Friday, June 29, 2012

DANJIRAADSE LEEDAHAY..


Danjiraadse Leedahay iyo Diricyo kuu Maqan
Waxaan maalin noolba aragnaa madax-ku-sheegyo Soomaali ah oo u taagan sii bi’inta dalkii hore loo burburiyay. Waxaan dharaar walba maqalnaa dalqankooda aan duxda laheyn iyo dool-xirista dullinnimadu weheliso oo lagu dagayo danta guud ee Qaranka Soomaaliyeed. Waxaa xil ka saaran yahay arrimaha dalkii hooyo qof kastoo ku abtirsada magaca Soomaali Weyn. Waa in ruux walba af iyo addin wuxuu tari karo uu la beegsadaa difaaca dalka iyo abaabulka danahiisa. Waa in laga koraa qolaysiga, goboleysiga iyo tartanka xinka iyo yaan- lagaa-badsanta ku dhisan. Qofka waddaniga ah waxaa looga baahan yahay inuu jeclaado dalkiisa iyo dadkiisaba oo uusan u hanqal taagin xayndaabyada hadba meel laga meegaarayo oo loola jeedo reer-hebelnimada iyo kala-sheegashada. Soomaaliya waxaa leh Soomaali, si kastoo loo kale ootana waxaa dhab ah inaysan kala hormayn ee ay tahay danwadaag aan kala maqnaan karin. Maansadaani waxay soo baxday 4/15/2011:
Dalkaygii wacnaayow
Daruurtoo hillaacdiyo
Doog iyo ugbaadlow
Dalsan iyo samaalow
Duunyadoo dhalaysiyo
Danbar caana badanlow
Diigaanyo idaadiyo
Ari daad maataalkiya
Kadin doobku raacoo
Laga duugo naasaha
Lo’da soo dareertee
Daaqaysa geedaha
Deeriyo Biciidlow
Daraniyo argeeglow
Dareemiyo sarmaanlow
hawdiyo dixaalow
Wabiyada durduriyo
Doox iyo bannaanlow
Docahana badweyniyo
Badyaro loogu deeqyow
Dulligii ku heeree
Kaa reebay dunidii
Doqonkiyo ardaalkii
Kuu diiday noloshaba
Oo dadkaagii laayee
Qaarkiis dagaagee
Dacallalada u yaacee
Maanyo doobinaysaa
Qaarkood dig siisee
Qaar barafku dilayee
Dalanbaabbi qaarkood
Saxaraha ku daateen
Qaarna dalawyo baasiyo
Meelo daran ka dhaadhacay
Waa dirkaagii weeyoo
Waxaa loogu dawggalay
Daalimiyo tuugiyo
Nacab adiga kuu daran
Dool iyo daris loo
Dullaaliin ku sheegtoo
Dumintaa ku nool baa
Kugu soo dareeree
Danjiraadse leedahay
Iyo diricyo kuu maqan
Daa’imkeen ku dhawryow
Ha dakaamin abidkaa
Eryayada
1.     Ugbaad: dhul wali dihin oo aan la intifaacsan ama aan la daaqin.
2.     Dalsan: dal fiican, dal wanaagsan.
3.     Danbar: caanaha yare adag oo cawlan oo xoolaha markaas dhalay laga liso.
4.     Diigaanyo: aad u badan oo aan la tirin Karin.
5.     Kadin: xero buuxda oo geela, inta badan 100 neef.
6.     Doob: ninka aan wali guursan filkii lagu guursan lahaana gaaray. Kolay yar oo awrka qooqani soo rito.
7.     Dareemo, Argeeg, Daran, Sarmaan: geedo ka baxa dhulalka Soomaalida.
8.     Dix: ciidda dhulka biyomareenka ah sida togagga dhuuxooda.
9.     Heeray: tamartii laga qaaday, la naafeeyay.
10.  Ardaal: Qof aan wanaagsanayn, dabbaal, nacas.
11.  Dagaag: aan waxba haysan oo iska socda, daaduun.
12.  Maanyo: bad. Waxay kaloo noqotaa heesaha ugaarta.
13.  Dalanbaabbi: socosho aan xoog laheyn, daandaan, sirinsirqo.
14.  Dir: sinji, waxaa halkaan loo jeedaa kaa soo jeeda
15.  Dawggal: sababsi, eersi.
16.  Dool: meel kale ka yimid, halkaan shisheeyaha.
17.  Dakaan: tabar darreeyay ama xumaaday.




No comments:

Post a Comment