer Yurub iyo W. Ameerika ee maanta.

Aragtida sameynta dawladda (state making) iyo qaabka loo doorto xubnaha maamulka dalka ee la yiri dimuqraadiyaadda (democracy) oo ay ku sheegeen kuwa door ah bay u soo dhoofsheen geyiga Soomaaliya iyadoo nuqul ah, waxayna ku toleen dadkii oo aan qeexi karin erayada oo qura. Aragtida dawlad sameyntu waxay xaggooda hab-wadaag ka dhigtay beelo beeraleeya, ma-guurto ah oo soohdin-yaqaanno wada ah.
Hannaanka doorashaduna wuxuu xaggooda hore u mariyay beelo ku doorta qofka kartida iyo waxqabadka, halka ay beelaha Soomaaliyeed ayna aqoon soohdin joogta, doorashaduna ay ku saleysnayd walina ku salesan tahay abtirsiinyo, dawlad sameyntuna ayna wali ku qeexnayn xeerar dhaqmeedyada Soomaaliyeed.

Ma aha in kuwaan dambe ay ahaayeen dad dambeeya ee arrintu waa la kala dhaqan nololeed duwanaa. Haddii loo danaynayay dadka Soomaaliyeed waxay aheyd in la kabo fahamkooda oo la waafajiyo qaabka ay wax u arkaan iyo sidii dantoodu tahay, waxayse aheyd in aan loo daneyn ee laga danaysanayay.

Markii xornimada la helay ee 1960-kii oo rag Soomaaliyeed oo gumaystuhu tababaray uga tagay taladii dalka, waxay u dhaqmeen sidii odagii diirka caddaa ee tagay, iyagoo midabka iyo muuqaalka maahee, inta kaloo idil kala socday hannaankii maamulka ee reer Yurub. Waxgaradkii dhaqan-yaqaanka Soomaaliyeed ahaa iyo odagii talo adduun wax laga weydiin jiray waaba la yasay oo afkaa laga jufeeyay. Waxaa lagu jajuubay inuu raaco sharciga dawladda isagoon aqoon waxa dawlad looga jeedo. Waxaa lagu jajuubay inuu raaco xeerarkii Rooma iyo Landhan, isagoon reeraha dagaba aqoon. Waxaa loo sheegay Wasiirka iyo Wasaaradda, isagoon midna micneyn karin. Waxaa loo sheegay Hantiwadaagga iyo horumarka bulshada hore-u-socodka ah, isagoon arki karin miisaanka ay ku leeyihinn erayadaasi dhaqankuu khabiirka ku ahaa.

Wixii la fahmi waayo waa la mala awaalaa, ee garaadkii Soomaaliyeed wuxuu arkaayay oo maqlayay wuxuu ku macneystay kuwuu yaqaanay; Dawladdii waxay u noqotay hal geela oo uu u bixiyay Maandeeq. Madaxweynihii dalka wuxuu u arkay Odayga Soomaaliyeed ee Maandeeq xeradiisa ku jirto. Wasiirka la sheegay wuxuu u arkay wakiilka qoloduu ka dhashay. Aqalka mudanayaasha wuxuu u arkay geedkii shirka oo dhagax laga dhigay, hadduu ka waayay geedkaas bahdiisiina wuxuu u arkay meel shisheeye ku tashanayo iyo in bahdiisa godob weyn laga galay.

Dhanka kale, waxaa dhexda iyo qoortaba caymiyay aqoonyahan/jaamici. Kaas oo ay la noqotay, walina la tahay in dalka maamulkiisa iyo horemarkiisu ku jiro in la raaco hababka dawladaha hore u maray, waxaana halhays u noqotay erayadii halyeyadii reer Yurub, maahmaah iyo murtina waa kuwii Talyaaniga iyo/ama Ingriiska, aqoonyahanimadana waxaa halbeeg u ah sida afafkooda loogu hadlo.

Wiilkii Soomaaliyeed ee lagu carbin jiray abtirsiinyihiisa wuxuu aqoonyahan u sheegay in qabiilku yahay jahli iyo dibudhac ee uu ka fogaado maqalkiisa iyo macaamilkiisaba. Hadduu koray wiilkiina wuxuu u ekaaday dhurwaa waa ku baryay oo hadba dhan buu rooray. Wuxuu aaday oo aaday galbeedkii aabbihiis waxsan uga sheegay isagoo ka fogaanaya qabiilka iyo qurunkiisa, waase qaban waayay dhinacna, waxtarna waa u yeelan waayay qolana.

Aragtida odaygii asal-sidaha ahaa iyo tan aqoonyahanka talada hayay ama aamminsanaa inuu talada dalka mudan yahay, waxaa ka dhex dhacay is-harddin weyn oo keentay in xeerarkii horana laga tago kuwii dambana lala qabsan waayo. Sidaas buuna ku lumay xeer walboo idil oo markaas gayeysiiyay Soomaaliya oo idil qas iyo qalalaase iyo waliba in la waayo xeer wax lagu beego illeyn dhaqan suul baa dhacaye.

Gar loo ma sinna ee gefka iyo gardarradaba waxaa leh aqoonyahan. Aqoonyahankii la rabay in aqoontiisu nolosha qoyska Soomaaliyeed ee geeddiga joogtada ah ku jira kor u qaado oo biyo iyo baad la hubo u helo, wuxuu ku mashquulay jaakadaha iyo filimada galbeedka. Wuxuu abuuray bulsho cusub oo Soomaaliyeed oo aan ku xirnayn teedii asalka ahayd Wuxuu isu hibeeyay hantida qaranka iyo taladiisaba, isagoon waxtar muuqdaba u lahayn dalka iyo danta dadweynaha.


Aqoontu waa inay goobta wax-soo-saarka ka muuqataa ee ma aha inay wax-ku-doon iyo ku-faan noqoto. Bulshadii hantideeda yar aad wax ku baratay ma aha inaad ka faanto oo fongorto, deedna isla qummanaato oo sidaas ku abaaddo. Sidaasi soo maaha godob culus oo laga galay ummadda S/liyeed?

Godobta kale waa hababkii gumeystaha iyo dawladihii reer guriga ahaa ee dhaxlay ay ugu carbiyeen kaadir badan qaabab u adeegayay danahooda. Waxaa maanta laga dhex arkaa bulshada S/liyeed dhaqammo waayihii hore ahaan jiray foolxumo iyo falal sheydaan oo ay ka mid yihiin nifaaqa, imlaaqa, beenta, boobka, dicaayadda iyo isku-dirka. Dhaqammadaan oo ilaa imminka ay ka wadaan kaadiriintii la carbiyay ummadda S/liyeed dhexdeeda, waxay si bareera ah ugu macneeyaan siyaasad. 

Siyaasaddu sida ku qoran qaamuuska waqooyiga Ameerika: waa aragtida habaynta iyo socodsiinta ururro la xiriira maamul dawladeed. Maamul dawladeedna waa koox dada oo awood u leh inay sugto nabadgalyada dal ama meel, qabatana adeegyada kale duwanMa dhici karto maamul dawladeed oo fayoobi inuu ugu adeego dalkiisa dhaqammo keenaya kala daadasho bulshadeed iyo aayoxumo.


Dhabcaalka dhalanteedka aamminsani wuxuu wali qabaa aragtiyo lagu sheego kuwa siyaasadeed oo uu qaayibay oo ah kuwii diimaha lagu dhaleeceeyay.




Thursday, May 7, 2015

Dadka Soomaaliyeed (maqaal)


  

Dabciga iyo abuurta dadka waxaa inta badan ababiya abuurta degaannada uu dadkaasi ku nool yahay iyo dhacdooyinka taariikhiga ah iyo waliba dhaqammada waayaha soo-jireenka ah.

Dadka S/liyeed wuxuu ayaankood noqday inay ku noolaadaan dagallo leh abuur cadaw ah. Wuxuu badi dhulkoodu noqday mid biyo yar, cammuud badan oo ciidda carrosanka ahi ku yartahay. Waxaa intaas sii dheer in si joogta ah ay abaaro uga dhacaan dhulka. Wuxuu kaloo dadka S/liyeed la kulmay dayac siyaasadeed, weerarro shisheeye, dagaallo sokeeye, shaqaaqooyin, afgambiyo iyo afgambiyo ka-hortaga. Wuxuu soo maray xilliyo xanuun weyn oo eexaysiga, musuqmaasuqa, laaluushka, dhiig-miiradka iyo qabyaaladdu hareeyeen noloshooda. Dhibihii is-daba-joogga ahaa waxay qof kastoo S/liyeed ku sunteen abuur ama shakhsiyad gaar ahaaneed.

Dadka S/liyeed oo jiray kumaankun sano, ahaana raacato waxay ku sifeeyeen dadkii u soo martiyay iyo sahamiyaashii ummadaha kalaba siyaabo kale geddisan oo togane iyo tabanaba leh. Dhinaca togan waxay yiraahdeen sidaan:

1-     Waa dad halwkara, awood leh oo tabar badan, waxaana mar walba ka muuqda rabitaan ah, inay qabtaan hawlo guulo keena.
2-     Habka raacatanimo oo ay ku dhaqmaan wuxuu u keenay inay socon karaan maalin walba masaafo dheer oo ay ku goobayaan baad iyo biyo. Wuxuu yiri nin Ingriis ah oo la oran jiray Drake-Brockeman: garan maayo dad reer guri ah (natives) oo ku gooshi kara dhul oommane ah oo qallalan oo u dhigmi kara S/lida oo wacnaantaas yeelan kara.
3-     Waa dad Eebbe ku mannaystay garaad abuurriina (natural intelligence) oo dheeraada. Xitaa kooda aan wax baran wuxuu garan karaa ujeeddada ninka qalaad, isla marka uu yiraahdo dhawr eray. Waxay yeesheen dareen saadaalin leh oo la dhihi karo wuxuu u dhigmi karaa kan casriga ah ee lagu soo koobo FFKI  (Future Focussed Role Image).
4-     Waa dad lagu bartay waxqabad, martigelin, soo-dhaweyn, maskax-furnaan, isku-kalsoonaan iyo daacadnimo.
5-     Waxaa dadka S/liyeed dunidoo idil maanta ku taqaan; u-gargaarka xigtadooda iyo saaxibbadooda. Waxaa qofka S/liga ah ceeb aan laga maadan karin ku ah inuu dheef iyo gabbaad siin waayo marti u soo hoyaadday.
6-     Qofka S/liyeed waa mid aad isu la door roon, wuxuuna dareemaa isla-weyni iyo qab. Xilligii gumeystaha Talyaanigu arlada S/liyeed joogay waxaa xabsiga lagu karbaashi jiray maxaabiista. S/ligii la karbaasho, marka xabsiga laga sii daayo, waxaa ka go’nayd inuu aarsado oo kii karbaashay naftaba ka qaado. Sidaas darteed, u-qebsanihii arrimaha S/liya Garsiani wuxuu joojiyay in S/lida la karbaasho.

Sahamiyihii Ingriiska ahaa ee la oran jiray Sir Richard Burton wuxuu ka qoray dadka goballada waqooyi ee S/liyeed:
waa dad muujiya abuur san oo dabac leh, waxayna rajo ilbaxnimo u abuurayaan gobolkaan dambeeya…. Waa dad aan ku oran karo fikirkaygaan luudaya, waxay awoodaan inay kor u koraan sallaanka dadnimada….qof kastoo dhashoo xora wuxuu ahaaday mid la siman taliyihiisa, mana oggola kala-sarreyn ama wax xannibaaya xorriyadduu u dhashay. Iyagoo laxaw u leh madax-bannaanida, haddana, S/lidu waxay ku wanaagsan yihiin, oggol yihiinna amar-qaadashada."
7-     dadka S/liyeed intay jireen waxay lahaayeen hannaan guun ah oo dimuqraaddi dabiiciya leh (maaha kan galbeed). Waxay geedka shirka ku gorfeyn jireen arrin kasta oo la soo gudboonaata. Wuxuu dood- yahanka S/liyeed geedka shir ka soo jeedin jiray gartiisa isagoo adeegsanaya; hal-ku-dhigyo, maahmaahyo, gabayo, caddaymo, dhool-caddeyn iyo qaabsami uu ku jeediyo gartiisa. Wuxuu ku sifeeyay Burton: "waa ummad kulul oo jumhuuriya “fierce race of Rebuplicans”, wuxuuna ku taliyay inay garaad yari tahay in gees lala safto markay doodayaan. Waa in faragelinteennu dhammays tahay, ama inaan kaligeen noqonno garsoorka doodahooda oo dhan, ama waa in aannaan dheg u jalqin sheegashoo-yinkooda.
Gordon Waterfield wuxuu yiri: waxay S/lidu leedahay garaad abuura oo soo jiidasho leh, waxayna awoodaan inay arrintooda soo bandhigaan iyagoo dantooda eeganaya.
8-     S/lidu waa dad waaqici ah, iyagoo wax ku qaadanaya awoodda jirkooda iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin, waxay awoodaan inay xaajadooda gutaan maalin walba.
9-     S/lidu waa dad hal abuura maansada. Dhaqankooda maanso waa kala jaad waana mid soo-jiidasho leh, wuxuuna Burton guud ahaan S/lida ugu yeeray qarankii gabayga (Nation of Poets).
 Reer guuraaga S/liyeed  wuxuu tiriya tixo gabaya, wuu qabtaa, wuxuuna ku balweeyaa murti farxad ku gelinaysa. Suugaantoodu  waxay xambbaarsan tahay madaddaalo-bulsheed iyo waxabarasho.
10-      Dadka S/liyeed waa muslim wuxuuna xurmo iyo qaddarin weyn u hayaa diinta islaamka. Waxayse ku dheeheen dhaqankooda gaarka u ah oo ay si aada  u weyneeyaan.
11-      Waa dad aad u jecel xoolaha siiba geela. Caanaha iyo hilibka ay ka helaan ka sakow waxaa geelu u ahaa gaadiidka ay ku dhex majiiraan dhulalkooda kulka iyo qallaylka badan. Geelu wuxuu noqday midka u gooya wax walboo qaaliya sida; gabadha la doono iyo bixinta magta.
12-      Waxaa erayadii Burton  ka mid ahaa; S/lidu waa dad u-fiirsasho badan, waxayna dhex gooshi karaan dunida, iyagoo ka shaqayn kara shaqo kastoo ay arkaan. Ma dareemaan inay ku xaqiran yihiin shaqo. Sababta waxaa laga yaabaa inay tahay iyagoo isla weyn una qaba inay uumiyaha ugu door roon yihiin.
13-      Waxay leeyihiin nafsiyad sare oo waddaniya, waxayna ku hammiyaan inay dhulalkooda la qeybshay mar isugu keenaan hooska dalladda S/li weyn.

Dhanka kale ee tabanaha ah wuxuu Richard Burton ka sheegay qolooyin S/liyeed; “dabciga qolada Ciise waa sida carruur oo kale oo nugula, mid abi’ la’aana, mid garsoor dhimman, mid naxariis durugsan leh, mid sharfan oo xasaasiya, mid qalbi diirran oo haddana caan ku ah cadawnimo iyo dhagar".  Sida Ciise dhagarlow u yahay waxaa ka jirtay Saylac maahmaah oranaysa; hadduu Ciise bidixda haruub caano ah kaa siiyo wuxuu midigta kaa siinayaa dharbaaxo.….saas oo ay tahay haddana Ciise wuxuu leeyahay dhinaciisa wanaagsan, waa dad aan beenta aqoon, beenna aan dhaaran. Waxay la yaabaan waxa la xado oo aan xoog lagu qaadan. Waa dad aad deeqsi u ah oo martigelinta ku wacan marka loo eego S/lida kale. Anigu qof ahaan ma hayo waxaan uga cabto. Waxay shaxaadaan tubaakada; waxaase ku filan jaallanimadooda takhsiin tubaaka ah. Waxay iga codsadeen inaan la dego.

Kii la socday Burton oo la oran jiray Speke oo ay S/li raacato ah weerareen wuxuu warqadihiisii mid ku qoray: “ haddii nin, rag soo handado, kuwaasoo qof kastooy awoodaan been u sheegaya ama dhagraya, in lagu dhex safro ha la daayo…”

Ralph E. Drake-Brockeman wuxuu qoray: “Burton wuxuu nooga tagay fikrad ku saabsan S/lida oo ah mid liidata, waa in aqoontii uu u lahaa S/lida lagu xusuustaa mid yar oo ku kooban qolooyin dega Waqooyiga S/liya, oo laga yaabo in badi kuwii kaloo ku dhex safray ay qaataan warkiisa. Qolooyinka Isaaq iyo Daarood ma ay yeelin sidii Ciise yeelay oo kale, oo ah inay rag iska dilaan si ay ruqsada guurka u helaan.

Sida uu qabo I.M. Lewis, oo ah nin Ingriisa oo aqoonta dadka S/liyeed ku xeel dheer: “ waa arwaax nugula, oo faraxsan, oo caadifad badan, iyagoon la malayn karin bay u gudbaan xaalad caro leh, kadibna waxay awoodaan inay sameeyaan dhib weyn.” Wuxuu kaloo yiri; sida ku badan dhaqammada dadka sinnaanta aaminsan, waxaa soo jireen ah inay awoodda iyo talisyada u arkaan kuwo aan la hubin. Sida Maraykanka oo kale bay S/lidu ka helaan boqornimada iyo magacyada isimmada, waxayna muujiyaan macangagnimo, taasoo dadka jumhuuriga ah oo qurihi ay awoodaan.”

Xilliyadii uu dadka S/liyeed dhex maquurayay maammul-xumada, qaska iyo qalalaasaha, waxaa ka lumay halbeegyadii mudnaanta. Waxaa ka lumay xurmadii waayeelka iyo waxgaradka. Waxaa ka lumay xurmadii da’ yarta iyo ragga diinta, wuxuuna ahaaday mid niyadjab weyn qaba oo muraayaddii qalbigu qaraxday. Shacabka S/liyeed, ma laha eedda halaakooyinkii yimid ee waxaa loogu dawgalay hoggaan-xumi iyo siyaasado marin-habaabis ah oo kallifay in sidii dad diyoobay la iska hor iyo gadaal yimaado. Waxaa kaloo culays aan loo adkaysan karin keenay dhibihii dhaqaale ee mashaqooyinka la soo darsay ay wateen. 

Dadka S/liyeed waa inuu is daahiriyaa soona ceshadaa dhaqammadii suubbanaa ee lagu bartay. Waa in sahamiyaasha waayaha soo aaddan ay ka tabiyaan warsan iyo wanaag badan.

















Thursday, April 30, 2015

Aayatiin Ku Waar (hees)

Uurkiyo qalbiga 
Haddii aadan ku ool
Ubax iyo jacayl 
Ku lamaan unkeen
Eel-kaad wadnaha
Ku abuurtaa
Abid iga buskoon
Naf ku aammintaa
Sida eridhaban
Dayn wayday olol

Asaaggiisa kaan
Ku ildoogsadow
Ammaan iyo ducaba
Waad istaahishaa
Inaan kuu tirshee
Aayatiin ku waar

Dawadii indhaha 
Haddii aadan ahayn
Ilmo socotiyo
Oohin u ma go'een
Argagixisadiyo
Arammida jacayl
Waa aawadaa
Anbadaye waxaan
Ayda u maree
Maxaad oran lahayd?

Asaaggiisa kaan
Ku ildoogsadow
Ammaan iyo ducaba
Waad istaahishaa
Inaan kuu tirshee
Aayatiin ku waar

Erayada:
1- Eel: dhibaato, arrin xun, hoog.
2- Eridhaban: xoolaha ilmahoodii laga reebay markay ku soo noqdaan oo u ciyaan; insaarax.
3- Ildoogsadow: ishu ama naftu jeclaato.
4- Aayatiin: waxtar mar dambe la helo.
5- Aramida: lahan ama xanuun qarsoon oo xanuun keenay. Halkaan jacaykaa keenay.
6- Anbadaye: jid ama meel ka-lumid ama ka-habaabid. 
7- Ayda: hawdka, kaynta, meesha aadka u dhir badan.




Thursday, April 23, 2015

Nacaybka Afrika ee Kadhanka Soomaalida (Xenophopia of Somalis in Africa)


Waxaan waayahan dambe arkaynnay sida bahalnimada oo loo la dhaqmo dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah Koonfur Afrika. In kastoo maalmihii u dambeeyay aan arkaynnay dhibaatooyinka calculus ee lagu hayo dadka Afrikaanka ah guud ahaan, haddana mar walba waxaa carrabka lagu hayaaa Soomaalida. Dad baa waxay ku doodaan in dhaqanka Soomaalida ee tartanka iyo is-biimaynta badan uu u horseeday dhibabka. Sheekadu sidaas aad bay uga fog tahay, ugana qoto dheer tahay.

Nacaybka dadka Afrikaanka ahi, gaar ahaan kuwa Bariga Afrika u qabaan Soomaalida wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa Gumaystayaashii Reer Yurub ee sidii ayaxa ugu dagay qaaradda Afrika qarnigii 19-aad oo haddana ka la qeybsaday. Ingiriiska oo ahaa gumeystihii ugu itaal roonaa, uguna dhibaatayn badnaa, wuxuu si daran u waxyeelleeyay Isirka Soomaaliga. Sababta saldhigga u ah dhibaataynta Soomaalida ee Ingiriisku la beegsaday waaa: qofka Soomaaliga oo markii horaba diiday inuu ka hooseeyo cidna, caddaan iyo madow kuu yahayba, balse muujiyay qab dheeraada iyo in asagu dadkoo dhan ugu sarreeyo. 

Gumeystihii Ingiriiska oo si weyn u faafiyay in qofka madow sidiisaba uusan aadane ahayn ee uu la meel yahay xoolaha, si markaas gumayntiisu maangal iyo sharci u noqoto, waxaa amakaag ku noqotay in qolo madow waa Soomaalida e aysan qaayibayn ka-hoosaynta “inferiority” ninka cad. Sidaas darteed waxaa laf dhuun gashay ku noqotay gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga oo ku habsaday dhulalkii Soomaaliyeed, arrinkaan aysan ka filayn nin madow. Waxaa intaas dheeraa in Soomaalidu si ba’an u la dirirtay gumaystayaasha, meel walbana ku la dirirtay. Ingiriisku wuxuu dhibta uu ka la kulmay Soomaalida ku muujiyay warbixinnadiisii ku saabsanaa meelihii uu gumaystay.

Sidaas darteed, wuxuu gumeyste Ingiriis ku dhaqaaqay siyaalahaan:
1-    Wuxuu jarjaray dhulalkii Soomaaliyeed, wuxuuna ka dhigay lix qeybood. Qeyb Itoobiyuu raacshay, qeyb Kenyuu raacshay, qeybna Yeman (Suqadra iyo jasiiradaha raacsan), qeyb isagaa qaatay, qeybna Talyaanigaa qaatay. Ujeeddada sidaas uu u yeelay waa kahortagga cudud midaysan oo Soomaali yeelato.
2-    Wuxuu si weyn ugu baahiyay dunida in isirka Soomaaliga ah yahay mid xun oo aan lala dhaqmi karin. Wuxuu si gaara ugu dhex-baahiyay Afrika xumaha Soomaalida ee isagu maleegay, si aysan Afrikaanku uga tusaale qaadan isirkaan gunnimo-diidka. Waxyaalaha uu u cuskaday dicaayadihiisa waxaa ka mid ahaa; in Soomaalidu tahay dad iska la weyn dadka madow oo ka faana.
3-    Wuxuu u hawlgalay sidii uu u xakamyn lahaa la-falgalka Soomaalida dadka Afrikaanka ah, wuxuuna dhinac walba ka horeeyay dhaqdhaqaaqyadii  Soomalida.

Xilliyadii kala dawanaa ee la soo maray arrimahaaas aan soo xusnay marna ma baabi’in, waxayse hadba lahaayeen qaabab kala duwan, ilaa ay gaartay in dawladnimadii Soomaaliya gebi ahaanteed la burburiyo 1991-dii, sidaas oo ahayd ku talagal.

Waayihii ka dambeeyay burburkii weynaa ee 1991-dii waxay Soomaali ku firirtay goonyaha dunida, meel kasta oo ay tageenna waxay ka muujiyeen firfircooni aan lagu arag dadka Afrikaanka ee kale, tusaalaha ugu fiican waa Soomaalidii u qaxday Kenya. In kastoo qaxootigii ku susumay Kenya uu ahaa cayr faromaran, haddana muddo 20 sano gudaheeda waxay si aada uga muuqdeen ganacsiga Kenya, waxayna Soomaalidii cayrta ahayd ka dhigeen xaafadda Islii (Eastleigh) ee kamid ahayd xaafadaha ugu hooseeya Nayroobi, xarunta ganacsiga ee Bariga Afrika oo dhan, waxaana la oran karaa waxay ka dhigeen Islee, Manhattan-kii Afrika. Sidoo kale waxay Soomaalidu ka muujisay meel walba oo ay tagteen awood ganacsi iyo karti yaab leh. Waxay kaloo Soomaalidu isir kasta oo kale, ugu duwaanatay deeqsinnimo iyo u-dabacsanaanta dadka danyarta ah, ilaa lagu naanaysay; “dadkii lacagtu ka da’i jirtay” iyo “dadkaan lacagta waayi jirin”. Dadkii Afrikaanka ahaa ee saboolka ahaa ee Soomaalidu la dhaqantay waxay ka heleen waxtar aysan waligood arkin. Mar kale waxaa tusaale ah Islii oo Soomaalidu ka shaqaalaysay kumannaan qof oo qowmiyadaha Kenya kamid ah.  

Deeqsinnimada iyo is-taakulayntu, waxay Soomaalida u keeneen tixgelin iyo in loo arko dad ka sarreeya dhiggooda, waxayna u muuqdeen kuwo waxtarkooda marti loo yahay. Waxay kaloo dhaqammadooda fiican iyo dhalankooda qurxoon u keeneen xiqdi iyo xaasidnimo. Kuwaan dambe, waxay sii kordhiyeen nacaybkii horaba u beernaa.

Arrinta kale, oo yaabka leh waxay tahay; qofka isir ahaan Soomaaliga ee ku dhasha Kenya, Itoobiya ama dalkoo kaloo dunida iyo kan ka soo jeeda jumhuuriyadda Soomaaliya isku si baa loo arkay loolana dhaqmay. Macnuhu waxaa weeye; isirka (race) Soomaaliga waa mid oo meel uu ku dhashay iyo daluu u dhashay midna wax ma dooriyo.

Marka la tixraaco astaamaha ka muuqda meelo kale geddisan oo dunida, dhibaataynta Soomaalidu waa midaan ku ekaan doonin meel iyo goor, ee waxaa dhici karta inuu isirkaani noqdo mid si weyn loo dulmiyo ama duudsiiyo.

Maxaa La Gudboon Soomaali:
Mar haddii uummadihii kale aysan dadka Soomaaliyeed kala soocayn, waxaa ku habboon dadkaan la danleeyahay inuusan isaguna is ka la soocin ee uu isu arko mid qura oo isu baahan mar walba.

Mar haddii Soomaali cadawnimo soojireena iyo mid cusub loo hayo, waxaa ku habboon inay xaaladdeeda aad u ogaato una qiimayso, waana inay ogaataa in sida kaliya ee ay u jiri kartaa tahay talo-dhexe ama dawlad xooggan oo ay yeelato. Waa inay Soomaali ogaataa inaysan wax is tari karin, cadawna iska celin karin haddii aysan ka gudbin kala-qeybsanaanta baahsan ee ka dhex jirta maanta. 
   
·        Dhiigga wilic leh waagaan gadneen, qalannay willkeenna
·        Waddammada shisheeyaha maxaa, walimo loo doontay
·        Alla maxaan shir lay naga waciyo, gogol weytaynnay
·        Alla maxaan wax lay inoo qaliyo, weelashii marinnay

·        Wuxu maxay ahaayeen maxaa, laba is weydiisay
·        Alla maxay xumaan waartay iyo wari, na soo gaadhay
·        Muxuu inagu wiirsaday nimaan, hor uga weynaannay

·        Kolleey sharafkii webi buu ku dhacay, waanan aragnaaye
·        Waan-waan ha loo raadiyee, talo is weyddiiya
·        Haddii kale warjeefkiyo xiqdiga, abid wanaag mooda
                              Max’uud Max’d Firin (AUN)

Tuesday, April 21, 2015

Dhul Aan Ceel Lahayn (hees)

Heestaani waxay si sarbeeban uga hadlaysaa labadii qeybood ee Soomaaliyeed ee xorowday sannadkii 1960-kii oo la burburiyay sannadkii 1991-dii, isla markaasna la kala raray. Waxay labada gabdhood ee ku luuqaynaya heestu kala matalayaan labadaas qeybood, waxayna isu muujinayaan siday wax walba u wadaagaan oo aysan marna u kala maarmayn: 

Gabadha I

Dhul aan ceel lahyn baan
Dhaankii u rarayaa
Adna dhool guyaad iyo
Dhibicdii ma hayside
Dhacar baad ku nooshahay
Dhankaan anigu kaa xigo
Dharka la ma yaqaannee
Dhuub baannu xirannaa
Adna dhogorta xoolaha
Malaha waad ka dhigataa

Buuraha dhexdoodiyo

Dhagax baan ku seexdaa
Adna wax i ma dhaantide
Dhulka hoos u qodan iyo
Dhufays baad u hoyataa

Dhulkaan kala fogaadiyo

Labadeenna kala dheer
Yay isu soo dhaweeya?

Gabadha II

Kolkaad adigu dhimataa
Naftu iga dhaqaaqdaa
Kolkaad adigu dheregtaa
Dhibaatadu i daysaa
Dheehaaga wacan baan
Aniguna ku dhaashtaa
Dhaxalkii aad reebtaa
Dhitadaydu noqotaa
Markaan soo dhawaadana
Waad iga dhaqaaqdaa
Anna ku ma dhagaystee
Dhegahaan kaa furaystaa
Dhaandhaan haddaan ahay
Adna dhoohanaad tahay

Dhulkaan kala fogaadiyo

Labadeenna kala dheer
Yay isu soo dhaweeya?

Wadajir

Kool haddaan dhuuxiyo
Dhiiggii ka siman nahay
Midabkiyo dhawaaqiyo
Diintiyo dhalashada
Iyo dhaqan-wadaag nahay
Dhudhunkaad i goysaa
Waa dhantaalan-kaagee
Labadeennu dhuun iyo 
Dhogor baan ka dhigannee

Dhidibkaynnu taagniyo

Dhismihii adkaan jiray
Inaan kala dhantaalnaa
Dheg-xumiyo yaab iyo
Talo dhacantay weeyee
Dhaxdin baan wadaagnee
Aayaha dhasheenniyo
Midnimada ma dhawrnaa?

Erayada:
1-Dhuub: xirmo; waxyaalo la isku duubay ama daliig mayraxa.
2- Dheeh: waxa oogada birta iwm la mariyo si loo dhawro tayada shayga. Sidoo kale labeenta iwm oo oogada dadka la marsho.
3- Dhaashtaa: oogada marsadaa dufan ama labeen.
4- Dhoohan: qof jooga oo haddana waxa dhacaya ama socda war u hayn; qof laab la'.
5- Dhaandhaan: qof uu ka muuqdo rafaad dhinac walba; sacsac, dhabqalalo, sawir.
6- Dhudhun: qeybta gacanta ee u dhaxaysa calaacasha iyo suxulka.
7- Dhantaalan: wax u dhimman yihiin, qabyo.
8- Dhidib: qori meel lagu mudo si wax loogu xiro; tigin.
9- Dhaxdin: meel la wada joogo.
10- Dhito: wax la dhigo si mar dambe loo dheefsado.
11- Dhacar: meesha ay dhirta biyaha kaydsataa ka baxdo oo xoolaha la daajiyo, mana oomaan xoolahaasi.

Tuesday, February 17, 2015

Rucubta Naasaha (hees)

Af walba oo aadane ku hadlo wuxuu ka koobmaa erayo. Eray walba wuxuu leeyahay macne aan dhiggiisu lahayn, marka oraah uu ku jiro la yiraahdana, waxay oraahdaasi tilmaantaa macne gaar ahaaneed. Haddaba, haddii eray ka lumo afka waxaa lumay macne iyo wax-cabbir aan beddel loo helayn. Mar hadduu lumo eraygii oo kale dib loo ma helo, sidaasna waxaa ku libdha qeyb door ahayd oo afkaas ka tirsanayd. Haddii maalin uun cidi isu xilsaarto noolaynta iyo baadigoobka erayadii lumay ee afka, halka laga doonaayo oo la abbaarayo waa maansada oo ah hawdka ama xaska laga dhex-heli karo baadidii luntay. Sidaas darteed, ayaan ugu dadaalnaa qoritaanka maansada sida heesaha iwm. waxaa arrinkaas nagu darraaba qaar aan garan wuxuu afku yahay iyo culayska uu leeyahay. Si aad wax uga ogaato erayada maansada ku kaydsan ee ay adag tahay in meel kale laga helo, bal eeg heestaan iyo erayadeeda:

In kastoon ribbadayoo
Ruux is-barashadeennii
Waran laba-riddaala
U soo ramiyay caashaqa
Rugo-gelinta sheekada
Run iyo been midkay tahaan
Kala raadinaayee
Anba guurka waan rabay
Ha yeeshee ragragashiyo
Waxa raagaa rag ku ma sama

Sida ramag gu' roob badan
Nirgaha geedo rays liyo
Ruun caleen le loo dhigay
Miyaan kugu rantaayoo
Hadba kugu dul reemaa
Mise rucubta naasahaan
Hadba soo ruxaayoo
Qosol kugu rakaadaa?

Jiilaal rindiidsaday 
Rogmashada abaaraha
Ishkin riiray mooyee
Labo-raafle joogsaday
In kastoo nin reer-cadihi
Loxos-rogasho badan yahay
Waxaa ruqadda weydda a
Rugta looga dhaanshaa
Marka Rahanku cirir-da'
Rimmayda kuu tiirinnine

Sida ramag gu' roob badan
Nirgaha geedo rays liyo
Ruun caleen le loo dhigay
Miyaan kugu rantaayoo
Hadba kugu dul reemaa
Mise rucubta naasahaan
Hadba soo ruxaayoo
Qosol kugu rakaadaa?

Eraydad:
1- Ribbadayoo: fashilmayoo, ii socon wayday.
2- Labo-riddaale: labo jeer is la gacantii lagu tuurayay laga rido.
3- Ramiyay: tumista birta si loo adeegsado.
4- Ragragasho: digasho lagu fogaado oo faan ku jiro.
5- Rantaayoo: ramasho waa jaceylka dheeriga ah ee hooyadu ilmaheeda u muujiso iyadoon ka ag dhaqaaqayn oo hadba ursanaysa ama leefleefaysa. Halkaan kalgacal dartiis kaa tagi waayaa.
6- Reemaa: cod jaceyl ama xanuun keeno, guux, jibaad, talal.
7- Rucubta: cuntub ubaxa ama miro ah oo isku duuban ama wixii qaabkaas leh. Halkaan naasaha oo rucub ama shucub u eg.
8- Rakaadda: rakaaddu waa marka labaad ee xoolihii la waraabiyay haddana la waraabiyo. Halkaan; kugu celceliyaa.
9- Rindiidsaday: gawdiidsaday, habsaday. 
10- Rogmasho: kulaylka badan oo roga biyaha iwm ee la karkariyo. Halkaan kulka abaaraha ama dhibabkooda.
11- Ishkin riiray: waa neef geela ama lo'a oo aan dhalin oo aad u cayilay.
12- Labo-raafle: labada qalbac ee qoobka naflayda qaar sida ariga.
13-Nin-reer-cadihi: ninka dhaqda xoolaha sida riyaha iyo geela.
14- Loxos: meesha cusub ee markaas la dagay. Loxos-rogasho waa beddalashada hadba meeshii la dagay.
15- Ruqadda: caato awgeed la kici waayday.
16- Rahan: waa doogga badan ee uu keenay roob xooggan oo da'ay.
17- Tiirinnine: wax lagu toosinaayo wax kale si uusan u dhicin. Halkaan xoojin. 
17- Cirir: xiddigo dayuxu ag maro oo ku beegan xilliga diraacda. Cirir-da' waa roobkii da'a xilligaas. 

Friday, February 6, 2015

Bugtii Waynayd "The Big Bang" ..cashar


Sannadkii 1920-kii ayaa nin xiddigayahan ahaa oo la oran jiray Edwin Hubbal ogaaday inuusan koonku ahayn mid taagan kadib markuu ku eegay waynaysada fogaanta,  markaasna uu arkay diillin-caanoodyo sii socda oo sii durkaaya oo waliba xawli ku socda. Waxaa sidaas ku caddaatay in koonku fidaayo, waxayna arrintaasi curisay Aragtida Bugta Wayn oo ah tan koonku ka dhashay.

Markii hore, Koonku wuxuu ahaa wax cantoobo dhan oo lahaa cufnaan iyo kulayl tahan daafa oo aan la malayn karin. Markii da’da koonku kaliya ahayd 10-34 oo ilmiriqsi (-0.0 000…..ilaa 34 eber) ayuu u qarxay si maskaxda ka wayn, wuxuuna isku fidiyay xawli ka badan kan iftiinka, waxaana markaas uu is fidinaayay weheliyay jawigii ku meersanaa, waxaana sidaan dhacday loo yaqaan fuuritaankii (the inflation). Is la markii qaraxii waynaa dhacay wuxuu koonkii curtay is fidiyay 90 jeer, isagoo ka soo ambaqaaday in ka yar atam, is la markiina noqday cantoobo ama in gacan muggeeda.

Haddii la tixraaco NASA, fuuritaankii kadib, is-fidintii koonku waa socotay, laakin si ka xawli yar sidii hore, wuuna qaboobaayay, waxaana samaysmay walxaha. Seddexdii daqiiqo ee ugu horreysay ee koonka waxaa abuurmay curiyaasha iftiinka, waxaana abuuray habka samaysan-unugeedka Bugtii Waynayd (Big Bang nucleosynthesis). Heerkulkii wuxuu ka soo qaboobay 100 noonnilloon (1032) Kelfin ilaa 1 bilyan (109) Kelfin, waxaana is duqeeyay borotoonis (protons) iyo niyuutaroonis (neutrons) oo sameeyay diyuutiruum (dieutrium) oo noqday dhigga haydroojiinka (hydrogen). Badi diyuutiruumkii baa midoobay oo markaas hilyuum (helium) noqday. Waxaa kaloo abuurmay in yar oo litiyuum (lithium) ah.

Markay da’da koonku abbaaraha ahayd 380,000 sano iwm, aad iyo aad buu u kululaa waxaana adkaa in iftiin ka soo baxo. Markaas kadib, ayaa kulaylkii badnaa isku garaacay qurubyadii yaryaraa, waxaana sidaas ku samaysmay wax carun u eg oo aad isugu cufanaa oo uu ku marnaa iftiin sidii ceeryaamada oo kale ahaa.

380,000 sano kadib Bugtii Waynayd, walxihii waa qaboobeen waxayna qurubyadii ama atammadii awoodeen inay qaabaysmaan waxaana sidaas ku bilawday xilligii dib-isu-qaabaynta.  Arrintaani waxay oodda ka soo qaadday iftiinkii markii horoo Bugtii Waynayd dhacday abuurmay, kaasoo ilaa maanta laga heli karo koonka isagoo kaah gasadeed hiryare kooniya (cosmic microwave background radiation).  Si kastaba ha ahaatee, markaan damboo la tilmaamay kadib, koonkii wuxuu noqday mugdi waayo xiddigaha iftiinku ka yimaado iyo waxyaalaha kaloo dhalaalaa wali markaas ma samaysmin.

400 milyan oo sano kadib Bugtii Waynayd, koonkii wuxuu bilaabay inuu ka soo baxo mugdigii kooniga ahaa (cosmic dark ages). Intii xilligaas lagu jiray oo dhammaa nus-bilyan sano ayaa waxay cuntubyo neef ahi isu habeeyeen si ay u sameeyaan xiddigihii iyo diiillin-caanoodyadii ugu horreeyay.

Waxaa koonka jira awood lixaad weyn oo isu soo jiidda jirmiyada ama qalfoofyada oo la yiraahdo cufjiid (gravity). Awooddaas baa waxay keentay in is-fidintii koonku tartiib-tartiib hoos ugu dhacdo. Waxaase dhacday 5 ama 6 bilyan sano kadib, Bugtii Waynayd in awood kale oo la yiraahdo tamarta madow (dark energy) oo aan si fiican loo fahmin dib u xoojiso is-fidintii koonka, sidaan dambe oo ilaa maanta socota. Si ksataba ha ahaatee, 9 bilyan oo sano kadib, Bugtii Waynayd ayaa waxaa samaysamay hab-qorraxeed-keenna (our solar system).

Bugtii Waynayd maahayn sida aan maanta qaraxa u naqaan, ee in kastoo qarax magac ahaan la dhihi karo, haddana ma jirin jawi(space) markaas ee markii qaraxu dhacay is-fidintii koonkuna bilaabatay baa jawigiina sidii isagoo ahaa wax koonku huwaana la fiday, waxayna labadaasi noqdeen kuwo is wata. Marka si kale loo yiraahdana, jawigii baa bilaabay is-fidinta, kadibna waxaa raacay koonkii.

Sannadkii 2014-kii ayaa culimada sayniska ee Xarunta Jaamacadda Haarfar (Harvard-Smithsonian Center ) ee dhanka cilmi-xiddigoodku waxay sheegeen inay ka dhex-heleen gasada hiryaraha-kooniga astaan yar oo laga yaabo inay noqoto caddayntii kowaad ee hirar-cufjiideedka oo loo haysto inay ahaayeen kuwii qarxiyay Bugtii Waynayd. Arrinkaan dambe si aada ayaa looga dooday walina way socotaa dooddu.

Da’da koonka waxaa hilaaddii lagu sheegaa 13.8 bilyan oo sano, ku dar ama ka jar 130 milyan oo sano, halka hab-qorraxeedku uu jiro 4.6 bilyan oo sano. Qiyaasahaan waxaa lagu ogaaday markii la cabbiray cuf-awoodeedka koonka iyo samayska walaxa ama curiyaha. Ogaanshahaani wuxuu awood u siiyay cilmibaarayaasha inay xisaabiyaan sidii ay is-fidintii koonku u dheeraynaysay. Marba hadday hanteen waxbaarayaashu ogaalkaas, waxaa u suurtowday inay goor-sheegta dib u celiyaan oo ay dib u baaraan markay Bugtii Waynayd dhacaysay. Kahor 30 sano, waxay la ahayd xiddig-yahannada in koonku dhammaantiis ka koobmo atamyada caadiga ama waxa loogu yeero baryoonig "baryonic matter". Hase yeeshee, waayahaan dambe, waxaa isa soo taraaya caddaymo muujinaaya in inta badan waxyaalaha uu koonku ka samaysan yahay aan la arki karin.

Waxaa dhabowday in atammadu kaliya yihiin 4.6% samayska koonka, 23% walaxa madow (dark matter),  kaasoo ay u badan tahay inuu ka koobmo hal ama ka badan oo qurubyo atamka ka sii yaryara oo si taagdaran u la falgala walaxa caadiga, iyo 72% oo ah tamarta madow, taas oo sida muuqata wadda xawaaraha  is-fidinta koonka.

Sida ay qabto NASA waxyaalaha atam-leyda ahi ee aan naqaan ee koonku 75% waa haydrojiin, halka hiliyuumku uu yahay 25%, iyadoo curiyaasha culculus ee koonku yihiin ino aad u tiro yar..

Qaabka uu koonku leeyahay wuxuu ku xiran loollanka ka dhexeeya xadka is-fidintiisa iyo dhufashada cufjiidka oo isaguna ku xiran yahay cufnaanta walxaha koonka.

Haddii cufnaanta koonku tahan dhaaf noqoto, qaabku koonku wuxuu noqonayaa qoolaab togane ah oo xiran. Taas macnaheedu waa; fallaarihii iftiinka ee barbar-roorka ahaa  markii hore waxay noqonayaan kuwo isu soo dhawaada, marka dambana is jara kadibna ku soo noqda meeshay ka ambaqaadeen. Haddii koonku sii jiro muddo ku filan, siday qabto NASA, koonku ma noqonaayo ma-dhammaade, haddana wuxuu noqonayaa midaan lahayn meel uu ku dhammaado, sida bedka qalfoofka kubbadaysan uusan ahayn ma-dhammaade, haddana uusan u lahayn meel la sheego oo uu ka bilawday. Koonku mar buu joojin doonaa is-fidinta wuxuuna bilaabi doonaa inuu isagu isku dhex-dumo taaas oo lagu magacaabo Hoobashadii Waynayd “Big Crunch

Haddii cufnaanta koonku ilaa xad yar tahay, koonku wuxuu noqonayaa mid qaabkiisu furan yahay oo leh qoolaab tabane ah oo hummaaggiisu u eg yahay kan kooraha. Haddii sidaan dambe dhacdo wuxuu koonku noqonayaa midaan isku guntanayn, waligiisna is fidin doonaa.
Waxaa caddaatay in koonku is fidinaayo oo waliba si xawaare leh isu fidinaayo, awoodda wadda oo sababaysa xawaarahana waxaa loogu yeeray; tamarta madow (black energy), tamartaas oo ah dhakafaarka maanta ugu wayn ee cilmiga sayniska haysta. Wuxuu saynisku rumaysan yahay wuxuu taaban karo ama caddayn karo, wuxuu gabo inuu gartana wuxuu ugu yeeraa dhakafaar ama mugdi amase madow, waxayse dhabtu tahay, koonka waxaa maamula Eebbaha Wayn, isagaana bilaw iyo dhammaad maareeya, innaguna aadane ahaan aqoonteennu way kooban tahay, sidaasna waxaa noo sheegay abuuraheenna itaalka weyn.