Monday, April 16, 2012



Waxaa Hoogtay Ummad....

Adduunyadu waa hurgumaaley, waa heerar badan, had iyo laayaan leh. Waa hadimmaaley, halakaaley, hoog iyo ba’ leh. Haddana waa hoodaaley, habsanley, hodannimo iyo ladnaan leh.

Had-ddii la joogo iyo halkii lagu nagaadaba aadanahu wuxuu lahaa hoggaan iyo heeco daba joogta. Waxay daba-joogtu ka haamisaa dhanka hoggaanka inuu ku wado, hillin wanaagsan oo horseed sami soo hubiyay. Waxay ka haamisaa in maskaxdiisu ku hilan tahay garaad horreeya oo ku filan hor-u-kacooda. Waxay ka haamisaa inuu ku hubaysan yahay qalabkii lama huraanka u ahaa hayaanka dheer ee nolosha. Waxay ka haamisaa inuu hoggaanku nafti-hure u yahay intooda badan. Waxay ka haamisaa inuu xigtii la helaba uu ku habi doono dhallaankooda, isaguna ka habeyn qadi doono.

Hase yeeshee, ummad walba hoodadeed. Kuwuu u dhaboobay hammigoodii, kuwaase ku hanqaarmay waxay hiyiga gashaanba. Ummadda S/liyeed halkay joogtaba way ku hawirantay badi hogg/sheedii. Ma habaar ku dhacaa? Ma waxay hore u galabsatay oo haatan laga jarayaa? Ma samirkoodaa lagu hubinayaa? Siday ahaataba, waxaa hubaal ah inay ku hawirantay midkay madaxnimo ku hollisaba.

Hebelkii walba ee madax ahba waxaa dhaqan u noqotay inuu harkii boobo hantidii ummadda dhextaalka u ahayd. Waxaa hab u noqotay inuu hantidaas u rogo lahaansha gaara oo uu daaro dhaadheer iyo dayrar wacan ka sameysto. Waxaaba in badan dhacday inuu ku doono hantidaas haashaar gobeed, halkay ahayd inuu la hullaabto gunnimada iyo gaado-xumaanta. Hadduu ka guro naaskaas u irmaanaana waxaa caado noqotay inuu hulkamiyo colaad, asagoo beelo nabad u yaal habarwacasho kula dhex rooraya.

Dhallin kasta waxaa hal-tusaaleed u ah, hadba kii ka muuqda bulshada oo horumar gaara haabtay, waxayna heerarka sare ku higsataa hawlkarnimo iyo dadaal. Halkay ka ahayd in wanaagga iyo waxsan-doonku noqdaan hal-tusaaleedyo waxaa noqday heerka lagu hirto madaxnimo dhoqso loogu tabcado oo loogu taxaasho. Sidaasna waxaa ku halligmay hammigii toosnaa ee ummadeed. Balse wuxuu u rogay ummaddii S/liyeed idilkeed tu’ ka maran halabuur iyo hawl adag oo horumar lagu higsan kari lahaa. Halkaas kuma hakan arrimuhu ee wax-xun doonkii ummaddaa kor u soo haraaciyay. Wax-san doonkiina hoos buu u quusay, illeyn horay u ahayd rag iyo ku rugtiise.

Waa sidaase, hareer walba maanta waxaa Soomaali hormoodnimo u tafo xaydan hawl-mubaddarkii haraaga ahaa ee aan halna lagu aamini lahayn, hadday arrimuhu qumman yihiin.. 

Waxaa hoogtay ummad fidno hulaaqaheedu yahay humiyaheeda. Waxaa hoogtay ummad hulqaheedu yahay horjoogaheeda. Waxaa hoogtay ummad hiddiwaalaheedu yahay hanuunyaheeda. Waxaa hoogtay ummad hiyiwaalaheedu yahay horseedaheeda. Waxaa hoogtay ummad hudeeceheedu yahay halqooqeeda. Waxaa hoogtay ummad huddankeedu yahay heemaalkeeda. Waxaa hoogtay ummad heensarraarkeedu yahay hiteeyaheeda. waxaa hoogtay ummad haayirkeedu yahay hiilkeeda. Waxaa hoogtay ummad hirsigeedu yahay higil iyo himamow.

Waxaa hoogtay ummad goor iyo ayaan u hilqanaysa habas garashada ka guran oo u hanqal taagaysa hawraarihiisa wada hutaanhutada ah. Waxaa hoogtay ummad hiraab walba u taagan inay haniyaha jarto keeda hoodaarka ah oo haddana hibaneysa inay hanka goyso hanadkii xiga. Waxaa hoogtay ummad aan iska horeyn karin hiirtaanyo abuuraheeda oo halkay shalay ku honogtay maantana lagu hanboorrinaayo. Waxaa hoogtay ummad harimodeedu tahay habkii ubadkeeda. Waxaa hoogtay ummad ka hadaaduntay inay danteed ku heshiiso. Waxaa hoogtay ummad halkable u yahay hindisaaga u hogoggoliya danaheeda.

Waxaa hoogtay ummad holgana oo halaqjaflaheedu yahay haamaansi iyo hasid. Waxaa hoogtay ummad hiijo-qabe hoomo ah u yahay haldhaageeda. Waxaa hoogtay ummad haramaha aan ka limeyn heeladkeeda. Waxaa hoogtay ummad habi’laawe hankaagid ah uu dharaar walba ku halwinayo haadaamo wada halase (hoosta ka kulul ama dab ku leh) ah.

Waxaa hoogtay ummad iska hoganeysa marka uu habhable, hayeeshaale (cudurdaar badan)  ahi uu halabsanaayo haaneedkeeda. Waxaa hoogtay ummad hadaaqeedu yahay haydaartooyin iyo haasaawe been ah. Waxaa hoogtay ummad goor walba haweenkeeda u xireysa hangal iyo hagoog xun. Waxaa hoogtay ummad horatibyeynaysa ku hojinaaya goox (meel bannaan) cidla ah iyo gebiyo xargaga.
Waxaa hoogtay ummad hal qof oo habrane ahi uu isku jimeynayo hawlaheeda oo dhan…….way hoogtay, way hoogtay, way hoogtay!

Eryada: 
1- Hurgun: fasas (infection), caallir. 
2- Had: geeri, dhimasho ama waqti, goor.
3- Hadimo: wed, dhimasho, geeri.
4- Heeco: ilmo rajo ah oo hooyo walba u raaca si uu nuugo. Naflihii cid walba iska dabagala.
5- Haamin: maamin, hindisid, kasha ama laabta ku-hayn.
6- Hillin: waddo haloosi ah (highway) oo weyn.  
7- Hanqaaran: wax la filaayay oo la waayo ama lagu hungoobo, luggu'id.
8- Hawiran: la laayacay, aan la xannaanayn ama aan la dhawrin.
9- Haashaar: muuqaal xarrago iyo qurux leh, mardaaddi.
10- Hullaabasho: si dharka loo huwado.
11- Hulkamin: shididda ama bixinta dabka
12- Hal-tusaaleed: mid wax lagu tusaaleeyo si loo fahmo.
13- Haraa: neefka xoolaha mar walba gadaal ka socda, dabaadi.
14- Hulaaqid: marka dabka la shido qiiqa ugu horreeya ee baxa.
15- Humiye: kan calallada ama maryaha isku tola, toltole.
16- Hulqe: mid aan waxtar ahayn, liite.
17- Hiddiwaale:  kasha ama laabta xasilloon la'aan u keena.
18- Hiyiwaale: hiddiwaale, kasha waala ama saldhigid u diida.
19- Hudeec: socod gaabisa, dheerayn-la'aan, hadaaf 
20- Halqooq: qanaanta (dabada) fardaha, Wax walba waxa ugu fiican
21- Huddan: socod tabar yar, luudid.
22- Heemaal: qaab-wanaag, habsami.
23- Heensaraar: tiirar farraarro leh oo aqalka gudihiisa inta la teedsho, duubishida korka laga saaro.
24- Hiteeye: wax-ka-sheege, ceebeeye.
25- Haayir: col weyn sida dal cola oo awooddiisa ciidan kugu soo jaheeya.
26- Hirsi: meel ama qof tammadin leh oo in la gaaro lagu dadaalo.
27- Higil: muuqaal weyn oo aan si fiican u muuqan.
28- Himamow: waqtiga cadceeddo dhacdo oo uusan iftiinkeedii wada tagin, maqrib, fiid hor.
29- Hilqayn: marka dadku garangar u sameeyaan qofay danaynayaan, sida hoggaamiyaha, loo soo shiro loona gabrado.
30- Habas: shinbir yar oo aalaa dhulka dhabbacda.
31- Hanqal: qeybta jirka qofka ee madaxa iyo caloosha u dhaxeysa.
32- Hiraab: habeynka gelinka dambe intaan waagu baryin.
33- Hoodaar: diric, rag, dadnimadiisu sarreyso.
34- Hibasho: wax hore u dhacay oo laga samri waayo, gocasho.
35- Hiirtaayo: dhib. 
36- Honog: dhiig joogsan waaya, dhiigbax. Goror.
37- Hanboorrin: horey-u-tuurid, riixid, harbis.
38- Harimo: cunnada harkii la cuno, qado.
39- Hadaadun: quus, calool-duubid
40: Holgan: aan helin qeybtuu xaqa u lahaa, dulman.
41- Halaqjafle: cunno fudud oo cashada kahor la cuno (snack).
42- Hasid: cabsiin, bajin.
43- Hiijoqabe: godob-qabe, aano ku maqan tahay.
44- Harame: cawska ama nagaarka beerta ka dhex baxa oo laga limeeyo/jar.
45- Hankaagid: hungoobid, wax-ka-waayid. 
46- Haydaarto: eed korka la iska saaro, haaraan. Dhibaato ama rafaad.
47- Hangal: asay, waa dharka cad ama madow ee dumarku xirto marka laga dhinto.
48- Horatibyayn: wax waqtiguu dhici laha ama loogu talagalay laga horumariyo, dedajis. 
49- Hojin: joojin, meel-tubid.
50- Habrane: qof meel ka dilan, wax ka baqaya, alaalabbiqid.

 


 


No comments:

Post a Comment