Friday, August 3, 2012

MARKII ROOBKU DI'I WAAYAY ILMADII BAA DA'DAY!


          MARKII ROOBKII DA’I WAAYAY ILMADII BAA DA’DAY!

Waxaa maalmo kahor shaashadaha TV/yada adduunkoo idil laga daawanaayay muuqaallo naxdin iyo murugo badan. Waxaa la arkay maxas Soomaaliyeed oo tiro dhaaftay oo habqana oo si isdabajoog ah u susumaysa dhanka xudduudaha dalalka dariska ah. Waxaa la arkay dumar iyo carruur la dirgan waayay macaluul, harraad iyo hagardaamooyin ay kale soo kulmeen jidadkay ku soo qaxeen. Waxaa laga wariyay dadkaas colka iyo cadaawuhu hareeyeen sheekooyin qofkii lahasho aadnimo leh si weyn ugu danqanaayo. Qoys ka koobnaa hooyo iyo 5 carruur ah baa intii ay nafta la haarayeen dhallaankii midba meel lagu soo xabaalay, markii ay wada jasheen, waxaana soo cidgashay hooyadii kaliya oo luudaysa oo aq la ildaran. Hooyadaas dhibaatooyinka jirkeeda ka muuqda waxaa u weheliya ugana daran tiiraanyada ka haysa ubadkeedii ajashu midba meel dhigtay oo horteeda ku wada dhanqalmay markay wayday ciday u irkato oo samatabixisa ilwaaddii nafteeda. Hooyadaas dacdarradu duldagtay, waxaan tiiraanyada nafteeda buux dhaafisay ku garanaynnaa ilmada aan sharqanta lahayn oo sidii darroorta roobka indhaheeda ka da’aysa.

Waxaan og nahay markii qofku xanuunsado ama dhib la kulmo inuu baroorto ama ooyo. Wuxuu sidaas u yeelaa oo abuurriin ah si loogu soo gurmado oo gargaar loogu fidiyo. Haddiise qofku waayo cid caawintiisa u soo birmata rafaadkana ka bixi waayo wuxuu gaaraa heer uu danqasho gabo oo jirkiisu nuuxsi iyo baroorba daaayo. Waxaase marmar dhex majiira oogadiisa xusuus aad u daran oo ka keenta ilmo dareeraysa oo aan lahayn wax sharqana. Waxaa siyaalahaas ku sugan maatada Soomaaliyeed oo saxariirtu ka meel wayday.

Waxaa ka loo ka mid ah sheekooyinka dadkaas;  qoysas ubadkoodii oo nool ka tagay markii ay tahli waayeen daryeelkooda. Sidaasina waa arrin kale oo u eg sheekooyin hore oo aan maqallay. Waxaa marar hore ka dhacay geyiga Soomaaliyeed abaaro baaxad leh oo dad iyo duunyaba halakeeyay, waxaana la sheegaa carruur ama dumar iyo carruur inta xero lagu ooday intii xoogga lahayd nafta ka la baxsatay, ilaa maantana waxaa jira meelo loogu yeero; Naago Oodaysyo. Waxay sidaani dhacdaa mararka lixaadka dhibaatooyinku noqdaan kuwo la maarayn waayo. Waa heer la gaari karo oo lagu masayn karo shiddooyinka badan ee maalinta qiyaamaha oo la yiri, hooyadu waxay ka carartaa kay dihatay, xigtannimana waxba ku ma toorna. Inaad ubadkaagii oo nool ka tagtaa waa arrin aad u culus, tusaale fiicanna u ah xaddiga dhibaatadu gaarsiisan tahay.

Muuqaallada dumarka Soomaaliyeed ee diihaalka iyo dandarrada la diidsan waxaa jiraa la yiri, qaar badan oo la qabsaday!. Eegey danyartaas dalanbaabiga ah oo dunidu ku sastay, rag ay dhalasho wadaagaan baa inta u hammooday ku dirqiyay u-galmasho xaaraan ah!.  Eegey jufmooyinku qalfoof socda oo silicsan bay u galmoodeene!. Eegey laga wada goo naf sursuur ku jirtay saarasho u la bareereene!.   
  
Dhanka kale, iyadoo dhallaankii Soomaaliyeed tarabtarab u dhimanaayo nafaqo-la’aanta awgeed oo qaar ka loo badan noqdeen lafalafo indho waaweyn oo araggooda naftii dareen lihi la gariirayso. Iyadoo hablihii Soomaaliyeed oo sarriigan jiray ay meel walba cunno-raadin u horan yihiin, rag baa dheeftii dunidu u keentay xaabsaday oo suuqyada geystay. Waa Muqdishowdii beri aheyd xarunta kulanka qaranka Soomaaliyeed oo idil ee la rogay boholo tuug iyo barta bi’inta Soomaaliyeed, halka maanta lagu kale faasaxayo jeenankii loo keenay dadka xaraarugaaya ee kadeedku gumaaray. Hohey, rag baa ka macaashaya dhawrto laga soo aruurshay ummadaha oo dadkaan sabankoodu xumaaday loo soo hibeeyay.
Waa rogaal kale oo ka mid ah gedihii waayahaan dambe lagu bartay dadka dugaagoobay ee Muqdishow ku nool. Waa gedo kale oo lallabbo iyo liidaanyo leh. Ogoobey rag bay la tahay inay libin iyo ladnaan ka helayaan dheeftii loogu talagalay dhuunta oonka iyo gaajadu qallajiyeen. Mufsidyadaasi sow ma oga in Eebbe yahay mid caddaalad badan oo gabood-falayaasha gefafkooda ka abaalmarinaayo, uuna siin doona abaalkooda inta ifkaan la joogo ama inta lagu jiro nolosha waaritaanka ee dambe. Sow wax-magaratadaasi ma oga in ka-xoolaysiga danyarta ay si toos ah ubakdooda uga soo dulbaxayso, dhaxlayaanna iimo aan waligood ka harin.

Inteenna weynuhu oo gurgaaray oo heshay nolol xasilloon iyo dheef maalmeed ku filan, waa inaan ogaannaa in silica dadkeennii haysta ee adduunkoo dhan laga naadinaayo innaga nagu yahay eebooyin naga likaysan iyo cibaarooyin wax-ku-qaadasho leh. Inaad dhereg ku naallooto walaalkaana goraf cayreed la meeraysto waa kuu bahddil weyn. Haddaba waxaa nala gudboon inaan guntiga u dhuuqsanno wax-u-tarka dadkeenna abaaraha iyo colaaduhu horaysteen. Waxaa habboon inaan xusuusnaanno in nolosha ifku sideedaba tahay mid la isku jirribaayo oo ay tahay nolol tijaabo ah. Haddaan ladan nahay iyo haddaan rafaadsan nahay labadaba waxaa na eegaya awoodlaha uunkoo dhan abuurtay. Haddaan garan weynno in nimcada nala siiyay ay tahay mid xujo weheliso oo la fiirinaayo sidaan u maamulno iyo sidaan naflaha kale wax uga tarno, waxaa hubaal ah inaan eedaynno. Sidaas darteed, maanta eedaadka xanuunka badan ee dhulkeennii ka socda ma laha dhawrasho iyo dhegaysiye wuxuu yahay waajibka na saaran tabari yeelkeede inaan gurmadyo isdabajooga la beegsanno xigtadeenna walaahowga iyo walbahaarka ku sugan. Yaan doonayn abaalmarin fiican oo lagu siiyo noloshaan iyo tan dambaba?

Midda kale oo ah inaan ogaanno; waa in abaaraha iyo dhibabka kalaba gooro kale duwan ka dhici jireen dalkeenna, waxaase ummaddu lahayd habab ay isugu gargaarto waxaana maanta u door roon hab ummadi isku maamusho kan dawladnimada. Waa marag ma doonto in dawladla’aantu qodob weyn ka tahay dhibaatooyinka kaarka badan ee nagu habsaday. Waxay tahay marka, inaan horta quluubteenna ka tirno hinaashihii iyo mugdi-ku-hayaamintii aan ku baabi’innay dawladnimadeennii.  Waa inaan ka kornaa reer hebel baa madaxweyn ah ama wasiirro leh oo aan u kobocnaa ummad xeerarku hagaan oo hebellada tuurtay. Haddaan xeerarka iyo ilaalintoodu saldhig u noqon maamulladeenna waxaan dhawrnaa waa yaboohsi iyo yawyabnimo. Waxaa kaloo mudan in la xusuusnaado in miskiinnimada aan is badnay ay horseedayso faragelinta shisheeshaha, sidaana maanta ku sugannahayna ay talaba faraha ka baxday. Waxaa qumman in inta madaxnimada u heellan oo u soo gambooshay sidaas ay maankooda dib u ugu noqdaan oo ay naftooda fahamsiiyaan waxtarka iyo waxdhimaalka ay qaranka Soomaaliyeed u leeyihiin.
Nabigii suubbanaa (NNK) run buu sheegay markuu lahaa: Eebbe ha u naxariisto kan garta awoodda naftiisa.




  

No comments:

Post a Comment