Sunday, October 7, 2012

Dhaar May Maraysaa?



Dhaar May Maraysaa?

Wiilka:
Nimuu dhabarku jaban yahay
Dhaqdhaqaaqi maayee
Sidaan dhawr habeyn qaday
Dhafoorradu i jiitee
Waa dhaawacaagii
Waxa aan la dhuubtee
Markii aan ku dhawraba
Dhib baa ii kordheysee

Gabadha:
Markii hore dhitiyo subag
Dhay baan filaayee
Dhiil madhan adoo sida
Dhabta iigu tuurtee
Dharab orodka xoolaha
Dhurwaagaa ku laayee
Ani dhedo iyo ceeryaan
Hay odhan ka dhaansee
Dhalanteedku waa midaan
Iga dhaadhacayn

Wiilka:
Ninkii dhiirranaan jiray
Wakhtigaa dhantaaloo
Dhaxaan itaalkay
Amba dhabar adeygoo
Dhudhun iyo lixaadkii
Wax ku dheefi waayee
Hagar kugu ma dhaafine
Dhadhaab bay i horyaal

Gabadha:
Aqal dhinac bannaan yahay
Dhaxan kaa ma celiyee
Dharaartii aan baahnaa
Igu dhege adeygtee
Dhuub kaa koley tahay
Ka ma helin dhaqaalee
Waa adigii i dhigay meel
Dhamac iyo abaar loo
Dhalanteedku waa midaan
Iga dhaadhacayn

Wiilka:
Sidii dheeha geeloo
Dhamaal hawd ka daaqdoo
Dhanihii Bullaaliyo
Dhoobaale joogtaad
Sida tahay dhir canabaad
Dhaayaha u roontee
Wali waan dhursugayaa
Inaan wada dhammaynnee

Gabadha:
Ninkii dhuumanaayee
Dhabarkiisu muuqdee
Dhakhso loo ogaadaa
Sidiisii ka dhigantoo
Hadalka dhan-saarka ah
Kaa dhageysan maayee
Haddii ay dhab kaa tahay
Dhaar may ii maraysaa
Mise kala dhaqaanaye
Sidaasaan ku dhaafnaa?

Friday, October 5, 2012

Caqliga Kaasho Baa La Yidhi


Caqliga Kaasho Baa La Yidhi

Cawoy maalin baa la yidhi
Caddoy gudcur baa la yidhi
Cidloy wehel baa la yidhi
Ammaanadu waa culeys
Cirka iyo dhulku diidayoo
Carrana waxaa la yidhi muggeed
Daawada caashaqaan i helay
Cid kale loo dooni maayo
Cilmiga ha laguu dhigee
Caqliga kaasho baaa la yidhi

Cod iyo jiib baa la yidhi
Jaan iyo cidhib baa la yidhi
Cayaar sacab baa la yidhi
Qofuu cudur kuu hayoon
Haddana kaa caawinayn
Cad kaa maqan baa la yidhi
Daawada caashaqaan i helay
Cid kale loo dooni maayo
Cilmiga ha laguu dhigee
Caqliga kaasho baa la yidhi

Carrab ku hadal baa la yidhi
Cagay socod baa la yidhi
Cuntoy dhadhan baa la yidhi
Dunidu waa caynba cayn
Waxaad ceebta u taqaan
Qof bay camal kiisa tahay
Daawada caashaqaan i helay
Cid kale loo doonimaayo
Cilmiga ha laguu dhigee
Caqliga kaasho baa la yidhi



Thursday, October 4, 2012

Qalanjoy Ina Adeer


Gabadha:
Kalgacaylku waa qani 
Caashaqa ka qarad weyn 
Quruxiyo wanaag badan
Waana shay ku qaaliya
Qiimeynta aadmiga
Labada isla qaaddana
Qalbigooda kama go'o
Waxaan igaba kaa qaban
Kuu quudhi maayee


Qummanoow ujeeddada

Waanada adoon qubin
Soo dhaweyn qalbi furanoo
Oon qoonsimaad lahayn
Geestaada ila qabo.

Wiilka
:

Allow yaa habeyn qudha
Uurkeyga qala oo
Qudha oon la iga jarin
Quuruumaha ku loollama
Ku yidhaa garta u qaad
Taladaan qandhoodee
Aan qawda ku hayaa
Qotodeedu dheeraa
Iinsha allaahu waan qaban


Qalanjooy Ina adeer

Haddii la isu keen qorayay
Oo aan quud isku leenahay
Waan isla qosli doonnaa
Adna taa qiraha geli

Gabadha:
Bari baa nin Qaaliya
Qoomkuu la noolaa
Qawlka uu yidhaahdaba
Haddii uu quraan yahay
Ay ka qaadan waayeen
Kol adoon i qadinayn
Quluubtu way ku raacdee
Nafta aan qaboojee
Hadal quruxsan ii sheeg


Quummanoow ujeeddada

Waanada adoon qubin
Soo dhawayn qalbi furanoo
Oon qoonsimaad lahayn
Geestaada ila qabo.

Wiilka:

Adduunyada qorshaa jira
Iyo qaabab waaweyn
Qarar oodan baa badan
Qaxar iyo dhibaatana
Intaa way is dhex qaadaan
Qandoodee sheekada
Waan qaadi doonnaa
Qarqarsiga ku jiidoo
Hawlaha ma qabannaa


Qalanjooy Ina adeer

Haddii la isu keen qorayay
Oo aan quud isku leenahay
Waan isla qosli doonnaa
Adna taa qiraha geli

Wednesday, October 3, 2012

Caku (gabay)



Caku 
(gabay)


Caku geeri saa laba Cabdaan, geedka ka hadlayne
Caku geesi waa taan galbiyay, Xuudi gacal-kiiye
Caku goor xun waa tuu qalbigu, gaasir kaa yahaye

Caku gaari waa taan la maqal, guurka ka horow e
Caku giirka shayddaan iyo,  gaabis taladiisa 
Caku giniga lacageed Iyo ninkaan, gacanta kuba haynin
Caku gaajo waa taan u gaday, ina Galool Sulube

Caku golaha beereed iyo ninkaan, gudinta laacaynin
Caku galabta waa tuu habeyn, goorihii yimide
Caku guurti waa taanan arag, goorsan taladoode

Caku guudsan waa taana maqal, goolibbaar adage.
Caku gaballax waa tay gursheen, talo gidaarkeede.
Caku geel halaad haddaan, gaawe laga buuxin

Caku geenyo faras iyo midaan, oradka lagu gaarin
Caku guul rageed haddaan, samaha lagu goobin.
Caku geeljir waa tuu hurdada, gaawahuu culaye

Caku goob madow waa taa, gaafku noo yimide.
Caku gaalka waa tuu na galay, goor xun abidkiise
Caku guure waa taanan arag, good iyo abeese

Caku gardarro iyo kuwa, goor walba u gooja
Caku guriga iyo raggaa, goor walbaba seexda
Caku geedka dheer iyo, Gaanni fulaygaaba

Caku Oday Gar dheer iyo midkaa, diinta guriyeeya
Caku guluf colaad iyo midkaan, garanin sooyaalka
Caku garab madoobiyo kuwaa, talada googooya

Nimankii Gafuur-Adag hammiyay, gooni magacood dheh
Goomey iyo Gacal nimankii lahaa, gooran reeruhu dheh
Ilaah inuu garabkeenna yahay, gu'ga xagaagiis dheh

Namankii garnaqe hakiyay, gocasho yeelkood dheh.
Inaanay naga gaagaxayn, goosan taladood dheh.
Gooray ahaataba faranji, guutadiis maqan dheh.

Caku Didib Cagaag Lehe!


Caku Didib Cagaag Lehe!
Anna taan calmadayee 
Ka caashaqay haween
Caato weyda maahoo
Hilibna muu cuslaynine
Oo culay madowiyo
Casaan diiran maahoo
Dherer lagu ma caayo
Cilin gaaban maahee
Ciriiri iyo bannaan kulul
Dani ku ma cillaaline
Ciidaan ilqabad lahayn
Cawo qura u may hoyane

Caku didib cagaag lehe
Waxay Canab ku nooshahay
Cagaar-Weyne iyo hawd
Shaxda cirifyadeedee

Ciiddeennaan hooyoo
Cir ku hooray galabtii
Calcalyada xareedda
Cosobkii ka soo baxay
Dhulku wada cagaar yahay
Daran iyo caleentii
Oo cadceeddu qabataad
Caynkeeda leedahay
Waxay cidhib ku leedahay
Amba canab ku faantaa
Hiddaheenna caanka ah
Calankeenna buluugga ah

Caku didib cagaag lehe
Waxay Canab ku nooshahay
Cagaar-Weyne iyo hawd
Shaxda cirifyadeedee

Tuesday, October 2, 2012


SOO GOOBBILOW IYO CIYAAR GUGA JAMCAAD MAAHA
IYO
CABDULLAAHI XAASHI WARSAME-JILIB (WARANLE)

Tixdaan hoos ku qoran waxaa tiriyey gabyaa caana oo farshaxan-suugaaneed fiican leh, kuna magac dheer Cabdullaahi-Waranlle oo hadda ku nool dalkaan Maraykanka. Wuxuu gabyaagu ku maseeyay dawladnimo raadinta Soomaaliyeed, cid u hayaamaysa dhul roob ka da’ay oo doog fiican leh. Hase yeeshee, ciddii korommadii geeloodu dhalay oo ah gaadiid ku habboon u ma adeegsan geeddigii loo lallabay. Wuxuu taas uga jeedaa Soomaali dadka ay hormoodka ka dhiganeyso in badan oo iyaga ka mid ahi ma laha waddaniyad iyo garaad xul ah, mana adeegsanayso xubnaheeda leh khibrad maamul, aqoomeed, waddaniyad iyo garaad dabiici ah toona. Waxay ka door bidday xulkii ku habboonaa hawsho kuwo aan haba yaraatee lahayn tilmaamaha kor ku sheeggan oo kaliya u taagan magac qabiil. Wuxuu leeyahay kuwii sidaas wax u jaangooyay taladii qummanayd ma haleelin, waxayna tahay in la ogaado, in dawladnimo lagu nagaan karo ay ka adeegi karaan kaliya kuwa khibradda iyo garaadka suubban leh oo haddii dhab-doon la yahay laga dhex heli karo Soomaalida maanta. Wuxuu kaloo leeyahay, abaabulladii iyo shirarkii badnaa ee loo qoondeeyay in lagu yagleelo maamul dawladeed Soomaaliyeed waa dhicisoobeen ee soo maaha in dib loo goodo shir waxyaqaanka Soomaaliyeed ka adeego oo lagu xulo xubnihii lahaa habboonaanta la rabo. Haddana wuxuu leeyahay; kuwa u firxanaya helitaan xilal oo dhab ahaantii xurquun-doonka ah iyo kuwa gawraca iyo burburinta u qumay waa in xoog loo sheegtaa oo aysan toodu meel marin, sidaasina waa sida kaliya ee ay wax ku fahmi karaan (Gujada iyo qallacu toojo soo, gaday taqaan maaha).
Dadkii goba ama dhaqan wanaagsan leh waa inuu ka caroodaa gadaha geyigiisa lagu maamulay. Waxaa dhici karta buu yiri; in qaar sokeeyahaaga kamid ah ay dani ku baddo inaad u muuqiniso ama u disho danta guud awgeed. Waxaa dhaqan gumeed ah inaad laba jeer yeesho guddoon-xumida iyo marin-habaabinta arrimaha qarankaaga. Waxaa dullinnimo ah inaad garawshiiyo iyo soodhaweyn isugu darto qarandumis tiisa ka dhex goobaya tan Qaranka Soomaaliyeed, sida hashu goojada isula taagtana, raynrayn la xafladeyso. Intii lagu luggo’i lahaa hadoodillada daacadnimada ka maran oo maangaabyadu ka adeegayaan, waxaa ka roon iyadoo la iskaba daayo dawladnimadaas horseedka xun, lana fisho maalinta farax awgiis lala ciyaari doono Goobbilaha oo idan alle noqon doonta Sannad Jimcaad oo soo beegan ( waxaan hadda galnay Sano Talaadaad):      

Cidda guurtay aan Max’dow, rarannin gaadiidka
Ee korommadii gaamurtay ee, geeluu dhalay joogto
Ee roob galbeed iyo hillaac, galacle raacaysa

Ee geedo doogliyo caleen, gamashtay doonaysa
Garaad fooraaraa u taliyayiyo, gaban aan weynaane
Nin gaboobay baa reer ku fura, guri barqwaaqo ahe

Soo inay gabnawdaye mar kale, loo guddiyo maaha
Soo ganafka oo laga toliyo, tuurin gelin maaha
Gujada iyo qallacu toojo soo, gaday taqaan maaha

Soo godolku naasaha candhada, gaax ku maqan maaha
Gob la maagay waa inay sidii, gool u carootaaye
Mar bay gacantu kuu qaban kartaa, gacal sokeeye ahe

Gaashaanka waa lagu dhuftaa, gun is biirsadaye
Laba-gooshi-qaad soo mar kale, nabar gumeed maaha
Soo inaad garawdaa ciyoon, goojo dayid maaha

Gudcurka iyo caddada soo midkood, gocasho reeb maaha
Soo geeddigoo laga noqdiyo,  guraguree maaha
Soo goobbilow iyo ciyaar, guga jamcaad maaha?

Erayada:
1-     Maxammad = wuxuu u jeedaa saaxiibkiis Max’d Carab Falaxfalax (AUN).
2-     Gaamur  = itaal yeeshay, xoogeystay
3-     Gamashtay = wuxuu u jeedaa caleen si fiican u baxday.
4-     Gabnawday = wuxuu u jeedaa; dhicisay.
5-     Ganaf = gafuurka, sanka.
6-     Tuurin =  qori la dhuubay oo sanka hasha la qallacayo la geliyo.
7-     Qallac = waa falka neefta loogu celiyo neef irmaanaantiisa la rabo oo ilmo kale lagu tolaayo.
8-     Toojo = neef aan si fiican loo tababarin oo dhib lagu liso.
9-     Gujo = candhada neefka irmaan oo si fudud loo garaaco si caanuhu u kordhaan.
10- Guun = da’ weyn, wax badan jiray.
11- Laba-goosh-qaad = yeela labo jeer ama xammila.
12- Ciyoon = markiiba, durba.
13- Goojo = waa marka hasha rintay saynta taagto.
14- Guraguree = wax meel laga qaadayo oo lagu soo noqnoqdo.
15- Goobbilow = hees-ciyaareed uu Gobolka Gedo caan ku yahay.


Monday, October 1, 2012

Dareen-jiitayaasha Maansooyinkii Sayid Max'd



Dareen-jiitayaasha Maansooyinka
Sayid Maxammad Cabdille Xasan 

Afbakayle
Nimankii adduunkaygii dhacay, ariyo geeliiba
Anigoo islaamaba kuwii,  ii arxami waayay
Nimankaan ilaahow lahaa, eyda iga dooro

Abaalkayga nimankii ba’shee, ii istixayn waayay
Ahabtiyo ergayntii kuwii, laga la ayn waayay
Nimankii ijaabada ka tagay, aakhiru sabanka

Nibankii iblays nagu diree, naga ajoon waayay
Nimankii arlada eebbahay, nagu ugaareeyay
Namankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay

Nimankii abaartii Caleed, bari na aadsiiyay
Argalkiyo rasaastii kuwii, nagu ijbaarayay
Ee urugadaan qabiyo ciil, igu abaadsiiyay

Nimankii ilmada iga qubee, oohin iga keenay
Nimankaan ku alaladay, markii uunku wada jiifay
Nimankii ujuuradii cunee, iibka ii bixiyay

Nimankii intaas nagu falaan, na asaraareynin
Waxba yay addoomaha ilaah, nooga aargudine
Waxba yaan adduun layga siin, illintaydii

Mar haddaan wadaad aayad diin, i la ekeynaynin
Amaan aniga la oran karayn, tani ahaan mayso
Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubaysta

 Nin u Aqdaama Faranjiga
Nin u aqdaama Faranjiga, maantiyo abuurriin
Ama aaladduu sida ama, uurka kala jira
Ama arigaba u qala ama, laba ugaarsada
Ama uba ilaalaa ama, uurka kala jira
Ashahaado beeniyo, islaanimo ha lagu dhaqo
Ilaahayna nama oran anna, ma oggolaan karo

Sow Maaha?
Nin ilaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaalaaya
Ashahaado loo qoray nimaan, kala illaawaynin
Oo aan inkirahayn xaqa waa, la oggolaadaaye

Nin salaadda awqaadda faral, u addimoonaaya
Oo dagada oofinayoo, ugubka dhiibaaya
Oo aan afurin soonku waa, bilaha iideede

Adduunyada iyo xoolaha ninkii, aragti dhiibaaya
Oo inuu ohey yiraa, ka ishtixoonaaya
Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaaraynin…..

Nin jahaad ohoominayoo,  ubaxa loo saaray
Ingriiska eygaa ninkii, ugu uneexeeya
Oo libin ajri leh heloo, or iyo geeraar leh..

Nimaan edeb darroonayn xil, waa laga ajoodaaye
Aflagaaddo aan jirin nimaan, kuu la imaanayn
Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya

Ab uu yahayba aadmiga ninkii, same ekaynaaya
Abtirsiinyo kii xigay nimaan, iniq u dheeraynin
Addoomaha ilaahay nimaan, ka la irdhaynaynin

Ninkii aamusoo shib ah haddii, eray xun loo gaysto
Aan kula akeekamin intuu, urur ku soo joojo
Aan xaajo awgeed la gubay, ubucda jeexaynin

Anfaaciga adduunyada nimaan, ku anfariiraynin
Oo xeeryo soor lagu akhtimay, ibir ka yeelaynin
Oo sida ardaal wax u cunine,  alam ka siinaynin

Aaqibadii loo galo nimaan, kala illaawaynin
Oo kuu asxaan fali intuu, edeg adduun joogo
Oo aan abaaldhaca aqoon, ikhyaar saw maaha?

Aqal weyn aroos bilic leh, oo ilaxir loo yeelay
Inan quruxsan oo lagu ashbahay, uunsi iyo khayli
Oo qool asliya loo gashoo, jalamtu eedaami….

Ninkii maalintaad iillan tahay, aana kugu qaata
Oo abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin
Itaalxumada aan kaaga tagin, saw ikhwaan maaha?


Ismaaciil Mirow!
Maandhow abaabaan ku wadi, abadankaygiiye
Maandhow dadkaad eriday baan, ururinayaaye
Maandhow ooho baan oran, sidii aaran baadiyahe

Maandhow intay iigu iman, odayadoodiiye
Ililahakan bay, awr ku soo furiye
Maandhow berrey soo ekaan, ari sidiisiiye

Maandhow asxaan lagama tago, eed haddaad faliye
Maandhow ninkaad iniqdo, waa ku oggolaadaaye
Maandhow haddaan inamo raro, way i  aamminiye

Maandhow idday waxaan ku gudan, waa irdha la’aane
Maandhow ninkaan aa’i waw, aamusahayaaye
Aflagaaddadaadaan ka baqi, inay igu ogaadaane

Maandhow sidii aarka dhici, waw ilgalaclayne
Maandhow ilaaq baan ku wadi, aarankaan diliye
Maandhow ku eersaday hadday, iga ufoodaane

Maandhow ugaadhaba xirkaa, laga agloolaaye
Maandhow urtaan mari sidii, adamaddoonkiiye
Maandhow arbaha ha iga didin, oofataan ahaye


Jidka Adari loo Maro
Olalaha colkaan wado haddaan, laga ashaatoobin
Jidka Adari loo maro haddaan, laga ugaaroobin
Meesha iyo Iimey haddaanan, weerar ku ekaynin

Ilka Dheere iyo Luuq haddaan, laga awaaraynin
Ajiga Waamo joogow haddaan, olol ku soo gaarin
Adduunyada haddaanan ka shabin, tan iyo Aw-Dheegle

Nin adduunyada foofsada haddaan, uunka laga waayin
Bullaxaar agteediyo haddaan, Awdal laga yaacin
Ooryaha Amxaaradu haddaanay, Cadan ka awlaynin

Ingriiska eyga hadduusan, baqe ku aynfaadin
Goortaan awaawiyo hadduusan, oogsan oo cararin
Agabtiyo haddii uusan qubin, aaladdiyo seefta

Haddii aan islaaxii Berbera, lagu abaaroobin
Oo aanan albaabada qufulin, ilaxirkii daarta
Oo ayan eber noqon kobtii, la istireexaayay

Igarriyo haddii aanu rag kale, aakhirow hoyannin
Oo aanan sidii aar libaax, wax u unuun goynin
Soomaaliyoo idil haddaan, laga imiil qaadan

Ab uu yahayba aadmigu haddaanu, eerataw diririn
Oo aanan u aargudin raggii, naga afdhowraayay
Allaylahe islaan baan ahiyo, umalku waa beene