Friday, June 1, 2012



MILICSIGA MURTIDA

·       Nabad waa sahaydaada oo aad suxulka ku sidato
·       Nabad waa geel xeradi iyo rag gogoshi
·       Nabad waa lagu tarmaa, colaadna waa lagu tirmaa
·       Nabad waa lagu hirtaa, colaadna waa laga haajiraa
·       Nabad waa dheef lagu naaxo, nin dhug leh baa og
·       Nabad waa aan wax dhisno, colaadna waa aan kala dhaqaaqno
·       Nabad waa caano macaan

·       Xeer waa negaadi

·       Xeer la’aan waa xukun iyo xoolo la’aan

Golihii dariiqaan lahaa, guluf ka heenseeye
Badda gawtigeedaan lahaa, yaraha gees qaade
Golol iyo bannaan baa lahaa, gebagebee bariye
Garoowaan lahaa gelin ku furo, gaatiyaha awre
Gafiir galkiisaan lahaa, gole ka meegaare
Xasan-Kamas ku gama'i baan lahaa, geedo jiifsadaye
Geedo raaran fuul baan lahaa, geed Marreexaane...
Sayid Maxammad Cabdille Xasan 

Boqor waa walaayoo
Waa lagaaga weynaayoo
Waa lagaaga wareejoo
Indhahaad walcinayso iyo
Warankaad gilgilayso iyo 
Wirayda ka daa...
Cali-Kaar

No comments:

Post a Comment