Thursday, August 23, 2012

Dhalanteed iyo Dhaan Dabangaalle Dheh!


Dhalanteed iyo Dhaan Dabangaalle Dheh!

Aniga iyo inta ila eyniga ahba, waxaa ayaankeen noqday in marag ka noqonno dhacdooyin taxane ah oo aad u ba’an, kuwaas oo dulhabsaday qaranka Soomaaliyeed dhammaanti. Waxaan waayihii nolosha ku aragnay waxyaalo haddii ay marar hore dhici lahaayeen oo naloo soo warin lahaa aan u qaadan lahayn sheekooyin dhalanteed iyo dhaan dabangaalle ah. 

Muddo ku siman 20 sano iyo dheeraad, waxaan u dhug lahayn dhibaatooyin isdabayaal ah oo markaan mid ku dhaygagnaba ay mid tii hore ka daran naga soo mudbaxaysay. Maalmahaan waxaan arkaynnay qorshayaal lagu sheegay xukuumad-u-samaynta dawladnimadii burburtay. Waa arrin fikir ahaan huwan wanaag iyo waxsan, hase yeeshee, sida arrinka loo qaabeeyay markaad u fiirsato, waxaa kugu dhalanaysa murugo iyo maanka oo qaadan waaya waxa maraxa naloo ka dhigay. Waxaa la yiri; waxaa xildhabaannada baarlamaanka Soomaaliyeed dooranaya oday-dhaqameedyada dalka. Waa yaabe sidee xildhibaan qof/jifo keensatay u matali karaa tolkaas dhammaanti oo waa yaab kale, sidee qof reer keensaday uga adeegi doonaa danaha dhexyaalka u ah qaranka oo dhan?

 Waa mare, hab qoleedka Soomaaliyeed isinku ama odaygu xilkuusu waa guddoominta arrimaha waxgaradka tolkaasi go’aamiyo waa isla sidiiye waa shir-guddoomiyaha xubnaha tolka, qoloda ama bah-wadaagta. Wuxuu kaloo yahay, barta arrimuhu ku soo aruuraan oo laga maareeyo kadib markii danwadaagtu ka shirtana, laga soo saaro ga’aammada bahdaasi ama tolkaasi gaaray. Maahan isinku ama odaygu sarkaal ciidan oo bixiya amarro aan dood lahayn. Maaha kaligi-taliye, inta taladii dalka xoog kula wareegay aan tiisa laga daba oran karin. Odaygu waa isinkee, wuxuu ku jaango’an yahay talada qoladuu shirguddoomiyo, sida kuwa kaluuna hal-codle yahay. Sidaas bay ku soo dhisnayd kaladambayntii soojireenka ahayd ee uu waayo badan hab qoleedka Soomaaliyeed ku soo taagnaa.

Waa mar labaade, kursi siyaasadeed oo aysan qolodu ama bahdu u habaysnayn siday u agaasimi lahayd, haddii lagu soo dhextuuro sow maaha ha isku nacdo, habkii wadajirkeedu ha ku burburo amaba ha isku layso? Nabe haah, waayo waxaan laga sii baarandagin oo la sii hadoodilin xeerarkii ama jaangayntii lagu maamuli lahaa, waxa laga dhaxlaa waa qas iyo qalalaase waaana middaan dambe tan malahayga ku weyn. Aqalkii dawladnimo ee weynaa, sidii maalinba udub loo siibaayay, ayay hadda maraysaa in aasaaskii la fujiyo. Waxaa dadweynaha Soomaaliyeed u badbaaday hababkii xigaalka, xididka iyo xasabada. Seddexdaas baa ahaa dhidibyadii saldhigga u ahaa sii jiritaanka bulshoweynta Soomaaliyeed. Waxaad moodda kuwa Soomaaliya balada u maleegaa inay darseen oo isla heleen sii-baabi’inta dantii guud ee dalka iyo dadka. 

Oday-dhaqameedku marna maahayn xubin siyaasadeed ee wuxuu mar walba ahaa xubin hoggaamisa arrimaha bulshada reeruhuu ku abtirsado. Haddii dan la mooday, in isinkii ama odaygii uu ciyaaro door siyaasadeed, waxay ahayd inuu marka horaba isaga iyo waxgaradka uu odayga yahay ka fakaraan waxa loo igmaday dheefta iyo dhibka uu u leeyahay dadkiisa. Waxay ahayd inay si weyn uga feejignaadaan wax kasta oo wadajirka dadkiisa waxdhimaal u leh. Waxay ahayd inuu arrinkaan meelmarintiisa uu la kaashado dadka u madaxda u yahay kadibna, xeer hoosaad la wada ogboon yahay la meeldhigo. Marna maahayn inuu kaligiis maalootiyo arrimo taabanaya kooxo danwadaag ah. Marna maahayn inuu dadkiisa ku dhaqo hab aan lahayn qaab wax lagu kala sooco. Tusaale ahaan, haddayba noqotay in loo xilsaaro soo doorashada mudane bahdiisa matala, waxaa habboonaa inuu waxgaradka ama guurtida tolka uu odayga u yahay uu sii xilsaaro isla-helista tilmaamihii mudanaha la doonaayo kahor intaan hebello la sheeg sheegin, kadibna iyadoo aan la isu itaal sheegan oo ilma-adeer siman la yahay mudnaanta la siiyo kan hawsha la maaggan yahay ugu habboon. Kaasi waa kan laga filan karo waxqabad guud. Kaasi waa kan isaga la goobo ee maahan kan isagu mudnaanta isasiiya oo u harjadaaya haabashada jago loo qoondeeyay waxqabadka guud. Mudanaha wanaagsan ee maanta ku qumman siyaalaha Soomaaliyeed waa kan loo soo baryo u-adeegga dadkiisa ee maahan kan laaluushka iyo xeeladaha kale wax ku doona oo aad mooddo ganacsade faa’iido doon ah.

Waxaa amakaag iyo uurkutaallo ah, in tolalka Soomaaliyeed iyagoon xeerar arrinka lagu sooro lahayn loo tartansiiyo ama ay u tartamaan jagooyin dhexyaal ah, kadibna ay u ekaadaan dad yaw ah oo sidii dugaagga raqda ku qamaamaya oo ku garabootamaya. Waxaa kaloo murug leh, in iyadoo loo wada jeedo lagu takrifalo xeer hoosaadyadii loo qaandeeyay sooxulista mudanayaasha waxaana arrinkaan dambe tusaale u ah; waxaa la aguugay guddi-farsameed loo xilsaaray shaandhaynta mudanayaasha la soo doortay. Waxaa shardi looga dhigay tilmaamo ay ka mid tahay; shahaado dugsi sare haddana waxaa ku gudbay kii qirtay inuusan dugsi dhexana dhigan oo haddana si caalamiya ugu eedaysnaa musuqmaasuq.
Ummad taladeeda iyo tabaheeda saldhig uga dhigtay xeer-la’aan iyo xeelado gurracan sidee uga ruqaansan kartaa fadhiidnimo ay ku curyaantay?

Tolkaan Jilib-carro iyo Xeer lahayn, Waa Isku Jabayaa!
(Dhuurcas)

No comments:

Post a Comment