Friday, June 1, 2012

SAMAAHOOD



                             SAMAAHOOD

Laystaankii dirirtiyo wixii, nala ku laameeyay
Cadawgii liqdaarnaan jiray, nooba loogeene
Allaylahe la’aan bay naga dhigeen, laciif taagdarane

 In kastoon luggo’oo watiiqoo, laarigu i heeray
Inkastoo libaaddii la tiray, lihidii aan dhoobay
Inkastoo maraakiib lukiyan, layga siiddaayay

In kastoo gadaankii la jaray, ligliggiyo saabka
Lifaaqa iyo wanaaggii, layga daadduunshay
Liibaan adduun in kastoo, lagya dad xoorshay

 Liidkiyo mar baan ka bixi, lurta iyo ceebta
Laxawgiyo xanuunkaa i deyn, maalmo leelleelka
Leexadaan dilaysaa ka hari, laqanka Soomaali

Luufluufku waa ba’ahayaa, luunta iyo oonku
Laqwigaas xunoo joogiyo, laaxinkaa marane
Xigtadii la doorshee la, isku wada loolshay

 Dadkii uunka lagu yaacshayee, liigga laga yeelay
Laabahooda boogmaan samo, lihiinsiine
Necbaantii la koolkooliyaan, librinahayaaye

 Balaayada midkii looyimiyaan, loodinoo xiriye
Laaluush la qaatiyo mar baa, laacdan jirahayne
Looyaanku mar buu tagahayaa, reerihii liqaye

 Dumarkaas luudayee la taray, laadka iyo feerka
Laafyaha mar bay lulahayaan, Luuliyo Canabe
Waxaa lagu ladaadyoonayaa, quruxda laaceeda

 Libiqsigiyo eegmada ishaa, laran ahaadoone
Luubaan udgoon iyo cadraa, neeftu laasimiye
Meel kastoo la joogaba aroos, laaxibaa dhiciye

Legdankiyo colaaddii dadkii, lagu waxyeelleeyay
Taran labojibbaaraa ka dhalan, taabka loo xiro e
Lafdheertii jabnayd waa la kabi, feertiyo lawga

 Leecaanta dirireed mar bay noqon, waa la soo maraye
Layr caafimaad baa ka dhaban, laamahaan dego e
Lalisadu kuway qaaddayee, dalal ku sii laalan

 Lix kun iyo lix boqol oo kun baa, liil la soo noqone
Liin iyo canbbaan beeraynnaa, miraha loo aayo
Lakabyada hoosaan ka qodan, Dahabiyo Laasuuli

 Meel kastoo la aadoo la tago, laamiyaa mariye
Badahaa layacan baan ka xiri, tuug lacaafsade
Laandery dishaan ku celin kii, likaac badane

 Liishaanku waa qabanayaa, laqdabaalaha e
Laashkaygu waa guranayaa, Tarraaq iyo Lohode
Ladaabsi buu ku tagahayaa,  Biniyo Laanshuunle

 Laqinkiyo aqoontaan u kici, laabudkiyo diinta
Xiddigaha loolsanoo koriyo, laxahaan barane
Looli dheer ayaan fuulayaa, aniga oo laana

 Liiliyo waxaa la ii tumi, laala iyo heese
Inaan liico kii doonayow, soo lixaadsadaye
Ladnaan baan ku noolaan taniyo, Laag Galaafaade

Leelleeltir baan siinayaa, lamahuraankiiye
Gantaal leeba baan ku ridi, le’asho-keenkiiye
Sooyaalka loo-joogaan u dhigi. Layligii kaca e


No comments:

Post a Comment