Thursday, August 23, 2012

Dhalanteed iyo Dhaan Dabangaalle Dheh!


Dhalanteed iyo Dhaan Dabangaalle Dheh!

Aniga iyo inta ila eyniga ahba, waxaa ayaankeen noqday in marag ka noqonno dhacdooyin taxane ah oo aad u ba’an, kuwaas oo dulhabsaday qaranka Soomaaliyeed dhammaanti. Waxaan waayihii nolosha ku aragnay waxyaalo haddii ay marar hore dhici lahaayeen oo naloo soo warin lahaa aan u qaadan lahayn sheekooyin dhalanteed iyo dhaan dabangaalle ah. 

Muddo ku siman 20 sano iyo dheeraad, waxaan u dhug lahayn dhibaatooyin isdabayaal ah oo markaan mid ku dhaygagnaba ay mid tii hore ka daran naga soo mudbaxaysay. Maalmahaan waxaan arkaynnay qorshayaal lagu sheegay xukuumad-u-samaynta dawladnimadii burburtay. Waa arrin fikir ahaan huwan wanaag iyo waxsan, hase yeeshee, sida arrinka loo qaabeeyay markaad u fiirsato, waxaa kugu dhalanaysa murugo iyo maanka oo qaadan waaya waxa maraxa naloo ka dhigay. Waxaa la yiri; waxaa xildhabaannada baarlamaanka Soomaaliyeed dooranaya oday-dhaqameedyada dalka. Waa yaabe sidee xildhibaan qof/jifo keensatay u matali karaa tolkaas dhammaanti oo waa yaab kale, sidee qof reer keensaday uga adeegi doonaa danaha dhexyaalka u ah qaranka oo dhan?

 Waa mare, hab qoleedka Soomaaliyeed isinku ama odaygu xilkuusu waa guddoominta arrimaha waxgaradka tolkaasi go’aamiyo waa isla sidiiye waa shir-guddoomiyaha xubnaha tolka, qoloda ama bah-wadaagta. Wuxuu kaloo yahay, barta arrimuhu ku soo aruuraan oo laga maareeyo kadib markii danwadaagtu ka shirtana, laga soo saaro ga’aammada bahdaasi ama tolkaasi gaaray. Maahan isinku ama odaygu sarkaal ciidan oo bixiya amarro aan dood lahayn. Maaha kaligi-taliye, inta taladii dalka xoog kula wareegay aan tiisa laga daba oran karin. Odaygu waa isinkee, wuxuu ku jaango’an yahay talada qoladuu shirguddoomiyo, sida kuwa kaluuna hal-codle yahay. Sidaas bay ku soo dhisnayd kaladambayntii soojireenka ahayd ee uu waayo badan hab qoleedka Soomaaliyeed ku soo taagnaa.

Waa mar labaade, kursi siyaasadeed oo aysan qolodu ama bahdu u habaysnayn siday u agaasimi lahayd, haddii lagu soo dhextuuro sow maaha ha isku nacdo, habkii wadajirkeedu ha ku burburo amaba ha isku layso? Nabe haah, waayo waxaan laga sii baarandagin oo la sii hadoodilin xeerarkii ama jaangayntii lagu maamuli lahaa, waxa laga dhaxlaa waa qas iyo qalalaase waaana middaan dambe tan malahayga ku weyn. Aqalkii dawladnimo ee weynaa, sidii maalinba udub loo siibaayay, ayay hadda maraysaa in aasaaskii la fujiyo. Waxaa dadweynaha Soomaaliyeed u badbaaday hababkii xigaalka, xididka iyo xasabada. Seddexdaas baa ahaa dhidibyadii saldhigga u ahaa sii jiritaanka bulshoweynta Soomaaliyeed. Waxaad moodda kuwa Soomaaliya balada u maleegaa inay darseen oo isla heleen sii-baabi’inta dantii guud ee dalka iyo dadka. 

Oday-dhaqameedku marna maahayn xubin siyaasadeed ee wuxuu mar walba ahaa xubin hoggaamisa arrimaha bulshada reeruhuu ku abtirsado. Haddii dan la mooday, in isinkii ama odaygii uu ciyaaro door siyaasadeed, waxay ahayd inuu marka horaba isaga iyo waxgaradka uu odayga yahay ka fakaraan waxa loo igmaday dheefta iyo dhibka uu u leeyahay dadkiisa. Waxay ahayd inay si weyn uga feejignaadaan wax kasta oo wadajirka dadkiisa waxdhimaal u leh. Waxay ahayd inuu arrinkaan meelmarintiisa uu la kaashado dadka u madaxda u yahay kadibna, xeer hoosaad la wada ogboon yahay la meeldhigo. Marna maahayn inuu kaligiis maalootiyo arrimo taabanaya kooxo danwadaag ah. Marna maahayn inuu dadkiisa ku dhaqo hab aan lahayn qaab wax lagu kala sooco. Tusaale ahaan, haddayba noqotay in loo xilsaaro soo doorashada mudane bahdiisa matala, waxaa habboonaa inuu waxgaradka ama guurtida tolka uu odayga u yahay uu sii xilsaaro isla-helista tilmaamihii mudanaha la doonaayo kahor intaan hebello la sheeg sheegin, kadibna iyadoo aan la isu itaal sheegan oo ilma-adeer siman la yahay mudnaanta la siiyo kan hawsha la maaggan yahay ugu habboon. Kaasi waa kan laga filan karo waxqabad guud. Kaasi waa kan isaga la goobo ee maahan kan isagu mudnaanta isasiiya oo u harjadaaya haabashada jago loo qoondeeyay waxqabadka guud. Mudanaha wanaagsan ee maanta ku qumman siyaalaha Soomaaliyeed waa kan loo soo baryo u-adeegga dadkiisa ee maahan kan laaluushka iyo xeeladaha kale wax ku doona oo aad mooddo ganacsade faa’iido doon ah.

Waxaa amakaag iyo uurkutaallo ah, in tolalka Soomaaliyeed iyagoon xeerar arrinka lagu sooro lahayn loo tartansiiyo ama ay u tartamaan jagooyin dhexyaal ah, kadibna ay u ekaadaan dad yaw ah oo sidii dugaagga raqda ku qamaamaya oo ku garabootamaya. Waxaa kaloo murug leh, in iyadoo loo wada jeedo lagu takrifalo xeer hoosaadyadii loo qaandeeyay sooxulista mudanayaasha waxaana arrinkaan dambe tusaale u ah; waxaa la aguugay guddi-farsameed loo xilsaaray shaandhaynta mudanayaasha la soo doortay. Waxaa shardi looga dhigay tilmaamo ay ka mid tahay; shahaado dugsi sare haddana waxaa ku gudbay kii qirtay inuusan dugsi dhexana dhigan oo haddana si caalamiya ugu eedaysnaa musuqmaasuq.
Ummad taladeeda iyo tabaheeda saldhig uga dhigtay xeer-la’aan iyo xeelado gurracan sidee uga ruqaansan kartaa fadhiidnimo ay ku curyaantay?

Tolkaan Jilib-carro iyo Xeer lahayn, Waa Isku Jabayaa!
(Dhuurcas)

Friday, August 17, 2012

KAAHA IYO KABACALAF


KAAHA IYO KABACALAF
(Sheeko Gaaban)
Sheeko dhaqameedyada Soomaalida oo xikmaddu ku dheehan tahay waxaa ka mid ah; Sheekadii Kaaha iyo Kabacalaf. Waa sheeko aan la hubin xilligay ku beegnayd iyo degalkii Soomaaliyeed ee sida gaarka ah ay uga soo banbaxday. Waa sheeko iftiiminaysa sidii gabadha Soomaaliyeed geyaankeeda u hoomaadi jirtay kadibna uga xulan jirtay wadeygeedii nolosha iyo halbeegyadii qummanaa ee lagu eegi jiray guurdoonaha. Waxay kaloo muujinaysaa sida gabadhu u kari kartay inay kala doorato gayaankeeda.

Xilli gu’ hortiis ah bay u soo guurtay beeshii Kabacalaf ruuman si wanaagsan u doogsaday. Waxaa berrimadii doogsanaa hore u degganayd beel kale oo loo aqoonsanaa inay iyadu degmaysiga berrimadaan u badnayd. Beeshaan lala soo degay waxaa ka dhalatay gabar dhalan iyo dhugba lagu mannaystay oo magaceedu ka yeeray geyigii la joogay. Magac been ma baxay oran jireena, waa Kaaha oo loogu magacdaray iftiinka xoogga badan.

Maalintii dambe, intii lagu jiray seermaweydadii gu’ga ama gu'soorihii baa barbaartii ka tirsanayd beesha Kabacalaf ka dhashay u soo haasaawe tageen hablihii degmadii ay soo ag degeen. Geelle-Dhuux oo Kabacalaf hoos uga yaraa, ahaana inan dhalankiisa aad loo dhawri jiray laguna jeclaa goloyaasha lagu haasaawo ayaa xodxodtay Kaaha. Hadday waayo sheeko-wadaag ahaayeen bay isku afgarteen inay isguursadaan. Iyagoo ballaan waqtiyaysan leh baa labadii qolo oo ay ka kala dhasheen diriri dhex martay oo rag iska laayeen, kadibna degmadii Kabacalaf baa ka ufootay kana hayaantay aaggii la wada degganaa.

 Markaas kadib waxay talo ku ciirtay inankii Geelle-Dhuux oo gabadhuu jantay dantu ka soo ag kaxaysay. Hurdo iyo hoyaad buu ka tagay, dhuuntiisana dheefi waa mari wayday. Waa nin hilow dumar ku dhacaye, kaarkii hayay wuxuu u bandhigay dhallinyaradii xigaalka u ahayd, wuxuuna ka codsaday, in si la yeelaba Kaaha lala doono. Raggii xigtada u ahaa waxay isku dayeen inay waaniyaan, iyagoo leh; Dhuuxow arlada gabar kale ka soo arkood, hawlaha kalana nagu hallee, reerkii asaayuhu na dhex mareen iyo Kaahana naga daa. Geelle-Dhuux uma cuntamin weerihii raggii tolkiisa ahaa. Dhuux oo calowsaadsan, kalgacalkii Kaahana la suuqmay baa walaalkiis Kabacalaf u yeeray oo weyddiiyay sababta uu la haaraayo oo la xasili la’ yahay? Dhuux walaalkiis wuxuu u bandhigay arrinkiisii iyo sidii ay ilmo adeerradiis faleen markuu ku cawday.

 Kabacalaf oo aan lahayn dhalankii iyo gadihii lagu jeclaa Dhuux, lagana hormarin jiray Dhuux baa go’aan adag qaatay. Wuxuu u sheegay Dhuux inuu isagu raaci doono oo la soo bixin doono Kaaha, naftiisana u biimayn doono sidii u hanan lahaa gabadhii heegaha dheerayd oo hoobaanta u ekayd.      
Aroortii dambaa Kabacalaf iyo Dhuux ka kallaheen degmadoodii, afar caanomaalna u socdeen degaankii Kaaha beesheedu tiil. Maalinnimay ku soo beegmeen foofkii degmadee way maateen, illeen isbixin kama dhexeyn reerahoodee. Goor casarliiq ah oo ay cilcillow tahay bay ilbaadsadeen Kaaha oo awrtii reerkooda carraabinaysa. Si taxaddar leh bay ugu yimaadeen waxayna u sheegeen dantoodii. Aad bay Kaaha ugu baqday raggaan naftoodii soo biimeeyay. Waxay ka ballanqaadday inay raaci doonto isla habaynkaas. Waxayna u tilmaantay laamo aan ka dheerayn oo ku tiri; igu suga laamahaas, cawaysinkii baan idiin imaan doonaaye. Walaalihii iyagoo faraxsan baqdinse jirto bay halkii lagu heshiiyay fariisteen. Goor xoolihii la maalay aanse la seexan baa dhibicdii cirka ku gaaxsanayd Eebbe keenay. Barbaartii la dhalatay Kaaha oo geeljiraha ahayd oo golaha geela seexan jirtay baa wax ka soo jirsatay aqalkii reerka. Intii roobka laga wada jirsanaayay minkii bay barbaartii sheekooyin isku maaweeliyeen oo midba markiisa sheeko xariir lala qoslo ku jalbeebiyay. Roobkii waa qayoodi waayay, Kabacalaf iyo Dhuux oo lix caanomaal qatanaana waxaa u soo raacay roobkii oo ay ku caaceen. Waxaa kaloo u weheliyay cabsi ay ka qabeen dhankii reerahay gabadhooda doonayeen.

Markii sugaalkii ku dheeraaday, baahi iyo qarqaryana u dheertahay bay is ku afgarteen inay sabadka reerka tagaan oo soo xuuraamaan halka arrinku maraayo. Waxay soo duljoogsadeen hooygii Kaaha ku sugnayd, waxayna dhegta u raariciyeen sheekada dhallintii guriga ku jirtay. Dhinicii aqalka Kaaha ka fadhiday intay hubsadeen bay baaq sharqan yar leh sameeyeen. Kaaha waxay ahayd gabar xirrib lehe, intay sheekadii kala wareegtay walaalaheed bay tiri; aan idiin mariyo sheeko fiican. Waxay tiri; waaba wiil jeclaaday gabar ay degel-wadaag ahaayeen, kadibna waxay ku heshiiyeen inay is guursadaan. Labadii reer baa dagaal xun dhexmaray waana kala guureen. Wiilkii baa har iyo hoyaad diiday jeclaantii gabadhii awgeed. Maalintii dambaa isaga iyo walaalkiis naftoodii soo biimeeyeen si ay gabadhii u la baxaan. Gabadhii oo awr carraabinaysa ayay u soo gaatameen lana hadleen. Gabadhii waxay ku tiri; laamahaas igu suga markii la seexdaan idiin imaan doonaaye. Roob baa yimid, geeljirihii gabadha la dhashay baa gurigii wax ka soo jirsaday, gabadhiina si ay u baxdo bay garan wayday. Walaalihii gabadhii waa sugi waayeen, markaasay aqalkii la jirsanaayay gasadiisa yimaadeen oo gabadhii u baaqeen. Gabadhii way garatay waxayna ku tiri; haddaad rabtaan in la idin dilo aqalka soo gala, haddaad aniga i rabtaanna, dhiisha caanuhu ku jiraan oo xerada ariga gadaasheeda ku jirta la baxo oo geedkii igu suga. Markay halkaas sheekadii Kaaha marinayso baa Kabacalaf walaalkii gacanta qabtay oo inta dhiishii qaateen ku noqdeen laamihii lagu ballansanaa. 

Goor dambe oo roobkii qayooday bay gabadhii u timid, meeshiina way ka guureeyeen. Markii waagu baryay baa:
Kaaha: ma quraacannaa?
Dhuux: inta walaalkii fiiriyay yiri; cunnana ma wadanno, cidna u ma jeednee maxaan ku quraacannaa?
Kabacalaf: waxay u jeeddaa aan rumayanno.
Markaasaa inta geed qaroona loo tagay rumayo laga goostay.
Wax la socdaba harkii bay noqotay qorraxdiina kululaatay, markaasay geed hoos leh hoos fariisteen oo ciriddii ka harsadeen. Haddii xoogaa la joogay baa:
Kaaha: Ma nasannaa?
Dhuux: sow ma nasnin waa maxay nasashada aad ka hadlaysaa?
Kabacalaf: waxay u jeeddaa; kabaha ma is ka bixinnaa?
Goortii ay cabbaar nasteen bay socodkoodii sii wateen, saa:
Kaaha: degmaan soo galnay
Dhuux: miyaad naga dheer tahay, annaguba degmo ma aragnee?
Kabacalaf: waxay aragtay haadkaas, meeshii haad ku dhacayana degmaa taal.
Degmadii bay ku soo baxeen, markaasaa waxaa ka horyimid oday gaboobay u tukubaaya, saa:
Kaaha: ninkaani ma naga sii socdaa, mise waa nagu soo socdaa?
Dhuux: ma indho beeshay sow tan ninka aan u wada joogno oo uu nagu soo socdoo, kanna yahay?
Kabacalaf: waxay u jeeddaa; odoygu waa gaboobay oo geeruu qarka u saaran yahaye tolow, waraso ma ka tagay?

Degmadii markii la soo gaaray waa sidii la yeeli jiraye, Kaahaa looga soo tagay meel ku dhow aqalkii ay ka soo balleeyeen degmada, walaalihiina waxay soo duljoogsadeen aqalkii. Isnabdaadin kadib, waxay sheegeen wuxuu socdaalkoodu ku saabsanaa. Markaas kadib, waxaa loo habeeyay marti ahaan. Fiidkii gooray tahay baa loo keenay xeero misagga ah oo caano iyo subag lagu soo iidaamay iyo seddex fandhaal. Kaaha waa gare,  xishood awgiis bay fandhaalkii ku taabtaabatay sooryadii. Caanihii iyo subaggii waxay ku soo dindimeen dhankii walaalaha, illeen waa godmay dhankooduye. Kaaha waxay istiri haddaadan in door ah sooryada ka cunin, beerrito waad ka gaabin nimankaan ku la soo baxay awood-la’aan awgeed waxaana lagugu dhaliili doonaa caycaynimo ee is ku dirqi cunnada, markaasay:

Kaaha: Kabacalafow maanta hadal aad i tiri sidaas baa caloosha la ii kala jeexay oo fandhaalkii misaggadii dhexmarisay oo diillin caanihii iyo subaggii xaggeeda ugu soo noqdaan ka dhex jeexday xeeradii. Markaasuu inta gartay dhugteeda oo fandhaalkii ku walaaqay xeeradii, yiri:
Kabacalaf: adba Kaahaay hadal aad maanta i tiri sidaas baa caloosha la ii walaaqay. Kaaha oo baaraysay garaadka nimanka la soo baxay ayaa la ashqaraartay xirribtii iyo hannaankii Kabacalaf, waxayna hoos ka gaartay go’aan ka geddisan kii ay reekoodii uga soo ambabaxday.

Waagii markii uu baryay baa loo jaanqaaday dhankii degmo loogu sheegay wadaad wax meheriya. Markii loo yimid wadaadkii oo la isu diyaariyay qaabkii uu u dhici jiray meherku oo la soo gaaray ammintii Kaaha laga codqaadi lahaa, bay la soo boodday; wadaadow aniga ninkii i watay ha igu meherine ninkaan Kabacalf ah igu meheri. Waa la isu dhugtay oo la yaabay. Geelle-Dhuux oo jeclaa mar uun inuu Kaaha la aqalgalo ayaa cadanyooday oo yiri; wadaadow gabadha anaa la soo baxay ee way kaftan badan tahaye, ka-dhab maahee igu meheri. Markaasay tiri; aabbahay buu iga yahay Dhuuxe ama Kabacalf ha la igu meheriyo ama reerkayagii baan ku noqonayaa.  Waxaa dhacay amakaag iyo af-kala-qaad, waxayna noqotay in walaalihii shawr u kaliyaystaan. Kabacalf baa wuxuu soo jeediyay in mar haddii gabadhii taagan tahay aabbahay buu iga yahay aan reerkoodii ku celinno, adigana samir iyo iimaan ka wehesho. Haddii Geelle-Dhuux muddo fakaraayay buu yiri: walaalle mar hadday i diidday adigana ku rabto waa inan wanaagsane yaysan na wada dhaafin ee guurso, kolley waxtarkeedu wuu wada gaari doonaa qoyskeenna, e.
Sidaas bay Kaaha ku noqotay xaaskii Kabacalaf, waxaana la sheegaa inay carruur badan isu dhaleen, is kuna ag gaboobeen. 

Friday, August 3, 2012

MARKII ROOBKU DI'I WAAYAY ILMADII BAA DA'DAY!


          MARKII ROOBKII DA’I WAAYAY ILMADII BAA DA’DAY!

Waxaa maalmo kahor shaashadaha TV/yada adduunkoo idil laga daawanaayay muuqaallo naxdin iyo murugo badan. Waxaa la arkay maxas Soomaaliyeed oo tiro dhaaftay oo habqana oo si isdabajoog ah u susumaysa dhanka xudduudaha dalalka dariska ah. Waxaa la arkay dumar iyo carruur la dirgan waayay macaluul, harraad iyo hagardaamooyin ay kale soo kulmeen jidadkay ku soo qaxeen. Waxaa laga wariyay dadkaas colka iyo cadaawuhu hareeyeen sheekooyin qofkii lahasho aadnimo leh si weyn ugu danqanaayo. Qoys ka koobnaa hooyo iyo 5 carruur ah baa intii ay nafta la haarayeen dhallaankii midba meel lagu soo xabaalay, markii ay wada jasheen, waxaana soo cidgashay hooyadii kaliya oo luudaysa oo aq la ildaran. Hooyadaas dhibaatooyinka jirkeeda ka muuqda waxaa u weheliya ugana daran tiiraanyada ka haysa ubadkeedii ajashu midba meel dhigtay oo horteeda ku wada dhanqalmay markay wayday ciday u irkato oo samatabixisa ilwaaddii nafteeda. Hooyadaas dacdarradu duldagtay, waxaan tiiraanyada nafteeda buux dhaafisay ku garanaynnaa ilmada aan sharqanta lahayn oo sidii darroorta roobka indhaheeda ka da’aysa.

Waxaan og nahay markii qofku xanuunsado ama dhib la kulmo inuu baroorto ama ooyo. Wuxuu sidaas u yeelaa oo abuurriin ah si loogu soo gurmado oo gargaar loogu fidiyo. Haddiise qofku waayo cid caawintiisa u soo birmata rafaadkana ka bixi waayo wuxuu gaaraa heer uu danqasho gabo oo jirkiisu nuuxsi iyo baroorba daaayo. Waxaase marmar dhex majiira oogadiisa xusuus aad u daran oo ka keenta ilmo dareeraysa oo aan lahayn wax sharqana. Waxaa siyaalahaas ku sugan maatada Soomaaliyeed oo saxariirtu ka meel wayday.

Waxaa ka loo ka mid ah sheekooyinka dadkaas;  qoysas ubadkoodii oo nool ka tagay markii ay tahli waayeen daryeelkooda. Sidaasina waa arrin kale oo u eg sheekooyin hore oo aan maqallay. Waxaa marar hore ka dhacay geyiga Soomaaliyeed abaaro baaxad leh oo dad iyo duunyaba halakeeyay, waxaana la sheegaa carruur ama dumar iyo carruur inta xero lagu ooday intii xoogga lahayd nafta ka la baxsatay, ilaa maantana waxaa jira meelo loogu yeero; Naago Oodaysyo. Waxay sidaani dhacdaa mararka lixaadka dhibaatooyinku noqdaan kuwo la maarayn waayo. Waa heer la gaari karo oo lagu masayn karo shiddooyinka badan ee maalinta qiyaamaha oo la yiri, hooyadu waxay ka carartaa kay dihatay, xigtannimana waxba ku ma toorna. Inaad ubadkaagii oo nool ka tagtaa waa arrin aad u culus, tusaale fiicanna u ah xaddiga dhibaatadu gaarsiisan tahay.

Muuqaallada dumarka Soomaaliyeed ee diihaalka iyo dandarrada la diidsan waxaa jiraa la yiri, qaar badan oo la qabsaday!. Eegey danyartaas dalanbaabiga ah oo dunidu ku sastay, rag ay dhalasho wadaagaan baa inta u hammooday ku dirqiyay u-galmasho xaaraan ah!.  Eegey jufmooyinku qalfoof socda oo silicsan bay u galmoodeene!. Eegey laga wada goo naf sursuur ku jirtay saarasho u la bareereene!.   
  
Dhanka kale, iyadoo dhallaankii Soomaaliyeed tarabtarab u dhimanaayo nafaqo-la’aanta awgeed oo qaar ka loo badan noqdeen lafalafo indho waaweyn oo araggooda naftii dareen lihi la gariirayso. Iyadoo hablihii Soomaaliyeed oo sarriigan jiray ay meel walba cunno-raadin u horan yihiin, rag baa dheeftii dunidu u keentay xaabsaday oo suuqyada geystay. Waa Muqdishowdii beri aheyd xarunta kulanka qaranka Soomaaliyeed oo idil ee la rogay boholo tuug iyo barta bi’inta Soomaaliyeed, halka maanta lagu kale faasaxayo jeenankii loo keenay dadka xaraarugaaya ee kadeedku gumaaray. Hohey, rag baa ka macaashaya dhawrto laga soo aruurshay ummadaha oo dadkaan sabankoodu xumaaday loo soo hibeeyay.
Waa rogaal kale oo ka mid ah gedihii waayahaan dambe lagu bartay dadka dugaagoobay ee Muqdishow ku nool. Waa gedo kale oo lallabbo iyo liidaanyo leh. Ogoobey rag bay la tahay inay libin iyo ladnaan ka helayaan dheeftii loogu talagalay dhuunta oonka iyo gaajadu qallajiyeen. Mufsidyadaasi sow ma oga in Eebbe yahay mid caddaalad badan oo gabood-falayaasha gefafkooda ka abaalmarinaayo, uuna siin doona abaalkooda inta ifkaan la joogo ama inta lagu jiro nolosha waaritaanka ee dambe. Sow wax-magaratadaasi ma oga in ka-xoolaysiga danyarta ay si toos ah ubakdooda uga soo dulbaxayso, dhaxlayaanna iimo aan waligood ka harin.

Inteenna weynuhu oo gurgaaray oo heshay nolol xasilloon iyo dheef maalmeed ku filan, waa inaan ogaannaa in silica dadkeennii haysta ee adduunkoo dhan laga naadinaayo innaga nagu yahay eebooyin naga likaysan iyo cibaarooyin wax-ku-qaadasho leh. Inaad dhereg ku naallooto walaalkaana goraf cayreed la meeraysto waa kuu bahddil weyn. Haddaba waxaa nala gudboon inaan guntiga u dhuuqsanno wax-u-tarka dadkeenna abaaraha iyo colaaduhu horaysteen. Waxaa habboon inaan xusuusnaanno in nolosha ifku sideedaba tahay mid la isku jirribaayo oo ay tahay nolol tijaabo ah. Haddaan ladan nahay iyo haddaan rafaadsan nahay labadaba waxaa na eegaya awoodlaha uunkoo dhan abuurtay. Haddaan garan weynno in nimcada nala siiyay ay tahay mid xujo weheliso oo la fiirinaayo sidaan u maamulno iyo sidaan naflaha kale wax uga tarno, waxaa hubaal ah inaan eedaynno. Sidaas darteed, maanta eedaadka xanuunka badan ee dhulkeennii ka socda ma laha dhawrasho iyo dhegaysiye wuxuu yahay waajibka na saaran tabari yeelkeede inaan gurmadyo isdabajooga la beegsanno xigtadeenna walaahowga iyo walbahaarka ku sugan. Yaan doonayn abaalmarin fiican oo lagu siiyo noloshaan iyo tan dambaba?

Midda kale oo ah inaan ogaanno; waa in abaaraha iyo dhibabka kalaba gooro kale duwan ka dhici jireen dalkeenna, waxaase ummaddu lahayd habab ay isugu gargaarto waxaana maanta u door roon hab ummadi isku maamusho kan dawladnimada. Waa marag ma doonto in dawladla’aantu qodob weyn ka tahay dhibaatooyinka kaarka badan ee nagu habsaday. Waxay tahay marka, inaan horta quluubteenna ka tirno hinaashihii iyo mugdi-ku-hayaamintii aan ku baabi’innay dawladnimadeennii.  Waa inaan ka kornaa reer hebel baa madaxweyn ah ama wasiirro leh oo aan u kobocnaa ummad xeerarku hagaan oo hebellada tuurtay. Haddaan xeerarka iyo ilaalintoodu saldhig u noqon maamulladeenna waxaan dhawrnaa waa yaboohsi iyo yawyabnimo. Waxaa kaloo mudan in la xusuusnaado in miskiinnimada aan is badnay ay horseedayso faragelinta shisheeshaha, sidaana maanta ku sugannahayna ay talaba faraha ka baxday. Waxaa qumman in inta madaxnimada u heellan oo u soo gambooshay sidaas ay maankooda dib u ugu noqdaan oo ay naftooda fahamsiiyaan waxtarka iyo waxdhimaalka ay qaranka Soomaaliyeed u leeyihiin.
Nabigii suubbanaa (NNK) run buu sheegay markuu lahaa: Eebbe ha u naxariisto kan garta awoodda naftiisa.




  

Friday, July 27, 2012

SINGUB IYO SINMUD MAXAA ISU GALAY?




SINMUD IYO SINGUB MAXAA ISU GALAY?

Hordhaca:
Marka hore, qoraalkaan ujeeddadiisu waa sidii aan wax uga iftiimin lahayn isirka Soomaaliga la yiraahdo. Waxaa ayaandarro ah in dad badan aqoon-la’aanta awgeed ku saleeyaan isirka Soomaalida ummado iyadu aad uga fac weyn tahay. Qaar baa waxay oran Carab baan ka soo jeednaa, qaarna waxay oran Orommaan ka soo jeednaa, iyagoo aan caddaymo cilmiyaysan u hayn.
Dadka Soomaalida ah wuxuu leeyahay hidde guun ah oo waayo badan soo jiray, af isna aad guun u ah oo la oran karo waa afka ugu da’ weyn afafka la asaagga ah, dhalan si sahlan loogu garan og yahay qofka Soomaaliga (in kastoo ilma adeeradood, ekaantaan isaga dhaw yihiin) iwm.. Tilamaamahaan lagu garan og yahay dadka Soomaaliyeed wuxuu xanbaarsanaa waayo tiro badan oo ka badan in si fudud la maamin karo. Warqaddaani waxay yare iftiiminaysaa dhabbayaashii uu soo qaaday isirkii ay ka soo jeedday ummaddaan waayo dhaw kahor jiritaankeeda dhidibbada u aastay oo la liilliijin waayay.

SINGUBwaa Max’uud Cabdullaahi Ciise oo naanays ahaan loo yaqaan Singub, waana suugaan-yahankii soo caanbaxay ragaalkii qarnigii 20aad oo aad ay u taqaan inta Af Soomaaliga ku hadashaa. Halkaan waxaan ugu soo qaadnay si aan ugu foodinno nin ay aad isugu dhaw yihiin, waayo aad u fogna noolaa. 

SINMUD: wuxuu ahaa kaaliyihii fircoonaddii (boqorad) Xatshibsuud oo ka talisay boqortooyadii 18aad ee Kemet (Masartii Hore ) sannadihii 1508-1458 M.H. Waxaa kaloo u diiwaangashay inuu lahaa halabuurkii dhismihii macbadkii Xatshibsuud ee Deyr al-Baxar oo wacdaraha lahaa. Waxaa kaloo la xusay inuu ahaa saaxiibkii boqoradda taas oo u dihatay gabar la oran jiray Nafroora (Neferure).

Labadaas nin oo mid noolaa qarnigii 15aad Masaxiiga Hortiis, midna noolaa qarnigii 20aad ilaa waayahaan, waxay wadaagaan magaca, sullan iyo halabuurnimada. Waxayna wadaagaan isir qura oo kan hore waa Soomaalidii hore kan dambana waa Soomaalida waayahaan. Markaan leenahay Soomaalidii Hore macnuhu maahan in magaca Soomaali ee hadda ay sidato ummaddu uu waayahaas hore oo aan ka hadlaynno uu jiray, laakiin waxaa hubaal ah in sullanka Soomaaliyeed uu waagaas jiray oo waliba aad u firfircoonaa, magaca guud ee isirkaasina uu isbeddalaayay.

KUWII XUUR RUMAYSNAA:
Erayga Xuur waa shinbirka xuurka ee wali degaannada Soomaalida ku nool looguna yeero isla magacaas. Waxay u qoreen dadkii afnaqay qoraalladii Masartii Hore; Horus, Hor, Har iwm.. Waxaa kaloo la siiyay magacyada sida;; Har-qaate (Harakhet), Har-ma-qaate (Harmkhet) iwm.. Marar waxaa shibnirkaas loo ekaysiiyay shinbirka Aboodiga ama Gallayrka, dhammaan kuwaas waa isku bah. Si kastaba ha ahaatee, Shinbirkaas wuxuu noqday astaanta ugu xoog badan xagga diintii dadkii waayahaas ku noolaa dhulka Masar hadda loo yaqaan.
Wuxuu astaan diimeed u ahaa shinbirkaasi koox loogu yeeri jiray Kuwii Raacsanaa Xuur (Hor/Horus followers) ama Shamsu Horus. Asal ahaan baa la yiri dadkaani waxay ka soo jeedeen Dhulkii Ta-Netru (Dhulkii Eebbayaasha) ama Dhulkii Dhawrsanaa (muqaddiska ahaa). Kooxdaasi waxay geeddi ku tagtay daamanka Wabiga Niil ee Masar waayo ka horreeya taariikhda qoran. Waxay taladii Masar si xooggan ula wareegeen xilligii boqortooyadii 18aad. Waxay talada dalka kala wareegeen koox la oran Ta-Seti (Kuwii Dhulkii Qaansada) oo la filaayo inay ahaayeen Qolada Beejaha loo yaqaan ama Nuubiyiinta oo hadda labaduba ka tirsan yihiin bulshoweynta Reer Suudaan. Reer Ta-Netru iyo Reer Ta-Seti iyo waliba Reer Ta-Antyu (sullankii Afarta) waxay ka soo wada jeedeen Tolweynaha Kuush.  Waxay Reer Ta-Netru talada dalka kala wareegeen reer Ta-Seti waxayna unkeen boqortooyadii 18aad (1550-1292) ee aadka u xoog badnayd. Waayahaani waxay noqdeen xilliyadii ugu hormarsanaa iyo xilliyadii boqorradii ugu caansanaa ka soo banbaxeen dalkaas. Waxaa boqorradii ka taliyay ka mid ahaa Fircoon Aah-Moose (Ahmose), Daad-Moose I (Thutmose I), Daad-Moose II (II), Xaddiyo-Shubsato (Hadshipsut), Ammin-Xatoob II (Amenhotep II), Ay (Ay) iyo qaar kale.   Waxay dalkii gaarsiiyeen heerar barwaaqo iyo ladnaan badan leh. Waxay kaloo suurtogeliyeen in laga cayriyo dalka qolo Hiskoos (Hyskos) la oran jiray oo asal ahaan raacato ka soo guurtay Aasiya ahaa. Hiskoosku waa dadkii uu ka dhashay Nabi Ibraahim (NNKH). Waxay muddo 300 sano ah ka talinaayeen bariga dalkii Masar, waxayna qaayibeen qeybo ka mid ah dhaqammadii dhulkii fircoonnada sida mansabka fircoonka waa boqorke.  Waxay dooxada hoose (lower dalta) ee Masar ka talinaayeen ilaa boqorrada aan kor ku soo xusnay olole xooggan ku qaadeen dalkiina ka eryeen. Xilligaan ay bariga Masar ka talinayaan waa waagii Nabi Yuusuf (NNKH) uu wasiirka noqday wuxuuna ka noqday qeybta bariga dalka ee Hiskooska. Markii laga eryay dadkii Hiiskooska ahaa waxaa dagaalladii lagu qabsaday kooxo reer binu Israa’iil ah. Waa dadkaas dadkii la addoonsaday oo uu markii dambe Nabi Muuse (NNKH) ka xoreeyay gacantii fircoonkii markaas talada hayay.

Qoysaskii ka tirsanaa Kuwii Xuur Rumaysnaa oo hilaaddii talinaayay 250 sano, markii taladii lagala wareegay waxay u soo qaxeen dhukii Boqortooyadii Kuush, waxayna tafiirtoodii markii dambe degeen dalcadaha sare ee dhulka maanta Itoobiya loo yaqaan, dhammaadkiina waxay ku soo fureen arlada Soomaalida. Qoysaskaas boqorrada ahaa waxay dhashoodii deggen tahay geeska Afrika kuwaas oo maanta ah qeybo ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed, waana taas Singub iyo Sinmud isu magac iyo meherad ekaadeen. Markii ay qoysaskaasi soo degayeen dhulalka Soomaalidu hadda deggan tahay dabcan waxay ugu yimaadeen absaxankoodii hore oo ay markii horaba kaga hayaameen dhulalkaan. 
Bulshoweynta S/liyeed ee maanta waxay ka kooban tahay unugyadii waligoodba degganaa geyigaan, qeybo inta guuray soo guryo noqday iyo qeybo meelo kale duwan ka yimid waqtiyo kale duwan oo ku milmay isirkii dhaladka ahaa.  

TA-NETRU (Tii Nidarka):
Sidaan soo xusnay magaca Ta-Netru waxay dadkii dhulkii fircoonnadu u yaqaanneen Soomaaliya, macanahana waxaa lagu sheegay Dhulkii Eebbayaasha ama Dhulkii Dhawrsanaa. Su’aashu waxau tahay, haddii magacaas Soomaaliya loo yiqiin Af Soomaaliga ma laga helayaa? Jawaabtu waa, haa, balse dhammaan magagacyadii hore ee loo yiqiin dalkeenna afka bay ku wada daahsoon yihiin. Erayga Netru waxaa sirgaxay dadkii wax turjumaye eraygu waa Nidar. Haddaan tusaalaynno sida eraygaas wali loo adeegsado; qof baa wuxuu ku soo dhex dhacay meel halis ah, oo ama col aan bixinayn joogo ama bahal dad-qaada lagu og yahay. qofkii wuxuu magansadaa weynihii abuurtay oo wuxuu ballanqaadaa haddii maanta Eebbe bixiyo inuu sadaqo ama qurbaan bixin doono. Waxay u eg tahay in waayaha aan ka hadlaynno erayga Nidar uu ahaa ahaadaha sarreeya ee awoodda badan waa Eebbahe. Nidar wuxuu ahaa magaca weynaha la durraansado wuxuuna magacaas Eebbe iyo magacyo badan oo kale oo weynaha loo yiqiinba ka soo wada jeedeen dhulka maanta Soomaalidu deeggan tahay. Waxaa kaloo caddaatay in erayo badan oo waayihii fircoonnada la adeegsan jiray wali ku nool yihiin afka Soomaaliga sida kuwa shaxda hoose.



Afkii Masartii Hore
Afka Soomaaliga
Afkii Masartii Hore
Afka Soomaaliga
Asu
Isaga
Anka
Aniga
Dab
Dab
Bereq
Biriq
Ayah
Ayax


Cab
Kab
Tuf
Tuf (candhuuf)
Netder
Nidar
Hes
Hees
Ar
Aar
Huunn
Huunno
Usha
Usha
Haa, hey
Haahey
Hngl
Hangool




Xitaa, baadigoobka isirsidaha oo lagu daabacay Wikipedia wuxuu caddaynayaa in DNA/da Soomaalidu asal ahaan ka soo jeedo dhulka haatan loo yaqaan Masar (Egypt) => kooxda-Haplo E1b1b1a (V68) : qarnigii 19aad kahor Masiixiga => Meesha asalku : Masar iyo waqooyiga Suudaan. Tixraaca Wikipedia :( Waa dhaw, Tillmar et al. (2009) 147 rag Soomaali oo lagu jaantusay 12 Y-STR loci, waxaa la arkay in 77% (113/147) xanbarsan yihiin lamidka jaadadka hablo ee E1b1b1a1b. Ilaa hadda noqnoqodkaan E1b1b1a1b waa kan ugu badan oo laga helay hal qolo oo ummadaha dunida ka mid ah. Macnuhu waa astaantaan isku noqnoqonaysa oo ah summadda isirsidaha dadkii ku noolaa Masar waagii fircoonnada, waxay aad iyo aad isugu dhaw yihiin isirsidaha Soomaalida maanta, sidaasna waxaa la ogaaday markii 147 qof oo lab ah oo Soomaalida maanta ka mid ah DNA laga qaaday.



Tixraacyo:
ORIGINS OF HUMAN CIVILISATIONS
by
Prof. Mathole Motshekga
B.Iuris, LLB (UNISA), LLM (Harvard), LLD (UNISA)
FOUNDER DIRECTOR: Kara Heritage Institute 
Paper presented at 
 9th
 Annual African Renaissance Conference
Venue: ICC, Durban
Date: 23-24 May 2007

IYO
1.        ^ Kuhrt 1995: 186
2.       ^ Christopher Bronk Ramsey et al., Radiocarbon-Based Chronology for Dynastic Egypt, Science 18 June 2010: Vol. 328. no. 5985, pp. 1554-1557.
3.       ^ Aidan Dodson, Dyan Hilton: The Complete Royal Families of Ancient Egypt. The American University in Cairo Press, London 2004
5.       ^ a b c d e f g Grajetzki, Ancient Egyptian Queens: A Hieroglyphic Dictionary, Golden House Publications, London, 2005, ISBN 978-0954721893




Friday, July 20, 2012

Axmad-Nuur Aden-Dinix Xasan (Qarnigii 19-20aad)

Axmad-Nuur Aden-Dinix Xasan

Waxaa lagu wadaa inuu Axmad-Nuur hilaaddii noolaa ragaalkii qarnigii 19aad ilaa caaraddii qarnigii 20aad. Wuxuu ahaa gabyaa heerka kowaad ah, wuxuu kaloo ahaa wiilkii gabyaagii weynaa Aden-Dinix Xasan Kooshin ee lahaa gabayo qiro weyn leh sida: "Cir tarraray rag waa toli karaa, taako labadeede" iyo "Gobonnimo haddii loo tartamo, tiigso ma iraahdo..Ha yeeshee haddii la isu tirsdo, kuma takoornaado". Qoraal la'aanta iyo la'aanta iska-xilqaanka aruurinta suugaantii quruxda badanayd ee labadaas nin oo is dhalay, waxaa ka dhashay inay lunto suugaan maanta ka mid noqon lahayd maansada aan ku dhaadanno. Waxaan halkaan ku soo qaadaynnaa tuducyo naga soo gaaray maansadii Axmad-Nuur;

Nin u dhashay tolka Gacan-Weyne (Ogaadeen) baa wuxuu la darsay nin la oran jiray Axmad-Godo oo ka mid ahaa xigtadii Axmad-Nuur. Hal madi ahayd oo uu lahaa Axmad-Godo lana oran jiray Lada baa waxaa la yaabay caanaheeda ninkii Gacan-Weyne, markaasuu maalintii dambe inta dhacay u la guuray bartamaha tolkuu ka dhashay. Axmad-Godo wuxuu u ergeeyay ninkii hashiisii dhacay. Aroortii markii geelii la maalayay buu Axmad-Godo soo horjoogsady xeradii geela oo codsaday in la siiyo hashiisii, wuxuuse ninkii hashu xeradiisa ku jirtay ku jawaabay meerisyadaan:

Mareexaan luggoo baan lahaa, laba jirkaygiiye
Nin qabiilki laan sare yahay baa, Loola soofsado e
Anigu luunkayga kuma seexan karo, lahanka jiilaale 
Axmad-Godo laxdiisa ha dhaqdee, Lado u yeeryeera

Axmad-Godo isagoo hungo ah buu degmadiisii ku soo noqday. Haddii waayo la joogay ayaa roob ka da'ay meel u ogog leh degmadii Axmad-Godo, kadibna waxaa meeshii u soo hayaamay qolooyin uu ku jiro ninkii Lada dhici jiray. Axmad-Godo iyo rag qoladiisa ka tirsanaa baa soo dhacay geelii ninkii Gacan-Weyne oo ay ku jirto hal madi ahayd oo la oran jiray Eyra. Ergo ka socota qoladii la dhacay baa u timid beeshii Axmad-Godo oo uu Axmad-Nuur ku jiro waxayna ka codsadeen geeloodii in la siiyo. Axmad-Nuur baa arrintaas uga jawaabay meerisyadaan: 

Gacan weyne ma aqaan inuu, yahay Ogaadeene
Isagaa uluugaysan kara, olol diraaceede
Ontaradiisa ha dubtee, Eyra u yeeryeera

Waxaa la yiri waxaa geelii Axmad-Nuur dhacay col uu hoggaaminaayay nin la oran jiray Faarax-Fooldheer oo ka soo jeeday qolada Ogadeen. Markii geela la dhacaayay waxaa lagu dhaawacay Axmad-Nuur sida gabaygiisa ka muuqata. Dhacaas kadib baa waxaa arrintii geela ka ergeeyay nin ay Axmad xidid ahaayeen oo la oran jiray Fagaase oo ay isku heyb ahaayeen colkii geela dhacay. Ninkaas ergayntiisii lama tixgelin gacmo maran buuna kala soo noqday tolkiis. Maalintii dambe ayaa wiil Axmad dhalay doonay inuu col dumo uu ku soo dhacsanaayo geeloodii. Axmad wuxuu wiilkiisii kula hadlay gabay tixdaan kooban naga soo gaartay:

Haddii Faarax-Fooldheer Faddooy, laga furfuri waayay
Anigiyo Fagaasaba haddii, la isku fududaystay
Asuu faashka dheer i gala helay, feerta dhinaceeda
Geelaygu waa faran cadhee, fiitada ha gaaro
Oo haatan meeshuu fadhiyo, feex ha ku ahaado
Reer Diinigaan kala fakaday, foodda ha is geliyo
Waa lay furmaatiyi hashaad, iga fogaynayso
Goonyaha haddii laga fagfago, dhagax fadhiidoobay
Isagaaba kuu soo fuqiye, fadacda aashaada...

Waa gabay aan maanta ku sheegi karno istraatiijiyad dagaal. Wuxuu wiilkiisii ku waaniyay inuusan degdegin ilaa inta dhibka loo geystay uu tolkiis wada gaarayo (faran cadho waa cadho bilaw ah, fiitaduna waa markay jirka wada saabato wuxuuna ka wadaa colaaddu tolkay ha wada gaarto hadda waa bilaw e, sidoo kale feex oo jirro xun ah wuxuu ula jeedaa godobta geelayga la dhacay ha cuslaato) wuxuuna markaas awoodi doonaa inuu abaabulo guluf xooggan. Wuxuu saadaaliyay, in gulufkaas xooggani geli doono qoladii dhacday kadibna inta geel badan laga soo dhaco loo furmaatiyi doono oo macnuhu yahay; waxaa marka geela la soo tubo la oran doonaa marka hore geelaagii kala bax inta kalana saami baad ka heli doontaaye. Wuxuu kaloo yiri samir baa la rabaa markaad rabto inaad dantaada ka gun gaarto oo waa sida dhagax weyn oo meel ku dhaggan oo aan la nuuxin karin in tartiib geesaha looga faago mooyee. Wuxuu ku gunaanaday wiilkayow, reeraha na dhacay ha ku didin fudaydkaagee, maandhow aayar orodka.

Nin lagu naanaysi jiray Waaleeye oo u dhashay qoladii Axmad-Nuur baa waxaa dilay nin qole kale ka soo jeeday oo malaha markaas utun tirsanaayay. Waxaa la yiri ninkaas la dilay markaas wuxuu ahaa nin aad u jirran oo degmadiisii oo guurtay gaari waayay. Waxaa soo dul-joogsaday baa la yiri ninkaas jirranaa col, waxayna ka yare maagteen inay dilaan ninkaas aadka u jirranaa, waxaase laga furfuri waayay barbaar colka kamid ahaa oo ay dhashay baa la yiri; gabar la oran jiray Ina Siyaad Allamagan Dalal oo xagga abtirsiga marka la eego, abti uu u noqonaayo Waaleeye. Markii sidaas wax u dhaceen baa waxaa aad ug caarooday sidii loo galay Waaleeye qoladiisii (Reer Kooshin Diini) waxayna go'aansadeen inay u aaraan oo waliba kaliya dilaan ninkii wax dilay oo reer abtiga loo ahaa. Ninkii wax dilay wuxuu ahaa baa la yiri; nin dhawrada oo feejignaan badan, aadna dagaal-yahan u ahaa, wuxuuna godobtuu galay awgeed gadaal ka maray tolkuu ka dhashay (Majeerteen, Reer Biciidyahan). Cali-JIir Khalaf Max'd oo ahaa hoggaamiyihii jifadii Axmad-Nuur ka tirsanaa baa wuxuu hor-istaagay qorshihii dhallintii ciddiisu maagganayd, asagoo ka baqaayay baa la yiri; in waxyeello weyn ka soo gaarto qolodiisa, maadaama ninkii wax dilay aad u fogaaday, maatay oo qolodiisii gadaal ka maray. Si uu arrinkaas u sii xoojiyana wuxuu ka qaaday Axmad-Nuur koorihii faraskiisii Malaw. Dhallinyaradii Reer Kooshin Ugaas baa markaas kadib waxaa si xirrib leh u abaabulay Axmad-Nuur, waxayna dirsadeen nin ilaalo ah si uu u soo ogaado halka uu ku sugnaa ninkay baadi-goobayeen. Markuu Axmad-Nuur xogtii helay si qarsoodi oo qorshaysan buu u la baxay ilaa soddon nin waana gulfeen, wixii dhacayna Axmad baa tix ku muujiyay:

Addin ka ma jabow Malaw miyaan, oogta hore fuulay
Afartiisa heensaha miyaan, kii afka u waayay
Soddon ubax hareeriya miyaan, Aw isaga yeelay
Naf intihiyaashii miyaan, ka arrin roonaaday
Waxba yaanan aarkiisa helin, Inankii Waaleeye 
Eedaaddayey Ina Siyaad, sow ma urugoonnin

Dhammaadkii qarnigii 19aad ama bilawgii qarnigii 20aad baa waxa dhacay dagaal weyn oo dhex maray labo qolo oo kala ahaa bah Habar-Celi (Ogadeen, Muuse Gumcadle) iyo Cumar Max'uud (Majeerteen, Max'uud Saleebaan). Wuxuu ka dhacay dagaalku meel la magac baxday Dhacdiid oo u ogog leh degmada Goldogob ee maanta. Sababtii keentay dagaalkaas waxay ahayd; waxaa la dilay nin la oran jiray Xasan-Weyne (reer Khalaf) oo lagu eedeeyay inuu gabar faro xumeeyay. Kadib, markii qolodiisii weyddiisteen tolkii dilay (bah Habar-Celi) mag, waxay ka oggolaadeen magtaas 40 halaad oo aan xul ahayn. Max'uud-Gaanni Faarax Samatar oo hoggaaminaayay ergadiii magdoonka ahayd wuu qaatay magtaas aan loo bogin, iyadoo raggiisii ku dhaliileen qaadashada, wuxuuse maagganaa inuu walaalkiis u aaro isago col weyn soo dumaya sahayna ka dhiganaya geelaas ka yaraa magtii nin la dilay. Max'uud-Gaanni intuu tolweynihiisii ku dhex dhacay buu soo kiciyay col mahiiggaan ah oo aad u hubaysan, wuxuuna dhigay goobtaas dagaallada tolalka S/liyeed caanka ku ah. Kadib dagaalkaas baa Axmad-Nuur (Marreexaan, reer Kooshin ugaas Diini) oo isagu aan ka tirsanayn labada qolo oo ay dirirtu dhex martay tiriyay gabaygaan caanka noqday waxaana la yiri markuu gabayga tirinaayay wuxuu u xiiraayay ama seemaayay gabadh yar oo uu dhalay waa Cawrala-Mushaax Axmad-Nuure. Gabaygu wuxuu u eg yahay mid istraatiijiyad dagaal ah iyo mid wacaalo-warran ah. Sida ka muuqata gabayga markii la jabiyay bah Habar-Celi waxaa laga dhacay xoolo badan, hase yeeshee jifadii reer Samatar Khalaf oo ku awood roonayd colku waxay isa siisay geelii, halka jifooyinkii kale oo ku weheliyay colka laga qadiyay ishkinkii. Ragga uu magac dhabay waxay ka soo kale jeedeen jifooyinkii colkii guulaystay:    

Cawrala-mushaaxey rag waad, wada maqalaysaaye
Malaha mawtigiis baa isku galay, mirana kala roone
Habar-Celi midgaa laga dhigay, duul madqlalla ahe
Waxa makaawigoodii ku jabay, miririgtii shalaye
Mar haddaysan soo noqon adduun, waa kan meerto ahe
Maandhay marta haw furfurin, milifna haw qaadin
Ibraahiinno manqadii aray, magac ku yeesheene
Cali-Yey muuquunaa ahaa, meetanay timide
Xiddig muusanowguu la tagay, maqalyay Daaroode
Ma maggowsan Goolnuug, wixii geel la soo tubaye
Ilma Jaamac-Alan looma qaban, qaalin moordiyahe
Geelii muggayskiyo ahaa, xero-u-meegaarka
Kuwii laga martiyaan ku siin, magan shaallaaye
Maqaawiirta reer Samatar Khalaf, anigu mooyaane
Nin kaloo is maxamuudiyaa, malihi waa beene
Mandhay martaada haw furfurin, milifna haw qaadin

Waxaa la sheegay markii magta la weyddiisanaayay qolodii dhiigga qabtay oo ay diideen inay mag fiican bixiyaan, in nin isla qoladaas ka tirsanaa oo la oran jiray Indho-Sarsar tolkiis ku la taliyay inay magta si fiican u bixiyaan ama ragga mag-doonka laayaan waana laga diiday. Indhosarsar wuu ka taloobay tolkiis oo waa ka guuray. Markii gabaygaas Axmad shaac baxay baa waxaa la yiri ninkii hoggaamiyaha u ahaa qolodii la jabiyay oo la oran jiray Caynab Hoori oo ka madax adaygay bixintii magtii Xasan-Weyne tiriyay tix ay intaan naga soo gaartay oo uu ku la hadlaayay afadiisii: 

Lixaad waxaan lahaa maalintii, labigii dheeraaye
Lurtaydu ha hartee waxaan ku lumay, leexadii shalaye
Xamar lalashka ii saar adduun, laacibki dhigaye...

Maalin kale ayaa Axmad-Niir waxaa la wariyay inuu arkay nin xigtadiisa ka mid ahaa oo qalqaalinaaya col duullaan qaada oo dhallinyaradii tolkiisa ku qancinaaya fiicnaanta uu duullaanku leeyahay. Axmad-Nuur baa markaas kadib wuxuu tiriyay tix ay naga soo gaartay labadaan tuduc:

Rag la dumay inuu duullaami, anoon kugu diidaynin
Ha ku daalin dooyada dambaa, dumarku ooyaaye.

Bilawgii dhaqdhaqaaqii Daraawiishta ee Sayid Max'd hoggaaminaayay waxaa u bogay ujeeddadiisii qeybo badan oo tolalkii Soomaaliyeed ka mid ahaa. Jifadii Axmad-Nuur ee reer Kooshin Ugaas Diini waxay xoog ugu riyaaqday halgankii daraawiishta, hase yeeshee intaysan ku biirin daraawiishta waxay ergo xograadin ah u dirtay xaruntii Sayid Max'd fadhiyay oo markaas tiil dhulka Ceelcad la yiraahdo. Xogtii ergadu keentay waa la isku khilaafay oo rag uu ka mid ahaa nin la oran jiray Xaryan Nuurre oo markii dambe la waayay meeluu jaan dhigay waa diideen in lagu biiro, intii badnaydse waxay u guurtay xaruntii, dhammaadkiina badi waa ku tirantay dagaalladii daraawiishta. Kahor intii aysan guurin, Axmad wuxuu ku walaacay geeddiga reer tolkii iyo aayahooda, wuxuuna arrinkaas ka tiriyay gabay tixda hoose naga soo gaartay. Tuduca ugu dambeeya wuxuu u la jeedaa la-jeeraarinta nimanka Jaciireed degmo gooyo ahayd oo xigtadiisa ka mid ahayd oo tiil meel la yiraahdo Jaciir oo aan iyadu ku biirin geeddigii loo lallallabay. In kastoo Axmad ka maagtay markii hore geeddigii jifadiisa haddana waa uu ku biiray halgankii dheeraa, aakhirkiina isaga iyo rag badan oo xigtadiisa ka mid ahaa waa ku baxeen halgankaas, waxaana la sheegaa inuu Sayidku u bixiyay Gabay-Shinni:

Jilbo-geeljirayn baan ku jiray, xalay intaan jiifay
Arrin jiicamaa i helay, iina jabi waayay
Mid markaan jalleecaba mid baa, joog i oranaysa
Dhulka waxaan jifeeyaba waxay, igaga jaw beeshay
Waa inaan la jeeraariyaa, nimanka Jaciireede.....