Saturday, October 13, 2012

Rag iyo Dumarow Ogow


Rag iyo Dumarow Ogow


Rag iyo dumarow ogow
Riyada reer kuma dhismee
Run buu ku nagaanayaa
Rafiiq buu doonayaa
Haddaan la is raalli gelin
Barwaaqo raarantoo
Cishqiqu wuu ragaadayaa
Jacaylkuna wuu ridbaday
Ra’yigoo la is dhaafsadaa
Rasmiga lagu gaarayaa

Markaasaa raalliya
Ninkuu calaf raaciyaa
Nolosha u riyaaqayaa

Markay tolo raaran tahay
Rabbaa lala kaashadaa
Dantoo la iska raaridaa
Samaha lagu raadiyaa
Rug iyo guri lagu dhisaa
Raxmaad soo da'aa
Ramaasku soo baxaa
Rucubta laga soo gurtaa
Rayrayn lagu waarayaa
Raaxada loo wada jiraa

Markaasaa raalliya
Ninkuu calaf raaciyaa
Nolosha u riyaaqayaa

Friday, October 12, 2012

Gobsanaa Hablahayagu


Gobsanaa Hablahayagu

Marka guudka loo dabo 
Timaha gidifka loo xiro
Tirsadaan gu’-qaangaar 
Geyaankoodu soo baxo 
Ee geedka loo galo
Wada hadasho guurtidu
Gacan qaadku uu dhaco 
Laga keeno guunyada
Gibladiyo ciyaaraha 
La gingimo arooskii
Waa gaari nolol wacan 
Lagu soo gardaadshee
Gobsanaa hablahayagu!

Xubno wada garaaro le 
Itaal gedo lixaad le 
Tima goray haldhaaga 
Af madow gunudku yahay 
Maarriin gun iyo baar 
Ku mannays
tay guull
uhu
Gobannimo asiiliya
Markay guri timaaddee
Xishood aan gaboobayn
Qurux aan gaddoomayn
Maarriin casaan galay
Waa midab u gaaree
 Gobsanaa hablahayagu!

Thursday, October 11, 2012

Ha Noqonin Heeryadiisa Cune


Wax badan baan hogotusaal
Hoos iyo korba wax ugu iroo
Meel kale aanan hillane
Bal taydana aan hinjiyo
Naftayda mar aan la hadlo
Hirarka suugaanta galo
Sidii haan boos ahayd
In badan hoos wax loogu shubin
Dhaaxay waanadu hoddee
Bal aan heesaha ku dayo
Harkiyo labadiisa galin
Habeynku waa is riixayaan
Adduunna hawl kama dhammaan
Intaad higso leedahay
Hohey, mawdkuna ku hareer socdaa
Hadduna ma ogi goorey noqon

Waxaan heedhe aan ku iri
Ama hooy aan ku iri
Hagagga lama daadiyee
Jeceylka hantaqada ka daa
Ha noqon heeryadiisa cune

Hubsiino ayaa la yiri
Hal baa lagu doorsadaa
Waxaadan helayn
Adoo ka haraa habboon
Habaar-qabe ha noqonin
Hanfade sida haadka lala
Hikaaddu u dhaadhacayn
Cidiba aan abaal u hayn
Habluhu waa walaalahaa
Haweenku sida hooyadaa
Horaadka ku jaqsiisaysoo
Iyaga hagar lagama galo
Kalgacal hubuq laguma rido
Dadka ruuxii kuu handada
Amase hagaagga jecel
Iyaga waa lagu hirtaa
Hayeh baa qalbiga u roon

Waxaan heedhe aan ku iri
Amase hooy aan ku iri
Hagagga lama daadiyee
Jecaylka hantaqada ka daa
Ha noqonin heeryadiisa cune

Erayda: 
1- Hillane: godlin; irmaansan.
2-Hinjiyo: kor u xanbaaro; xoog u qaado.
3- Haan boos ah: haan wax badan lagu dhaqmay.
4- Hoddee: gabtee; khatashee.
5- Hadduna: wadkuna; geeriduna.
6- Hagagga: Hadalka, hadal kale laga horkeeno; muran.
7- Heeryo: waxyaalaha awrka la saaro.
8- Hanfade: waxba aan hubsan; fudude.
9- Hubuq/Hantaq: meel lagu dhaco oo lagu waxyeelloobo sida hogga.
10- Handada: weyddiista ama wax ku warsada.

Wednesday, October 10, 2012

Basarka Geela loo Dhaqo (Galayax)

Basarka Geela Loo Dhaqo 
(Cabdi-Galayax Maxammad Aw-Magan)  

   Haddaan baawar kama waayayee, bilo dhaqaaleeyo
  Barrimada caleenta leh haddaan, bariba meel geeyo
  Markay balaxsi doontana haddaan, dhanaha boobsiiyo

  Bartuu faran ku yaallana haddaan, baalash kaga jiido
  Middii aan dhukaan bido haddaan, biimo ku ogaado
  Goortii ay bogsootana haddii aan, bari ka fuudsiiyo

  Haddaan baanto xooluhuba way, badan xumaadaane
  Baadida lumaysiyo haddaan, baylah ka ilaalsho
  Bahalkiyo waraabaha haddaan, Baar ka celinaayo

  Haddaan baytimaal kuma gashee, buro xannaaneeyo
  Inay bulanto mooyee haddii, bixinta loo diido
  Haddaan naago kuma baayacee, baali laga dhiibin  

 Barbaarnimiyo doobnimo haddaan, baaqi ku ahaado
 Anigoo basaas qaba haddaan, bawdka hore seexdo
 Boolbaraha ciiddiyo haddaan, boorashka u jiifo

 Waa baxarka gelee haddaan, bire ku haaneedo
 Bakhayl magac ma yeeshee haddaan, bixiyo dheefteeda
 Haddaan labanka Boodey martida, ugu bashaasheeyo

 Bun haddaan u dubo oo wadaad, Baro ku yaasiimo
 Haddaan baraha jiilaal kobtii, baadle ku ekeeyo
 Oon baagamuuddiyo u huro, inaan ka baashaalo

 Bandarrada magaaliyo haddaan, balad u moogaado
 Buugtiyo iskuullada haddaan, barashadood daayo
 Haddaan kabo banbiira ah toshiyo, rabarka baabuurta

 Haddii aanan bashlaynine xarrago, baal isaga tuuro
 Baqoole iyo guuraba haddaan, baadhi la ahaado
 Bilaheeda oo idil haddaan, Baayir daba joogo

 Barigay dhalaysana haddaan, boqon ku seeteeyo
 Barqin horada laba goor haddaan, baaciyoo celiyo
 Goortay cabbaar biliqsatay, meel is babacdaaye

 Bishamaha madow iyo markay, buulka hore keento
 Bisinkiyo haddii aan u maro, baabaddii nabiga
 Haddaan nirigta beydaanka dheer, bogga ka soo jiido
 Bishaaraan iraahdaa intaan, bururo raynrayne

 Basarka geela loo dhaqo haddaan, baab walba idleeyo
 Intaasoon ku baaqtamay haddaaan, been ka dhigi waayo 
 Sow badashadiisu waa wax yare, boqol ma dhaafaayo 

Erayada;
1- Baawar: awood; af-Ingiriis (power).
2-Barrimada: meelaha; goobaha.
3- Balaxsi: milix-qaadasho.
4- Faran: ka-soobax; wax oogada ka soo baxay.
5- Biimo: meel halis ah. Wuxuu u jeeda geela kale laga dhex saaray.
6- Dhukaan: cudur halis ah oo geela ku dhaca.
7- Baylah: dayac; cidlayn.
8- Baar: hal magaceed.
9- Bawd: darbiga xerada xoolaha ama ardaaga; mus; gaso.
10- Boodey: hal magaceed.
11- Bandarrada: Bandar asal ahaan waa Faarisi waana dekad; magaalooyinka xeebaha ku yaal buu ula jeedaa.
12- Baadhi: waa Af-Ingiriis (party); wuxuu ula jeedaa aan mar walba la joogo.
13- Baayir: hal magaceed.
14- Boqon: xarigga seedda xoolaha laga sameeyo.
15- Seeteeyo: xarig lugaha uga xirid; dabrid.
16- Biliqsatay: jeenjeesi; hadba dhinac aadis.  
17- Beydaan: sur; luqun.
18- Basar: hab; sida; qaab.   
  

Tuesday, October 9, 2012

Gaal Maxasta Kuu Nabadgashoo Magansataa Dhaama "Bariir"


Gaal Maxasta Kuu Nabadgashoo, Maganstaa Dhaama
                                 (Maxamuud Axmad Cali "Bariir")

  • Badda mootan meydkii Fircoon, baa la moosiyaye
  • Sir mitaminiyo meeqaanba way, kala masoobaane
  • Kolkii ay majaro leexatee,  xaajo marin dhaafto
  • Murti qodob ku miisaaman baa, muranka noo dhaanta
  • Madi cararta maqasheeda-koris, minow san baa dhaanta
  • Marwo hadal xun maangaab ninkeed, maqasha baa dhaanta
  • Magoog been ah talo muuqatoo, marag leh baa dhaanta
  • Hal miirshaw leh maya oo tidhaa, milow horaa dhaanta
  • Mayey aafo miidhan ah abaar, mudhuxsan baa dhaanta
  • Haddaan xididku maamuus lahayn, ma lihi baa dhaanta
  • Mirta weerar dirir maalinoo, rag is madhshaa dhaantaa
  • Mataan midiq ah laas miir ah baa, kuu mitabis dhaama
  • Boqorkii mallay dabi midgaan, xadhig martaa dhaama
  • Masjidkii cibaadada ka madhan, lama mudaa dhaanta
  • Mufti nacab ah Aw kula masoo, macallinaa dhaama
  • Walaalkaan mushaawiro lahayn, maqanahaa dhaama
  • Malab sun ah mariid laga kacaa, muudsashada dhaama
  • Muslinimo nimaan kugu dhaqayn, mu'minimo khaas ah
  • Gaal maxasta kuu nabadgashood, magansataa dhaama



Monday, October 8, 2012

Miyaan Xalayto Jiifsaday?


Jiidhku muu dubaaxsheen 
Nafta oon ku jirine
Cirku jabaq ma keeneen
Hadday jirin daruurtuye
Ifka la maba joogeen
Dhulka oon la jiifine
Ogoobeey jacaylkuna
Waxaan jirin hadduu yahay
Jalleecadaan ku eegaba
Jirro i ma haleesheen 
Mana jiriricoodeen
Intaan jaah wareeree

Miyaan xalayto jiifsaday
Jirjirkaba miyaan dhigay
Riyaad igu la joogtee


Micidii dhul jiiftiyo
Jillab qodax leh waa halis
Haddaad guuro jiidhee
Jiic iyo Cadaad le
Jiir waad ku xirantaa

Jeerin uu ku yaallee

Jidiin wuxuu caddaadaa
Ama oon ku jabiyaa
Markaad jeex abaariyo
Jid cidla ah lugaysee
Jabka kaa ka sii daran
Hayay waa jacaylkee

Miyaaan xalayto jiifsaday
Jirjirkaba miyaan dhigay
Harkaagay i la joogee 

Sunday, October 7, 2012

Ha La Yaabin Waayaha


Ha La Yaabin Waayaha

Adduunyadaan yihiinka ah,
Qarniyadaan u-yaalka ah
Tariikhdaan yul-yuladka ah
Waqtiyadaan yuraynta ah
Dharaarahaan yahoonka ah
Habeynnadaan yahoolka ah
Dhacdadaan yaqiinta ah;
Waxaan shaleyto yeelaan
Maantana la yaabaa

Hadduu hilibku yaal yaal;
Oon haadka yowga ah
Laga odhan yaliyo dhaaf
Dugaaggana yur laga dhihin
Yeeshaad ka fara madhan
Yeelmada kabaha go'an
Yalla ulakac wuxuu yidhi
Ha la wada yaxooboo
Hammi yuuqan ha lagu karo;

Yuuq-yaaq maxaa dhalay?
Yaw-yaw maxay tahay?
Maxaa sheekadii yugay?
Yeel-diidday ku ekeyd
Hadalkaan isyeelyeel
Iyo yaabis laga dhigay
Midka aan yagleeshee
Hayabaa Hayabaa Hayabaa 
Hayabaa Hayabaa cayaar dhaha

Waxaad soo yabaashaba,
Ood soo yabyabataba
Ood soo yuhuuntaba
Yididdiilo oloshaba
Markay kaa yaraataba
Yaa waxaad tidhaahdaa
Dhibka aad la yoontee
Ha la yaabin waayaha
Yib baa dambaysee
.