Friday, June 15, 2012

XIKMADDU WAA DAAWADA RUUXA




XIKMADU WAA DAAWADA RUUXA

Qofku wuxuu ka sameysan yahay labo qeybood; qalfoof ama jir iyo ruux. Qalfoofka, sarduubka ama jirku waa kan la arko lana taaban karo oo leh culeys uu cufjiidka dhulku ku dul hayo meerahaan loo yaqaan dhul. Qalfoofku wuxuu ka kooban yahay curiyaal aasaas u ah jiritaankiisa sida; Okasajiin (O), Dhuxul (C), Haydrojiin (H) iyo Naytrojiin (N). waxaa kaloo jira curiyaal kaloo badan oo lama huraan u ah noolaanta jirka sida; Milix (Na), Sinki (Zn), Botaasiyuum (K), Kaalshiyuum (CA), Magniisiyuum (Mg), Foosphooros (p), Salfar (S), Kaloriin (Ci), Bir (Fe) iyo kuwo kaloo badan oo raadadkoodu ku yar yihiin jirka. Sida la og yahay jirka qofka waa in si joogta ah loo siiyo waxyaalaha uu u baahan yahay oo uu ka heli karo cunno iwm. Qeybta ruuxa wax badan laga ma yaqaan waase awoodda qalfoofka wadda, waxaana la leeyahay way ka madaxbannaan tahay xeerarka cufjiidka. Sida jirka uu quudin ugu baahan yahay bay arwaaxuna “the souls” ugu baahan yihiin in la dheefiyo, waxaana ka mid ah dheefta garaadka ama xikmadda.
Waxaan hoos ku taxnay oraaho aan ka soo afrognay qoraallo-xikmadeed la aruuriyay sida tii Confucius (551- 479 BCE). Ninkaas oo Shiinaha u dhashay wuxuu ahaa aqoonyahan halabuuraa ah wuxuuna gundhigay dugsiga Shiinaha ee fakarka waxaana lagu kaydiyay garaadkiisii qoraallo loogu yeero Lunyu ama Analects.

* Aamusku xikamadduu ka mid yahay, dadkase in yar baa sameysa…..Luqmaan Al-Alxakiim
*Halyeeygu ku ma walaaco marka dadku tixgelin waayo kartidiisa iyo waxgalnimadiisa.

*Qofka gobta ahi ma daneeyo aqoonta dadku isaga u leeyahay. Wuxuu aad uga yaabaa inuu garan waayo sidii uu u ahaan lahaa qof goba oo lagu daydo.  

*Qofka waxgaradka ahi ka ma xumaado inay kuwa kale garan waayaan; ee wuxuu ka xumaada karti la’aantiisa.
*Soo minguurso fikradihii waayihii hore lana meelmari fikradaha cusub. Waxaa laga yaabaa inaad noqoto baraha dadka e.
*Waa u fulaynimo anshaxa inaad la kulanto arrin xaq ah oo aad ka tagto adoon wax ka qaban.
*Qofka gobta ah maankiisu wuxuu xasillooni ka helaa samaha wuuna u hanqaltaagaa.
*Kii yaqaanna xikmad la ma sinna kan jecel; kii jecel xikmaddana la ma sinna kan ka hela ku-dhaqankeeda, dhadhan fiican.
*Qofka gobta ahi wuxuu isku dayaa inuu anshigiisa ka fogeeyo dhammaan raadadka gacan-ka-hadalka iyo kibirka, falalkiisana ka saaro daacadnimo-la’aanta, hadalkiisana ka nadiifiyo edabdarroo idil iyo waxyaalaha aan habboonayn.
*Haddii mid leeyahay dhinacyo fiicnaantooda lala yaabo oo haddana yahay kibirrow xumaale ah, dhinacyadiisa fiican ma mudna in la xuso.
*Waa dhaqanka qofka gobta ah inuu doorbido inuu qariyo samahiisa maalin walbana samahaasi waa soo muuqdaa, halka qofka gunta ah uu raadsho caannimo maalin walbana falalkiisu wax bay sii halleeyaan.
*Qofku waa jirran yahay haddii uusan dhanka samaha horumar ka sameyn, uusan wax cusub baran, uu ka waantoobi waayo dhaqammada xunxun oo uu saxi waayo gefafkiisa.
*Maxaad ka oran laheyd qofka ay jecel yihiin dhammaan dadka wanaagsan ee dariskiisa ah oo ay neceb yihiin dhammaan dadka xunxun oo dariskiisa ah?
*Miyuusan aheyn gob kan dhaawaca ku magdhaba naxariis oo naxariistana ku magdhaba naxariis kale?
*Qofka gobta ah naftiisuu wax badan ka goobaa; qofka xunna kuwa kaluu wax badan ka goobaa.
*Qofka gobta ahi wuxuu tixgeliyaa mabaadi’da; mana aha kaliya inuu yahay runlow.
*Markay tahay u adeegga dalkiisa, qofka gobta ahi wuxuu ka hormariyaa dheeftiisa waajibka dalka.
*Waa wax xun in maalinta oo dhan wax la cuno oo aan maskaxdana la quudin.
*Khaladaadka qofka weyn waxaa la barbar dhigi karaa qorrax-madoobaadka ay dayaxa iyo gabbashu isku aadaan oo uu qof walba arko. Laakiin marka uu qofkaas weyni dib-u-habayn sameeyo dadku qaddarin awgeed isaguu ku dhaygagaa.
***********************************************
*Nacasku wuxuu weyddiiyaa hal saac gudahood su’aalo badan oo ku qaadanaysa kan garaadka lihi inuu kaga jawaabo hal sano.
*Qofka dhinta waxaa loo baroordiiqaa toddoba maalmood, nacaskana intuu nool yahay oo idil.
*Doqonku isagaa is jaajuusa.
*Doqonku wuxuu muujyaa xanaaqiisa isla markiiba, qofka aragtida fogna dheg uma jalqiyo cayda.
*Doqonka aamuska ku dadaala waxaa lagu tiriyaa waxgaradka.
*Haddaad u goobeyso xikmadda sumcad, qof walba la heshii.
*Doqonku roob la’aan buu kobcaa.
*Ma aha in qof walba oo ku dangiigsada kursiga sharafta uu yahay madax.
*U dir doqonka inuu daaqadaha guriga xiro waxaad arki doontaa asagoo daaqaadaha magaaladoo dhan xirxiraye.
*Doqon suuqa u dir doqon uun baa soo noqon doonee.
*Qofka rajadu xoog bay siisaa, macnase uma sameyso.
*Madaxa oo shaqeyn waaya waa u dareen xun lugaha.
*Markay calooshu maran tahay, maskaxduna waa maran tahay.
*Dadka qaar waa sida kabaha cusub oo kale, markay yihiin kuwa jaban cod dheer bay ku sharqamaan.
*Doqonba doqonka kaluu khabiir ku yahay.
*Masku u ma qalmo naxariis.
*Qaar badan baa ka cawda muuqaalkooda, mase jiraan kuwa ka cawda maskaxahooda.
*Qofka garaadka leh hadduu maqlo weer kaliya wuxuu fahmaa labo.
*Qofka garaadka lihi wuu ogyahay wuxuu yiraahdo; doqonkuse wuxuu yiraahdaa wuxuu og yahay.
*Waxaa roon inaad toban jeer su’aasho intaad hal mid ah ku lumi laheyd.
*Midkii aan wax weyddiin karin ma noolaan karo.
*Marka uu nin garaad lihi la hadlo doqon, labo doqon baa wada hadlaysa.
*Cadaabta lala wadaago waxgarad baa ka roon janno doqon lala wadaago.
*Hadalku wuxuu ku yimaadaa abuurriin, aamuskunka garaad.
*Haddii hadalku hal shilin joogo; aamuskuna labuu joogaa.
*In badan hadal waxaad ka warramaysaa waa naftaadee.
*U gadood in badan inaad saxan tahay, aad ahaatid mid khaldane.
*Aamuskuba waa hadal.
*Iska jir biyo fadhiya, ey fadhiya, iyo cadow fadhiya.
*Ninka garaadka lihi, xitaa markuu xajiyo carrabkiisa, wuxuu yiraahdaa wax ka badan intuu nacaska hadlaa yiraahdo.
*Hal garashoo horudhacoo wanaagsan waxay la mid tahay labo garashoo gadaaldhaca.
*Erayada waa in la miisaamaa, maahan in la tiriyo.
*Erayadu waxay muujiyaan garashada qofka, falalkiisuna nuxurkiisa.



No comments:

Post a Comment