Friday, June 8, 2012

YAA HOGGAAMIYE NOQON KARA?


YAA HOGGAAMIYE NOQON KARA?

Guud ahaan qeexidda hoggaaminta waa lagu kale geddisan yahay oo waxaa jira aragtiyo kale jaada oo lagu saleeyo. Dhanka islaamka waxay hoggaamintu ku uruursan tahay erayga Khilaafa oo loo tarjumi karo kaga-dambeyn ama talada ummadda islaanka kaga dambeeyay nabi Maxammad (NNKH). Qeybta sunniga ah ee islaanku waxay qabtaa in qofka Khaliifka noqonaya, waa hoggaamiyahee uu dadku soo doorto ama kuwa matalaya dadka (Majlis Al-Shuura) ay soo doortaan.

Qeybta shiicadu waxay qabtaa in hoggaamiyuhu noqdo qof ka mida Ahlul-bayd oo ah qof ka soo jeeda qoyskii nabi Maxammad (NNKH).  Sidaas darteed, tan iyo intii uu geeriyooday nabigu, marka laga reebo 4tii khaliif ee ugu horreeyay, waxaa ka abuurmay dunida islaamka saldanado loogu yeeray khilaafah. Waxaa saldanadahaas ugu door roonaa: Al-ummawiyah (qarnigii 7aad ilaa kii 8aad), Al-cabbaasiyah (qarnigii 8aad ilaa kii 13aad), Al-cusmaaniyah (qarnigii 15aad ilaa qarnigii 20aad).

Si kastoo oo ay aragtida hoggaamintu ku salaysan tahay waxaa jira sifooyin lama huraana oo laga rabo qofka hoggaamiyaha ah, waxaana ka soo qaadaynnaa tobankaan qodob:


1-Waa inuu leeyahay aragti: h/yihu waa inuu muujiyaa halka uu u jeedo iyo sida uu ku gaarayo. Waa inuu arkaa malluugga yoolka uu beegsanaayo, isla markaana uu hadoodilaa qorshuhuu yoolkaas ku gaari lahaa.


2-Go’aan-qaadasho: Waa in h/yihu uu qaadan karaa go’aan adag. Waa inuu yahay mid ku kalsoon naftiisa iyo kartidiisa. Waana inuu ogaadaa in go’aan la’aantu dayacayso fursadaha iyo ilaha horumarka.


3-Khatar-u-Bareeris: Hogaamiyihu waa inuu u bareeri karaa qaadashada hawlgallada aan la hubin natiijadooda, leeyahayna geesinimmada uu ku wajihi karo fashilaadda.


4-Boorrinta dadka kale; Waa in h/yihu aragtidiisa iyo himmilooyinkiisa dadka ku boorrin karaa kuna qancin karaa waxtarkooda. Waa inuu dadka hiyigooda ku abuuri karaa siday u wada haaban lahaayeen danta dhextaalka u ah oo aysan hore u fileyn inay qabsan karaan. 


5-Kooxo Abaabul: Hog/yihu waa inuu abuuri karaa kooxo dadka ka keena waxsankooda, asaguna si waxtar leh u maareyn karo kooxahaas, asagoo kasbaday qanaacaddooda, wixii khilaafana dhammeeyay.


6-Lahaanshaha aqoonta naftiisa: H/yihu waa inuu aqoon u leeyahay naftiisa, meelaha ay ka dhisan tahay iyo meelaha ay ka dabacsan tahay, waana inuu u tooghayo goldalooladiisa, garwaaqsan karo gafafkiisa, isla markaana u nugul yahay wax-u-sheegidda, diyaarna u yahay wax-ka-beddelka. 


7-Bandhigidda dhammeysnimada: Hog/yihu waa inuu yahay mid la aammini karo; leh kartida, dhimirta iyo aqoonta hoggaaminta, kahor inta uusan filan in dadku dabo galo.


8-Aqoon-kororsiga inta uu jiro: Waa inuu h/yihu okobban yahay aqoon-kororsiga, garawsan yahay koritaankiisa, una nugul yahay fikradaha cusub.


9-
Dhambaal-gaarsiin: H/yihu waa inuu gaarsiin karo ra’yigiisa dad kale duwan, kuna qaabeyn karo warkiisa hadba kooxda uu la hadlaayo garaadkeeda ama aqoonteeda. 

10-Caawinta horumarka inta kale:  Hogaamiyahu waa inuu kaalmeyn karo dadka una horseedi karo waddooyinkay ku horumari lahaayeen, kadibna uu ka faa’iideysto ururradooda.

Haddaan dhex xulnay qodobbadaan soo taxnay waxaan ku soo hoobin karnaa in hoggaamintu tahay; ku-hagidda dadka dawga wanaagsan iyo ku-toosintooda waxqabad wadajir ah. Waa u-abaabulka dadka inay isku duubnaadaan isna kaashadaan. Waa ahaanshaha tusaale, kuwa dambe ku soo hirtaan. H/yiha qummani  waa kan raadkuu ka tago noqdo halbeegga samaha.

Aafooyinka haysta maanta dadka Soomliyeed waxaa kaalinta kowaad ku jira madaxnimo-jaceyl lagu ibtileeyay xubno badan oo bulshada kamid ah. Waxaan aragnay xubno badan oo sidii roob-la-dhaca, meeshii talo S/liyeed laga wadaba ku daadanaya. Waxaan aragnay xubno tobankii qof oo meel joogtaba raba inay madax u noqdaan.  Meeshay ka ahayd in madaxnimada ama mansabku noqdaan waxtarka dadka intiisa badan, waxay maanta bulshada Soomaaliyeed ka dhex noqotay kali-ka-tabcasho iyo kororsi gaar ahaaneed.

Hoggaamintu maaha, hadba intaad maal heysato. Maaha muuqaalkaaga iyo maradaad qabto. Maaha magaca reerkaaga iyo miraha tolkaa. Maaha macrifadaad u leedahay qof kuu magacaabi kara mansab. Maaha hadba meelaha aad waci karto iyo dabinnadaad maleegi karto. Maaha maxabbada aad u heyso madaxnimada iyo maagga dookhaaga. Maaha mashxaradda dumar kuu bogsan iyo miigganaantooda. Maaha miilaysi iyo mooggaalaysi sida laas qolaba maalin cabto. Maaha in meesha laga waayo hadba kii ku dhaama, mawtintiisa ama xumeynta magaciisa.

Hoggaamiyaha wanaagsan waa kan leh xikmad suubban, xikmadduna waa hibo rabbaani ah, kan lagu manneystayna waa mid wanaag badan la siiyay. Hoggaamiyiha dhammeyska ahi, waa kan leh dhimir ku filan dhaadashada halabuur wax ku taaranaya bulshweynta oo la holansiiyay ka-hormarinta danta inta badan tiisa. Tilmaamahaas sare ee hoggaamiyaha wanaagsan in yar baa dadka ka haleesha, waana kuwa hoodada leh. In hoggaamiyaha S/liyeed aniga i xigo iyo inuu adiga akhristow ku xigo macno ma leh, waayo h/yihaasi wuxuu madax u yahay dadka iyo noolaha kalaba ee jifo u ma aha. Sidaas darteedna kooxaha reer hebel ama nin reer hebela u la rooraya inuu madax noqdo, waa gaboodfalayaal horseedaya gaasirnimo iyo guuldarrooyin.

Qofka gaara martabadda madaxnimada labo mid buu noqon;
Mid lagu raysto oo raadka uu ka tago loo aayo. Markaasna muteysta ammaan waarta iyo duco aan harin. Ama wuxuu noqon mid laga mashiiqsado marka magaciisu yeeraba. Ka-dibna muteysta dhaleeco waarta iyo habaar aan joogsan. Kaasi waa kan ka taga mashaqooyin iyo ma-hadhooyin waligood la eersado.

Haddaba, kan u miiggan madaxnimow sow ma habboona horta inaad naftaada ku eegto weyneyso, si aadan ugu sidban hantaq naftaada heera, inta kalana halakeeya?.

Haddii hal la maalo
Haruub laga keeno
Hamuun lagu joogay
Anaa u horreeya
Haweenka ka boobe
Habkii ilmahooda
Walaalki harbinaaye
Hanqaaran badnaade
Hunguri talo waayay
Hoheey ku ma yeelo
Hoheey ku ma raaco.

 Haddii la hayaamay
Habkii loo guuray
Adoo ku-haraaya
Haddaad u hawootay
Inaad u horseeddo
Hoggaanka u hayso
Haddoodde kugu raacay
iyo gabar hallawday
Habow talo diiday
Hoheey ku ma yeelo
   Hoheey ku ma raaco.

No comments:

Post a Comment