Friday, June 22, 2012

Boqortooyadii Ajuuraanka (AJURAN DYNASTY)

                                                        Image result for ajuran sultanate


Waxaa qarnigii 13aad ilaa kii 17aad qeybo badan oo degallada Soomaalida ka mid ah ka jiri jirtay dawlad itaal iyo waxtarba lahayd. Dawladdaas waxaa loogu yeeri jiray Dawladdii Ajuuraanka. Madaxtooyada dawladdaas waxaa la oran jiray Aqalkii Gareen, waxaana xubnihii madaxnimada ka mid ahaa; Ajuuraan Gareen, Arliqo Gareen, Sarjeelle Gareen, Faadumo Gareen, iyo Umur Gareen. Markii hore waxay dawladdaasi ka samaysantay dhulka Soomaali Galbeed. Sida ay Ajuuraanku rumaysnaayeen waxaa boqortooyadii Gareenka u rogay mid islaami ah Waligii Baalcad oo isagu ku soo biiray boqortooyadii Ajuuraanka. Markii la soo gaaray qarnigii 14aad ayay ku soo fidday taladii Ajuuraank dhulalka koonfureed ee Soomaaliya. Magaalooyinkii ay xarumaha ku lahayd waxaa ka mid ahaa; Mareeg, Qallaafo, Hobyo, iyo Marka. Waxay dawladdaasi u dhisnayd sidaan:
-        Imaam: madaxa u sarreeya xukuumadda.
-        Amiir: hoggaamiyaha ciidammada.
-        Naa’ibbo: guddoomiyaasha gobollada.
-        Wasiir: U-qeybsanaha canshuuraha iyo dakhliga guud
-        Qaaddiyo: guddoomiyaasha maxkamadaha

Taladii Ajuuraanku waxay meelmar ka dhex noqotay bulshoweyntii reer guuraaga ahayd. Waxaa fududeeyay maamulka raacatada ceelal-biyoodkii ay talisyadii Ajuuraanku horumariyeen gacantana ku hayeen, iskaashiyadii talisyadu la sameeyeen hoggaammo dhaqmeedyadii tolalka. Sidoo kale waxay talisyadii horumariyeen hababkii waraabinta dhul-beereedyada, iyagoo sameeyay biyo-mareennada maanta loo yaqaan kelliyo. Waxay kaloo talisyadii Ajuuraanku sameeyeen hab ay ku xoojinaayeen xukunkooda sida; iskaashiyadii ay la sameeyeen madaxdii qeybaha bulshada iyo magaalooyinka. Waxaa tusaale fiican u ah arrinkaas kii ay la sameeyeen Saldanaddii Mudafar ee Muqdishow. In kastoo hoggaanka sare ee dalku ahaa Aqalkii Gareen, haddana qeybaha kale duwan ee dalku waxay lahaayeen xukun hooseedyo awood lahaa.

Waxaa kaloo jiray hab-bulsheed la xiriiray xagga guurka oo ay soo rogeen talisyadii Ajuuraanku. Si ay awood ugu dhex yeeshaan qeybaha doorka ah ee bulshada bay soo rogeen guur si xooggan loo dhiirrin jiray (Jus Primae Noctis) ama xididnimo dhex marta iyaga iyo dhinacyadii ay u arkayeen muhim ama lahaa itaal loo baxsan karo, waxaana la helayaa madax-dhaqmeedyo xagga hooyada uga aroora Ajuuraanka. Waxay ku sii xoojin jireen xididnimadaas yarad gaaraayay ilaa 100 halaad oo waayahaas ahayd hanti ballaaran.   

Waxay Ajuuraanku horumariyeen sida wax loo dhiso iyo sida xiddigaha loogu kaashado socdaallada. Waxay kor u qaadeen damaashaadyada, waxayna dhaqanka ku soo kordhiyeen ciyaarta istunka loo yaqaan. Waxay horumariyeen sida dhagaxa iyo looxa loo xardho oo ilaa maanta la arki karo masaajidyo, guryo iyo agabyo kale duwan oo waayahaas la xardhay. Waxaa miyi iyo magaalaba ka hirgalay wax-xararka oo ahayd aqoon hanaqaadday xilliyadii Ajuuraanka.  

Hannaannadii kaloo ay adeegsadeen talisyadii Ajuuraanku waxaa ka mid ahaa, iyagoo xubnaha ciidammada qalabka sidaa ay ahaayeen kuwo aan daacad u ahayn hab qoleedka Soomaaliyeed, waxayna ahaayeen ciidammo ka madaxbannaan tolalka Soomaalida oo loollan siyaasadeed ka imaan karay. Sidaas darteed, waxaa ku xoogganaa ciidanka xubno la soo kiraystay iyo kuwo hababkii addoonsiga ku yimid. Ciidammadaas markii hore waxay ku hubaysnaan jireen hubabkii dagaalka ee Soomaalida lagu yiqiin sida waran, gaashaan, qaanso iyo toorreey, waxaase mararkii dambe lagu hubeeyay qoryihii loo yiqiin Muskeeti iyo madaafiic oo ay ka heleen Imbaraadooriyaddii Cusmaaniyiinta. Waxaa ka mid ahaa ciidammadaas cutubyo ciidanka badda ah oo awood u lahaa difaaca xeebaha iyo danaha ganacsiga ee dhulalkii Imaaraddii Ajuuraanka. Waxay ahayd dawlad siyaasado meelmar noqday ka hirgelisay dhulalkii Soomaalida oo ay ka talinaysay. Waxay si xirrb leh ugu tiirsanayd; cudud ciidan, waxsoosaar, ganacsi iyo iskaashiyo. .

Waxay Ajuuraanku si xooggan u horumariyeen awooddii badda ee dalka, xag ciidan iyo xag ganacsi labadaba. Waxaana safarradu galaabixi jireen marsooyinka Soomaaliya, iyadoo waxdhoofintu gaartay meel aad u sarraysa. Dhanka kale, intii ay talada hayeen Ajuuraanku waxay diinta islaanku si weyn ugu dhex fidday dadyowga Bariga Afrika.
Waxaa Dawladdii Ajuuraanka colaado uga furnaayeen dhanka koonfuureed. Colaaddaas waxaa keenaysay qawmiyadda Orommada oo waayahaas ku jirtay isfidinteedii weynayd. Waxay dawladdii Ajuuraanku Orommada ka horgeysay awood ciidan oo lixaad leh waxayna la gashay dagaallo xooggan. Dagaalladaas oo la yaqaan Dagaalladii Gaala Madowda, waxay sababeen in Orommadu joojiso isfidinteedii dhanka dhulalka Soomaalida, waxayse isu fidisay dhankii Xabashida iyo dalcadaha sare ee Itoobiyada maanta.

Dagaalladii Ajuuraanka iyo Bortuqiiska
Waaga la yiraahdo Waagii Waxhelista ee Yurub dawladdii markaas ugu itaal roonayd Yurub ee Bortuqiisku waxay si aada u danaysay xeebaha Bariga Afrika oo waayahaas aad u horumarsanaa. Magaalo dawleedyadii koonfur bari ee Kilwa, Mombasa, Maalindi, Baati (Pate) iyo Laamu ee barwaaqaysnaa waxaa si daran u bililiqaystay Bortuqiiska. Markuu ku guulaystay hanashada dhulalkaas buu burcadkii Tristão da Cunha damac ka galay dhulalkii Dawladdii Ajuuraanka. Wuxuuna Bortuqiisku weerar culus ku soo qaaday Baraawe. Markii dagaalku socday muddo dheerna colkii soo duulay magaaladii waa bililiqaystay waana gubay. In kasta oo uu Bortuqiisku dhibaato weyn u geystay Baraawe haddana waxaa u suurtoobi wayday inay si joogto ah u haystaan loollammadii adkaa oo laga horgeeyay awgood. Dadkii magaalada oo u qaxay dhulalka gudaha ah waxay ku soo noqdeen magaaladii dib bayna u cifteen. Baraawe kadib, wuxuu Tristão u shiraacday dhanka Muqdishow oo markaas ahayd magaalada ugu hormarsan Bariga Afrika.. Waxaase reer gurigii dalka iyo dawladdiisii si xooggan isugu diyaariyeen difaacii Muqdishow. Waxaa la diyaariyay maraakiib dagaal oo badan, dagaalyahanna fardooley ah oo lixaad leh iyo ciidammada lugta oo diigaanyo ah. Tristão oo horay ugu dhaawacmay Baraawe wuxuu damcay inuu naftiisa ku biimeeyo Muqdishowdii difaaca adkaysatay waxaase si xooggan uga horyimid saraakiishiisii iyo askartiisii wuxuuna markaas kadib, foolka siin waayay Xamar wuxuuna aaday dhanka Suqaddara.
Tobannaankii sanoo xigay waxaa xiisaddu ka dhex oognayd Soomaalida iyo Bortuqiiska. Markay badatay ilaaqdii badmaaxdii Soomaaliyeed iyo kuwii Cusmaaniyiinta oo dhinac ah iyo kuwii Bortuqiiska, waxay tan dambe Muqdishow u soo duntay col lixaad leh oo uu hoggaaminaayay Joao de Sepulveda, wuuse guuldarraystay gulufkaasi. Iskaashigii Soomaalida iyo Cusmaaniyiintu wuxuu gaaray meeshii ugu sarraysay sannadkii 1580kii. Waagaas baa magaalooyinka xeebaha ee uu u talinaayay Aqalkii Gareenku ka murugoodeen dhibaatooyinkii baaxadda lahaa oo uu Bortuqiisku ku hayay dadyowgii muslinka ahaa ee xeebaha Bariga Afrika. Wuxuu markaas taliskii Ajuuraanku u diray ergo Imbaraadooriyaddii Cusmaaniyiinta oo mar walba iskaashi ka dhexeyn jiray. Waxaa markaas kadib weerarro ku qaaday xeebihii Bortuqiisku gumaysanaaya ee Bariga Afrika raxan maraakiib dagaal ah oo Cusmaaniyiintu lahaayeen oo uu hoggaaminaayay Cali Bey iyo raxan xooggan oo Soomaalidu lahayd. Waxaa isbahaysigaasi awooday inuu ka cayriyo Bortuqiiska magaalooyin door ahaa sida  Baati, Mombasa iyo Kilwa. Waxaase Bortuqiisku qeylodhaan u dirsaday xagga Hindiga oo uu awood ku lahaa. Halkaas baa laga soo diray raxanno maraakiib dagaal ah oo aad iyo aad u xoogganaa, kuwaan oo awooday inay dib u ceshadaan magaalooyinkii hore looga qabsaday, madaxdii ka talinaysayna ciqaabaan. Intii u dhexeysay qarnigii 16aad ilaa kii 17aad waxay madaxdii Ajuuraanka ee kale dambaysay ka maagteen inay u dabcaan habkii kali-lahaanshaha dhaqaalaha ee Bortuqiisku ku soo rogay Badweynta Hindiga. Waxayna madaxdaasi samaysteen lacago iyaga gooni u ahaa, iyagoo la loollamaayay tii Bortuqiiska.
Sannadkii 1660kii waxaa Mambaasa ku hareereeyay Bortuqiiska ciiddammo badeed lixaad lahaa oo Soomaali iyo Cummaaniyiin isugu jiray, halkaas oo Bortuqiisku isu dhiibay isbahaysigaas. Awooddii ciidanka badda Soomaaliyeed oo waayo gaamur ahayd waxay la burburtay burburkii Dawladdii Ajuuraanka.
  Imaaraddii Ajuuraanku waxay taagdarraysay dabayaaqadii qarnigii 17aad. Waxyaalaha sababay burburkeedii waxaa ka mid ahaa; Saldanadii Mudafar ee Muqdishow oo aad muhim u ahayd baa waxaa afgambiyay xoogag ka tirsanaa Tolka Hirbaab ee Hawiye, waxayna xoogaggaasi baabi'iyeen hababkii ismaamulka iyo horumarka. Waxaa kaloo jirtay in boqortooyadii Silciska oo gacansaar la lahayd Ajuuraanka uu jabiyay nin abbaanduule markii hore u ahaan jiray Imaaraddii Ajuuraanka oo la oran jiray Ibraahim Adeer. Waxaa markaas sii xoogaystay kacdoommadii kadhanka ahaa Maamulladii Ajuuraanka. Si isdabajoog ah bay Ajuuraankii ku lumiyeen magaalooyinkii iyo dhul-beereedyadii doorka ahaa.

Tixraacyo:
1.   ^ I.M. Lewis, A modern history of Somalia: nation and state in the Horn of Africa, 2nd edition, revised, illustrated, (Westview Press: 1988), p.24.
2.   ^ Virginia Luling, Somali Sultanate: the Geledi city-state over 150 years, p. 17
3.   ^ Luc Cambrézy, Populations réfugiées: de l'exil au retour, p.316
4.   ^ Mohamed Haji Mukhtar, "The Emergence and Role of Political Parties in the Inter- River Region of Somalia from 1947–1960, Ufahamu: Volume 17, p.98
5.   ^ Shaping of Somali Society pg 101
6.   ^ Horn and Crescent: Cultural Change and Traditional Islam on the East African Coast, 800–1900 (African Studies) by Pouwels Randall L – pg 15
7.   ^ Mohamed Haji Muktar, Historical Dictionary of Somalia,The Scarecrow Press 2003, p.35
8.   ^ Lee Cassanelli pg.149
9.   ^ Journal of African History pg.50 by John Donnelly Fage and Roland Anthony Oliver
10.              ^ Da Gama's First Voyage pg.88
11.              ^ East Africa and its Invaders pg.38
12.              ^ Gujarat and the Trade of East Africa pg.35
13.              ^ The return of Cosmopolitan Capital:Globalization, the State and War pg.22
14.              ^ The Arabian Seas: The Indian Ocean World of the Seventeenth Century By R. J. Barendse
15.              ^ Gujarat and the Trade of East Africa pg.30
16.              ^ Chinese Porcelain Marks from Coastal Sites in Kenya: aspects of trade in the Indian Ocean, XIV-XIX centuries. Oxford: British Archaeological Reports, 1978 pg 2
17.              ^ East Africa and its Invaders pg.37
18.              ^ Gujarat and the Trade of East Africa pg.45
19.              ^ Culture and customs of Somalia By Mohamed Diriye Abdullahi pg 97
20.              ^ Somali Sultanate pg18
21.              ^ The origins and development of Mogadishu pg. 34 by Ahmed Dueleh Jama
22.              ^ Somali Sultanate -Virginia Luling pg18
23.              a b Lee Cassanelli pg.90
24.              ^ Lee Cassanelli pg.104
25.              ^ Portuguese Rule and Spanish crown in S.A pg.29
26.              ^ Lee Cassanelli pg.92
27.              ^ Portuguese Rule and Spanish crown in S.A pg.25
28.              ^ Maritime Discovery: A History of Nautical Exploration from the Earliest Times pg 198
29.              ^ The History of the Portuguese, During the Reign of Emmanuel pg.287
30.              ^ Tanzania notes and records: the journal of the Tanzania Society pg 76
31.              ^ The Portuguese period in East Africa – Page 112
32.              ^ Portuguese rule and Spanish crown in South Africa, 1581–1640 – Page 25
33.              ^ Four centuries of Swahili verse: a literary history and anthology – Page 11
34.              ^ COINS FROM MOGADISHU, c. 1300 to c. 1700 by G. S. P. Freeman-Grenville pg 36
35.              ^ Lee Cassanelli pg.114
36.              ^ Cerulli, Somalia 1: 65–67
37.              ^ I.M. Lewis, The modern history of Somaliland: from nation to state, (Weidenfeld & Nicolson: 1965), p. 37

Friday, June 15, 2012

XIKMADDU WAA DAAWADA RUUXA




XIKMADU WAA DAAWADA RUUXA

Qofku wuxuu ka sameysan yahay labo qeybood; qalfoof ama jir iyo ruux. Qalfoofka, sarduubka ama jirku waa kan la arko lana taaban karo oo leh culeys uu cufjiidka dhulku ku dul hayo meerahaan loo yaqaan dhul. Qalfoofku wuxuu ka kooban yahay curiyaal aasaas u ah jiritaankiisa sida; Okasajiin (O), Dhuxul (C), Haydrojiin (H) iyo Naytrojiin (N). waxaa kaloo jira curiyaal kaloo badan oo lama huraan u ah noolaanta jirka sida; Milix (Na), Sinki (Zn), Botaasiyuum (K), Kaalshiyuum (CA), Magniisiyuum (Mg), Foosphooros (p), Salfar (S), Kaloriin (Ci), Bir (Fe) iyo kuwo kaloo badan oo raadadkoodu ku yar yihiin jirka. Sida la og yahay jirka qofka waa in si joogta ah loo siiyo waxyaalaha uu u baahan yahay oo uu ka heli karo cunno iwm. Qeybta ruuxa wax badan laga ma yaqaan waase awoodda qalfoofka wadda, waxaana la leeyahay way ka madaxbannaan tahay xeerarka cufjiidka. Sida jirka uu quudin ugu baahan yahay bay arwaaxuna “the souls” ugu baahan yihiin in la dheefiyo, waxaana ka mid ah dheefta garaadka ama xikmadda.
Waxaan hoos ku taxnay oraaho aan ka soo afrognay qoraallo-xikmadeed la aruuriyay sida tii Confucius (551- 479 BCE). Ninkaas oo Shiinaha u dhashay wuxuu ahaa aqoonyahan halabuuraa ah wuxuuna gundhigay dugsiga Shiinaha ee fakarka waxaana lagu kaydiyay garaadkiisii qoraallo loogu yeero Lunyu ama Analects.

* Aamusku xikamadduu ka mid yahay, dadkase in yar baa sameysa…..Luqmaan Al-Alxakiim
*Halyeeygu ku ma walaaco marka dadku tixgelin waayo kartidiisa iyo waxgalnimadiisa.

*Qofka gobta ahi ma daneeyo aqoonta dadku isaga u leeyahay. Wuxuu aad uga yaabaa inuu garan waayo sidii uu u ahaan lahaa qof goba oo lagu daydo.  

*Qofka waxgaradka ahi ka ma xumaado inay kuwa kale garan waayaan; ee wuxuu ka xumaada karti la’aantiisa.
*Soo minguurso fikradihii waayihii hore lana meelmari fikradaha cusub. Waxaa laga yaabaa inaad noqoto baraha dadka e.
*Waa u fulaynimo anshaxa inaad la kulanto arrin xaq ah oo aad ka tagto adoon wax ka qaban.
*Qofka gobta ah maankiisu wuxuu xasillooni ka helaa samaha wuuna u hanqaltaagaa.
*Kii yaqaanna xikmad la ma sinna kan jecel; kii jecel xikmaddana la ma sinna kan ka hela ku-dhaqankeeda, dhadhan fiican.
*Qofka gobta ahi wuxuu isku dayaa inuu anshigiisa ka fogeeyo dhammaan raadadka gacan-ka-hadalka iyo kibirka, falalkiisana ka saaro daacadnimo-la’aanta, hadalkiisana ka nadiifiyo edabdarroo idil iyo waxyaalaha aan habboonayn.
*Haddii mid leeyahay dhinacyo fiicnaantooda lala yaabo oo haddana yahay kibirrow xumaale ah, dhinacyadiisa fiican ma mudna in la xuso.
*Waa dhaqanka qofka gobta ah inuu doorbido inuu qariyo samahiisa maalin walbana samahaasi waa soo muuqdaa, halka qofka gunta ah uu raadsho caannimo maalin walbana falalkiisu wax bay sii halleeyaan.
*Qofku waa jirran yahay haddii uusan dhanka samaha horumar ka sameyn, uusan wax cusub baran, uu ka waantoobi waayo dhaqammada xunxun oo uu saxi waayo gefafkiisa.
*Maxaad ka oran laheyd qofka ay jecel yihiin dhammaan dadka wanaagsan ee dariskiisa ah oo ay neceb yihiin dhammaan dadka xunxun oo dariskiisa ah?
*Miyuusan aheyn gob kan dhaawaca ku magdhaba naxariis oo naxariistana ku magdhaba naxariis kale?
*Qofka gobta ah naftiisuu wax badan ka goobaa; qofka xunna kuwa kaluu wax badan ka goobaa.
*Qofka gobta ahi wuxuu tixgeliyaa mabaadi’da; mana aha kaliya inuu yahay runlow.
*Markay tahay u adeegga dalkiisa, qofka gobta ahi wuxuu ka hormariyaa dheeftiisa waajibka dalka.
*Waa wax xun in maalinta oo dhan wax la cuno oo aan maskaxdana la quudin.
*Khaladaadka qofka weyn waxaa la barbar dhigi karaa qorrax-madoobaadka ay dayaxa iyo gabbashu isku aadaan oo uu qof walba arko. Laakiin marka uu qofkaas weyni dib-u-habayn sameeyo dadku qaddarin awgeed isaguu ku dhaygagaa.
***********************************************
*Nacasku wuxuu weyddiiyaa hal saac gudahood su’aalo badan oo ku qaadanaysa kan garaadka lihi inuu kaga jawaabo hal sano.
*Qofka dhinta waxaa loo baroordiiqaa toddoba maalmood, nacaskana intuu nool yahay oo idil.
*Doqonku isagaa is jaajuusa.
*Doqonku wuxuu muujyaa xanaaqiisa isla markiiba, qofka aragtida fogna dheg uma jalqiyo cayda.
*Doqonka aamuska ku dadaala waxaa lagu tiriyaa waxgaradka.
*Haddaad u goobeyso xikmadda sumcad, qof walba la heshii.
*Doqonku roob la’aan buu kobcaa.
*Ma aha in qof walba oo ku dangiigsada kursiga sharafta uu yahay madax.
*U dir doqonka inuu daaqadaha guriga xiro waxaad arki doontaa asagoo daaqaadaha magaaladoo dhan xirxiraye.
*Doqon suuqa u dir doqon uun baa soo noqon doonee.
*Qofka rajadu xoog bay siisaa, macnase uma sameyso.
*Madaxa oo shaqeyn waaya waa u dareen xun lugaha.
*Markay calooshu maran tahay, maskaxduna waa maran tahay.
*Dadka qaar waa sida kabaha cusub oo kale, markay yihiin kuwa jaban cod dheer bay ku sharqamaan.
*Doqonba doqonka kaluu khabiir ku yahay.
*Masku u ma qalmo naxariis.
*Qaar badan baa ka cawda muuqaalkooda, mase jiraan kuwa ka cawda maskaxahooda.
*Qofka garaadka leh hadduu maqlo weer kaliya wuxuu fahmaa labo.
*Qofka garaadka lihi wuu ogyahay wuxuu yiraahdo; doqonkuse wuxuu yiraahdaa wuxuu og yahay.
*Waxaa roon inaad toban jeer su’aasho intaad hal mid ah ku lumi laheyd.
*Midkii aan wax weyddiin karin ma noolaan karo.
*Marka uu nin garaad lihi la hadlo doqon, labo doqon baa wada hadlaysa.
*Cadaabta lala wadaago waxgarad baa ka roon janno doqon lala wadaago.
*Hadalku wuxuu ku yimaadaa abuurriin, aamuskunka garaad.
*Haddii hadalku hal shilin joogo; aamuskuna labuu joogaa.
*In badan hadal waxaad ka warramaysaa waa naftaadee.
*U gadood in badan inaad saxan tahay, aad ahaatid mid khaldane.
*Aamuskuba waa hadal.
*Iska jir biyo fadhiya, ey fadhiya, iyo cadow fadhiya.
*Ninka garaadka lihi, xitaa markuu xajiyo carrabkiisa, wuxuu yiraahdaa wax ka badan intuu nacaska hadlaa yiraahdo.
*Hal garashoo horudhacoo wanaagsan waxay la mid tahay labo garashoo gadaaldhaca.
*Erayada waa in la miisaamaa, maahan in la tiriyo.
*Erayadu waxay muujiyaan garashada qofka, falalkiisuna nuxurkiisa.



Friday, June 8, 2012

YAA HOGGAAMIYE NOQON KARA?


YAA HOGGAAMIYE NOQON KARA?

Guud ahaan qeexidda hoggaaminta waa lagu kale geddisan yahay oo waxaa jira aragtiyo kale jaada oo lagu saleeyo. Dhanka islaamka waxay hoggaamintu ku uruursan tahay erayga Khilaafa oo loo tarjumi karo kaga-dambeyn ama talada ummadda islaanka kaga dambeeyay nabi Maxammad (NNKH). Qeybta sunniga ah ee islaanku waxay qabtaa in qofka Khaliifka noqonaya, waa hoggaamiyahee uu dadku soo doorto ama kuwa matalaya dadka (Majlis Al-Shuura) ay soo doortaan.

Qeybta shiicadu waxay qabtaa in hoggaamiyuhu noqdo qof ka mida Ahlul-bayd oo ah qof ka soo jeeda qoyskii nabi Maxammad (NNKH).  Sidaas darteed, tan iyo intii uu geeriyooday nabigu, marka laga reebo 4tii khaliif ee ugu horreeyay, waxaa ka abuurmay dunida islaamka saldanado loogu yeeray khilaafah. Waxaa saldanadahaas ugu door roonaa: Al-ummawiyah (qarnigii 7aad ilaa kii 8aad), Al-cabbaasiyah (qarnigii 8aad ilaa kii 13aad), Al-cusmaaniyah (qarnigii 15aad ilaa qarnigii 20aad).

Si kastoo oo ay aragtida hoggaamintu ku salaysan tahay waxaa jira sifooyin lama huraana oo laga rabo qofka hoggaamiyaha ah, waxaana ka soo qaadaynnaa tobankaan qodob:


1-Waa inuu leeyahay aragti: h/yihu waa inuu muujiyaa halka uu u jeedo iyo sida uu ku gaarayo. Waa inuu arkaa malluugga yoolka uu beegsanaayo, isla markaana uu hadoodilaa qorshuhuu yoolkaas ku gaari lahaa.


2-Go’aan-qaadasho: Waa in h/yihu uu qaadan karaa go’aan adag. Waa inuu yahay mid ku kalsoon naftiisa iyo kartidiisa. Waana inuu ogaadaa in go’aan la’aantu dayacayso fursadaha iyo ilaha horumarka.


3-Khatar-u-Bareeris: Hogaamiyihu waa inuu u bareeri karaa qaadashada hawlgallada aan la hubin natiijadooda, leeyahayna geesinimmada uu ku wajihi karo fashilaadda.


4-Boorrinta dadka kale; Waa in h/yihu aragtidiisa iyo himmilooyinkiisa dadka ku boorrin karaa kuna qancin karaa waxtarkooda. Waa inuu dadka hiyigooda ku abuuri karaa siday u wada haaban lahaayeen danta dhextaalka u ah oo aysan hore u fileyn inay qabsan karaan. 


5-Kooxo Abaabul: Hog/yihu waa inuu abuuri karaa kooxo dadka ka keena waxsankooda, asaguna si waxtar leh u maareyn karo kooxahaas, asagoo kasbaday qanaacaddooda, wixii khilaafana dhammeeyay.


6-Lahaanshaha aqoonta naftiisa: H/yihu waa inuu aqoon u leeyahay naftiisa, meelaha ay ka dhisan tahay iyo meelaha ay ka dabacsan tahay, waana inuu u tooghayo goldalooladiisa, garwaaqsan karo gafafkiisa, isla markaana u nugul yahay wax-u-sheegidda, diyaarna u yahay wax-ka-beddelka. 


7-Bandhigidda dhammeysnimada: Hog/yihu waa inuu yahay mid la aammini karo; leh kartida, dhimirta iyo aqoonta hoggaaminta, kahor inta uusan filan in dadku dabo galo.


8-Aqoon-kororsiga inta uu jiro: Waa inuu h/yihu okobban yahay aqoon-kororsiga, garawsan yahay koritaankiisa, una nugul yahay fikradaha cusub.


9-
Dhambaal-gaarsiin: H/yihu waa inuu gaarsiin karo ra’yigiisa dad kale duwan, kuna qaabeyn karo warkiisa hadba kooxda uu la hadlaayo garaadkeeda ama aqoonteeda. 

10-Caawinta horumarka inta kale:  Hogaamiyahu waa inuu kaalmeyn karo dadka una horseedi karo waddooyinkay ku horumari lahaayeen, kadibna uu ka faa’iideysto ururradooda.

Haddaan dhex xulnay qodobbadaan soo taxnay waxaan ku soo hoobin karnaa in hoggaamintu tahay; ku-hagidda dadka dawga wanaagsan iyo ku-toosintooda waxqabad wadajir ah. Waa u-abaabulka dadka inay isku duubnaadaan isna kaashadaan. Waa ahaanshaha tusaale, kuwa dambe ku soo hirtaan. H/yiha qummani  waa kan raadkuu ka tago noqdo halbeegga samaha.

Aafooyinka haysta maanta dadka Soomliyeed waxaa kaalinta kowaad ku jira madaxnimo-jaceyl lagu ibtileeyay xubno badan oo bulshada kamid ah. Waxaan aragnay xubno badan oo sidii roob-la-dhaca, meeshii talo S/liyeed laga wadaba ku daadanaya. Waxaan aragnay xubno tobankii qof oo meel joogtaba raba inay madax u noqdaan.  Meeshay ka ahayd in madaxnimada ama mansabku noqdaan waxtarka dadka intiisa badan, waxay maanta bulshada Soomaaliyeed ka dhex noqotay kali-ka-tabcasho iyo kororsi gaar ahaaneed.

Hoggaamintu maaha, hadba intaad maal heysato. Maaha muuqaalkaaga iyo maradaad qabto. Maaha magaca reerkaaga iyo miraha tolkaa. Maaha macrifadaad u leedahay qof kuu magacaabi kara mansab. Maaha hadba meelaha aad waci karto iyo dabinnadaad maleegi karto. Maaha maxabbada aad u heyso madaxnimada iyo maagga dookhaaga. Maaha mashxaradda dumar kuu bogsan iyo miigganaantooda. Maaha miilaysi iyo mooggaalaysi sida laas qolaba maalin cabto. Maaha in meesha laga waayo hadba kii ku dhaama, mawtintiisa ama xumeynta magaciisa.

Hoggaamiyaha wanaagsan waa kan leh xikmad suubban, xikmadduna waa hibo rabbaani ah, kan lagu manneystayna waa mid wanaag badan la siiyay. Hoggaamiyiha dhammeyska ahi, waa kan leh dhimir ku filan dhaadashada halabuur wax ku taaranaya bulshweynta oo la holansiiyay ka-hormarinta danta inta badan tiisa. Tilmaamahaas sare ee hoggaamiyaha wanaagsan in yar baa dadka ka haleesha, waana kuwa hoodada leh. In hoggaamiyaha S/liyeed aniga i xigo iyo inuu adiga akhristow ku xigo macno ma leh, waayo h/yihaasi wuxuu madax u yahay dadka iyo noolaha kalaba ee jifo u ma aha. Sidaas darteedna kooxaha reer hebel ama nin reer hebela u la rooraya inuu madax noqdo, waa gaboodfalayaal horseedaya gaasirnimo iyo guuldarrooyin.

Qofka gaara martabadda madaxnimada labo mid buu noqon;
Mid lagu raysto oo raadka uu ka tago loo aayo. Markaasna muteysta ammaan waarta iyo duco aan harin. Ama wuxuu noqon mid laga mashiiqsado marka magaciisu yeeraba. Ka-dibna muteysta dhaleeco waarta iyo habaar aan joogsan. Kaasi waa kan ka taga mashaqooyin iyo ma-hadhooyin waligood la eersado.

Haddaba, kan u miiggan madaxnimow sow ma habboona horta inaad naftaada ku eegto weyneyso, si aadan ugu sidban hantaq naftaada heera, inta kalana halakeeya?.

Haddii hal la maalo
Haruub laga keeno
Hamuun lagu joogay
Anaa u horreeya
Haweenka ka boobe
Habkii ilmahooda
Walaalki harbinaaye
Hanqaaran badnaade
Hunguri talo waayay
Hoheey ku ma yeelo
Hoheey ku ma raaco.

 Haddii la hayaamay
Habkii loo guuray
Adoo ku-haraaya
Haddaad u hawootay
Inaad u horseeddo
Hoggaanka u hayso
Haddoodde kugu raacay
iyo gabar hallawday
Habow talo diiday
Hoheey ku ma yeelo
   Hoheey ku ma raaco.

Friday, June 1, 2012

SAMAAHOOD



                             SAMAAHOOD

Laystaankii dirirtiyo wixii, nala ku laameeyay
Cadawgii liqdaarnaan jiray, nooba loogeene
Allaylahe la’aan bay naga dhigeen, laciif taagdarane

 In kastoon luggo’oo watiiqoo, laarigu i heeray
Inkastoo libaaddii la tiray, lihidii aan dhoobay
Inkastoo maraakiib lukiyan, layga siiddaayay

In kastoo gadaankii la jaray, ligliggiyo saabka
Lifaaqa iyo wanaaggii, layga daadduunshay
Liibaan adduun in kastoo, lagya dad xoorshay

 Liidkiyo mar baan ka bixi, lurta iyo ceebta
Laxawgiyo xanuunkaa i deyn, maalmo leelleelka
Leexadaan dilaysaa ka hari, laqanka Soomaali

Luufluufku waa ba’ahayaa, luunta iyo oonku
Laqwigaas xunoo joogiyo, laaxinkaa marane
Xigtadii la doorshee la, isku wada loolshay

 Dadkii uunka lagu yaacshayee, liigga laga yeelay
Laabahooda boogmaan samo, lihiinsiine
Necbaantii la koolkooliyaan, librinahayaaye

 Balaayada midkii looyimiyaan, loodinoo xiriye
Laaluush la qaatiyo mar baa, laacdan jirahayne
Looyaanku mar buu tagahayaa, reerihii liqaye

 Dumarkaas luudayee la taray, laadka iyo feerka
Laafyaha mar bay lulahayaan, Luuliyo Canabe
Waxaa lagu ladaadyoonayaa, quruxda laaceeda

 Libiqsigiyo eegmada ishaa, laran ahaadoone
Luubaan udgoon iyo cadraa, neeftu laasimiye
Meel kastoo la joogaba aroos, laaxibaa dhiciye

Legdankiyo colaaddii dadkii, lagu waxyeelleeyay
Taran labojibbaaraa ka dhalan, taabka loo xiro e
Lafdheertii jabnayd waa la kabi, feertiyo lawga

 Leecaanta dirireed mar bay noqon, waa la soo maraye
Layr caafimaad baa ka dhaban, laamahaan dego e
Lalisadu kuway qaaddayee, dalal ku sii laalan

 Lix kun iyo lix boqol oo kun baa, liil la soo noqone
Liin iyo canbbaan beeraynnaa, miraha loo aayo
Lakabyada hoosaan ka qodan, Dahabiyo Laasuuli

 Meel kastoo la aadoo la tago, laamiyaa mariye
Badahaa layacan baan ka xiri, tuug lacaafsade
Laandery dishaan ku celin kii, likaac badane

 Liishaanku waa qabanayaa, laqdabaalaha e
Laashkaygu waa guranayaa, Tarraaq iyo Lohode
Ladaabsi buu ku tagahayaa,  Biniyo Laanshuunle

 Laqinkiyo aqoontaan u kici, laabudkiyo diinta
Xiddigaha loolsanoo koriyo, laxahaan barane
Looli dheer ayaan fuulayaa, aniga oo laana

 Liiliyo waxaa la ii tumi, laala iyo heese
Inaan liico kii doonayow, soo lixaadsadaye
Ladnaan baan ku noolaan taniyo, Laag Galaafaade

Leelleeltir baan siinayaa, lamahuraankiiye
Gantaal leeba baan ku ridi, le’asho-keenkiiye
Sooyaalka loo-joogaan u dhigi. Layligii kaca e




MILICSIGA MURTIDA

·       Nabad waa sahaydaada oo aad suxulka ku sidato
·       Nabad waa geel xeradi iyo rag gogoshi
·       Nabad waa lagu tarmaa, colaadna waa lagu tirmaa
·       Nabad waa lagu hirtaa, colaadna waa laga haajiraa
·       Nabad waa dheef lagu naaxo, nin dhug leh baa og
·       Nabad waa aan wax dhisno, colaadna waa aan kala dhaqaaqno
·       Nabad waa caano macaan

·       Xeer waa negaadi

·       Xeer la’aan waa xukun iyo xoolo la’aan

Golihii dariiqaan lahaa, guluf ka heenseeye
Badda gawtigeedaan lahaa, yaraha gees qaade
Golol iyo bannaan baa lahaa, gebagebee bariye
Garoowaan lahaa gelin ku furo, gaatiyaha awre
Gafiir galkiisaan lahaa, gole ka meegaare
Xasan-Kamas ku gama'i baan lahaa, geedo jiifsadaye
Geedo raaran fuul baan lahaa, geed Marreexaane...
Sayid Maxammad Cabdille Xasan 

Boqor waa walaayoo
Waa lagaaga weynaayoo
Waa lagaaga wareejoo
Indhahaad walcinayso iyo
Warankaad gilgilayso iyo 
Wirayda ka daa...
Cali-Kaar

Friday, May 25, 2012

ARWAAXDII BUKOOTAY

ARWAAXDII BUKOOTAY

Sida laga warqabo qofku wuxuu ka sameysan yahay labo qeybood oo kale ah jir iyo ruux. Jirku waa kan culeyska leh, daraaddiisna ay ku suurtowdo in jirku dhulka korkiisa ku ahaado, waa kan leh unugyada tirada badan oo daraaddood uu u yahay wax nool oo mar koraaya marna gaboobaya ugu dambaynna dhimanaaya oo baaba’aaya. Inta uu nool yahay jirku wuxuu leeyahay habab kale duwan oo uu ka sameysan yahay iskuna maamulo, haddii lagu soo duulana uu isku difaaco. Weerarrada ku yimaada jirka waxaan badidood u naqaan cudurro. Markay cudurradu haleelaan jirka wuxuu muujiyaa astaamo kale duwan. Mid kastoo ka mid ah astaamahaan waxaa lagu gartaa qaabka uu jirku u jirran yahay waxaanna ugu yeernaa cudur, xanuun ama jirro. Sidaas darteed, astaamaha jirradu waa qeylodhaan gargaar doon ah. Aadanuhu wuxuu u helay dhibabka la soo darsa hababka jirka dawyo uu wax uga qabto sida; daaweyn, daryeel iyo hawlo looga hortago weerarrada ku imaan kara qofka jirkiisa oo loogu yeero fayodhawr. In kastoo wali ay jiraan cudurro loo maaro waayay oo aan la heli daweyntooda, haddana badi waa laga adkaaday cudurradii la bartay. Waxaa dadaalladii badnaa ee ka dhanka ahaa jirrooyinka lagu gaaray in waayahaan cimridherersiga horumar laga sameeyo. Waxaa kaloo aad loo bartay waxyaalaha lagu dheefiyo jirka iyo kuwa waxyeellada u leh oo ay tahay in laga fogaado.

Dhanka kale, ruuxu waa tabarta nuuxinaysa oo hawlgelinaysa jirka awgeedna uu qofku ku noqdo mid ka awood badan abuuranayaasha kale ee uunka. Ruuxu waa qeybta qofka ee la aamminsan yahay inay markii ay kali noqoto ka madaxbannaan tahay xeerarka fiisikiska (physics) sida cufjiidka (gravity). Haddii jirku ahaa kan la falgala dhammaan walxaha uu ku garan karo shantiisa dareemayaal, ruuxu wuxuu la falgalaa dhammaan walxaha aan shanta dareemayaal lagu ogaan karin, kuwaan oo aan u naqaan daahsoonayaal (abstracts) sida; jaceylka, neceybka, baqdinta, samirka, maaminta/haaminta, aqoonta ama garaadka iwm.. Waxaa la leeyahay mar haddii ruuxu yahay qeybta qofka ee sii jiri doonta nolosha dambe ee waaritaanka waxa kaliya ee ruuxa la socon doona waa daahsoonayaashii uu la falgali jiray waayihiisii nolosha dhulka ee uu qofka hagi jiray. Meekhaanka ama martabadda nolosha waaritaanka qofkana wuxuu xiriir la yeelan doonaa falaaddadii daahsoonayaasha ee waayihii nolosha dhulka. 

Weyddiintu waxay tahay ruuxu sidii jirka oo kale cudurro ma ku dhacaan?
Jawaabtu waa haa, oo sidii jirka oo kale buu ruuxuna u bukoon karaa. Waxaa ka mid ah; garashoxumo, maaminxumo, falalxumo, xiqdi, xaasidnimo, balwado, maamulxumo, masayr, balaahood (balo-arag) iwm.. Qofkii ruuxiisu jirraday wuxuu la yimaadaa falal waxyeello badan u leh noolaha kale iyo naftiisaba. Halka haddii qofka jirkiisa in yar ka soo harto uu wali u kari karo waxtar loo aayo, qofka ruuxiisu jirrado isagoo jir ahaan dhan buu waxtarkii gabaa. Wuxuu noqdaa qof noloshiisu culeys ku tahay inta kale oo fayow. Sidii cudurrada jirka oo kale baa loola tacaalaa cudurrada nafta ama ruuxa, hase yeeshee sida kan hore kan dambe horumarku ma gaarin, sababtuna waa fahamka ruuxa laftiisa oo yar, ka dibna baxnaanintiisii baa sidaas ku yaraatay. Sidaas oo ay tahay waxaa jira habab la hubsaday oo haddii la raaco bukaankii ruux ahaaneed ku dawoobi karo ama fayodhawr ahaan loo adeegsan karo. Waxaa ka mid ah kuwaan dambe; xeerarka diinta iyo xikmadaha.

Takhaatiirtu markay daaweynayaan qofka buka oo daawooyinka u qoraan waxay tilmaamaan qorshaha daaweynta sida iyagoo sheega qaddarka daawo ee sida maalinlaha loo qaadanayo iyo inta la wadaayo qaadashada daawooyinka. Sidaas si le’eg baa cudurrada ruuxuna ugu baahan yihiin qorshe daaweyneed. Sida loogu dhibtoonayo haddii qaadashada daawada la tahan dhaafsho baa tan ruuxuna loogu dhibtoonayaa. Sida cudurradu uu leeyihiin kuwo faafa oo dad badan galaafta baa cudurrada ruuxuna u leeyihiin kuwo aafooyin keena oo dad badan saameeya.
Haddaba maanta shacabka Soomaaliyeed waa mid uu haleelay cudurro nafsaani ama ruuxaani ah oo baahsan. Waxay yihiin cudurrada nafsaaniga ee ku baahay ummaddda Soomaaliyeed kuwo aafo ah oo la isqaadsiiyay. Si loo sii garto cudurradaan aan ka soo qaadno tusaalooyinkaan muujinaaya astaamaha cudurrada ruuxaaniga ah:

·       Qof aad sheeko wadaag tihiin baad oran: ninkii hebel ahaa waa dadaalay oo xooluu tabcaday. Qofkii baa ku jawaabi; marwaduu qabo baa dadaashay ee hebelkaad sheegayso waxba kuma toornaadeen hadduusan heblo qabi laheyn. Mid kaloo agfadhiyaa oran; soo ma ogid inuu xoolaha xaaraan ku helay?
·        Mid baad ku oran; ninkii hebel ahaa waa dadaalay oo wax buu bartay, markaasuu ku jawaabi; waxbarasho maxay tari nimaan caqli laheyn?
·       Mid baad ku oran; xafladdii la qabtay hebel baa ka hadloo war fiican buu dadkii u gudbiyay, markaasuu ku jawaabi; war ma nin reer hebel ah oo waxsan sheegaad aragtay?  Mid baad ku oran; qolo hebel ama gobol hebel waa ismaamuleen oo wax lagu dayan karay sameeyeen, markaasuu ku jawaabi; faanka iyo tookhoodaa ku maan maraye cidna wax ma dheera. Mid baad oran; inanka hebel ah waa wiil firfircoon oo dadaal badan, markaasuu ku oran inta qoslo; abtigiis ma taqaan, war wiil waa abtigiise naga daa warka! Mid kalaad oran; reer hebel gabar wanaagsan baa u kacday, markaasuu oran; waxaad ogtahay yaraa, xaalkeeda hoose ma ka warqabtaa?
·       Mid baad oran; taariikhda Soomaaliyeed waxaa ka mid ah nin hebel la oran jiray oo gobonnimada u soo halgamay, markaasuu oran; uu yaa ahaa? Adigii baa oran tol hebel buu ahaa, markaasuu oran oo ma qoladaaduu ahaa? Saad oran haa, markaasuu inta qosol la dhaco oran; alla faan badanaa!
·       Waxaad arki koox meel lagu qaxweeyo fadhida oo ku hareeraysan hal qof oo dhammaan ku qoslaaya iyagoo qofkii ku leh; sidii qoladaada maalintii dhaweyd looga adkaaday ma aragtay?   Waxaad arki koox lagu tiriyo kuwo wax bartay oo u xusulduubasya sidii qoladoodu uga heli laheyd dawlad qarameedka Soomaaliyeed wasiir cuslus sida kan maaliyadda sidii iyadoo wasiirku qoladooda wax gooniya uga keenayo dawladda. Isla kooxdaas baad arki iyagoo caraysan haddii wasiirkay rabeen waayeen oo leh; waxaani dawlad maaha, taageeradayadii waa kala noqonaynnaa.
·        Waxaad arki qofaf ku xiiqsan difaaca madaxa dalka oo hadduu saxan yahay ama gefsan yahay labadaba isku si’ u difaacaya sababtuna tahay wadaagga abtirsiinyo. Isla qofafkaas uusan halyeygoodu gefin waxay u tuumiyaan madaxda kale ee aysan abtirsiinyo wadaagin dhammaan wixii gefaf ah ama khalddamay.
·       Waxaad ka akhriyi wejiyada qofaf badan oo bulshada ka mid ah farxad markii tol Soomaaliyeed laga soo sheego dhibaatooyin sidii iyadoo arrinta dan ugu jirto. Waxaa kuu caddaan in wararka dareenka leh xiiso u leeyihiin inta badan bulshada, u riyaaqidda wararkaasna si weyn loo arki karo. Dhaqankaasi waa balaahood; waana u-durraamashada dadka shiddooyin iyo sharaf la’aan waana cudur nafsaani ah.  
·       Marka qof wax gaaraan sida jirro, maalbeel, dhimasho iwm. waxaad maqli kuwo leh; ilaahay waa caaddil degdeg buuna addoomihiisa uga abaalmariyaa waxay galabsadaan sidii iyagoo soo akhriyay kitaabkii weynuhu qofkaas wax ugu qoray.
·       In kastoo xilalka ama jagooyinka dawlad qarameedka, kooxaha loo xilsaaraa adeegyadoodu iyo waxtarkooduba dhexyaal u yihiin qaranka oo idil, haddana waxaad maalin walba arkaysaa in inta badan bulshadu u heellan tahay reer hebelnimada qofka xilqaaday oo laga filaayay u-adeegga danta guud. Arrinkaan oo aan tusaale u baahnayn ee si weyn loogu wada jeedo waa astaamo cudurro nafsaani ah oo baahsan. Haddii bulshadu fayowdahay lama soo mariyeen in xubnaha ka adeegaya dantooda guud lagu jimeeyo qolooyinkooda ka dibna sidaas loogu dhadhansado.
·       Dharaar noolba, markii aad la kulanto qof ama koox Soomaaliya oo sheekaynaya ka maqli maysid wax quluubta u roon ee waxaad maqli erayo ku salaysan; naceyb, caraatan kulul, digasho, dhoodid/shoolid beena iwm..

Haddii aad u fiirsato tusaalooyinkaan soo taxnay iyo kuwo kaloo badan oo si fiican ugu dhabbagasho waxaa kuu soo baxaya in dadweynaha Soomaaliyeed ay haleeleen cudurro nafsaani ah oo ballaaran, intiisa badanna tahay bukaansocod aan garawsho ama daryeel haysan. Balse in badan oo mudan naxariis iyo dayactir la kulmaan xaarxaaro iyo xagashooyin.
Hadday ummaddu haysato caqiido suubban, leedahayna suugaan hodan ah oo xikmadahu ku hilan yihiin, maxay u fayo dhawri waayeen ama loogu dawoobi waayay?
Waa adag tahay weyddiintaas jawaabteedu oo malaha waxay u baahan tahay xeeldheerayaal kale duwan inay cilmibaaris qotodheer ku sameeyaan arrinka. Waxaase hubaal ah in tiro badan oo dadka Soomaaliyeed ahi seerayaashii qummanaa gooysay una tillaabtay aagagga gurracnaanta iyo qallooca. Sidaas oo ay tahay waxaa la malayn karaa;
Diintii la rabay in arwaaxda lagu daweeyo waxay u egtahay inuu dadkii ku sumoobay ka dib markii la dhaafshay doosaskii la rabay. Tusaale ahaan inan dhigta dugsiga hoose haddii la fariisiyo fasalka 4aad ee dugsiga sare oo lagu qasbo laguna jirdilo waa hubaal in inankaasi jaahwareer ku dhacaayo waxbarashadiina eedaayo oo ka cararaayo. Sidaas si le’eg baa loogu jirdilay dad badan casharro ay adag tahay inaan fahmaan. Waxaa kaloo jaahwareer ku sii riday markay arkeen wadaaddadii waligood culummada u ahaa oo la leeyahay waa gaalo oo qoorta la jaraayo. Waxay ku khalkhaleen markay arkeen qeyrooyin muslina oo wadaaddo tuxufihii xanbaarsan galayaan oo dadkii warjaafayaan. Waxay ku wareereen markay arkeen kii shalay lahaa ha la jahaado oo dad badan gubaabadiisii godka u galay oo maanta cadawgii lagu jahaadayay la saaxiiba oo la qoslaaya. Waxaa maankooda rogay markay arkeen asharaaftii la rumeysnaa inay qoyskii nabiga ka soo jeedaan dhawrsanaanna la bidaayay oo dhagarta iyo hantiboobka dhibco dheeri ah ku qaatay. Waxaa jahooyinkii isaga darmeen markay arkeen wadaad dareerinaaya aayado oo wacdi iyo waano la taagan oo wadaad kale leeyahay, gaalku waa beentiis. Waxaa maankooda gali waayay dhaqanka ah; waxaa aad la isugu hawlayaa dharka la qaadanaayo iyo sida timaha loo jaranaayo iyadoo ummaddii dhibaatooyin lixaad leh ku habsadeen oo si weyn u qaxayso, intii nolol ku gaartana magansanayso kuwii ay yiraahdeen ha lagu jahaado. Intii tahli wayday inay qaxdo tabar-darro awgeedna col iyo cadaawe isu horeynayaan. Haddii si kale loo yiraahdo waxay kuwii looga bisooday samatabixinta dadweynaha ka dhigeen dambeeddadii arrimaha horaaddadoodii.   
Waxaa arrinka loo sawiri karaa sidii takhaatiir cilmigii daaweynta ku wareertay oo wax isaga gadmadeen oo bukaankoodii kula dhexdhacay daawoqoris wada khalddan oo meesha kii bukay ka qaadan lahaa hal xabbo oo kiniini ah maalintii qaatay toban xabbo. Sidaas baa arwaaxdii bukootay oo samatabixinta u baahnayd ula kulantay daaweyn khalddan. Dhab ahaantii cilladdu daawada maahee waa hababka daaweynta. Dhanka kale, murtidii xikmadaha badnayd waxay noqotay midaan waxba tarayn dad dhimirgoror ku dhacay, oo miyaa murtiyi wax tari kartaa dad la madax qaaday? Waa maya oo horraantiiba waxaa mugdigii lagu dheelmay ku lumay miisaankii lagu beegi lahaa xumaha iyo kii samahaba. Ummad ay halbeegyadii ka lumeen sow maaha ummad dayowday oo dhankii u roonba ka hadaftay?
Waxaa dadweynaha Soomaaliyeed u baahan yahay in la daaweeyo oo cudurrada ruuxaaniga ah laga dabiibo. Waxaase muhim ah inaysan takhaatiirta daaweyntu iyaga laftoodu bukin oo aysan madaxqufan, xilbalaqsi iwm. qabin oo uusan arrinku noqon bukaankii la ildarnnaa xanuun faafa oo takhtar u ah dhallaan hargabay. Waxaa kaloo muhiim ah, in xarunta  saldhigga u ah fayoraadinta aysan noqon mid ay ka cukan yihiin xanuunnada baabi’intooda lagu raadjoogo. Haddii goobihii ay ka soo faltamayeen daryeelayaashu noqdaan kuwii saldhigga u ahaa jirrooyinka la rabo in la dabargooyo dadaalkii la sameeyaaba sow noqon maayo mid lagu hungoobo?.  

Friday, May 18, 2012

DUMISTII SOOMAALIYA MAXAA LOOGU DAWGALAY ?


DUMISTII SOOMAALIYAA MAXAA LOOGU DAWGALAY?

Sidaan marar hore u xusnay waxay ummadda S/liyeed ka soo jeeddaa bahweynta kuush oo dhawr kun oo sano kahor u unuktay dunidaan waxyaabo badan oo ay  maanta dheefsato. Waxaa ka mida birta oo lafdhabar u ah sancada horreysa ee dunida maanta iyo farshaxanka sida; dhagax-qorista ama tan qoriga. Waxaa reer kuush weerarro ku hayay uumankii kale oo u hanqal taagayay barwaaqadii ay heysteen. Markii la jabiyeyna waxay u kale qaxeen goonyaha dunida oo u kale firdheen. Si loo ugaarsado oo awooddada loo sii wiiqana waxaa lagu sooci jiray astaamihii gaarka u ahaa sida, bir-aqoonta iyo farshaxannimada. Sidaas awgeed waxay ka fogaadeen barihii magaalooyinka waxayna qaayibeen xoolo dhaqasho. Waa sababtaas tan keentay baa la filayaa inay maanta dadka reer kuush badi yihiin raacato. Sidaas oo ay tahay waxaa tirmi waayay farsamooyinkii ay yaqaanneen qaarkood sida; bir-aqoonta, kabo-tolista iyo wax-xararka.

Xoogaggii colka ku ahaa reer kuush waxay keeneen aragti kale oo sii wiiqaysa maskaxdii halabuuri jirtay, waana in la yaso dadka farsama yaqaanka ah. Sidaas baa waxaa ku hirgalay dhaqan foolxun oo lagu la dagaallamayo waxyaqaankii saldhigga u ahaa horumarka iyo ilbaxnimada. waxaana wali ka sii jira S/liya dhaqankaas oo sii heeraya waxtarkeedii.

Waxaa kale oo ka dhex bilawday S/liya hawlo ka dhan ah waxgaradkii u taagnaa toosinta ummadda. Waxaa falalkaasi bilaabmeen waayihii uu gumeystuhu ku habsaday dhulalkii S/liyeed. Gumeystuhu wuxuu watay hannaan uu la yimid oo uu ku sandulleynayay dadka. Dhanka uu ka cabsi qabay mar walbana wuxuu ahaa halyaqaanki S/liyeed ee awoodi lahaa in dhaayaha dadka loo furo, laguna hago dh/dhaqaaq kadhan ah hannaanadii doolka ahaa. Si ayna taasi u dhicinna wuxuu gumeystuhu qaaday olole af iyo addina oo uu kale dagaalamayay waxyaqaankii S/liyeed. Wuxuuna bixiyay magacyo uu ku magac dilayo waxgaradkii. Waxaa tusaale noqon kara “MAD MULLAH” ama “Wadaadkii Waallaa” oo uu u baxshay Ingriisku halyeygii weynaa, abwaankii, Sayid Maxammad Cabdulle Xasan.

Waxaa xigtay marxalad kale oo bilaabantay xilliyadii maamullada iyo ururradii siyaasadeed dalka ka jireen. Hannaanadii siyaasadeed ee maxalliga ahaa waxay ku socdeen tubtii iyo tabtii dawladihii galbeedka Yurub ama waabka bariga Yurub. Hababkaas dalka lagu waday waxay ku dhisnaayeen qaabab uu ku qalooday shacabka S/liyeed, kumana lahayn cod yeelis ama diidmo ah.

Waxaa lagu sandulleeyay dadka S/liyeed waxayna sinji iyo sawrac midna u lahayn. Waxaa loogu daray loona abaabulay inay raacaan wax aysan nuxurkooda aqoon. Waxaa lagu dhex waday in la tinguro ay-yaqaankii kala garan lahaa habboonaha iyo ma-habboonaha. Waxaa lagu dhex waday in la magac dilo abyaqaankii garan ogaa danta dadka iyo dalka. Waxaa lagu dhex waday cabburinta cod kasta oo ka duwanaa kan maamulka ama madaxda sare. Waxa kaliya ee laga rabay dadka waxay ahayd taageero aan weyddiin lahayn. Waxaa lagu dirqiyay shacabka S/liyeed inuu madiiddin u noqdo danta ama damaca hal qof amase koox yar. Waxay siyaasadihii jiray dhex galeen hab-dhaqameedyadii guunka ahaa ee qolooyinka S/liyeed ee kale dambeynta soo-jireenka lahaa, waxaana loo rogay ururro ku loollama siyaasado aysan hidde u laheyn. Oday dhaqameedkii xulkiisa tolku muddo ka baarandagi jiray oo garaadkiisa la dhudhumin jiray, waxaa lagu xulay sida uu u taageersan yahay hoggaanka siyaasadeed ee markaas jira ama taageerada ay ka rabaan kooxo dano gaara leh. Sidaas waxaa ku hirgalay afgambi gun iyo baara oo ku dhacay hab-dhaqameedyadii sooyaalka ahaa. Sidaas waxaa ku qarsoomay codkii waxgaradka, sidaasna waxay ku noqotay bulshada S/liyeed midaan lahayn garaad wax toosin kara,  meel walbana waxaa is qotomiyay qataarro loogu dawgalay danta guud iyo tan gaar ahaaneedba.

Haddii markab gaambinaya badweynta, uu ka xumaado Jiheeyuhu “Compass”,  wuxuu ku habaabaa badaha, hadduu iska socdana waxaa dhammaada shidaalkii, wuxuuna noqdaa mid wakiya oo mawjaduhu hadba dhan u waldaamiyaan. Waxaa sidaas u ekaatay ummadda S/liyeed markii uu ka lumay garaadkii hagi jiray oo kale hagaajin jiray.

Sidaas darteed, waxaa Soomaaliya dumiyay la-dagaallankii waxgaradka ee sida habeysan loo  burburinayay muddada dheer. Waxaa burburiyay ku-biimeyntii ummadda hadba ayjad aan la hubin waxtarkeeda ama wax-dhimaalkeeda. Miriqshaanleyntaasi waxay kentay in shacabka S/liyeed galo jaahwareer la kale sooci waayo xumaha iyo samaha. Jaahwareer la kale sooci waayo qummanaha iyo qaldanaha. Waxaa lumay xeer kasta oo ay ummaddu wax ku beegi jirtay. Waxaa lumay tixgelin kasta oo la siin jiray samawadaheeda.

Wuxuu eebbaha weyni marar badan noo sheegay in dadka intiisa badan aysan aheyn waxgarad, wuxuuna ku toosiyay eebbuhu hadalkiisa dadka intiisa waxyaqaanka ah (ulil albaab) ama basiirada leh.
Sidaas waxaan ku garan karnaa in haddii dadka laga dhex waayo waxgaradkiisa, aysan jirin doonin cid laga la hadlo. Ummad laga waayay cid laga la hadlo , waa sidii waxaan jirin, waana sidii axad nool oo aan madax ku ool!