Thursday, June 27, 2013

Beeni Raad Ma Le (hees)

Ratigaan hayin ahayn
Aqalkuu ridaayoo
Rarka lama dul saaree
Dumarkuna Raxmaadkiyo
Ramad geel nin maalay
Kaa raacayaane
Qalbigaygu tuu rabay
Raalliyo ma noqotoo
Runta gaari waayoo
Anna waa is raacshayoo
Riyadiyo hurdadaan baas
Ayaan reer ku oodee
Xalay baan riyaaqoo
Ruux aniga ii timid
Raadkeeda gurayee
Aniga iyo Raxmoo qura
Ayaa rug is la joognee

Beeni raad ma le
Dheelalow run moodayey!

Roobkii da'aayiyo
Raaxada adduunyada
Ani way iga raagtee
Risqigii la ii qoray
Geed buu ku raarmayoo
Rays gaari waayaye
Waqtigu ii ma roonoo
Rako igama saaroo
Dhanna ii ma ridayee
Raasamaal la haystiyo
Maal la isku riixaa
Kala reebay dunidee
Wax dhan baan rafaadoo
Rucle-orod ku daaloo
Raacdeeyay gabadhee
Dantaa ii run sheegtee
Ragannimo ma waayine

Beeni raad ma le
Dheelalow run moodayey!

Cirku nimuu ku reemoo
Gugu uu rusheeyoo
Daad la rooraan ee
Badda oo is rogiyoo
Biyuhu raarka joogaan
Bay igu rugo wareegsane
Aar micida raamiyoo
Raantii lulaayaa
Raq sideedii i fuushane
Nacabka i riddeeyiyo
Malko raxan maroodiya
Rafiiqaygii moodaye
Raxalkiyo kitaabkiyo
Rasuustiyo quraankii
Waan ku raysan waayee
Rasiiladii kama quustee
Way ruux wareentaye

Beeni raad ma le
Dheelalow run moodayey!

1 comment:

  1. Marqaati

    Waxaan gabi ahaanba burburay markii xiriirkaygu dhamaaday. Runtii waxaan rumaysnaa in aan waayay jacaylkii noloshayda weligeed. Kadib waxaan helay Dr. Dawn, wax walbana way is beddeleen.
    Naxariis, xikmad, iyo hanuunin xoog leh, ayay ku soo celisay jacaylkii aan moodayay inuu meesha ka baxay. Maanta, aad ayaan ugu faraxsanahay abid!
    Dr. Dawn runtii ilmadaydii waxay u beddeshay farxad.

    Dr. Dawn ayaa kaa caawin kara:

    ✅ Higaada Jacaylka
    ✅ Higaada Uurka
    ✅ Soo celinta Guurka / Xiriirka
    ✅ Daawooyinka Dhirta ee HIV, Cudurada Kelyaha, Arimaha Wadnaha, Caabuqyada, iyo kuwa kale

    📧 Email: dawnacuna314@gmail.com
    📞 Telefoon/WhatsApp: +2349046229159

    Ha ku dhibtoon aamusnaanta. Dr. Dawn waxay farxad ku soo celin kartaa noloshaada!

    ReplyDelete