Thursday, August 31, 2017

Gobi Waa Awaalisaa Gunina Waa Indhaheed


Image result for Cabdikariin sheekh Muuse



Waxaa toddobaadkaan ka dhacay Muqdishow, xaruntii boholowday ee Dawlad-Qarameedkii Soomaaliya arrin argagax iyo uur-kutaallo leh. Waxaa la yiri sarkaal ka tirsanaa Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) baa inta laga soo qabtay Koonfurta Gaalkacyo, loo gudbiyay Muqdishow, kadibna si degdeg ah loogu sii gudbiyay cadawgii soo-jireenka ahaa ee Abasiiniya (Itoobiya).
Cabdikariim Sh. Muuse (Qalbidhagax) hadduu ku dhinto hagardaamadaan loo maleegay, wuxuu ahaan doonaa halyey ku baxay halgankuu u bareeray inuu dhiig u qubo, hadduu ka badbaadana, wuxuu ahaan doonaa halyeygii ka fakaday dabinkii doqommadu u dhigeen, waxaanse laga soo waaqsan karin eelka ay arrintu ku reebayso xukuumaddii dalandalka ahayd ee aad loogu haynweynaa iyo madaxdii aan waayahaan magacyadooda koolkoolinaynnay, kuwaas oo aad mooddo inay moog yihiin arrimahaan
1-   Sidii ku xusnayd Distuurkii Soomaaliya, qofku dhalasho ahaan, wuxuu Soomaali yahay, haddii uu ka soo jeedo dagallada Soomaalidu degto, shardina maahayn inuu qofku ku dhasho labadii gobol ee 1960-kii sameeyay JS. Taas macnaheedu waa qofkii ku dhashaa Jumhuuriyaddii Soomaaliya ee xorta ahayd iyo kii ku dhashaa qeybihii kalee dalalka kale la hoos geeyay waa is ku mid waana is ku xaquuq.

2-   Ummadda iyo talisyadii Soomaaliya ka soo arrimiyay waxay is ku raacsanaayeen; in qeybihii Soomaaliyeed ee sida qasabka loogu daray Itoobiya ama Kenya iyo Jumhuuriyaddii Soomaaliya aysan xuduud ka la lahayn, waxayna ugu yeeri jireen: “xuduud-beenaadka”.

3-   Soomaalidu hantiday ka la leedahaye, dhulka ma ka la laha. Sharci ahaan, qofka Soomaaliga wuxuu ka degi karaa dagallada Soomaalida meeshuu doono, sharci ka celin karaana ma Jiro.
Haddaba, ragga maanta ka taliyaa Muqdishow waxay ku gafeen xuquuq uu lahaa qof Soomaali ah markay u gacangeliyeen nacab la og yahay inuu dilaayo ama dhibab badan u geysanaayo, waana danbi culus. 
Dhanka kale, siyaasadda arrimaha dibedda ee Soomaaliya waa inay labo, mid uun ku salaysan tahay; inay hayso waddadii halganka ee lagu doonaayay gobonnimo dhammaystiran oo ay hesho ummadda Soomaaliyeed dhammaanteed ama waa inay qaaddaa waddada dabadhilifnimada oo u adeegaysa gumeystaha Abasiiniya iwm.
In madax Soomaaliyeed yahay waddani u adeegaya ummaddiiisa iyo aayaheeda, waxaa mar walba halbeeg u ahaa, una ahaan doona, hadba siduu u wajaho Itoobiyada (Abasiiniyada) mar walba u heellan siday u ka la dhantaali lahayd ama burburin lahayd qaranka Soomaaliya iyo siduu u la dhaqmo dhulalka Soomaaliyeed ee la gumaysto. Qofka doonaya, inuu Soomaaliya madax ka noqdaa waa inuu u soo diyaargaroobaa halgan adag oo u baahan go’aan-qaadasho isaga iyo inta uu jecel yahay u horseedi karta halis xagga nolosha. Qofka madaxnimo lagu raaxaysto rabaa, ha is ka illaawo madax-kanoqoshada Soomaalida maanta. 
Waxaa hubaal ah, in Soomaali dhammaanteed, waligeed gobonnimo-doon ahayd, ahaanna doonto inta ay xoroobayaan qeybaha la gumeysto ee Soomaaliyeed, waayo haddii qofka, far hurgunto qandhaa saabata jirkoo dhan, sidaas si lamida buu yahay Qaranka Soomaaliyeed oo waa jir qura. Ummadda Soomaaliyeed qaar raaxo ku ma noolaan karo, qaarna silic iyo saranseer. Qofka si kale u fakara, wuxuu ku sifoobayaa maahmaahdii ahayd:

Gobi Waa Awaalisaa Gunina Waa Indhaheeda
  Ashkir Aadan Qaataa     

Tuesday, August 22, 2017

Xaaji Faarax Xirsi-Akaal Cabdille Khalaf (Dabcasar)


11082506_10153449851269523_3944442749066862162_n


Xaaji Faarax oo ku-caan ahaa Dabcasar (AUN) wuxuu ahaa nin-door, lagu yiqiin halgan dheer oo xagga noloshiisa, karti, waxqabsi, waddaninimo iyo deeqsinnimo tahan-dhaaf ahayd. Wuxuu ahaa nin koriya carruurta aan daryeelka haysan, waxayna oran jireen waayihiisii: "Daduuna dhalin daadihinayow, Dabcasar dhaha".


Faarax aabbihiis waxaa la oran jiray; Xirsi Cabdille Khalaf Warfaa Ugaas Diini, wuxuuna ahaa hoggaamiye ka tirsanaa dhaqdhaqaaqii daraawiishta ee Sayid Max'd Cabdille Xasan hormoodka ka ahaa. Intii uu socday halgankii dheeraa ee daraawiishta buu Sayid Max'd, Xirsi ku naanaysay "Kalxaale". Waxaa la yiri, wuxuu naanaystaas ku mutaystay, iyadoo kooxo daraawiishta ee uu markaas Xirsi Cabdille ka tirsanaa gaajo iyo oon la dirgan la' yihiin, jiilal daranna ay tahay, buu Xirsi si uu ku helayba subag u qeybiyay daraawiishtii, isagoo adeegsanaayay kalax (koob weyn), taas oo maalintaas badbaadisay kooxihii daraawiishta ahaa. Maalintaas baa Sayid Max'd u duceeyay una bixiyay "Kalxaale". Xirsi-Kalxaale ama Xirsi-Akaal, waxaa lagu dilay goob ay isaga horyimaadeen xoogaggii daraawishta iyo xoogag kadhan ahaa, goobtaas oo ku taal gobolka hadda Mudug la yiraahdo. Sayid Max'd, wuxuu Xirsi-Kalxaale ku xusay tixdiisii, Daraawiishta Saalixiya: 


Dakankii maqnaa yaa lahaa, sow la deyi mayo

Sow danabbadeennii la dilay, loo dubnixi maayo
Ma dameer la raray baynu nahay, didiba sow mayno

Yaa dani ka haysaa raggii, Doollo lagu laayay

Nimankii daldalay Waafir. sow loogu dudi maayo
Dubbihii Xirsiyahaa ma waan, loo danqanahaynin

Halgankii dheeraa ee daraawiishta waxaa ku rogmaday qoysas badan oo xigtadii Xaaji Dabacasar ka tirsanaa, Reer Cabdille Khalafna waxaa ka haray isagoo cunug yar ahaa iyo dhawr gabdhood. Haddaba, agoontii ka hartay qoysaskii Reer Cabdille Khalaf waxay u dagaagtay/daaduuntay Berbera oo markaas xarun u ahayd gumeystihii Ingiriiska ee goabolladii waqooyi ee Soomaaliya ka talinaayay. Halkaan, buu Faarax Xirsi Cabdille oo agoon, rajaya ahaa ka bilaabay iskorin, isagoo da' ahaan aad u yaraa. Sida la wariyay wuxuu shaqo ka bilaabay maqaayad uu u dhaqi jiray weelasha. Waxaa la siin jiray baa la yiri 1 Senti ama Dhururq oo ahayd qaddarkii ugu yaraa lacagtii markaas laga isticmaali jiray gobolladaas waqooyiga Soomaaliya. Daasad buu inankii Faarax Xirsi Cabdille u samaystay sentigii la siin jiray, wuxuuna daasaddaas ku aastay dhulka. Sentigii uu ku aruurin jiray daasaddaas baa waa dambe oo uu qaangaaray u noqoday lacag uu ganacsi ku bilaabo. Waayahaas, uu ahaa inanka yar oo iskoriska buu mar raaci jiray baa la yiri, ciidan Ingiriisa oo Rakuubley ahaa. Ciidankaas awrtu gaadiidka u ahayd, wuxuu Faarax Xirsi u raaci jiray baa la yiri, ajuuro ama mushqaayad ay siin jireen awgeed, isaguna wuxuu u ahaa gacanyare, markay dagaan xaabada u soo gura, shaahana u kariya. Maadaama, askartii Rakuubleyda ahayd ay degi jirtay gelinka dambe, galab walba ama casar walba, inankii Faarax wuxuu askartaas u shidi jiray dab, waa halkaan meeshii ay ka raacday naanaystii DABCASAR.

Markii uu qaangaaray Faarax Xirsi wuxuu Berbera ka furtay maqaayad, wuxuuna noqday nin isku filan oo dadka kalana waxtara. Waayahaas uu maqaayadda lahaa baa waxaa dhici jirtay baa la yiri, in qof inta wax ka cuno maqaayadda, haddana isagoo been sheegaya, yiraahdo; Xaaji lacagtii waa bixiyay. Xaaji Faarax waxaa halhays u ahayd inuu ku yiraahdo qofkaas beenlowga; 'is ka tag, labada daarood (aakhir iyo adduun) mid bay galiye'. Halhayskaasi wuxuu noqday mid aad caan u ah.

Waa dambe, oo ku beegan 1940-aadkii buu isagoo ganacsade ah, carruur iyo xaasasna leh u soo guuray degaanka Doollo loo yaqaan, gaar ahaan Wardheer. 1959-kii markii magaalo ahaan loo yagleelay Caabudwaaq buu iyada u soo guuray, wuxuuna kamid noqday asaasayaashii ugu horreeyay ee magaaladaas. Wuxuu C/waaq ka furtay maqaayad, ogaalkay wali maqaayaddaasi waa furnayd. Xaaji Faarax, waxaa dhaqan u ahayd inuu maqaayaddaas ka quudiyo dadka danyarta, waxaana fiidadkii, maqaayaddiisa horteeda laga maqli jiray, isagoo leh; "war kii baahanow igu soo leexo, mid dhargay i ma rabee". Arrintaas ah in dadka cunno loo naadiyo waayahaas ma sahlanayn, laakin Xaaji Dabcasar wuu sameyn jiray, waxayna ku tusaysaa siduu u ahaa, deeqsi naxariis badan. Waxaa maqaayaddii Dabcasar ku koray dhallinyaro badan oo markii dambe horumar samaysay.

Waxaa ka loo hab-dhaqan u ahayd Xaaji Faarax Xirsi-Akaal quudinta shinbiraha, wuxuuna la hoos fadhiyi jiray masaf misaggo/galley ah geed weyn oo maqaayaddiisa horteeda ku yiil. Markii uu geeriyooday 1970-aadkii waxaa hareeyay meydkiisii shinbiro tiro badan oo dul heehaabayay intii loo sii waday qabriga, arrintaas oo la-yaab ku noqotay dadkii maalintaas, goobtaas joogay.   

  

Thursday, August 3, 2017

Daarood (Daa'uud)


Qabrigii Daarood
Haylaan 








WAA QORAALLO TAARIIKHI AH OO KU SAABSAN CABDIRAXMAAN BIN ISMAACIIL AL-JABARTI (DAA’UUD/DAAROOD)
WAA XOG-URURINTII GOLAHA MASAR U QAABBILSAN CILMIGA ABTIRSIGA IYO XOGO LAGA DHAXLAY QORAALLADII HOREE CARABTII HAASHIMIYIINTA
AHAYD EE CAQIILIYUUN
Waxaa laga soo minguuriyay 1938-dii turjumaaddii taariikh qoleedka asalka ahayd ee Koonfurta Jasiirad-lamoodda Carabta (Yeman)
Waxaa dib loo eegay bishii 4aad-2004 iyadoo lala kaashaday golaha sare ee Caqiiliyuun
Xuquuqda asalka ee taariikh qoleedkaan waxaa iska lahaa wax-yaqaankii Abu-Al-Xasan Cali ibnu al-Xuseen ibnu Cali Al-Mascuudi
Dhigaalladii hore- 956 MD
Buuggii Caqiiliyuun
Golaha sare ee Cilmiga Abtirsiga ee Reer Haashim
Riyaad -Sacuudi Carabiya, Qaahira-Masar, Xadarmood-Yeman
Waxaa si wadajira u aruuriyay wasaaradaha hiddaha iyo dhaqanka ee dawladaha Yeman iyo Sacuudi Carabiya

Cabdiraxmaan bin Ismaaciil al-Jabarti oo loo yaqaan Daarood ama Daa’uud, waa ninka dhaqan ahaan la rumaysan yahay inuu yahay awowgii hore ee tolweynaha Soomaaliyeed ee Daarood. Marka la tixraaco buugtii Islaamka ee hore iyo sheeko-dhaqameedka, waxaa la qabaa in Cabdiraxmaan ka soo jeedo Caqiil bin Abu Daalib oo isir ahaan ka soo jeeday Banuu Haashim, is la markaasna ahaa ina adeerkii Nabi Max’d (CSS). Qorayaasha sida Ibnu Hawqal, Al-Muqaddasi iyo Ibnu Saciid waxay xaqiijiyeen joogitaankii qolooyin Carbeed meelaha sida Barbara, Saylac, Jabarta (waa magaalo hadda burbursan oo la degi jiray) iyo Musawac oo ku taal waqooyiga Geeska Afrika.

Al-Mascuudi wuxuu si gaara ugu xusay buuggiisii Caqiiliyuun qoysaskii Carbeed ee ku noola Saylac iyo Jabarta qarnigii 9-aad. Buuggaani wuxuu muujiyay shiikh ka tirsanaa dariiqada Suufiyada ee Qaaddiriya oo la oran jiray Ismaaciil ibnu Ibraahim al-Jabarti, kaas oo dhalay carruur dhawra oo midkood la oran jiray Cabdiraxmaan.

Marka la tirxraaco buugtii Islaamka ee hore iyo sheeko-dhaqameedka Soomaalida, Cabdiraxmaan bin Ismaaciil al-Jabarti (Daarood) baa ka soo qaxay dhulkiisii hooyo ee Jasiirad-Lamoodda Carbeed kadib markay murmeen adeerkiis, qarnigii 9-aad ilaa kii 11-aad. Waxaa la filayaa inuu degay waqooyiga Soomaaliya, markii dambana Cabdiraxmaan wuxuu guursaday gabar uu dhalay duqii sare ee qoloda Dir, gabadhaas oo la oran jiray Doombira, warasadoodiina waxay noqdeen tolweynaha Daarood ee Soomaaliyeed.
Wuxuu leeyahay aqoon-yahanka Cilmiga Aadanaha ee Ingiriiska ee la yiraahdo I.M. Lewis, in kastoo hab-dhaqanka ah in lagu abtirsado qolooyin Carbeed oo xigto u ahaa Nabi Max’d (CSS) ay inta badan tahay weynayn loo la dan leeyahay islaanimada Soomaalida, haddana waxaa ku jira sheekooyinkaas mid dhab ahaanteeda taariikhiga ay xooggan tahay waana tan ku saabsan Daarood, waxaana arrinka sii xaqiijinaya hab-dhaqanka wakiillada tolweynaha Direed ee ka qeybgala caleemosaarka isinka sare ee tolka Daarood.

Waxaa weheliya ilo taariikheedka sida kan Al-mascuudi (Caqiiliyuun), manaaqib (samofallo waaweyn oo la aruurshay) casri ah oo lagu daabacay Qaahira sannadkii 1945-tii oo uu qoray Shiikh Axmad bin Xuseen bin Maxammad oo cinwaankiisu ahaa Manaaqibtii al-Shiikh Ismaaciil bin Ibraahim al-Jabarti. Wuxuu buuggaasi ka sii faallooday Daarood iyo aabbihiis Ismaaciil al-Jabarti oo sida la sheegay kan dambe ku aasan yahay Baab Sihaam oo ku taal degmada Saabid oo ka tirsan galbeedka Yeman.

Daarood wuxuu ku aasan yahay Haylaan oo ku taal buuraha Hadaaftimo ee ka tirsan gobolka Sanaag ee wqooyiga Soomaaliya waana goob la siyaarto. Waxaa ka loo halkaas ku la aasan Sade oo curad-xigeenkiisii ahaa iyo afadiisii Doombira Direed. Shiikh Harti oo kamid ahaa warasadii Daarood wuxuu ku aasan yahay Qacableh (bariga gobolka Sanaag) oo ahayd magaalo hore loo degi jiray . Dhalashadii Daarood waxaa loo dabbaaldegaa Jimce kasta iyadoo la akhriyo manaaqibtiisii (samafalladiisii).

Marka la tixraaco taariikh-yahannadii guyaashii dhexe iyo taariikh-yahannada muslimka ee waayahaan cusub, Daarood wuxuu ka soo jeedaa dhalasho ahaan Caqiil bin Abi Daalib, ninkaas oo ahaa Nabi Max’d (CSS) ina adeerkiis iyo walaalkii Cali ibnu Abi Daalib. Buug taariikheedka islaamiga ee la yiraahdo Caqiiliyuun ee uu qoray Al-Mascuudi, wuxuu si faahfaahsan uga hadlay dadkii ka farcamay Caqiil bin Abi Daalib, halkaas oo Daarood-na lagu xusay.

Wuxuu Al-Mascuudi xusay tol Soomaaliyeed oo la oran jiray Banuu Daa’uud (بنو داؤود‎). Tolkaan abkood baa loogu yeeri jiray Daa’uud (Cabdiraxmaan) bin Ismaaciil Al-Jabarti Al-Sabidi Al-Caqiili, laakiin aalaa loo yiqiin/yaqaan Daarood. Waxaa la yiri erayga Daarood wuxuu markiisii hore ahaa Daa’uud, waxaana dhici karta in la isku qalday xarfaha carabiga  ee w iyo r “Daa’uud = داوود  ama داؤود ،Daarood = دارود‎ ‎”. Waxaa ka loo la sheegaa in af Soomaaliga uu erayga Daarood ku yahay dhismo-xire ama daar-oode.

Shiik Ismaaciil Al-Jabarti Al-Saabidi Al-Caqiili wuxuu isaga iyo xertiisii ka soo guureen Saabid (Yeman) wuxuuna degay Saylac, waana ninkii dhalay Daarood oo ku aasan Heylaan.

Shiikh Axmad bin Cali Al-Rajxi Al-Caqiili (xubin sare oo kamida golaha sare ee abtirsiga Reer Haashim baa dhawaan buug ka qoray reer Caqiil, wuxuuna buuggiisa ku xusay Daarood iyo waayihii Shiikh Ismaaciil Al-Jabarti. Wuxuu shiikhaasi sheegay inuu hayo buug uu qoray nin xer u ahaa Shiikh Ismaaciil Al-Jabarti.

Abwaanka Islaamka (encyclopedia) iyo taariikh-yahankii guyaashii dhexe ee la oran jiray Maqriisi (oo qoraalladiisu ahaayeen 837 Hijriyah/1400-aadkii MD) wuxuu xusay Magaaladii Jabarta oo ahayd Magaalo muslimiintu degganaayeen oo ku dhawayd marsada magaalada Soomaaliyeed ee Saylac. Dad ka soo safray Yeman iyo xeebaha ku dhereran Gacanka Cadmeed baa degay magaalladaas. Dadkii halkaas degay waxaa kamid ahaa qoysas Reer Haashima (banuu Haashim) oo ku abtirsanaayay Caqiil ibnu Abi Daalib.

Qoysaskii halkaas degay qaarkood waxay qaateen naanaysta “Jabarti” wuxuuna leeyahay ninkii qoray buuggii Caqiiliyuun, dadkii naanaystaas qaatay ma wada ahayn Reer Haashim, waxayse mar wada degganaayeen magaaladii Jabarta. Faracyadii qaatay naanaystii Al-Jabarti waxay markii dambe isku fidiyeen Soomaaliya (Daarood), Itoobiya, Erriteriya, Suudaan, Masar iyo dalalka kalee carabta, ilaa haddana waxaa meelahaas laga helayaa dadyow xambaarsan naanaysii al-Jabarti.

Ugu dambayn, Al-Mascuudi wuxuu ugu batiriyay buuggiisii Taariikhiga ahaa Daarood: Cabdiraxmaan Bin Ismaaciil Bin Ibraahim Bin Cabdiraxmaan Bin Maxammad Bin Cabdisammad Bin Xanbal Bin Mahdi Bin Axmad Bin Cabdalla Bin Caqiil Bin Abi Daalib Bin Cabdulmudalib Bin Haashim Bin Qusaya.


Wednesday, July 19, 2017

   Shiica شيعة‎‎-Q.3aad 


Image result
Calankii Khilaafaddii Faadimiya
       

Dawladihii Shiicada

Wixii ka dmabeeyay xasuuqii Karbala, xoogaggii shiicadu waxay si joogta ugu jireen loollan siyaasadeed oo ay meelo ka la duwan ku la galeen maamulladii laga sameeyay dunida islaamka, waxayna meelo ka la duwan ka yagleeleen dawlado ku salaysnaa fikradihii shiicada.

Al-Idiriisiya (788-974 MD): waxaa gundhigay Idriis ibnu Cabdalla oo ku abtirsaday Cali ibnu abu Daalib iyo afadiiisii Faduma bintu Max’d (CS). Kadib, goobtii dagaalee Fakh ee dhacday bishii Lixaad 11-dii, 786 MD oo ku dhexmartay Khilaafadii Cabbaasiyada iyo xisbi shiica oo uu hoggaaminaayay Xuseen ibnu Cali oo uu awowe u ahaa al-Xasan ibnu Cali baa Idriis ibnu Cabdalla oo ka tirsanaa ururkii shiicadu u qaxay dhulalka Maqrib la yiraahdo, wuxuuna markii dambe Marooko ka yagleelay boqortooyadii al-Idriisiya.

Boqortooyadii Cuqayliya (990-1096 MD): sida magacu canbaarsan yahay waxay gundhigayaashii boqortooyadaasi ku abtirsadeen banu Cuqayl oo ahayd qolo ka tirsanayd Reer banu Kacab. Markii hore, waxay awood xagga talada ku yeesheen gobolkii la oran jiray Diyaar al-Bakar, kadib waxay ka la wareegeen Moosul Boqortooyo la oran jiray Buweyah, waxayna halkaas ka dhigteen saldhiggoodii ugu weynaa. Waxay is ku sii fiidiyeen gobolladii Ciraaq ilaa ay kaabiga u tageen Baqdaad. Markaas kadib, waxaa heshiis la galay khaliifkii waagaas talinaayay, wuxuuna u oggolaaday inay ka taliyaan Moosul, Kuufa iyo Jamciyah. In kastoo hoggaamiyahoodii nin-doorka ahaa ee la oran jiray Muqallad uu heshiiskaas galay, haddana waxaa ka go’nayd inuu Baqdaad qabsado, waxaase dilay nin calool-u-shaqayste ahaa oo Turkiya sannadkii 1001 MD. Waxaa taladii Cuqayliya la wareegay wiilkii Muqallad ee ahaa Qirwaash oo sii waday ololihii aabbihiis.

Buweyayiin (934-1055 MD): Waxay mar ka taliyeen qeybo kamid ahaa Ciraaq iyo Iiraanta maanta.

Ilkhanayd (1256-1335 MD): markii hore, waxaa laga yagleelay qarnigii 13aad Faaris/Beershiya, waxayna sida la qabay ka tirsanayd Imbaroodooriyaddii Maangoolka. Waxay ka dhalatay ololihii weynaa ee uu sameeyay manaxaagii Hulaqa ee uu awowga u ahaa duuligii caanka ahaa ee Jeenkiis Khaan. Reer Ilkhanayd markii hore waxay qaayibeen diimo ka la duwan gaar ahaan Buude iyo Masiixiyadda. Mar dambe oo ku beegan 1295 MD ayay madaxdii Ilkhanayd qaayibeen shiicanimada, waxaana kobciyay Hulaqa walaalkiis Oljaytu.


Bahmaanis (1347-1527 MD): waxay ka samaysantay dalcadaha Dikaan ee koonfurta Hindiga, waxayna ahayd saldanad door ahayd guyaashii dhexe.

Khilaafaddii Faadimiya (909-1171 MD): waxaa loogu magacdaray Faduma bintu Nabi Max’d (CS), waxayna ka talisay inta badan dhulalkii Maqrib, Shaam, qeybo Carabiya kamid aha, Maka iyo Madiina. Markii hore waxay ka bilaabatay dagaal dhacay 909 MD oo uu abu Cabdalla oo ammaanduule shiica ahaa u xukun uga tuuray hoggaamiye sunni ahaa oo ka talinaayay Waqooyiga Afrika.
Boqortooyadii Safawiya صفوی (1501-1722 MD): waxay ahayd boqortooyo taxane ahayd oo markay ugu awoodda badnayd ka talin jirtay; Iiraan, Asribijaan, Bahrayn, Armiiniya, inta badan Joorjiya, Waqooyiga Qooqaas, Ciraaq, Kuwayd iyo Afqanistaan, sidoo kale qeybo kamid ahaa Turki, Bakistaan, Suuriya, Turkiministaan, iyo Usbakistaan. In kastoo ay burburtay sannadkii 1736 MD, haddana waxaa lagu tiriyaa inay gogoldhig u noqotay dawladda casriga ee Iiraan ee dhinacyo badan ka horumarsan.

Tuesday, July 11, 2017

Shiica شيعة‎‎-Q.2aad                 


Image result for shia mourning 
Shiica شيعة‎‎-Q.2aad  
               


Al-Xasan ibnu Cali ibnu Abu Daalib

Markii Cali (RC) uu dhintay waxaa khilaafnimadii loo doortay al-Xasan oo ahaa curadkii Cali iyo Fadumatu-Sahraa (ina Nabi). Sidaas darteedna, Shiicada Labiyo Tobonleyda iyo Saydiyiintu waxay u haystaan imaamkii labaad, halka Mustaclida Ismaaciiliya u haystaan imaamkii kowaad. 6 bilood ama 7 bilood kadib wuxuu Xasan uga haray khaliifnimadii Mucaawiya ibnu Abu Sufyaan oo sidaas ku noqday khaliifkii Umawiyada, isagoo Cusmaan (RC) ahaa kii kowaad.

Xasan wuxuu caan ku ahaa wax-siinta saboolka, naxariista kuwa tabarta yar iyo cibaadaysi xoogganaa. Sida la sheegay isagoo markaas da’diisu tahay 45 sano ayay xaaskiisii oo la oran jiray Jacda bintu al-Cashaa’id ku sumaysay Madiina, waxaana lagu aasay qubuuraha Jannaad al-Baaqi. Sida la sheegay waxaa Jacda xodxotay oo u ballanqaaday guur iyo xoolaba Mucaawiya. Markuu Xasan dhintayna waxay ku degdegtay oo aadday madashii Mucaawiya ka talin jiray. Ballantii inuu guursan doono waa uga baxay, wuxuuse u guuriyay nin kale.

Si kastaba ha ahaatee, is la markii loo doortay al-Xasan khaliifnimada, waxaa ka horyimid oo cambaareeyay Mucaawiya ibnu Sufyaan, wuxuuna ku dhawaaqay inuusan khaliifnimadiisa aqoonsan doonin. Markaas kadib, waxay labada dhinac intii muddo ah is weydaarsanayeen warqado. Warqadahaas oo ku kaydsan buugaagta Jacfar iyo Madiluug, waxaa ku xusan doodo fiiro mudan. Warqadahaas mid kamida wuxuu ku xusay hadal la sheegay inuu ka yiri Cali (RC) u-doorashadii Abu Bakar khaliifkii 1aad, hadalkaas oo ahaa: ‘Haddii Abu Bakar loogu doortay inuu Qureesh ka dhashay, muhaajirna ahaa, sidaasna looga doorbiday Ansaar, waxaa uga sii dhaw khaliifnimada xubnihii ka dhashay qoyskii Nabi Maxammad (CSS). Mucaawiye, wuxuu uga jawaabay doodda noocaas ah; ‘anigoo qiraaya wacnaanta qoyskii Nabi Maxammad (CSS), haddana arrinku wuxuu daaran yahay waayo-aragnimo xagga maamulka’. Wuxuu ka loo yiri Mucaawiye; ‘waxaad doonaysaa sida inaan xaaladda hadda taagan ku dhammaynno wadahadal iyo nabdoonaan, laakiin arrinkeenna maanta wuxuu u eg yahay kii dhexyiil Abu Bakar iyo qoyskiinna, geeridii nabiga kadib. Wixii ku soo gabagabeeyay hadalkiisii; ‘waa ka da’ weynhay, xagga taladana waa kaaga waayo aragsanahay, haddaad maanta ii hoggaansanto, waxaad iga dhaxli doontaa khaliifnimada’.

Haddii dhawr warqadood la is dhaafsaday, waxna ku hagaagi waayeen, wuxuu Mucaawiye bilaabay abaabul, wuxuuna u diray ciidan dhammaa 60,000 oo nin Maskin oo ku tiil wabiga Dijla oo ku dhawayd Moosul. Wuxuu qorshaha Mucaawiye ahaa in uu Xasan heshiis ku qasbo ama uu weeraro kahor intuusan diyaargaroobin. Wuxuu ogaa Mucaawiye, xitaa haddii uu dilo ama jabiyo Xasan in xubin ka loo Reer bin Haashim ah la dooran doono, loollankuna uusan istaagi doonin. Sidaas darteed, waxaa ka go’naa inuu tanaasul ka helo al-Xasn.

Markii uu warkii colka Mucaawiye soo gaaray Xasan, isna wuxuu abaabulay ciidan cududdiisu dhammayd 12,000 oo nin oo uu hoggaaminaayay Cubaydallaah ibnu al-Cabbaas, waxaana la faray inay u dhaqaaqaan dhankii Maskin, is la markaasna waxaa loo sheegay inaysan weerar bilaabin in la soo weeraro mooyee, sugaanna al-Xasan iyo xoogga kale oo ka daba imaan doona.

Intii uu colkuu Xasan diray uu ku sugnaa Maskin, Xasan laf ahaantiisa ayaa dhibaato ka la kulmay Sabbaad oo u dhawayd al-Ma’aadin. Waxaa dhibka keenay goor ku beegnayd salaaddii subaxa ayuu Xasan khudbad jeediyay uu ku sheegay inuusan Eebbe hortiis qof muslina necbayn, is la markaasna uusan doonayn inuu cid dhibaateeyo. Warkaas baa cutubyo ka tirsanaa ciidankiisii u qaateen inuusan dagaal doonayn oo uu rabo inuu tanaasulo, wayna gadoodeen, waxayna bilaabeen inay saldhiggii ciidanka bililaqaystaan. Xasan wuxuu ka soo dhexbaxay qaskii meesha ka abuurmay, waxaase jidgal ku sameeyay nin ka tirsanaa Khawaarijtii oo la oran jiray al-Jarraax ibnu Sinnaan, kaas oo bawdada billaawe uga dhaawacay, isagoo ku qeylinaayay; “Alla weyn! Sidii aabbahaa oo kale baad gaal noqotay”. 

Intii uu Cubaydallaah iyo ciidankuu hoggaaminaayay ay Xasan ku sugayeen Maskin baa waxaa ergo u soo diray Mucaawiye, waxaana loo soo tabiyay waraan sugnayn oo ahaa; ‘wuxuu Xasan idin soo faray inaysan dagaal bilaabin inta uu wadahadalku ii socdo”. Ciidankii Kuufa ee Xasan ka socday arrinkaas waa ku gacansayreen, waxaase mar labaad ergo qarsoodi ah soo diray Mucaawiye oo Cubaydallaah ugu dhaartay inay run tahay Xasan inuu codsaday nabadgalyeyn, is la markaasna waxay Cubaydallaah loo sheegay in la siin doono 1,000,000 dirham oo waliba nus hadda la siinaayo, inta kalana Kuufa lagu siin doono. Cubaydallaah, wuu yeelay soojeedintii wuxuuna la saftay dhinicii Mucaawiye. Ciidankii Cubaydallaah waxay sugayeen inuu tujiyo salaaddii subxanimo, markay waayeen oo ay u caddaatay inuu dhakray, way cambaareeyeen waxaana hoggaaminta la wareegay Qays ibnu Sacad. Mucaawiye wuxuu Qays ku dayay laaluush iyo weerarba laakin Qays ciidankiisii way is ka caabbiyeen labadaba.

Markaas kadib, wuxuu Mucaawiye qoray warqad uu ku sheegay in Xasan isaga dabadi khaliifniamda leeyahay. Wuxuu ka loo ballanqaaday inuu siin doono wax kasta oo uu doonaayo. Soojeedintaas Xasan waa yeelay wuxuuna wadahadalkii heshiiska labada dhinac u xilsaaray Caamir ibu Salma al-Xamdaani iyo dumaashigi Maxammad ibnu Cashtaad.

Markii la wadahadlay Mucaawiye wuxuu qoray warqad, wuxuuna ku sheegay in al-Xasan u dhaxli doono xukunka isaga dabadi, 1000,0000 dirham uu ka siino doono Baytul Maalka sannad walba iyo inuu isagu yeelan doono canshuurtii dhulka ee Faasa iyo Darabjirid, dadka u qabanaaya canshuurtaasna uu isagu soo magacaaban doono. Warqadii waxaa wada saxiixay afar dhinac oo ergooyina Bishii 8aad, 661 CD.

Markii Xasan warqaddii soo gaartay wuu ka maagtay, wuxuuna ku celiyay Mucaawiye uu ku leeyahay kuu hoggaansami maayo ilaa aad nabadgeliso dadka. Mucaawiye warqad cad buuu inta soo saxiixay/shabbadeeyay u soo diray oo ku yiri ku qor ciddii aad doonto. Aakhirkii wuxuu al-Xasna taladii Ciraaq ku wareejiyay Mucaawiye bishii Siddeedaad 661 CD.


Al-Xuseen ibnu Cali

Markii Xasan ibnu Cali geeriyooday sannadkii 670 CD, waxay Shiicadii Cali (Taageerayaashii cali) ku dhawaaqeen inay imaamnimada u aqonsan yihiin Xuseen ibnu Cali abu Daalib. Waxaase arrintaas diiday Xuseen laf ahaantiisa, isagoo u sheegay dadkii taageersanaa inay arrintaas dib u dhigaan inta uu Mucaawiye ka dhimanaayo, wuxuuna yiri; waa inaan xurmaynnaa heshiiskii dhexmaray al-Xasan ibnu Cali iyo Mucaawiye.

Markii Mucaawiye dhintay sannadkii 680 CD waxay taageerayaashii Mucaawiye ama Reer Umawiyaha u doortoon Khaliif Yasiid 1aad oo uu dhalay Mucaawiye ibnu abu Sufyaan. Waxaa arrintaas is la markiiba diiday Xuseen ibnu Cali, wuxuuna u arkay in la jabiyay heshiiskii dhexmaray Mucaawiye iyo walaalkiis Xasan. Waxaa aad u taageeray mawqifkii Xuseen reer Kuufa, waxayna si is-dabajooga ugu soo diraayeen dhambaallo ay uga codsanayeen inuu yimaado Kuufa si loogu caleemosaaro Khaliifnimada.

Haddaba, Xuseen oo ay weheliyaan ilaa 70 qof oo xigtadiisii iyo dad taageersanaa ka koobnaa baa aaday Kuufa, hase yeeshee, markay marayaan meesha la yiraahdo Karbala baa waxaa jidka u galay ciidammo tiro badnaa oo uu soo diray Yasiid ibnu Mucaawiye, waxayna halkaas si foolxun ugu dileen Xuseen ibnu Cali oo uu awowe u ahaa Nabi Maxammad (CSS), inta badan dakii weheliyayna way xasuuqeen. Sidaas darteed, maalintaas oo ku beegnayd 10-kii Muxarram, 61 Hijriya ama bishii Tobnaad 10-keedii, 580 CD waxay astaan u noqotay baroordiiq weyn oo ilaa maantadaan loo sameeyo dilkii Xuseen iyo xigtadiisii, waxaana maalintaas loo yaqaan Caashuura.

Ciidammada jidgalka sameeyay waxaa hoggaaminaayay al-Xor bin Yasiid al-Tamiimi, gacan-ku-dhiiglihii dilay Xuseen-se waxaa la oran jiray Shamar binul Joosh al-dabbaabi al-Hawaasini. Madaxa ayay ka jareen Xuseen, waxaana kamid ahaa dadkii lala dilay cunug uu isagu dhalay oo 6 bilood jir ahaa oo la oran jiray Cali al-Asqar. Dumarkii iyo carruurtii badbaaday waxaa loo kaxaystay maxaabbiis ahaan.

Dhacdadii goobtii Karbala waxay diin ahaan iyo dhaqan ahaanba u saamaysay Shiicada. Sidoo kale, dhacdadaas foosha xun waxay aad u sii ka la fogeysay dhinacyadii muslimiinta ahaa is khilaafsanaa. 
Sida ka muuqata bilawgii khilaafaadka muslimiinta, la is ku ma hayn arrimo xagga diinta ku saabsanaa ee waxaa la is ku hayay hoggaaminta muslimiinta. Waxaa ka loo meesha ku jiray qabyaalad sida, Reer banu Haashim oo ay is hayeen Reer banu Ummawiya. Waxaa ka loo muuqata in si waab walba dhiniciisa taageero u helo uu adeegsaday diintii, isagoo dhinicii kale ka dhigaaya mid ku gafay diintii ama gaaloobayba. Ilaa xilliga la joogo khilaafka ka dhex-oogan dhinacyada muslimiinta waxaa saldhig u ah khilaaf siyaasadeed sida, kan waayahaan u dhaxeeya Sacuudi Carabiya iyo Iiraan.  



        


                              

Monday, July 3, 2017

Shiica    شيعة‎‎


Mirror writing2.jpg     Shiica شيعة‎‎-Q.1aad                 

Erayga Shiica macnahiisu waa hiilliyaal, waana laan kamida islaamka oo lagu rumaysan yahay inuu Cali ibnu Abu Daalib ahaa kii dawga u lahaa hoggaaminta muslimiinta geeridii nabiga kadib, waana halka ay ku kale rogmadeen laanta kale ee sunniga loo yaqaan. Sunniyiintu waxay rumaysan yihiin inuusan Nabi Maxammad (NNKH) uusan ka dardaarmin qofka hoggaaminta muslimiinta qaban doona geeridiisa kadib, sidaas darteedna uu abu Bakar al-Saddiiq ahaa hoggaamiyihii kowaad ee si wadatashiya (shuura) loo doortay.
Waxaa mudan in la xuso, in bishii Lixaad 8-deedii, 632 CD oo ahayd maalintii Nabi Maxammad (CSS) uu geeriyooday, in labadii qabiil ee Khasraj iyo banu Aws oo ku midaysnaa magaca al-Ansaar (gargaarayaal) ay ku shireen aqal la oran jiray Saqiifa (سقيفة بني ساعدة‎‎) iyagoon la socodsiin kooxihii la oran jiray Muhaajiriin. Haddaba, sida uu Maxammad ibnu Jariir Tabaari ku xusay buuggiisii Taariikh, Cumar bin Khadaab (RC) baa arrinta maqlay kadibna wuxuu aaday gurigii Nabi Maxammad oo abu Bakar al-Saddiiq (RC) u ku sugnaa. Cumar gurigii ma galine inta irridkii istaagay buu faray in abu Bakar u soo baxo. Markaas abu Bakar, Cali ibn abu Daalib iyo xigtadii Nabigu waxay mashquul ku ahaayeen abaabulkii aasitaankii Nabiga, sidaas darteedna, abu Bakar waa cudurdaartay. Cumar mar kale buu fartiin diray, isagoo xusaaya in arrin degdeg ahi jirto. Abu Bakar, mar dambuu soo baxay, markay is wareysteenna waxay wada aadeen aqalkii Saqiifa ee lagu shirsanaa. Dood kadib, Cumar baa inta istaagay soo jeediyay in abu Bakar loo doorto hoggaaminta muslimiinta, waana lagu raacay. Hase yeeshee, waxaa jiray kooxo rumaysnaa inuu Cali bin abu Daalib (CS) ku habboonaa hoggaaminta. Markaas buu baxay magaca Shiica (hiilliyaal). 
Dadka rumaysan shiicanimada oo hadda lagu sheego 10-13% dadweynaha muslimka waxay rumayntoodu ku salaysan tahay Qur’aanka, Sheekadii Nabiga (Xaddiis) iyo Sheekooyinkii Imaamyada. Shiicadu waxay u haystaan in Cali (CS) ahaa mid xagga Eebbe loogu doortay hoggaamnita muslimiinta, sidaasna ku noqday imaamkii kowaad, waxaana ku xiga siday qabaan xubno ku abtirsada qoyskii Nabi Maxammad (NNKH) ama Ahlu Beyd.
Shiicadu waxay u kala baxdaa laamo kala duwan, waxaase ugu waaweyn seddexda; Labiyo Tobanley, Ismaaciiliya iyo Saydiya (Saydiyiin). Labiyo Tobanleyda oo ah laanta ugu weyn (ilaa 85% Shiicada oo dhan), waxay rumaysan tahay inay jiraan 12 imaam oo Cali ibnu Abu daalib ka soo bilawda kuna dhammaada Maxammad al-Mahdi oo ah imaam daahsoon oo soo banbixi doona, ahna mahdiga la sugaayo. Ismaaciiliyadu waxay rumaysan tahay in Ismaaciil ibnu Jacfar ahaa imaam dhaxlay imaamnimadii Jacfar al-Saddiiq, waana halka ay uga geddisan yihiin Labiyo Tobonleyda. Saydiyiintu (ilaa 40% muslimiinta Yaman) waxay rumaysan yihiin in Sayd ibnu Cali oo uu awowe u ahaa Xuseen ibnu Cali, yahay imaamkiii 5aad. Waxay Saydiyiintu meesha ka saareen “taqiya” ama “kitmaan” oo ah in qofku qarin karo waxa uu rumaysan yahay hadduu nafta u yaabo. In kastoo sunniyiintuba ay la tahay in arrinku bannaan yahay mararka qaar, haddana waxaa aad u xoojiya Labiyo Tobonleyda.
Guud ahaan Shiicada, waxaa tiirar adadag u ah Ahlu Kisaa ama Reerkii Huga oo ah Nabi Maxammad (CSS), Cali ibnu Abu Daalib (CS), Faaduma (ina Nabai Maxammad), Xasan iyo Xuseen oo ilmo Cali ah. Waxay imaamnimada ay Shiicadu rumaysan tahay ku saleeyeen Ahlu Kisaa iyo xubnihii ka firay, waxayna rumaysan tahay in Ahlu Kisaa iyo firkoodu kaligood daw u leeyihiin inay muslimiinta hoggaanshaan.

Bilagii Qilaafka (Fitnadii 1aad)

Bishii Toddobaad 1-deedii, 656 CD ayaa Madiina waxaa lagu dilay Khaliifkii 3aad Cusmaan bin Cafaan (NKH), waxaana dilay rag laga soo abaabulay imaaraddii Masar oo markaas gadoodsanayd. Dilkii Cusmaan waxaa xigay in Khaliifkii 4aad loo doorto Cali ibnu Abu Daalib (CS), waxaase ka horyimid Mucaawiya bin Abu Sufyaan oo markaas ahaa guddoomiyihii gobolkii Shaam. Mucaawiya oo ay is ku qolo ahaayeen Cusmaan (Reer Ummawiya) wuxuu aad u qawadsanaa sidii loo dilay Cusmaan iyo in kuwii dilkiisa ka dambeeyay aan la maxkamadayn, is la markaasna kamid noqdeen ciidammadii taageersanaa Cali.

Khaliifkii wuxuu u diray ergo ahaan Duqii Sare ee Reer bin Bajiila ee la oran jiray Jariir, ahaana xaakinkii Xamdaan si uu u la soo hadlo Mucaawiya, markuu ku gacaan-sayray Mucaawiye ergaygii, wuxuu Cali abaabulay ciidan xoogganaa oo dhammaa 80,000 oo dagaalyahan oo sida la sheegay ay ku jireen 400 Muhaajiriin iyo Ansaar ahaa, 70 asxaabi oo ka qeybgalay Goobtii Badar iyo 70 ka qeybgalay dhaartii Xudaybiya. Waxaa ka loo kamid ahaa urur ka koobnaa 300 nin oo kor ka qaybsanaa Qur’aanka (xufaadatul Qur’aan) oo uu hoggaaminaayay Cashtaar. Mucaawiya wuxuu soo abaabulay ciidan dhammaa 120,000 oo nin. Waxay labdii ciidan ku kulmeen daamanka wabiga Furaad meesha la yiraahdo Raqa oo hadda ka tirsan Suuriya bishii Toddobaad 26-28kii, 656 CD. Goobtii Sifiin bay dhacdadaasi taariikhda ku gashay.  Markii is-dilku socday muddo 3 maalmooda, waxaa dhinicii Mucaawiya ka dhintay 45,000 oo nin, dhinicii Calina waxaa ka dhintay ilaa 25,000 oo nin.
Markii arrinku halkaas uu maraayo, baa waxaa la yiri, waxaa kor u qayliyay nin la oran jiray al-Ash ath ibn Qays kana mid ahaa taageerayaashii Cali, Reer Kuufana (Ciraaq) ahaa. Wuxuu kor u yiri ibnu Qays: "Dadyahow muslimka! Waxaad aragteen wixii maalmahaan dhacay, halkaas oo ay ku tirtirmeen dadyow Carabihi. Waxaan da’ ahaan gaaray intii Eebbe ii gartay, waligayna ma arag maalintaan oo kale. Kan joogaa ha gaarsiiyo kan maqan! Haddii aan berri dirirno, waxay noqon doontaa tirtiristii Carabta iyo wixii la dhawri jiray oo luma. Warkaan u ma oran cabsi aan dhimasho ka cabsanaayo ee waxaan ahay nin gaboobay oo u baqaaya dumarka iyo carruurta haddaan berri tirtirnno. Ilaahow, waxaan eegay dadkayga iyo dadka diintayda qofna ma awoodsiin. Guul la ma gaari karo, in Ilaahay ku holansiiyo mooyee. Isagaan cuskanayaa oo isaagaan u noqonayaa. Ra’yigu qalad iyo sax labadaba waa noqon karaa. Marka Eebbe go’aansado arrin, wuu fuliyaa addoomihiisu ha jeclaadeen ama yeysan jeclaane. Sidaasaan iri, waxaana idinka iyo anigaba Eebbe uga baryayaa cafis”.
Sida la wariyey wuxuu ibnu Qays beerqaaday xooggii la safnaa Mucaawiye, waxayna ku yiraahdeen hadalkaasi waa runoo dumarkeenna iyo carruurteenna waxaa u hari Biisandiiniyiin iyo Faaris. Markaas kadib Mucaawiye wuxuu go’aanshay in warmaha afafkooda kitaabbada Qur’aanka lagu duubo oo kor loo taago, taas oo macnaheedu ahaa, aan kitaabka ku kala baxno, waana la yeeloo waxaa la qabtay labo guddi’ oo dhexdhexaadina, kuwaas oo ay kala hoggaaminaayeen Camar ibnu Caas oo ka socday dhinicii Mucaawiye iyo Abu Muuse al-Ashcari. Sida la sheegay wuxuu Cali doonaayey in uu u magacaabo guddigiisa Maalik Cashtaar ama Cabdullaahi bin Cabbaas, laakiin waxaa ka horyimid Qurraa (Qur’aan Akhriyeyaal) oo ku dooday in labadaas nin ay kamid ahaayeen huriyaashii colaadda, sidaas darteedna aysan ku habboonayn dhexdhexaadinta, waana la yeeloo guddigii dhankii Cali waxaa hoggaanshay Abu Muuse al-Shacari.
Waxaa lagu ballamay in go’aankii dhexdhexaadinta looga dhawaaqo kulan lagu qaban doono Dawmatul al-Jandal oo u dhaxeysay Siiriya iyo Kuufa. Intaan la gaarin maalintii go’aanka lagu dhawaaqi lahaa baa Camar ibnu Caas ka dhaadhiciyay Muuse al-Ashcari in labada hoggaamiye laga xayuubiyo khaliifnimada, muslimiintuna doortaan khaliif cusub, arrintaas Muuse wuu oggolaaday. Markii lagu dhawaaqay go’aankii Cali waa diiday. Sida la sheegay sababta Cali u diiday go’aanka waxay ahayd, iyadoo loo arkay in kooxo isaga waabkiisa ka tirsanaa waa Qurraa-dee ay dhaliilsanaayeen khaliif Cali ibnu Abu Daalib (CS), waxayna rumaysnaayeen haddii la nabdo ay dhici karto in loo maxkamadeeyo dilkii Cusmaan bin Cafaan iyo inusan Cali daryeelayn danahooda, sidaas darteedna ay iyagu ku dhiirriyeen magacaabistii Abu Muuse al-Ashcari oo ay u la jeedeen dhagar.
Dagaalkii Sifiin wixii ka dambeeyay, waxay Qurraa-dii samaysteen xisbi u gooniya oo ay u la baxeen Khawaarij ama Goostayaal. Khawaarijtu waxay markii dambe noqdeen urur fogaaday oo ka horyimid hoggaan kasta, wuxuuna Haaruun Rashiid ku dhintay la-dagaallankoodii.
Sannadkii 659 CD wuxuu Cali dagaal ku qaaday Khawaarijtii wuuna jabiyay, hase yeeshee, seddex sano kadib isagoo Cali ku tukanaaya masaajidka Weyn ee Kuufa ayaa waxaa dilay Cabdiraxmaan ibnu Muljam oo Khawaarijta ka tirsanaa, wuxuuna adeegsaday seef sumaysnayd.
Mucaawiye wuxuu is ku fidiyay goobo uusan hore uga talin jiray sida Masar, Yaman iyo meelo kale.

      

Tuesday, June 13, 2017

Boqortooyadii Burburinta Muslimiinta


Ibn Sa'ud




Waxay ku bilaabatay boqortooyada al-Sucuud hoggaaminta qabiil yar oo degganaa Najad qarnigii 18-aad waxaana bilaabay Maxammad bin Sucuud, isagoo markaas hoggaaminaayay magaalada Dirriyaha oo ku tiil aagga Riyaadda maanta. Is la waayahaas buu Maxammad bin Sucuud la galay heshiis is-bahaysiya Maxammad bin Cabdil Wahaab, kaas oo ahaa yagleelihii dariiqada diiniga ee al-Wahaabiya. Labadaas xoog oo is kaashanaayay baa bilaabay olole dagaal sannadihii 1786-dii ilaa 1816-kii, waxayna qabsadeen inta badan dhulka maanta loo yaqaan Sucuudi Carabiya oo ay ku jireen Maka iyo Madiina.
Waayahaas waxaa jirtay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo dhulalka muslimiinta u talin jirtay. Haddaba Suldaan Mustafa IV oo markaas talada hayay ayaa diray labadiisii wiil ee ka la ahaa Tusun Baashaa iyo Ibraahim Baashaa si ay uga hortagaan jabhaddii Sucuud iyo Wahaabiyada, waxayna ku guuleysteen inay burburiyaan awooddoodii sannadkii 1818-kii.
Wuxuu Sucuud taladii ku soo noqday sannadkii 1824-kii, laakiin markaan dambe taladiisu waxay ku koobnayd degaankiisii oo ahaa Gobolka Najad. Si kastaba ha ahaatee, intii ka harsanayd qarnigii 19-aad waxaa dhulkaan Sucuudiya Carabiya hadda la yiraahdo ku dagaallamaay xoogaggii ay hoggaaminaysay qolodii al-Rashiid ee ka soo jeedday magaaladii Haa’il ee gobolkii Najad iyo xoogaggii uu hoggaaminaayay Sucuud. Sannadkii 1891-dii waxay qolodii al-Rashiid ka adkaatay xooggii Sucuud iyo is-bahaysigiisii, waxayna u qaxiyeen dalka hadda la yiraahdo Kuwayd.
Sannadihii 1914-kii ilaa 1918-kii waxaa soconaayay Dagaalkii Weynihii Kowaad ee Adduunka, waxayna xoogaggii Ingiriiska iyo Faransiisku dagaal ba’an ku la jireen Khilaafaddii Islaamka ee Cusmaaniyiinta. Haddaba, xoogaggaas oo adeegsanaayay sarkaal Ingiriisa oo la oran jiray Lawrence of Arabia, waxay bilaabeen dhagar ay isga horkeenayeen Dawladdii Islaamka iyo dadyowgii carbeed. Maadaama barta muslimiintu wada xurmayso ay ahayd Maka, waxay dhagartii ka bilaabeen xaruntaas iyo Asharaaftii maamuli jirtay meelahaas oo uu markaas hoggaaminaayay Shariif Xuseen bin Cali oo Maka fadhigiisu ahaa. Waxaa carab laga dhaadhiciyay inay ka xoraabaan Turkiga oo muddo dheer u talinaayay, samaystaanna hal boqor oo carabiya oo dhan u taliya. Arrintaas carabi waa u guuxday, waxaana la abaabulay ciidammo badan oo hubaysan oo la dagaallama Cusmaaniyiintii. Dhaqdhaqaas waxaa loo yaqaan Kacdoonkii carabta (Arab Revolt). Kacdoonkaasi wuxuu qeyb weyn ku yeeshay jabintii awooddii Muslimiinta ee Cusmaaniyiinta, waxaana nasiib-darro carbeed noqotay dawladiihii reer Yurub ka ma dhabayn ballantii ahayd in carab xorowdo oo hal boqor yeelato, balse waxaa laga dhigay dawlado yaryar oo la wada gumeysto.
Sannadkii 1902-dii buu Cabdilcasiis bin Sucuud ka soo noqday Kuweyd, wuxuuna dagaallo hor leh la galay al-Rashiid, wuxuuna qabsaday Riyaad. Wuxuu sii waday ololahii ilaa uu ka aasaaso 1932-dii Boqortayada Sucuudi Caraabiya ee maanta. Cududdii uu dalka ku qabsaday waxay ahayd xoogaggii Wahaabiyiinta ee ay ka la hoggaaminaayeen Suldaan Bin Baajad al-Cutaybi iyo Faysal al-Duweysh.
Markii hore xoogaggii Sucuudigu way ka gaabsadeen Maka oo uu markaas boqor ka ahaa Shariif Xuseen bin Cali, laakiin Ingiriiskaa sannadkii 1923-kii taageeridii ka la noqday Boqorkii Maka, markii dambana waa lagu duulay Maka iyo boqorkeedii, duullaankaas oo aad u xoogganaa waxaa hoggaaminaayay Khaalid Bin Lu’ay iyo Suldaan Bin Bajaad, wuxuuna colkaasi guulaystay sannadkii 1925-kii. Sannadkii 1927-kii wuxuu Cabdilcasiis is ku magacaabay Boqorkii Xijaas iyo Najad, wuxuuna ka koray jagadii hore ee suldaannimada.
Markii xoogaggii is bahaysatay ku guuleysteen qabsashadii dhulalkii oo ay ku jirtay Makadii la dhowri jiray, waxay damceen xoogaggii Wahaabiyiintu inay sii wadaan ololahadii qabsiga dhulalka Carbeed gaar ahaan, Ciraaq iyo Kuweyd, waxaase ka horyimid Boqor Cabdilcasiis oo ka yaabay in arrintaas uu Ingiriisku ka caroodo. Markaas kadib waxaa dhacday goobtii dagaal ee Sabiilla, halkaas oo si xun loogu jabiyay Wahaabiyiintii.
Sida aan ka garan karno, taariikhdaas kooban ee Boqortooyada Sucuudi Caraabiya waxaa lagu dhisay daadinta dhiiggii muslimiintii ku noolaa Jasiiradda Carabta iyo gaashaanbuursi ay mar walba la lahaayeen xoogaggii duullaanka ku ahaa ummadda islaamka.
Qorshe kasta oo ka soo fula taliskaas, ha ahaado mid siyaasi ama diiniye wuxuu ku salaysan yahay cabburinta ama baabi’inta xoogagga muslimka, waxayna u la jeedaan in qoyskaas awoodda ku haysta dhulkaas dhawrsan ay khatartiisu kaliya ka imaan karto dadka muslimka . Sidaas darteed, waxay mar walba uga kalsoon yihiin dawladaha iyo bulshooyinka muslimka kuwa aan muslimka ahayn.
Maalmahaan, waxaan aragnaa is-bahaysi ay hoggaaminayso Boqortooyada Sucuudiga oo kadhan ah dalka Qatar. Cunaqabaynta dalkaas yar iyo ceejinta tahan-dhaafka, waa dhaqan soojireena, waayo waxay ugu badisaa baabi’inta dadka muslimka.
Soomaaliya: waxay madaxda Soomaaliyeed khilaafka oogan ee uu Sucuudigu abuuray ka istaageen dhinac dhexdhexaada. Go’aankaasi waa midka ugu fiican ee qof damiir leh uu qaadan karo. Hase yeeshee, marka aad ummad hoggaaminayso go’aanka aad qaadanayso waa inuu ku salaysan yahay ka-fiirsasho qoto-dheer, waana in aad tixgelisaa danta guud ee ummadda aad hoggaaminayso. Waa inaad si fiican uga baaraan-degtaa dhibabka uu go’aankaagu u keeni karo dadka aad madaxda u tahay iyo faa’iidooyinka uu keeni karo.
Labada dal ee Sucuudi Carabiya iyo Imaaraadka oo xaqdarro isku bahaystay waxay maanta karaan inay waxyeello baaxad leh u geystaan dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed, horana waa ugu geysteen. Waxaan hubaa inaysan ka gabbanayn tirtiridda magaca Soomaaliyeed oo dhan, hadday dan ka arkaan. Haddaba, waxaa la gudboon madaxda Soomaaliyeed inay muslim-qalatadaas bahalnimadooda ka gaashaantaan, hadday si kale waayaanna iyaga raalli geliyaan, illeen waa tii hore loo yiri:dantaada maqaar eyna, waa loogu seexdaa”.