Thursday, April 11, 2013

Mas-ciideed (hees)

Wiilka:
Muuq-dheer cadceddoo
Markaas soo baxaysiyo
Waxaad tahay man iyo doog
Mareerkoo bislaadiyo
Miraha canab
Mayeygaa cirkiyo
Mooddaa galbeed
Meel uga egeey

Waxaad tahay mas-ciideed
Maarriin dhalaal xiga
 Midabka akhdar-jabiska

Gabadha:
Raggu magaca guud iyo
Magta waa ka siman yahay
Malkada ugu horreysiyo
Waxaad tahay ma-dhaafaan
Muunadkiisa,
Muunays subaxiyo
Maaxda ceelkaba
Meel-meel uga ekow

Garta macallinkeediyo
Waxaad tahay ma-garatada
Maskaxda u jihaysee

Wiilka:
Miyi iyo magaalaba
Inta xiran mar iyo dhixir
Kolley aniga maankay
Marwadoodii baad tahay
Masna dumar
Mullaax qurac iyo
Miidda subag
Meel uga egeey

Waxaad tahay mas-ciideed
Maarriin dhalaal xiga
Midabka akhdar-jabiska

Gabadha:
Maanayaha colaadeed
Maalintii rag kala baxo
Miidaanka geesiga
Waxaad tahay mucda u gala
Ma-baaqdaha
Magoolkii dhirtiyo
Maar uu roob helay
Meel-meel uga ekow

Garta macallinkeediyo
Waxaad tahay ma-garatada
Maskaxda u jihaysee

Wednesday, April 10, 2013

Is Ku Maan Ogeyn (hees)

Waxaan uurka kaa jirin
Afka lagama sheegoo
Afeef kuu horreysiyo 
Adkeysinnimo dambeetaa
Duni lagu itaalaa
Afgobaadsi hadaliyo
Arar wuu ka weynaa
Jacaylkaan abuurniyo
Axdigaannu dhigannee
Mee ololaheennii?

Is ku maan ogeyn
Inaad oofin weydaa
Is ku maan ogeyn
Inaad bixiso aayaha
Is ku maan ogeyn
Inaad arax i goysaa
Iilkiyo xabaashana
Inaad ii horseeddaa
Asaggay iga reebtaa

Istareexday maantoo

Aday kuu ahaatee
Waa adigaan aroosee
Bal aan eegno aayaha!

Ulashada* naftaydaa
Oggolaatay ruuxaan
Asxaan ii galaynoo
Uumiyaha dhammaantiis
Uga soo gaddoomee
In kastood abaaliyo
Ixtiraam ku leedahay
Sida aar libaax bay 
Isha kugu gubaanoo
Aayo ma leh duulkuye

Is ku maan ogeyn

Cilmi uubtii loo qoday
Is ku maan ogeyn
Inaad igu af goysaa
Is ku maan ogeyn
Inaan kala irdhawnaa
Iilkiyo xabaashana 
Inaad ii horseeddaa
Asaggay iga reebtaa

Istareexday maantoo

Aday kuu ahaatee
Waa adigaan aroosee
Bal aan eegno aayaha!

Ammaantaada guud iyo
Quruxdaadan aadka
Ma adkayn karaayee
Sidii ubuxii nuuraay
Wadnahaad abbaartoo
Idilkood haweenkana
Adaan kaa hibaystoo
Qof la aamminaayoo
Xajin kara ammaanoo
Aqli laan ku moodee


Is ku maan ogeyn
Inaad oofin weydaa
Is ku maan ogeyn
Inaad bixiso aayaha
Is ku maan ogeyn
Inaad arax i goysaa
Iilkiyo xabaashana
Inaad ii horseeddaa
Asaggay iga reebtaa

Istareexday maantoo

Aday kuu ahaatee
Waa adigaan aroosee
Bal aan eegno aayaha!

* Ulasho: xulasho





Thursday, April 4, 2013

Seeraynta Badaha


Related imageRelated image

SEERAYNTA BADAHA

Dhul-Biyoodka, ama Dhul-Badeedka, sida lagu qeexay Shirweynihii Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda ee sannadkii 1982dii  waa dildil ama daliig biyo xeebeedka ah oo dheraran ilaa 12 mayl badeed (22 km; 14 mi) ama ka badan (Soomaaliya 200 mayl badeed) taas oo ka kacda diillin-saleedka (aalaa astaan biyood dhexdhexaada) ee dal-xeebeedka. Dhul badeedka waxaa laga dhigay qeyb ka mid ah dhulka dalka madaxa bannaan, in kasta oo maraakiibta shisheeye (ciidan iyo rayid) loo oggol yahay inay dhex maaxaan iyagoon dan gaara ka lahayn dhul-biyoodkaan. Madaxbannaanida dhulkaan waxay fidsan tahay ilaa hawada ka sarreysa daliig-badeeddaan ka midka ah qeybta dalka madaxa bannaan iyo ilaa moolka hoose ee daliigtaas.
Si aan rismi ahayn waxaa oraahda “biyo dhuleedka” marmar loo adeegsadaa si loo tilmaamo aagga biyaha dalku sharci ahaan maamulo, oo uu ku jiro dhul-biyoodka gudaha ah, aagga soohdinta ah, aag dhaqaaleedka gaarka ah iyo dhulka gogol-badeedka ah ama qolof-badeedka ah (waa dhulka soo baxaya haddii biyaha dul ceegaaga la mariyo).
Aalaa, diillin-saleedka waxaa laga cabbiraa diillin biyood hoosaysa oo marta xeebta dalka la rabo in la cabbiro dhul-biyoodkiisa ama dhul-badeedkiisa waxaana lagu muujiyaa diillintaas shax-xeebeed, dalkaas xeebaha leh aqoonsan yahay. Waxay diillintaani dhici kartaa meesha ugu hoosaysa godanka badda, ama waxay noqon kartaa kafogaanta aan xaddidnayn dhul si joogto ah bannaanyaal u ah, iyadoo la rabo in cad ka mid ah dhulkaas ay muuqato marka baddu caarido, marka ay soo buuxsantana qeybtaasi biyaha hoos tagto (sida meelaha dhoobadu fadhidu) wuxuuna ka mid noqonayaa 12ka mayl badeedka ama 200 mayl badeedka ah ee sida joogtada ah bannaanyaalka u ah. Diillimo-saleedyo toos ah waxaa lagu qeexi karaa iyadoo lagu xiriirinaayo jasiirado ku taxan xeebta afka wabiyaasha, ama iyadoo leh tixgelinno kala duwan oo lagu xiriirinaayo afafka qoolaabyada. Arrinkaan markuu sidaan yahay, qoolaab waxaa lagu qeexaa “afmeeritaan si wanaagsan u astaamaysan kaasoo dhexgalkiisu uu la falgelaayo ballaca afkiisa si ay markaas ugu jiraan biyayowga dhulku ku hareeraysan yahay oo u taagan wax ka badan godnaanta xeebta. Si kastaba ha ahaatee, waa inaan afmeeritaanka laga dhigin qoolaab, haddii aan badkiisu uusan u ballaarnayn, ama ka weynayn goobo-lamoodda dhexroorkeedu uu yahay diilllin la mariyay afmeerkaas”. Diillin saleedka maraysa qoolaabka waa inaysan iyadana dhererkeedu ka badan 24 mayl badeed (44 km; 28 mi).
Biyayowga diillin-saleedka ka xiga xagga dhulalka gudaha ah waxaa lagu qeexaa inay yihiin biyayowga gudaha ah oo si dhammaystiran u hoos taga dalka madaxa bannaan, loomana oggola inay cidna dhex marto. Wabiyaasha iyo harooyinka waxaa laga dhigay inay yihiin biyayowga gudaha ah, sidoo kale biyayowga jasiiradaha ee ku siman agagaarka dal-jasiiradeedka sida Indooniishiya, Jabbaan iyo Filibbiin.
Dhul-badeedka dalku wuxuu markii laga soo cabbiro diillin-saleedka,  fidsan yahay ilaa 12 mayl badeed ama 200 mayl badeed. Haddii diillin-saleedkaani ku labanto dhul-badeedka dal kale, soohdinta waxaa laga cabbiraa dhibic dhexdhexaad u ah labadii diillin-saleed ee dalalka, waa haddii aan si kale labadii dal ku heshiin. Waxaa dal kasta jid u leeyahay inuu sheegto dhul-badeed yar.
Waxaa dhaca shaqaaqooyin mar kasta oo qaran xeebeed sheegto gacan biyood dhan iyadoo qarammada kale, kaliya ay aqoosan yihiin qeexitaannada shirweynaha QM (shirweynahaas waa kii Soomaaliya iyo dalal kalaba loogu oggolaaday dhul-biyood dhan 200 mayl badeed). Waxaa tusaale ah, markii Gacanka Sidra dhammaantiis ay sheegatay Liibiya kana dhigtay dhul-biyoodkeeda gaarka ah halkaas oo Dalka Maraykanku labo jeer xoog ku meel mariyay bad-ku-gooshka xorta ah ee gacankaas. Waxay ku beegnaayeen dhacdooyinkaasi sannadihii 1981dii iyo 1989kii.
 Aag-soohdimeedku waa qeyb biyood ka bilaabata geeska u dambeeya dhul badeedka, fidsanna ilaa 24 mayl badeed (44 km; 28 mi) marka laga jimeeyo diillin-saleedka. Dal walba wuxuu ku soo rogi karaa aag-soohdimeedkaas maamul ulajeeddadiisu tahay kahortagga ku-jawrfalayaasha hababkeeda canshuuraha, dhaqaalaheeda, socdaalka ama sharciyada fayodhawrka.
Aag Dhaqaaleedka Gaarka Ah: waxaa laga cabbiraa dhammaadka dhul badeedka wuxuuna fidsan yahay ilaa 200 mayl badeed (370.4 km) , sidaas darteed waxaa ku jira aaggaan, aag-soohdimeedkii. Waxay qaran xeebeedyadu daw u leeyihiin inay maamulaan dhammaan ilo-dhaqaaleedka aaggaan, oo ay ku jiraan kalluumaysiga, macdan-qodashada, sahminta saliidda, iyo waxyeello kasta oo loo gaysto ilahaas. Si kastaba ha ahaatee, qaran-xeebeedku ma diidi karo maritaanka aaggaan iyo ku-hakashadiisa, ama moolka badda, waase haddii la dhawro sharciyada iyo xeerarka dawlad xeebeedka iyo hab-dhaqannada QM. Sannadkii 1982dii, waxay qarammo xeebeedku si garnaqsi leh u fidiyeen biyayow dhuleedkooda iyagoo ku dadaalayay inay maamulaan hawlaha hadda lagu maqoorado aag dhaqaaleedka gaarka ah (the exclusive economic zone), sida ka-sahaminta saliidda moolalka badaha ama xuquuqaha kalluumaysiga.
QeexitaanQolaf Qaaradeedka (continental shelf) ee dalal xeebeedku wuxuu  fidsan yahay ugu yaraan 200 mayl badeed (370 km) iyadoo laga soo cabbiray diillin saleedka bad dhuleedka. Qolof qaaradeedku waa inuusan fidsanaan in ka badan 350 mayl badeed (650 km) marka laga soo beego diillin saleedka.
Qeybta qolof qaaradeedka ka tirsan oo ka rogan 200 oo mayl badeed waxaa loo yaqaan qolof qaaradeedka la fidiyay (extended continental shelf). Dalalka doonaya inay fidiyaan qolof qaaradeedkooda in ka sii rogan 200 mayl badeed waa inay xogta sheegashadooda soo gaarsiiyaan Guddiga Seeraynta Qolof Qaaradeedka (Commission on the Limits of the Continental Shelf). Markaas kadib waa in guddigu talooyin ka bixiyaa arrimaha ku saabsan yagleelidda seerayaasha. Seerayaasha lagu qotomiyay talooyinkaas waxay noqonayaan sharci iyo go’aankii kamadambaysta ahaa ee qolof qaaradeedkooda.


Xuquuqaha qolof qaaradeedka (Rights over the continental shelf):
Qodobbada 77aad ilaa 81aad ayaa qeexa dawyada dal u leeyahay inuu maareeyo qolof qaaradeedkiisa. Qaran xeebeedku wuxuu jid u leeyahay inuu maamusho dhammaan ilo dhaqaaleedyada ku dul sugan ama hoos ugu jira qolof qaaradeedkiisa, ha ahaadeen kuwo nool amase yaysan noolaane, laakiin daw uma lahaa inuu iski u maamusho nolollayda ku dul sugan qolofka ka baxsan aag dhaqaaleedkiisa gaarka ah (exclusive economic zone). Sidaani waxay daw ku siinaysaa dal xeebeedka inuu qolof qaaradeedkiisa shidaal ka qoto ama daadsado xargaha gujisyada quusa.
Laga soo bilaabo qarnigii 18aad ilaa bartamihii qarnigii 20aad, biyo soohdimeedyada Imbaroodooriyaddii Ingiriiska, USA, Faransiis iyo dalal kaloo badan waxay ahaayeen 3 mayl badeed (5.6 km) ballac ahaan. Markii hore, waxaa lagu cabbiri jiray fogaantii madfacii waayahaas, sidaasna waxaa lagu garan jiray qeybta badweynta ee dalka madaxbannaan ay ahayd inuu difaacdo. Si kastaba ha ahaatee, Iceland waxay sheegatay 2 mayl badeed (3.7 km), Norway iyo Sweden waxay sheegteen 4 mayl badeed (7.4 km), iyo Spain oo sheegatay 6 mayl badeed (11 km; 6.9 mi) xilliyadaas.  Xilliyadii ay bilaabmeen tijaabooyinka awoodda nukleerka iyo murannada kalluumaysiga,  dalalka adduunka qaarkood waxay iskood u kordhiyeen sheegashoo-yinkoodii xagga badaha, halkaas oo qaarkood gaarsiiyeen ilaa 50 mayl badeed, qaarna ilaa 200 mayl badeed. Markii la soo gaaray dabayaaqadii qarnigii 20aad waxaa loo batay in la qaayibo 12 mayl badeed. Tusaale ahaan, dalka Ingiriisku wuxuu soohdin badeedkiisa ka qaaday 3 mayl badeed wuxuuna gaarsiiyay 12 mayl badeed (22 km) sannadkii 1987dii.


Sheegashooyinka la sharciyeeyay ee ku aaddan qolof qaaradeedka iyo kalluumaysiga waxaa markii ugu horreysay sameeyay dalka Maraykanka isla markii uu dhammaaday Dagaal Weynihii Labaad ee Dunida. Bishii September 28/dii, 1945tii, ayaa Madaweyne Harry S. Truman soo saaray labo wareegto oo saldhig u noqday maamulka dawladda ee kheyraadka ku jira goobaha ku xiriira jiinka badda. Mid ka mid ah wareegtooyinkaas waxaa cinwaan looga dhigay "Siyaasadda Dalka Maraykanka Ee Ku Beegan Ilo Dhaqaaleedka Dabiiciga ee Ciidda Hoose iyo Gogolka Badda ee Qolof Qaaradeedka",  waxaana tuducii dhaqangelinta lagu xusay:
Xukuumadda dalka Maraykanku waxay qabtaa in ilo dhaqaaleedka dabiiciga ee ciidda hoose iyo gogolka badda ee qolof qaaradeedka ee ka hooseeya badaha sare laakiin xadka la leh xeebaha Maraykana, ay maamul iyo garsoor ahaan hoos imaanayaan Maraykanka
Wareegtadii labaad waxaa cinwaan looga dhigay "Siyaasadda Maraykanka Ee Ku Aaddan Kalluumaysi Xeebeedka Meelaha Qaar ee Badaha Sare",  waxaana lagu xusay tuducii dhaqangelinta:
Xukuumadda Maraykanku waxay qabtaa inay habboon tahay in laga yagleelo aagag dhawrsan badaha sare ee ku xiriira xeebaha dalka Maraykanka, meelahaas oo ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo kalluumaysi ama ka jiri doonaan waayaha soo beegan waana in lagu hayaa dhawris door ah.

Qaranka xeebta lihi wuxuu xaq u leeyahay inuu maamulo biyayowga dalkiisa gudihiisa dhex ceegaaga, si taas in yar ka hoosaysa buu xaq u leeyahay inuu maamulo biyo soohdimeedka. Wuxuu si buuxda ugu jid leeyahay inuu maamulo ilo dhaqaaleedka aag-dhaqaaleedkiisa gaarka ( exclusive economic zone) iyo sidoo kale ilo dhaqaaleedka ku dul sugan ama hoos uga jira qolof qaaradeedkiisa (continental shelf).

Dalalka fedaraalka sida Maraykanku, waxay maamulka biyayowga u qaybiyaan dawladda fedaraalka ama dawladaha uu fedaraalku ka kooban yahay.

Thursday, March 28, 2013

Gacal Iyo Gayaan

Gabadha:
Geeddiga hayaankuba
Goor gaaban adigoo
Guri waayay laga baxay
Iyo ood aad gurataba
Gabbalkiina kuu dhacay
Dhirtaba geed aan la jarin iyo
Ogow lama garaacaan
Go'i waaye inuu jiro

Gar Allee dadkuna qaar
Waa sida gaddaase


Mar haddaynnu nahay gacal
Marna ahay gayaankaa
Gaar ahaanna caashaqu
Guudkaaga igu furay
Garashada xasuusoo
I sii gacan walaalnimo.


Wiilka:
Gudgudaha hillaacuba
Gu' barwaaqo oo da'ay
Godlan yihiin daruuru
Iyo dirir aan gaaggixin

Goglan tahayy xareedduna
Dhulkaba meel gawaanoo
Ogow geedo soo bixin
Go'i waaye inuu jiro

Gar Allee dadkuna qaar
Waa sida gaddaase
Gasariira ha noqonine


Mar ineynnu nahay gacal
Marna tahay gayaankay
Labadaaba garansani
Kuse guursan maayee
Ka saar niyadda ha gelin.


Gabadha:
Marti goor xun socotaa
Gurigaaga oo maran

Adigoon gasiin heyn
Iyo gaabanow ari
Geeluna irmaanayn
Dadkaba gobol aan la qadiniyo
Ogow gibil-ma-daadshaha

Loo-gawracaa jira
Ha gafine ujeeddadu
Waa sida gaddaydee


Mar haddaynnu nahay gacal
Marna ahay gayaankaa
Gaar ahaanna caashaqu
Guudkaaga igu furay
Garashada xasuusoo
I sii gacan walaalnimo.


Wiilka:
Hadalkeenna googgaa
Cadale ha galinine

Aniguba gantaallo
Haddii ay ku gaareen
Gacan baan ku siin laa
Galladda iyo nasiibkuna
Ogow gaadmo iyo orod
Midna laguma gaaree
Gar Allee dadkuna qaar
Waa sida gaddaase
Gasariira ha noqonine


Mar inaynnu nahay gacal
Marna tahay gayaankay
Labadaba garansani
Kuse guursan maayee
Ka saar niyadda ha gelin


Erayada:
1- Hayaan: Geeddi dheer oo nasasho ahaan hal meel ama dhawr meelood lagu sii hakado.
2- Gayaan: qof aad sharci ahaan iyo dhaqan ahaanba guursan karto.
3- Guud: sare; kor; halka madaxa ugu sarraysa
4- Gudgude: roobka habaynkii da'a
5- Dirir: xiddig if weyn oo xiddigaha naafaha la yiraahdo ka mid ah oo u dhexeeya dirir-day iyo garbo.
6- Gaaggixin: neef inta marka hore godlada, haddana wax qoonsada oo godolkii ka ba'o.
7- Gawaan: dibir; didib; digdigo.
8- Gasiin: Dhuuni; cunno; quud; dheef.
9- Gobol: qeyb; in
10- Gibil-ma-daadshe: gurgur; hayin; awr muddo la raranaayay oo xoog iyo dulqaad yeeshay. Gibil waa rarka ama xaamada/xammuulka, ma-daadshana macnuhu waa u-dul-qaate. 
11- Googgaa: furaha hadal gaaban oo hal-xiraale ah.
12- Cadale: furaha jawaabta hal-xiraalaha lagu bilaabo googgaa?
13- Gallad: abaal; deeq; liibaan; mahad.
14- Gasariira: aan nixin sida dadka ku dhasha oo ku ababa meelaha colaadaha iyo dhibabka kale ku badan yihiin oo isu roga dad naxdintii iyo naxariistiiba ka guureen.



Thursday, March 21, 2013

Doqoneey Dabkaa Ba'


Illeyn doqoni
Deyr ka ma kacdee
Daamankay meermisaa
Docday kaa jirtaa bay
Dhaxani kaa dishaaye
Ma diirsado walaalkeed
Intay dunida joogtee
Doqoneey dabkaa ba'

Da'deedoo hawl

U darbban bay huruddaa
Hoygeeda oo aan diidin
Bay daayacdaa
Dawarsi iyo tuugsashay
Ka doorataaye ma dad baa?
Doqoneey dabkaa ba'


Illeyn doqoni
Dayr ka ma kacdee
Daamankay meermeerisaa
Ruux daga ma weydee

Dabin ka ma fogaatee
Markay galaq tiraahday
Ilmada daadisaaye
Doqoneey dabkaa ba'


Xarigga labo dibleynayay soohataa
Dabarka lagu xirahayaa loo diraa
Daleedahay sidaa
Ka doorataaye ma dad baa?

Ma taqaanno dawgoo
Dabool baa ka saarane
Dareen ma laha garan kara
Arrimaha danteedee
Doqoneey dabkaa ba'!


Tacliinta oo loo dareeray
Bay dacal martaa
Daruustoo la qaadan sahashataa
Jaahilnimay ku daa'intaaye, ma dad baa?
Doqoneey doqoneey dabkaa ba’!

Thursday, March 7, 2013

Daymada Ilqabadka Le (hees)


Wiilka:
Qormo roob helayoo
Oo qanidoo
Ee xareeddu qarisaad
Qamareey quruxdeeda leedee
Qalbi-jire ilaahaay
In qanjirini le'eg tahay
Kaama uunan qadinine
Markaan Qamar ku eegaba
Qamuunyaan i lagaddee

Qortaada dheeree
Lagu qoray cabbaadhyada
Markii aad xaggayga
U soo qalloocisaaba
Ma liqdaa i qabatee

Gabadha:
Qorraxdoo aroortii
Qaar la soo baxdoo
Aan caadku qarin baad
Qummanoow,
Qaabaddeeda leedee
Nebi Yuusuf quruxdii
Qaadirkeennu siiyaad
Adna qeyb ka wadataayoo
Qeyrkaa ku dhaaftee
Haddaan qado anfaaciga
Adaan kugu qaboobaa

Marka aad qun u dhaqaaqdee
Tillaabada aad qaaddee
Deymada il-qabadka le
I qooransataa bay
Qososhaa naftayduye

Wiilka:
Labadaada qaariyo
Dhexdoo qabashadeeda
Geenyo qayrabahoo
Loo qaaday heensaha
Qotonkeeda leedee
Dayax qadimmadiisii
Aan caadku qariniyo
Cirkoo sagal ku qeydmiyo
Qureeshtii haweenkaay
Qadow geed ku yaaliyo
Qawdhihii magoolaay

Qoortaada dheeree
Lagu qoray cabbaadhyada
Markii aad xaggayga
U soo qalloocisaba
Ma liqdaa i qabatee

Gabadha:
Wax aan kugu qiyaaso
Ama kugu qaddariyo
Qabri hoosee mooyee
Qummanoow,
Qarnigaba ma noolee
Qadaf ku hadli maayee
Ammaantaan kuu qiray
Waad midaan u qalantoo
Qaayo aad ka gaadhee
Wax ilaahaay kuu qoray
Lagaa qaadi maayee

Marka aad qun u dhaqaaqdee
Tillaabada aad qaaddee
Daymada il-qabadka le
I qoraansataa bay
Qososhaa naftayduye

Kii Dhaba Jacaylkuna..(hees)

Dhirta xididka hoosaa
Dhulka loogu beeree
Waa dhici lahaayeene
Dhismahooda weeyee

Kii dhaba jacaylkuna
Halkii kama dhaqaaqoo
Dhidib baa u aasan

Waa sida dhillow-yahan
Intuu laan isaga dhagay
Dhexda loogu marayoo
Dhoqso uga baxayee

Kii dhaba jacaylkuna
Lama kala dhantaaloo
Lafuhuu dhammeeyaa

Sida dhudaha weeyaan
Isu dheellitiranoo
Mid ba dhan u baxaysoo
Dhinaca isa saaree

Kii dhaba Jacaylkuna
Waa dhaqan-wadaag iyo
Isu dhaarasho daacada

Sida dhalanka weeyaan
Dheehaa caleentee
Ubax wada dhalaaliyo
Dhinbishaa haraysee

Kol hadduu dhulman yahay
Kala dhuuman maynee
Waagaa dharaar noqon

Kii dhaba jacaylkuna
Lama kala dhantaaloo
Lafuhuu dhammeeyaa

Erayada:
1- Dhidib: Tigin; qori dhulka lagu aaso si wax loogu xiro (sida teendhada oo kale).
2- Dhillow-yahan: Qadow; waa dhir dhirta kale ka dul baxda.
3- Dhudaha: miiq; dun ama samays kale oo inta la sooho xarig iwm laga sameeyo.
4- Dhalanka: alaalo; waa caws waaweyn oo dheeraada.
5- Dhulman: bacool; waa laba qalbac oo aad u kakan (adag) oo naflayda badda qaarkeed ku dhex nooshahay. 
6- Dhinbil: abqo; dhaameel.