
Waxaa qarnigii 13aad ilaa kii 17aad qeybo badan oo degallada
Soomaalida ka mid ah ka jiri jirtay dawlad itaal iyo waxtarba lahayd.
Dawladdaas waxaa loogu yeeri jiray Dawladdii Ajuuraanka. Madaxtooyada
dawladdaas waxaa la oran jiray Aqalkii Gareen, waxaana xubnihii madaxnimada ka
mid ahaa; Ajuuraan Gareen, Arliqo Gareen, Sarjeelle Gareen, Faadumo Gareen, iyo
Umur Gareen. Markii hore waxay dawladdaasi ka samaysantay dhulka Soomaali
Galbeed. Sida ay Ajuuraanku rumaysnaayeen waxaa boqortooyadii Gareenka u rogay
mid islaami ah Waligii Baalcad oo isagu ku soo biiray boqortooyadii Ajuuraanka.
Markii la soo gaaray qarnigii 14aad ayay ku soo fidday taladii Ajuuraank
dhulalka koonfureed ee Soomaaliya. Magaalooyinkii ay xarumaha ku lahayd waxaa
ka mid ahaa; Mareeg, Qallaafo, Hobyo, iyo Marka. Waxay dawladdaasi u dhisnayd
sidaan:
-
Imaam: madaxa u sarreeya xukuumadda.
-
Amiir: hoggaamiyaha ciidammada.
-
Naa’ibbo: guddoomiyaasha gobollada.
-
Wasiir: U-qeybsanaha canshuuraha iyo
dakhliga guud
-
Qaaddiyo: guddoomiyaasha maxkamadaha
Taladii Ajuuraanku waxay meelmar ka dhex noqotay
bulshoweyntii reer guuraaga ahayd. Waxaa fududeeyay maamulka raacatada
ceelal-biyoodkii ay talisyadii Ajuuraanku horumariyeen gacantana ku hayeen,
iskaashiyadii talisyadu la sameeyeen hoggaammo dhaqmeedyadii tolalka. Sidoo
kale waxay talisyadii horumariyeen hababkii waraabinta dhul-beereedyada, iyagoo
sameeyay biyo-mareennada maanta loo yaqaan kelliyo. Waxay kaloo talisyadii Ajuuraanku sameeyeen hab ay ku
xoojinaayeen xukunkooda sida; iskaashiyadii ay la sameeyeen madaxdii qeybaha
bulshada iyo magaalooyinka. Waxaa tusaale fiican u ah arrinkaas kii ay la
sameeyeen Saldanaddii Mudafar ee Muqdishow. In kastoo hoggaanka sare ee dalku
ahaa Aqalkii Gareen, haddana qeybaha kale duwan ee dalku waxay lahaayeen xukun
hooseedyo awood lahaa.
Waxaa kaloo jiray hab-bulsheed la xiriiray xagga guurka oo ay
soo rogeen talisyadii Ajuuraanku. Si ay awood ugu dhex yeeshaan qeybaha doorka
ah ee bulshada bay soo rogeen guur si xooggan loo dhiirrin jiray (Jus Primae
Noctis) ama xididnimo dhex marta iyaga iyo dhinacyadii ay u arkayeen muhim ama
lahaa itaal loo baxsan karo, waxaana la helayaa madax-dhaqmeedyo xagga hooyada
uga aroora Ajuuraanka. Waxay ku sii xoojin jireen xididnimadaas yarad gaaraayay
ilaa 100 halaad oo waayahaas ahayd hanti ballaaran.
Waxay Ajuuraanku horumariyeen sida wax loo dhiso iyo sida
xiddigaha loogu kaashado socdaallada. Waxay kor u qaadeen damaashaadyada,
waxayna dhaqanka ku soo kordhiyeen ciyaarta istunka loo yaqaan. Waxay
horumariyeen sida dhagaxa iyo looxa loo xardho oo ilaa maanta la arki karo
masaajidyo, guryo iyo agabyo kale duwan oo waayahaas la xardhay. Waxaa miyi iyo
magaalaba ka hirgalay wax-xararka oo ahayd aqoon hanaqaadday xilliyadii
Ajuuraanka.
Hannaannadii kaloo ay adeegsadeen talisyadii Ajuuraanku waxaa
ka mid ahaa, iyagoo xubnaha ciidammada qalabka sidaa ay ahaayeen kuwo aan
daacad u ahayn hab qoleedka Soomaaliyeed, waxayna ahaayeen ciidammo ka
madaxbannaan tolalka Soomaalida oo loollan siyaasadeed ka imaan karay. Sidaas
darteed, waxaa ku xoogganaa ciidanka xubno la soo kiraystay iyo kuwo hababkii
addoonsiga ku yimid. Ciidammadaas markii hore waxay ku hubaysnaan jireen
hubabkii dagaalka ee Soomaalida lagu yiqiin sida waran, gaashaan, qaanso iyo
toorreey, waxaase mararkii dambe lagu hubeeyay qoryihii loo yiqiin Muskeeti
iyo madaafiic oo ay ka heleen Imbaraadooriyaddii Cusmaaniyiinta. Waxaa ka mid
ahaa ciidammadaas cutubyo ciidanka badda ah oo awood u lahaa difaaca xeebaha
iyo danaha ganacsiga ee dhulalkii Imaaraddii Ajuuraanka. Waxay ahayd dawlad
siyaasado meelmar noqday ka hirgelisay dhulalkii Soomaalida oo ay ka
talinaysay. Waxay si xirrb leh ugu tiirsanayd; cudud ciidan, waxsoosaar,
ganacsi iyo iskaashiyo. .
Waxay Ajuuraanku si xooggan u horumariyeen awooddii badda ee
dalka, xag ciidan iyo xag ganacsi labadaba. Waxaana safarradu galaabixi jireen
marsooyinka Soomaaliya, iyadoo waxdhoofintu gaartay meel aad u sarraysa. Dhanka
kale, intii ay talada hayeen Ajuuraanku waxay diinta islaanku si weyn ugu dhex
fidday dadyowga Bariga Afrika.
Waxaa Dawladdii Ajuuraanka colaado uga furnaayeen dhanka
koonfuureed. Colaaddaas waxaa keenaysay qawmiyadda Orommada oo waayahaas ku
jirtay isfidinteedii weynayd. Waxay dawladdii Ajuuraanku Orommada ka horgeysay
awood ciidan oo lixaad leh waxayna la gashay dagaallo xooggan. Dagaalladaas oo
la yaqaan Dagaalladii Gaala Madowda, waxay sababeen in Orommadu joojiso
isfidinteedii dhanka dhulalka Soomaalida, waxayse isu fidisay dhankii Xabashida
iyo dalcadaha sare ee Itoobiyada maanta.
Dagaalladii Ajuuraanka iyo Bortuqiiska
Waaga la yiraahdo Waagii Waxhelista ee
Yurub dawladdii markaas ugu itaal roonayd Yurub ee Bortuqiisku waxay si aada u
danaysay xeebaha Bariga Afrika oo waayahaas aad u horumarsanaa. Magaalo
dawleedyadii koonfur bari ee Kilwa, Mombasa, Maalindi, Baati (Pate) iyo Laamu
ee barwaaqaysnaa waxaa si daran u bililiqaystay Bortuqiiska. Markuu ku guulaystay
hanashada dhulalkaas buu burcadkii Tristão
da Cunha damac
ka galay dhulalkii Dawladdii Ajuuraanka. Wuxuuna Bortuqiisku weerar culus ku
soo qaaday Baraawe. Markii dagaalku socday muddo dheerna colkii soo duulay
magaaladii waa bililiqaystay waana gubay. In kasta oo uu Bortuqiisku dhibaato
weyn u geystay Baraawe haddana waxaa u suurtoobi wayday inay si joogto ah u
haystaan loollammadii adkaa oo laga horgeeyay awgood. Dadkii magaalada oo u
qaxay dhulalka gudaha ah waxay ku soo noqdeen magaaladii dib bayna u cifteen. Baraawe
kadib, wuxuu Tristão u shiraacday dhanka Muqdishow oo markaas ahayd magaalada
ugu hormarsan Bariga Afrika.. Waxaase reer gurigii dalka iyo dawladdiisii si
xooggan isugu diyaariyeen difaacii Muqdishow. Waxaa la diyaariyay maraakiib
dagaal oo badan, dagaalyahanna fardooley ah oo lixaad leh iyo ciidammada lugta
oo diigaanyo ah. Tristão oo horay ugu dhaawacmay Baraawe wuxuu damcay inuu
naftiisa ku biimeeyo Muqdishowdii difaaca adkaysatay waxaase si xooggan uga
horyimid saraakiishiisii iyo askartiisii wuxuuna markaas kadib, foolka siin
waayay Xamar wuxuuna aaday dhanka Suqaddara.
Tobannaankii sanoo xigay waxaa
xiisaddu ka dhex oognayd Soomaalida iyo Bortuqiiska. Markay badatay ilaaqdii
badmaaxdii Soomaaliyeed iyo kuwii Cusmaaniyiinta oo dhinac ah iyo kuwii
Bortuqiiska, waxay tan dambe Muqdishow u soo duntay col lixaad leh oo uu hoggaaminaayay
Joao de Sepulveda, wuuse guuldarraystay gulufkaasi.
Iskaashigii Soomaalida iyo Cusmaaniyiintu wuxuu gaaray meeshii ugu sarraysay
sannadkii 1580kii. Waagaas baa magaalooyinka xeebaha ee uu u talinaayay Aqalkii
Gareenku ka murugoodeen dhibaatooyinkii baaxadda lahaa oo uu Bortuqiisku ku
hayay dadyowgii muslinka ahaa ee xeebaha Bariga Afrika. Wuxuu markaas taliskii
Ajuuraanku u diray ergo Imbaraadooriyaddii Cusmaaniyiinta oo mar walba iskaashi
ka dhexeyn jiray. Waxaa markaas kadib weerarro ku qaaday xeebihii Bortuqiisku
gumaysanaaya ee Bariga Afrika raxan maraakiib dagaal ah oo Cusmaaniyiintu
lahaayeen oo uu hoggaaminaayay Cali Bey iyo raxan xooggan oo Soomaalidu lahayd.
Waxaa isbahaysigaasi awooday inuu ka cayriyo Bortuqiiska magaalooyin door ahaa
sida Baati, Mombasa iyo Kilwa. Waxaase
Bortuqiisku qeylodhaan u dirsaday xagga Hindiga oo uu awood ku lahaa. Halkaas
baa laga soo diray raxanno maraakiib dagaal ah oo aad iyo aad u xoogganaa, kuwaan oo
awooday inay dib u ceshadaan magaalooyinkii hore looga qabsaday, madaxdii ka
talinaysayna ciqaabaan. Intii u dhexeysay qarnigii 16aad ilaa kii 17aad waxay
madaxdii Ajuuraanka ee kale dambaysay ka maagteen inay u dabcaan habkii
kali-lahaanshaha dhaqaalaha ee Bortuqiisku ku soo rogay Badweynta Hindiga.
Waxayna madaxdaasi samaysteen lacago iyaga gooni u ahaa, iyagoo la loollamaayay
tii Bortuqiiska.
Sannadkii 1660kii waxaa Mambaasa ku hareereeyay Bortuqiiska
ciiddammo badeed lixaad lahaa oo Soomaali iyo Cummaaniyiin isugu jiray, halkaas
oo Bortuqiisku isu dhiibay isbahaysigaas. Awooddii ciidanka badda Soomaaliyeed
oo waayo gaamur ahayd waxay la burburtay burburkii Dawladdii Ajuuraanka.
Imaaraddii Ajuuraanku waxay taagdarraysay dabayaaqadii qarnigii 17aad.
Waxyaalaha sababay burburkeedii waxaa ka mid ahaa; Saldanadii Mudafar ee
Muqdishow oo aad muhim u ahayd baa waxaa afgambiyay xoogag ka tirsanaa Tolka
Hirbaab ee Hawiye, waxayna xoogaggaasi baabi'iyeen hababkii ismaamulka iyo horumarka. Waxaa kaloo jirtay in boqortooyadii Silciska oo gacansaar la
lahayd Ajuuraanka uu jabiyay nin abbaanduule markii hore u ahaan jiray
Imaaraddii Ajuuraanka oo la oran jiray Ibraahim Adeer. Waxaa markaas sii
xoogaystay kacdoommadii kadhanka ahaa Maamulladii Ajuuraanka. Si isdabajoog ah
bay Ajuuraankii ku lumiyeen magaalooyinkii iyo dhul-beereedyadii doorka ahaa.
Tixraacyo:
1.
^ I.M. Lewis, A modern
history of Somalia: nation and state in the Horn of Africa, 2nd edition,
revised, illustrated, (Westview Press: 1988), p.24.
2.
^ Virginia Luling, Somali
Sultanate: the Geledi city-state over 150 years, p. 17
3.
^ Luc Cambrézy, Populations
réfugiées: de l'exil au retour, p.316
4.
^ Mohamed Haji Mukhtar, "The
Emergence and Role of Political Parties in the Inter- River Region of Somalia
from 1947–1960, Ufahamu: Volume 17, p.98
5.
^ Shaping of Somali Society pg 101
6.
^ Horn and Crescent: Cultural
Change and Traditional Islam on the East African Coast, 800–1900 (African
Studies) by Pouwels Randall L – pg 15
7.
^ Mohamed Haji Muktar, Historical
Dictionary of Somalia,The Scarecrow Press 2003, p.35
8.
^ Lee Cassanelli pg.149
9.
^ Journal of African History pg.50
by John Donnelly Fage and Roland Anthony Oliver
10.
^ Da Gama's First Voyage pg.88
11.
^ East Africa and its Invaders
pg.38
12.
^ Gujarat and the Trade of East
Africa pg.35
13.
^ The return of Cosmopolitan
Capital:Globalization, the State and War pg.22
14.
^ The Arabian Seas: The Indian
Ocean World of the Seventeenth Century By R. J. Barendse
15.
^ Gujarat and the Trade of East
Africa pg.30
16.
^ Chinese Porcelain Marks from
Coastal Sites in Kenya: aspects of trade in the Indian Ocean, XIV-XIX
centuries. Oxford: British Archaeological Reports, 1978 pg 2
17.
^ East Africa and its Invaders
pg.37
18.
^ Gujarat and the Trade of East
Africa pg.45
19.
^ Culture and customs of Somalia
By Mohamed Diriye Abdullahi pg 97
20.
^ Somali Sultanate pg18
21.
^ The origins and development of
Mogadishu pg. 34 by Ahmed Dueleh Jama
22.
^ Somali Sultanate -Virginia
Luling pg18
24.
^ Lee Cassanelli pg.104
25.
^ Portuguese Rule and Spanish
crown in S.A pg.29
26.
^ Lee Cassanelli pg.92
27.
^ Portuguese Rule and Spanish
crown in S.A pg.25
28.
^ Maritime Discovery: A History of
Nautical Exploration from the Earliest Times pg 198
29.
^ The History of the Portuguese,
During the Reign of Emmanuel pg.287
30.
^ Tanzania notes and records: the
journal of the Tanzania Society pg 76
31.
^ The Portuguese period in East
Africa – Page 112
32.
^ Portuguese rule and Spanish
crown in South Africa, 1581–1640 – Page 25
33.
^ Four centuries of Swahili verse:
a literary history and anthology – Page 11
34.
^ COINS FROM MOGADISHU, c. 1300 to
c. 1700 by G. S. P. Freeman-Grenville pg 36
35.
^ Lee Cassanelli pg.114
36.
^ Cerulli, Somalia 1: 65–67
37.
^ I.M. Lewis, The modern
history of Somaliland: from nation to state, (Weidenfeld & Nicolson:
1965), p. 37
No comments:
Post a Comment