Tuesday, September 16, 2014

Ku Googooyay Gablada (hees)

Hoobeey hiddiyo dhaqanku
Waa hubintideenniiye
Adiguna hablaha manta
Waad ugu horreysaaye
Halbowlaha wadnaha iyo
Boggaad Deeqa huruddaaye
Halse iga dardaarana
Ayaan kugu hollinayaye

Ogoow gacmahaan is haysan
Ogoow isu hiillin waayay
Ogoow guul ma haybsadaane
Ku googooyay Gablada
Ku gooyoo gam uga sii

Hoobeey waxaa lagu hirtaa
Haybta aad tahaye
Hoobeey hummaagga iyo
Larkani way ku hodayaane
Ciiddiyo dhulkii hooyo
Waa la ma huraantiiye
Cindigiyo laabteenna
Waa inaan ku haynnaaye

Ogoow gacmahaan is haysan
Ogoow isu hiillin waayay
Ogoow guul ma haybsadaane

Ku googooyay Gablada
Ku gooyoo gam uga sii



Thursday, September 11, 2014

Waa Qaali Noloshuye (hees)

Gabadha:
Waa qaali malabkuye
Qiimaha la siistiyo
Inta xiiso loo qabo
Haddii aan qaraar jirin
Miyaad qiri lahaydeen
Waa qodob su'aaloo
Qof waliba sida tahay
Haw qaato leeyee
Qawadaa-yow
Marka qeyrkaa
Qoorta xiiraba
Adna qoyso..

Wiilka:
Waa qaali nabadduye
Nin qummaati ugu laday
Qushigii u meelmaray
Idinkuba qiyaasoo
Haddii aan qallooc jirin
Miyaad qiri lahaydeen?
Waa qodob su'aaloo
Qof waliba siday tahay
Haw qaato leeyee

Nin qab weyn iyo
Nimaanba u qabin
Is qaniinaye
Ha is qaddariyeen

Gabadha:
Waa qaali caashaqa
Qalbigaaga joogee
Qays lagu xusuustee
Indinkuba qiyaasoo
Haddaan qaar u go'ay jirin
Miyaad qiri lahaydeen
Waa qodob su'aaloo
Qof waliba siday tahay
Haw qaato leeyee

Kan qoslaayiyo
kan ku qoonsaday
Is qardoofee
Ha is qaateen leeyee

Wiilka:
Waa qaali noloshuye
Qalinkiyo tacliintuye
Ninka qoray juqraafiga
Idinkuba qiyaasoo
Haddaan qiil-yaruhu jirin
Miyaad qiri lahaydeen
Waa qodob su'aaloo
Qof waliba siday tahay
Haw qaato leeyee

Ninka quud jecel
Kaan u quurayn
Ha la qaybsado leeyee

Thursday, September 4, 2014

Miyaan Dibad Ka Hoydaa (hees)

Dad haddaad is qabataan 
Illeyn waad la dooddaa 
Dugaaggoo ku weerara 
Yur baa lagu dabbaalaa 
Duufaanka xoogga le 
Waa laga ducaystaa 
Shay kastoo nafta u daran 
Wax baa lagu la daalaa 
Belo waxa u digo kulul 
Damci-xume jacaylkaa 
Daandaansi badanaa 
Waa diradiraalee 
Ninkuu maalintaa dago 
Ama uu la helo dabar 
Ayaa diifta abadkii 
Dusha aad ka garataa 
Darane inuu helay 
Uu dakharro kaga tagay 


Anna doorkan waayuhu 
Daraygiisa may suray 
Midaan digigixoonayn 
Naftu may dulgaysaa  
Oo may isku duubtaa
Iyana maygu digataa 
Inaan doono mooyee 
Miyaan dibad ka hoydaa? 


Dab ku hura jalleecada 
Oo ka beerma daymada 
Dunqulaasho shayddaan 
Deddo iyo xanuun iyo 
Dabkay huriso barashadu 
Inuu cudur da' weyn yahay 
Ninkuu helo dawoobayn 
Wuxuu yahay daliilkii 
Intuu hore u dabar jaray; 
Duqii Qays ahaa kow 
Ku daroo Cilmina Labo 
Afartuu deldelay iyo 
Ma Ceeblaan dib loo arag 
dubkii Layla kala jaray 
Intuu daarta aakhiro 
Ku daboolay caashaqu 
Hodan haw danbaysee 
Ma cid bay ka dedan tahay 


Anna doorkan waayuhu 
Daraygiisa may Suray 
Midaan digigixoonayn 
Naftu may dulgeysaa 
Oo may isku duubtaa
Iyana maygu digataa 
Inaan doono mooyee 
Miyaan dibad ka hoydaa?

Friday, August 29, 2014

Haddana Ma Dhul-Badeedkii Baa? (maqaal)


                                                       

    Sida lagu wariyay Hey'adda War-tabinta ee FB shalay oo ahayd bishii 8-aad 28-keedii, sannadkaan 2014-ka waxay Soomaaliya u gudbisay dacwad Maxkamadda Garsoorka Caalamiga (ICJ). Sida la xusay waxay Soomaalidu ka dacwoonaysaa is-mariwaaga ku saabsan seeraha badda ee ka dhexeeya iyada iyo Kenya. Waxaa kaloo la xusay in dhul-badeedka la isku haysto ee u dhexeeya labada dal oo uu ka buuxo shidaal ay Dawladda Kenya mar hore heshiis kula gashay shirkadaha shidaalka baara ama soo saara. 

    Arrinkaan ku saabsan seere-badeedka labada dal iyo muranka la aloosay wuxuu soo jiitamaayay dhawr sano. Sida muuqata waa shirqool looga gol leeyahay in lagu xalaalaysto qeybo kamid ah dhul-badeedka Soomaaliyeed oo waxtar badan leh. Dawladaha reer galbeedka oo waligoodba ku danaysta, Kenya maantana dabaday ka riixiyaan si ay u gaaraan ujeeddooyin dan u ah dalalkooda. Tabo kala duwan bay adeegsanayaan si ay u gaaraan ujeeddadooda. Intii Soomaaliya ay lahayd taliskii xoogga lahaa marna iyo meelna lagu ma sheegin is-afgaran-waa noocaana oo dhex yiil labadaas dal, waxaase sheekadaan la soo saaray markii Soomaaliya burburtay, lana ogaaday barwaaqada baddeeda dhex ceegaagta. Waxaa kaloo la abuuray sheeko beena oo oranaysa argagixisada Soomaaliya ayaa khatar ku haysa Kenya, kadibna ciidammada Kenya oo hiil iyo hoo ka haysta bahweynta reer galbeedka ayaa duullaan nin-tooxsiya ku soo qaaday dalkii Soomaaliya oo sharci ahaan, ahaa dal xor ah. Markaas kadib ciidammadii Kenya ee gardarrada ku soo duulay baa la huwiyay sharci goboleedka loo yaqaan IGAD, kaas oo Kenya daw u siinaya inay siday doonto uga faltanto Soomaaliya, gaar ahaan aagaggay danta ka lahayd.

    Dhammaan inahaaas kore waxay kamid ahaayeen tillaabooyinkii bilawga ahaa ee lagu higsanaayay yoolka ah yeelashada qeyb kamid ah dhul-badeedka Soomaaliyeed oo lagu wado inay dhan tahay 40,000 ilaa 100,000 kiilo mitir oo labo jibbaaran. Maantana waxay maraysaa in la yiraahdo maxkamad caalami ah baa ka garsooraysa. Maxkamadda ICJ ee Hague ku taal, waa la og yahoo waxaa gadaal ka fadhiya awoodda dawladaha reer galbeedka. Isla dawladihii kharashyada ku bixinaayay sidii Soomaali loo kala dhantaali lahaa baa haddana garsoore u ah. Is la dalalkii duullaanka ku ahaa ummadda Soomaaliyeed ilaa qarnigii 16-aad oo mar walba la safnaa nacabka Abasiiniya iyo Kenya baa maantana garsoor loo siman yahay laga sugayaa. Is la dalalkii ka la qoqobay ummaddii Soomaaliyeed ee shanta qeybood u ka la ooday, intii hartayna sii ka la daadinaya baa la yiri; garta iyagaa idiin qaadaaya. Sow go'aanka maxkamaddaasi maaha mid la og yahay, intaan dacwadaba la qaadin? 

    Dhanka kale, saldhigga cabbirka soohdin badeedka, waxaa ka mid ah in diillin gudban laga xarriiqo meesha ugu hooseysa xeebta la rabo in la qeexo xadka badeedkeeda, kadibna lagu qotomiyo diillin, tan hore la sameyneysa xagal 90 darajo ah, markaasna dhererka diillintii qotontay laga mala awaalo xadkii la rabay, tan hadda la filaayo in dunida laga hirgashana waa 350 mayl badeed. 

    Labada dal ee Keenya iyo S/liya waxay leeyihiin xeeb isku taxan oo ku dhereran badweynta Hindiga. Wuxuu qofkii ku safra xeebtaas ama khariiddadda si wacan u dhuuxaa arkayaa in baxaaliga labada dal xeebahoodu kala duwan yahay. Tan Keenya ayaa dhulka sii gashan.

    Waxay tahay, marka la hadoodilaayo qorshaha xadeynta labada soohdimood, in diillimaha gudban ay noqdaan barbarro (parallel). Haddaysan noqon barbarro, waxaa hubaal ah inay kuwa qotomaa oo cabbirkii la rabay lagu beegayo ay is goyn doonaan. Waxaa dhici karta in diillinta qotonta ee Keenya ay soo abbaarayso dhanka soohdinta badda S/liyeed. Sidaasna ay labadii qotomay isku jaraan gudaha xad-badeedka S/liyeed, halkaasna lagu waayo hanti qaran. Arrintu sideedaba waxay ku xiran tahay halka diillinta gudban (horizontol) la marinaayo, waana xeesha ay wataan xoogagga la duuban Kenya. 

    Iyadoo dhinac walba looga soo duulay Soomaaliya oo sidii la doono loo faanbinaayo ayaa ummaddii lagu mashquuliyay kala-oodashada dagmooyinka iyo tuulooyinka. Waxaad mooddaa in ummaddaas looga dhigay gobolladeedii iyo tuulooyinkoodii qalab-carruureed (toys) ay ku ciyaarto, intay ciyaaraysana waxaa lagu talagalay in dano gaara la fushado.


    Tuesday, August 26, 2014

    Igu Soo Dhawow (hees)


    Wiilka:
    Waan ku dheehdayaoo
    Aan kula dhacee
    Dhuuxaad gashee
    Sida dhebigiyo
    Dhul hareeri laan
    Kuu dhuganayaa
    Hameyn iyo dharaar
    Halkii lay dhuftaan
    Dhood-dhoodiyaa

    Igu soo dhawow
    Ii dhiib gacmaha
    Dhiggaa baan ahoo
    Kuu dhimanayee

    Gabadha:
    Waad i dhaaftayoo
    Maalintii dhaweyd
    Kuu ma dhibin wax bee
    Waad dhaadan tee
    Adoon dhaawac qabin
    Dhib haw yeeranine
    Hadday dhab kaa tahay
    Kolkii lagu dhuftiyo
    Ii dhammee warkoo

    Kaa ma dheeriye
    Waan kugu dhawee
    Dhankee kaa maraa
    Miyaan kugu dhegaa?

    Wiilka:
    Waad igu dheer too
    I dhalaalisee
    Igu dhereran too
    Dhabarkiyo lafaha
    Dhooddi iga dhigtee
    Dhankaad eegtiyo
    Dhinicii kastaba
    Way jacayl dhabee

    Igu soo dhawow
    Ii dhiib gacmaha
    Dhiggaa baan ahoo
    Kuu dhimanayee


    Gabadha:
    Waad is dherer tayoo
    Hadal dhaabadaad
    Dhoqso ii tiree
    Ma dhimmanee
    Wuu kaa dhan yee
    I dhegayso oo
    Anoon dhego adkaan
    Dhaqankiyo hiddaha
    Aan kula dhisee

    Kaa ma dheeriye
    Waan kugu dhawee
    Dhankee kaa maraa
    Miyaan kugu dhegaa


    Wiilka:
    Waa lay dhuftoo
    Dhelalowsanoo
    Lagygu dhereran yee
    Dhafoorrada hilbihii
    Ka dhammaysayoo
    Dadkoo dhaxan qaba
    Dhedo qoysay baan
    Kuu dhididayaa


    Igu soo dhawow
    Ii dhiib gacmaha
    Dhiggaa baan ahoo
    Kuu dhimanayee


    Gabadha:
    Way dhaafsan too
    Dhan kalaad malaa
    Dhaankaw rartee
    Dhuyac iyo galool
    Iyo sida dharkayn
    U ma dhoohaniye
    Dhinacaaga qabo
    Mar kale i dhawr

    Kaa ma dheeriye
    Waan kugu dhawee
    Dhankee kaa maraa
    Miyaan kugu dhegaa?

    Friday, August 15, 2014

    Had Maad Gacalle Soo Noqon? (hees..Yamyam "AUN")


    Cabdulqaadir Xirsi Siyaad (Yamyam) wuxuu ahaa hal-abuur dal-yahanimadu dhuuxa dhex qaadday. Sidoo kale wuxuu ahaa nin maansada laxawga ku badiya. Heestaan wuxuu ku male awaalayaa gabar jeclaatay inan degmadiisii ka ag fogaatay degaankeedii oo intaas ka goobaysa dhulalka carrosanka ee daaqsatadu u hayaanto mararka dhulalkaasi roobab ka da'aan. Heestu, mar waa cashar ku saabsan barashada degaanada iyo erayada, marna waa suugaan dareenka u bislaynaysa kalgacalka dhabta. Yamyam wuxuu ahaa ma'wiga suugaanta hodonka ee Soomaaliyeed, allow u naxariiso:

    Geyigoo barwaaqa
    Gaaroodi roob helay
    Meel xareeddu galac too
    Jeexiyo gelgelima
    Oo geedihii baxay
    Faraqii is gaaroo
    Cidina ayna kala garan
    Gomoshiyo ciidka
    Waxaan kaa dhex goobaa
    Goonyaha Nugaaleed
    Beelaha u guuree

    Gabbal dhiciyo waaberi
    Kaa daba gucleeyoo
    Way gaar dhibaatee
    Had maad gacalle soo noqon?

    Guryosamo haleel
    Guban loogu sahan tagay
    Oo yamaarug gaaxshiyo
    Mareer daaqay geelii
    Oo goosha naaxdiyo
    Aaranku is garbinayaan
    Cidina ayna kala garan
    Galooftiyo irmaanka
    Waxaan kaa dhex goobaa
    Ceel-godan Sasabaniyo
    Gebiyada Bullaalee

    Gabbal dhiciyo waaberi
    Kaa daba gucleeyoo
    Way gaar dhibaatee
    Had maad gacalle soo noqon?

    Guulaamo rooboo
    Aan la garan xilli uu da'ay
    Oo helay galbeedoo
    Leyl dhexe Galduur miray
    Oo marada guudkiyo 
    Geyruhu hareeyoo 
    Dhirta gacaladeedii
    Xiisa gaar leeday
    Waxaan kaa dhex goobaa 
    Kaymaha Gar-loogubay
    Gosol iyo Mareerle

    Gabbal dhiciyo waaberi
    Kaa daba gucleeyoo
    Way gaar dhibaatee
    Had maad gacalle soo noqon?

    Erayada:
    1- Gaaroodi: waa dhul-daaqsimeed u ogog leh Hargeysa.
    2- Gelgelimo: waa wadarta gelgelin waana goobta geelu ku galgasho.
    3- Gomosh: waa geed hoosaad caleemo balballaaran iyo miro la cuno leh.
    4- Nugaal: waa dhul-daaqsimaadka caanka ah ee u ogog leh Garoowe, Laas-Caano iyo Qardho.
    5- Gucleyn: orad aan la dheereynayn, gashle.
    6- Guryosamo: dhul nabad iyo barwaaqo leh.
    7- Guban: waa dhulka u dhexeeya Gacanka Cadmeed iyo buuraha Golis ee Soomaaliya.
    8- Yamaarug: waa geed hoosaad geela waxtar fiican u leh.
    9- Goosha: hasha aan dhalin ee naaxday.
    10- Aaran: geela ubadnimana dhaafay, hal-weynna aan noqon, qaalmo.
    11- Galoof: hal guran, aan irmaaneyn.
    12- Sasabane, Bullaale: waa ceelal biyoodyo ku yaal dhulka Soomaali Galbeed oo caan ku ah suugaanta Soomaalida.
    13- Guulaamo: daruuro roob.
    14- Galduur, Gar-loogubay, Gosol, Mareerle: waa dhul-daaqsimeedyo ku yaal Dhulka Soomaali Galbeed.
    15- Geyre: Dabayl qabow oo xagga badda ka timaadda, cooli.

    Hidde Maw Lahayn? (hees dhaqameed)

    Wiilka:
    Reer hodanahoo
    Lagu hoydo oo
    Golayow la haray
    Hargo meelo dhigo
    Hidde maw u lahayn?

    Gabadha:
    Ahey Hirow
    Hiddaheenna wacan
    Waa lama-huraan

    Wiilka:
    Gabar haybad loo
    Halabaysatoo
    Hanti laga baxshoo
    Haasaawe gacal
    Harka loola dhaco
    Hidde maw u lahayn?

    Gabadha:
    Ahey Hirow
    Hiddaheenna wacan
    Waa lama-huraan


    Wiilka:
    Saantii martida loo hayniyiyo
    Hariga iyo barkin
    Hidde maw lahayn?

    Gabadha:
    Ahey Hirow
    Hiddaheenna wacan
    Waa lama-huraan


    Wiilka:
    Wiil hanadahoo
    Halo soo rogo oo
    Hanti iyo hunguri
    Labadaba hiroo
    Hubka aan dhigayn
    Hidde maw lahayn?

    Gabadha:
    Ahey Hirow
    Hiddaheenna wacan
    Waa lama-huraan


    Wiilka:
    Wawga iyo ha'da
    Oon ku hanuunniyo
    Hadallada runta
    Hidde maw lahayn?