Friday, August 17, 2012

KAAHA IYO KABACALAF


KAAHA IYO KABACALAF
(Sheeko Gaaban)
Sheeko dhaqameedyada Soomaalida oo xikmaddu ku dheehan tahay waxaa ka mid ah; Sheekadii Kaaha iyo Kabacalaf. Waa sheeko aan la hubin xilligay ku beegnayd iyo degalkii Soomaaliyeed ee sida gaarka ah ay uga soo banbaxday. Waa sheeko iftiiminaysa sidii gabadha Soomaaliyeed geyaankeeda u hoomaadi jirtay kadibna uga xulan jirtay wadeygeedii nolosha iyo halbeegyadii qummanaa ee lagu eegi jiray guurdoonaha. Waxay kaloo muujinaysaa sida gabadhu u kari kartay inay kala doorato gayaankeeda.

Xilli gu’ hortiis ah bay u soo guurtay beeshii Kabacalaf ruuman si wanaagsan u doogsaday. Waxaa berrimadii doogsanaa hore u degganayd beel kale oo loo aqoonsanaa inay iyadu degmaysiga berrimadaan u badnayd. Beeshaan lala soo degay waxaa ka dhalatay gabar dhalan iyo dhugba lagu mannaystay oo magaceedu ka yeeray geyigii la joogay. Magac been ma baxay oran jireena, waa Kaaha oo loogu magacdaray iftiinka xoogga badan.

Maalintii dambe, intii lagu jiray seermaweydadii gu’ga ama gu'soorihii baa barbaartii ka tirsanayd beesha Kabacalaf ka dhashay u soo haasaawe tageen hablihii degmadii ay soo ag degeen. Geelle-Dhuux oo Kabacalaf hoos uga yaraa, ahaana inan dhalankiisa aad loo dhawri jiray laguna jeclaa goloyaasha lagu haasaawo ayaa xodxodtay Kaaha. Hadday waayo sheeko-wadaag ahaayeen bay isku afgarteen inay isguursadaan. Iyagoo ballaan waqtiyaysan leh baa labadii qolo oo ay ka kala dhasheen diriri dhex martay oo rag iska laayeen, kadibna degmadii Kabacalaf baa ka ufootay kana hayaantay aaggii la wada degganaa.

 Markaas kadib waxay talo ku ciirtay inankii Geelle-Dhuux oo gabadhuu jantay dantu ka soo ag kaxaysay. Hurdo iyo hoyaad buu ka tagay, dhuuntiisana dheefi waa mari wayday. Waa nin hilow dumar ku dhacaye, kaarkii hayay wuxuu u bandhigay dhallinyaradii xigaalka u ahayd, wuxuuna ka codsaday, in si la yeelaba Kaaha lala doono. Raggii xigtada u ahaa waxay isku dayeen inay waaniyaan, iyagoo leh; Dhuuxow arlada gabar kale ka soo arkood, hawlaha kalana nagu hallee, reerkii asaayuhu na dhex mareen iyo Kaahana naga daa. Geelle-Dhuux uma cuntamin weerihii raggii tolkiisa ahaa. Dhuux oo calowsaadsan, kalgacalkii Kaahana la suuqmay baa walaalkiis Kabacalaf u yeeray oo weyddiiyay sababta uu la haaraayo oo la xasili la’ yahay? Dhuux walaalkiis wuxuu u bandhigay arrinkiisii iyo sidii ay ilmo adeerradiis faleen markuu ku cawday.

 Kabacalaf oo aan lahayn dhalankii iyo gadihii lagu jeclaa Dhuux, lagana hormarin jiray Dhuux baa go’aan adag qaatay. Wuxuu u sheegay Dhuux inuu isagu raaci doono oo la soo bixin doono Kaaha, naftiisana u biimayn doono sidii u hanan lahaa gabadhii heegaha dheerayd oo hoobaanta u ekayd.      
Aroortii dambaa Kabacalaf iyo Dhuux ka kallaheen degmadoodii, afar caanomaalna u socdeen degaankii Kaaha beesheedu tiil. Maalinnimay ku soo beegmeen foofkii degmadee way maateen, illeen isbixin kama dhexeyn reerahoodee. Goor casarliiq ah oo ay cilcillow tahay bay ilbaadsadeen Kaaha oo awrtii reerkooda carraabinaysa. Si taxaddar leh bay ugu yimaadeen waxayna u sheegeen dantoodii. Aad bay Kaaha ugu baqday raggaan naftoodii soo biimeeyay. Waxay ka ballanqaadday inay raaci doonto isla habaynkaas. Waxayna u tilmaantay laamo aan ka dheerayn oo ku tiri; igu suga laamahaas, cawaysinkii baan idiin imaan doonaaye. Walaalihii iyagoo faraxsan baqdinse jirto bay halkii lagu heshiiyay fariisteen. Goor xoolihii la maalay aanse la seexan baa dhibicdii cirka ku gaaxsanayd Eebbe keenay. Barbaartii la dhalatay Kaaha oo geeljiraha ahayd oo golaha geela seexan jirtay baa wax ka soo jirsatay aqalkii reerka. Intii roobka laga wada jirsanaayay minkii bay barbaartii sheekooyin isku maaweeliyeen oo midba markiisa sheeko xariir lala qoslo ku jalbeebiyay. Roobkii waa qayoodi waayay, Kabacalaf iyo Dhuux oo lix caanomaal qatanaana waxaa u soo raacay roobkii oo ay ku caaceen. Waxaa kaloo u weheliyay cabsi ay ka qabeen dhankii reerahay gabadhooda doonayeen.

Markii sugaalkii ku dheeraaday, baahi iyo qarqaryana u dheertahay bay is ku afgarteen inay sabadka reerka tagaan oo soo xuuraamaan halka arrinku maraayo. Waxay soo duljoogsadeen hooygii Kaaha ku sugnayd, waxayna dhegta u raariciyeen sheekada dhallintii guriga ku jirtay. Dhinicii aqalka Kaaha ka fadhiday intay hubsadeen bay baaq sharqan yar leh sameeyeen. Kaaha waxay ahayd gabar xirrib lehe, intay sheekadii kala wareegtay walaalaheed bay tiri; aan idiin mariyo sheeko fiican. Waxay tiri; waaba wiil jeclaaday gabar ay degel-wadaag ahaayeen, kadibna waxay ku heshiiyeen inay is guursadaan. Labadii reer baa dagaal xun dhexmaray waana kala guureen. Wiilkii baa har iyo hoyaad diiday jeclaantii gabadhii awgeed. Maalintii dambaa isaga iyo walaalkiis naftoodii soo biimeeyeen si ay gabadhii u la baxaan. Gabadhii oo awr carraabinaysa ayay u soo gaatameen lana hadleen. Gabadhii waxay ku tiri; laamahaas igu suga markii la seexdaan idiin imaan doonaaye. Roob baa yimid, geeljirihii gabadha la dhashay baa gurigii wax ka soo jirsaday, gabadhiina si ay u baxdo bay garan wayday. Walaalihii gabadhii waa sugi waayeen, markaasay aqalkii la jirsanaayay gasadiisa yimaadeen oo gabadhii u baaqeen. Gabadhii way garatay waxayna ku tiri; haddaad rabtaan in la idin dilo aqalka soo gala, haddaad aniga i rabtaanna, dhiisha caanuhu ku jiraan oo xerada ariga gadaasheeda ku jirta la baxo oo geedkii igu suga. Markay halkaas sheekadii Kaaha marinayso baa Kabacalaf walaalkii gacanta qabtay oo inta dhiishii qaateen ku noqdeen laamihii lagu ballansanaa. 

Goor dambe oo roobkii qayooday bay gabadhii u timid, meeshiina way ka guureeyeen. Markii waagu baryay baa:
Kaaha: ma quraacannaa?
Dhuux: inta walaalkii fiiriyay yiri; cunnana ma wadanno, cidna u ma jeednee maxaan ku quraacannaa?
Kabacalaf: waxay u jeeddaa aan rumayanno.
Markaasaa inta geed qaroona loo tagay rumayo laga goostay.
Wax la socdaba harkii bay noqotay qorraxdiina kululaatay, markaasay geed hoos leh hoos fariisteen oo ciriddii ka harsadeen. Haddii xoogaa la joogay baa:
Kaaha: Ma nasannaa?
Dhuux: sow ma nasnin waa maxay nasashada aad ka hadlaysaa?
Kabacalaf: waxay u jeeddaa; kabaha ma is ka bixinnaa?
Goortii ay cabbaar nasteen bay socodkoodii sii wateen, saa:
Kaaha: degmaan soo galnay
Dhuux: miyaad naga dheer tahay, annaguba degmo ma aragnee?
Kabacalaf: waxay aragtay haadkaas, meeshii haad ku dhacayana degmaa taal.
Degmadii bay ku soo baxeen, markaasaa waxaa ka horyimid oday gaboobay u tukubaaya, saa:
Kaaha: ninkaani ma naga sii socdaa, mise waa nagu soo socdaa?
Dhuux: ma indho beeshay sow tan ninka aan u wada joogno oo uu nagu soo socdoo, kanna yahay?
Kabacalaf: waxay u jeeddaa; odoygu waa gaboobay oo geeruu qarka u saaran yahaye tolow, waraso ma ka tagay?

Degmadii markii la soo gaaray waa sidii la yeeli jiraye, Kaahaa looga soo tagay meel ku dhow aqalkii ay ka soo balleeyeen degmada, walaalihiina waxay soo duljoogsadeen aqalkii. Isnabdaadin kadib, waxay sheegeen wuxuu socdaalkoodu ku saabsanaa. Markaas kadib, waxaa loo habeeyay marti ahaan. Fiidkii gooray tahay baa loo keenay xeero misagga ah oo caano iyo subag lagu soo iidaamay iyo seddex fandhaal. Kaaha waa gare,  xishood awgiis bay fandhaalkii ku taabtaabatay sooryadii. Caanihii iyo subaggii waxay ku soo dindimeen dhankii walaalaha, illeen waa godmay dhankooduye. Kaaha waxay istiri haddaadan in door ah sooryada ka cunin, beerrito waad ka gaabin nimankaan ku la soo baxay awood-la’aan awgeed waxaana lagugu dhaliili doonaa caycaynimo ee is ku dirqi cunnada, markaasay:

Kaaha: Kabacalafow maanta hadal aad i tiri sidaas baa caloosha la ii kala jeexay oo fandhaalkii misaggadii dhexmarisay oo diillin caanihii iyo subaggii xaggeeda ugu soo noqdaan ka dhex jeexday xeeradii. Markaasuu inta gartay dhugteeda oo fandhaalkii ku walaaqay xeeradii, yiri:
Kabacalaf: adba Kaahaay hadal aad maanta i tiri sidaas baa caloosha la ii walaaqay. Kaaha oo baaraysay garaadka nimanka la soo baxay ayaa la ashqaraartay xirribtii iyo hannaankii Kabacalaf, waxayna hoos ka gaartay go’aan ka geddisan kii ay reekoodii uga soo ambabaxday.

Waagii markii uu baryay baa loo jaanqaaday dhankii degmo loogu sheegay wadaad wax meheriya. Markii loo yimid wadaadkii oo la isu diyaariyay qaabkii uu u dhici jiray meherku oo la soo gaaray ammintii Kaaha laga codqaadi lahaa, bay la soo boodday; wadaadow aniga ninkii i watay ha igu meherine ninkaan Kabacalf ah igu meheri. Waa la isu dhugtay oo la yaabay. Geelle-Dhuux oo jeclaa mar uun inuu Kaaha la aqalgalo ayaa cadanyooday oo yiri; wadaadow gabadha anaa la soo baxay ee way kaftan badan tahaye, ka-dhab maahee igu meheri. Markaasay tiri; aabbahay buu iga yahay Dhuuxe ama Kabacalf ha la igu meheriyo ama reerkayagii baan ku noqonayaa.  Waxaa dhacay amakaag iyo af-kala-qaad, waxayna noqotay in walaalihii shawr u kaliyaystaan. Kabacalf baa wuxuu soo jeediyay in mar haddii gabadhii taagan tahay aabbahay buu iga yahay aan reerkoodii ku celinno, adigana samir iyo iimaan ka wehesho. Haddii Geelle-Dhuux muddo fakaraayay buu yiri: walaalle mar hadday i diidday adigana ku rabto waa inan wanaagsane yaysan na wada dhaafin ee guurso, kolley waxtarkeedu wuu wada gaari doonaa qoyskeenna, e.
Sidaas bay Kaaha ku noqotay xaaskii Kabacalaf, waxaana la sheegaa inay carruur badan isu dhaleen, is kuna ag gaboobeen. 

No comments:

Post a Comment